XULASHADA HOGAAMIYAYAASHA:
QAYBTII LABAAD WAA KUMA
SADDAM XUSEEN
Qaybtii hore ee Waa Kuma
Saddam Xuseen waxaynu kaga
hadalnay taariikh
nololeedkiisi, soo
koritaankiisi saaxadda
awoodeed ee dalka Ciraaq,
iyo awooddii baaxada lahayd
ee uu ku yeeshay Xisbigii
Hantiwadaaga “Bacath”
iyo weliba bedelkii u u
bedelay Madaxweyne Al Bakr
ee uu ku noqday Madaxweynaha
dalka Ciraaq, dibu
shandhayntii uu ku sameeyey
maamulka sare ee xisbigiisa
Bacath.
Hadaba
qaybtani labaad waxaynu ku
soo qaadan doona Dagaalkii
Saddam Xuseen la gallay
waddanka Iran, qabsashadii
uu qabsaday Kuwati iyo
dagaalkii aan dhamaadka
lahayn ee ka bilawday
gacanka Carbeed
DAGAALKII IRAQ IYO
IRAN
Sannadkii
1979-kii waxaa afgambi
hogaanka Iran lagaga
xayuubiyey Boqorkii Sunni-ga
ahaa ee waddanka Iran
xukumaayey Boqor Shah
Mohamed Reza Pahlavi
waxaana afgambi hubaysan
tallada dalka Iran kula
wareegay, hogaamiyahii
kacaanka Islaamiga ahaa ee
mudada badan dalka Iran
musaafuris dibadiisa ugu
maqna waa Ayatullahi
Khumaini, Khumaini iyo
wadaadadii shiicada ahaa ee
ku wareegsana waxay Iran ka
yagleeleen Jamhuuriyad
Islaami ah, taasina waxay
war war ku reebtay dalal
badan oo carbeed oo xidhiidh
sokeeye la lahaan jiray
dalka Iran oo shiico badan
ku leh dhulkooga sida
Waddanka Ciraaq oo Saddam
Xuseen uu taxadar weyn ka
muujin jiray inuu ka tirtiro
ama aan Ciraaq gudaheeda
aanay ku baahin nidaamka
Islaamnimada ama diinta ku
xidhani Maadama oo dadka
Ciraaq %60 ama badankood ay
yahiin dad Shiico ah oo ku
hoos noola dawlad xukunkeeda
sare tahay Sunni, Saddam
Xuseen wuxuu u arkay
Khumaini iyo nidaamkiisa
cusub ee uu ka yagleelay
Tehran inay khatar gelin
karto xukunkiisa iyo weliba
awoodiisa uu ku lahaa
mandaqadda.
Ayatullahi Khumaini
Sidoo kalana intii uu
Khumaini musaafuriska kaga
maqna Iran Gudaheeda wuxuu
talxiil ku joogi jiray
waddanka Ciraaq gudahiisa
halkaasi oo intii uu joogay
waa sannadahii u dhexeeyey
1964-kii ilaa 1978-kii,
Saddam Xuseen shaki weyn ka
muujiyey Ayatullahi khumaini
oo waagaasi Karballa iyo
magaalooyinka Shiicadu degto
Ciraaq gudaheeda ka aas
aasay dhaq dhaqaaqyo u jan
jeedha Shiicada Muslimka ah,
Sannadkii 1978-kii ayuu
Saddam Xuseen ka
musaafuriyey Ayutallahi
Khumaini Ciraaq gudaheeda,
hadaba Sannad ka dib markii
uu Khumaini qabsaday
hogaanka Sare ee dalka Iran
waxaa bilaabmay shaki weyn
iyo weliba necayb gun weyn
oo salka ka soo bilawday,
Maadama Saddam Xuseen
taxadar weyn aalaba ka bixin
jiray in uu arko nidaam
salka ku haya dhaq dhaqaaqyo
islaam, wuxuu go’aan ku
gaadhay inuu ka takhaluso
ama xukunka Ayatullahi aanu
ku raagin Tehran.
Muddo bilo ah ka dib markii
Ayatullahi Khumaini la
wareegay hogaanka Dalka Iran
waxaa labada dal waa Ciraaq
iyo Iran xuduudka labada dal
ku dhex maray dagaalo
yar-yar oo googoos ahaa oo
labada ciidan ay iskaga
horyimaadeen kuwaasi oo
hadafkoogu ahaa muran
dhuleed oo xuduudka labada
dhinac ku dhereran dhulkaasi
oo ahaa Biyo mareenka “shatul
Arab” oo labada dalba
sheegan jireen.
Biyo mareenka shatul Arab oo
ay ciraaqiyintu garacayaan.
Bishii September 22-keedii
Sannadkii 1980-kii ayaa
labada dal waa Ciraaq iyo
Iran waxaa xuduudka kala
qaybiya ku dhex marray
dagaal qadhaadh oo aan
joogsi lahayn, kaasi oo
salka ku hayey muran
xuduudeed oo ay ku muran
sanaayeen biyo mareenka “Shatul
Carab” dagaalka waxaa
bilaabay Saddam Xuseen oo
taageero military iyo
dhaqaalaba ka helaayey
Midawgii Soveitka iyo dalka
Maraykanka labadoodaba
kuwaasi oo aan doonaynin
inay arkaan Kacaan Islaami
ah oo ka bilawda Mandaqadda
beriga dhexe iyo dunida
Islaamka.
Saddam
iyo Rumesfeld oo kulmaya
Maalmahii dagaalku bilawday
waxaa labada ciidan ee
labada dhinac is dhaafsadeen
dagaal xoogan oo dhinaca
dhulka ah, Ciidamada Ciraaq
waxay garaac xagga
gantaalaha ah oo aan joogsi
lahayn ku ganeen dekedaha
waddanka Iran iyo dhulka
Saliidda iyo bansiinka ku
qaniga ah ee Iran waa
gobolka carbeed ee loo
yaqaano “khuseztan”
waxaa ciidamada dhulka ee
Ciraaq ay heleen guulo badan
oo ay ka gaadheen dhinaca
dhulka iyaga oo hore ugu
ruqaansaday xuduudka
baaxadda weyn ee labada dal
kala qaybiya balse Ciidamada
Iran waxay abaabuleen inay
isku biimeeyaan cutubyada
dagaal ee dhulka ee dalka
Ciraaq iyaga oo miinooyin
isku soo rakibaayey iskuna
dhex qarxinaayey iyaga oo
biimays ah (Human wave
shield) , taasi waxay
khasaaro laxaadleh u
gaysatay ciidamadii waddanka
Ciraaq ee guulaha dhuleed
hellay waxaanay ku khasabtay
inay dib usoo gurtaan.
Sannadkii 1982-kii laba
sanno ka dib dagaalka labada
dal markii uu bilawday ayaa
Saddam Xuseen wuxuu dejiyey
nidaam kale oo uu ku
doonaayey in dagaalka labada
dal ku joogsado, Iran
laftigeedu waxay qabtay
dareen ah in ay faraha la
gashay dagaal qadhaadh oo
aan maskaxdooda weligood ka
bixi doonin, kaasi oo labada
dhinacba ay gaysteen
foolxomooyin dagaal, intii
uu dagaalka labada dal
socday Ciidamada Ciraaq
waxay u adeegsadeen
ciidamada Iraniyiinta iyo
weliba Kurdiyiintii
kacdoonka wadday Hubka
khatarta ah ee Kimikalka
(Chemical Weapons), Bishii
March 16-keedii sannadkii
1988-kii Ciidamada Ciraaq oo
doonaayey inay tirtiraan ama
dhulka dhigaan Shacabka
Kurdiyiinta oo kacdoon
sameeyey ayaa waxaa iskaga
horyimid kumanaan qof oo
mudaharaadayey magaalada
Halabja iyo ciidamada
waddanka Ciraaq, dabadeed
Ciidamada Ciraaq waxay u
adeegsadeen Maadooyin ka
samaysan sunta kimikalka ah
iyo weliba sun ka samaysan
kuwa neerfaha bini-aadmiga
waxyeeleeya (Chemical and
nerve danger poisons)
waxaana halkaasi ku naf
waayey dad tiradooda lagu
qiyaasay shan kun (5000 oo
qof) oo kurdiyiin ahaa oo
iskugu jiray maati, caruur
iyo dad aan waxba galabsan,
inkasta oo dhimashada
dadkaasi la sheego mararka
qaarkood in la buun buuniyey
sidoo kalana la sheego in
suntan ay ku dhinteen aan la
garan Karin meel ay ka timid
iyadoo wakhtigaasi dagaal
culusi u dhexeeyey labada
dal ee Ciraaq iyo Iran.
Xiisadda dagaal ayaa sii
fogaatay Saddam Xuseen wuxuu
garaacay albaabada dalalka
carbeed isaga oo ka
raadsanaayey taageero
dhaqaale iyo weliba
diblomaasiyadeed si uu
xukunka uga xayuubiyo
Ayatulahiyada Tehran, Sidoo
kale Taliskii Tehran iyo
Ayutallahi Khumaini wuxuu ku
adkaystay inuu doonaayo inuu
diirka ka saaro fikradaha
qalafsan ee Saddam Xuseen ee
ka dhanka ah in kacaanka
Islaamku ku fido gudaha
dalka Ciraaq, waxaanu
Khumaini sannadkii 1988-kii
ku gacan saydhay xabbad
joojin uu dalka faransiisku
usoo bandhigay labada dhinac.
Maydka oo daadsan xuduudka
labada dal kala qaybiya
iran-iraq
Dabayaqadii
sideedtameeyadii ayaa labada
dal waxay joojiyeen
dagaalkii Sideed sanno
jirsaday waxaana lagu
qiyaasay inay ku naf waayeen
dad tiradooda lagu qiyaasay
1.7 milyan qof oo labada
dhinacba ah, sidoo kale
waxaa ku burburay hanti dhan
80 bilyan oo dollarka
maraykanka ah, Amaah badan
oo Saddam Xuseen ka qaatay
dalka maraykanka Maamulkii
Reagan ee waagaasi ayaa
wuxuu isbiday Saddam inuu
yahay nin aan la ceejin
Karin oo ah geesiga carbeed
ee tahli kara inuu soo celin
karo xuquuq kasta oo dadka
carabta ahi sheeganayaan,
sidoo kale Saddam kuma ekayn
Amaahda uu ka qaadanayey
dalka maraykanka eh wuxuu
Amaah badan ka soo qaatay
wadamo badan oo carbeed oo
saliidda qanni ku ahaa sida
Kuwait iyo Sacuudi Arabia,
ka dib dhamaadkii dagaalkii
qadhaadha ee Iran iyo Ciraaq
Saddam Wuxuu markale carabta
ka dalbaday lacag amaah oo
kale si uu Ciraaq dibu dhis
ugu sameeyo.
XIISADDII DAGAAL EE
CIRAAQ IYO KUWAIT
Saddam Xuseen wuxuu
cadaadis ku saaray dalka
Kuwait inay ka dhaafaan
lacag amaah ah oo qiimaheedu
dhannayd 30 Bilyan oo
dollarka maraykanka ah oo uu
ka qaatay wakhtigii uu ku
jiray dagaalkii Iran,
wuxuuna ku doodaayey in uu
dagaalka ugu jiray danta
wadamada gacanka Carbeed iyo
weliba dalkiisa Ciraaq oo uu
ka dhicinaayey gardarada
dalka aan carabta ahayn ee
Iran oo doonaayey inay
weeraran waa siduu
aaminsanaaye dalalka qanniga
saliidda ku ah ee carbeed
sida Kuwait, Sacuudi Arabia
iyo isku tagga Emirate ka
carabta, waxaanu u sheegay
Amiiradii Kuwait in uu
Kuwait ka bad baadshay
gardaradii Iran sidaa
darteed aan lalaba soo qaadi
Karin lacagtaa Amaahda ah.
Sidoo kale Saddam Xuseen
wuxuu cadaadis ku saaray
ururka dalalka qanniga ku
ah Saliidda adduunka (OPEC)
inay kor u qaadan qiimaha
adduunka saliidda ay kaga
iibinayeen sababta oo ah
isaga oo doonaayey inuu
iskaga bixiyo amaahdii
badnayd ee lagu lahaa
dalkiisa iyo weliba inuu kor
ugu qaado dhaqaalaha
waddankiisa oo ku burburay
dagaalkii uu Iran la gallay,
balse soo jeedintaasi uu
Saddam usoo jeediyey OPEC
inay kor u qaadan qiimaha
Saliidda waxaa ku gacan
saydhay dalka Kuwait
waxaanay Kuwait taageero
laxaadleh ka gaysatay olole
balaadhan oo ay u gasho in
saliidda qiimahii ay
taagnayd hoos loogaba sii
dhigo, iyadoo Ciraaq
wakhtigaasi doonaysayba in
qiimahaasi kor looga qaado,
Kuwait waxay soo saartay
Saliid badan oo Suuqa si
baaxadleh u gashay si
saliidda adduunku hoos ugu
dhacdo, taasina waxay ka
cadhaysiisay Saddam Xuseen
iyo Maamulkiisi.
Midda kale ee meesha
taallay waxay ahayd iyadoo
Ciraaq ay dayacday ceelal
badan oo ku yaallay xuduudka
u dhexeeya Ciraaq iyo
Kuwait, kuwaasi oo muran
siyaasadeed dhex galiyey
labada dal, sidoo kale
Saddam Xuseen oo shakhsiyan
u aaminsana midaynta carbeed
ayaa wuxuu ku tirin jiray
Kuwait qayb ka mid ah Ciraaq
oo maxmiyaddii ingiriisku ka
jartay, taasi oo caan ku
ahayd goobaha waxbarashada
iyo manaahiijta Ciraaq
ardayda reer Ciraaq-na u
barran jireen juquraafi
ahaan inay Kuwait ka mid
ahayd dalka Ciraaq, Saddam
Xuseen wuxuu dejiyey qorshe
uu doonaayey inuu Kuwait
dhamaanteed kula wareego
maadama oo maraykanka uu
taageero badan oo
diblomaasiyadeed ka haystay
uuna isku tiriyey inuu yahay
libaaxa mandaqadda,
Dalka Kuwait dabcan waa dal
Juqraafi ahaan ka yar Ciraaq,
Kuwait bulshadeeda ama
dadkeeda waxaa lagu qiyaasa
2 milyan oo qof, halka
Ciraaq dadkeeda lagu qiyaaso
25 milyan oo qof, Kuwait
waxay leedahay Ceelal
saliideed oo le’eg tirada
ceelasha saliidda ee ku yaal
dalka Ciraaq gudahiisa
(Saddam Xuseen wuxuu ku
fikiray haddii uu Kuwait
qabsado wuxuu taageero kaga
helaya maraykanka iyo
sovietka sidoo kalana wuxuu
kula tartami karaa suuqyada
saliidda adduunka oo uu ku
yeelan karo %20, oo ah
kaydka saliideed ee labaad
ee adduunka ugu badanaya
marka laga reebo waddanka
Sacuudi arabiya oo leh kayd
saliideed oo dhan %25
adduunka oo dhan)
Saddam Xuseen wuxuu amar ku
bixiyey in Saliidda ku jirta
ceelasha xuduudka Ciraaq iyo
Kuwait oo muran ka dhexayn
jiray la qodo saliidana laga
soo saaro, taasi waxay ka
cadhaysiisay Boqortooyadii
Kuwait oo u arkaysay inay
tahay gardaro uu Xuseen la
soo beegsaday, Saddam wuxuu
waagaasi xidhiidh toos ah la
lahaa wasaaradda arrimaha
dibadda ee maraykanka oo uu
ku wargelin jiray
tallaabooyinkuu doonaayo
inuu qaado, balse
diblomaasiyiin Madax banaan
ayaa xaqiijinaya inaan la
caddayn Karin waxay
wasaaradda ama waaxda
arrimaha dibadda ee
maraykanku waagaasi ugu soo
jawaabi jirtay Saddam Xuseen.
Saddam Xuseen waagaasi
wuxuu lahaa ciidamo aad u
tababaran oo ka soo laabtay
dagaalkii Iran oo haysta
qalab casri ah iyo weliba
tababar aad u heer sareeyey,
wuxuu amar ku siiyey
ciidamada Ciraaq inay tagaan
xuduudka Kuwait, waxaa
xumaaday xidhiidhkii labada
dal waa Ciraaq iyo Kuwait,
balse Saddam kuma uu deg
degin inuu weerar kadis ah
la beegsado Kuwait wuxuu ka
dhur sugay inuu war ka helo
maraykanka oo ay aad iskugu
dhawaayeen diblomaasiyad
ahaan, Maraykanku wuxuu
siiyey Saddam markii uu ku
jiray dagaalkii Iran lacag
dhan 40 Bilyan oo dollar oo
amaah ah sidoo kale wuxuu
deeq u siiyey 2 bilyan oo
dollar oo uu saddam Xuseen
ka doonaayey in uu
xidhiidhka u jarro Sovietka.
Safiirkii Maraykanka u
joogay Baqdad oo magaciisa
la odhan jiray April
Glaspie ayaa wuxuu kulan
deg deg ah la yeeshay Saddam
Xuseen 25 July sannadkii
1990-kii, Saddam Xuseen
wuxuu dhinaciisa doonaayey
inuu sii wado wada hadal
nabadeed, xagga maraykanku
doonaayey inuu ku qanciyo
fikradahiisa khaaska ah oo
uu doonaayey inuu ku qabso
Saddam inuu si bilaa shuruud
ah dib ugu soo celiyo
ciidamadiisa uu u diray
xuduudka Kuwait, sidoo
kalana ka noqdo
sheegashadiisa uu
sheeganaayey Kuwait inay
tahay qayb Ciraaq ka mid ah,
sidoo kale Madaxweyne George
H. Bush iyo wasiirkiisi
Arrimaha dibadda James Baker
waa ka gaabsadeen inay wax
lug ah ku yeeshaan muranka
xuduudeed ee labada dal waa
Ciraaq iyo Kuwait sidoo
kalana may jeclayn inay
arkaan Ciraaq oo Kuwait
weerarta.
Saddam Xuseen wuxuu
magacaabay ergey gaar ah oo
wada xaajood Kuwait kula
yeesha sidii xal loogu heli
lahaa murankooga, waxaanu
mar kale bilaabay inuu wada
xaajood la yeesho balse
kulan labada dhinac dhex
maray ayaa lagu guul
daraystay in wax xal ah laga
gaadho, ka dib guul
darradaasi ku timid
hanaankii wada xajood ee
labada dal, Saddam Xuseen
wuxuu amar ku bixiyey in
ciidamadiisu geli karaan
gudaha dalka Kuwait
DAGAALKII GACANKA
CARBEED IYO LUGTII UU KU
YEESHAY SADDAM XUSEEN
2-dii August
Sannadkii 1990-kii ayaa
Ciidamadii Ciraaq oo si toos
ah uga amar qaadanaya Saddam
Xuseen waxay galeen Kuwait
waxaanay ku qabsadeen wax ka
yar 5 saacadood gudaheed
dhammaan dalka Kuwait,
Maalmahii ugu horaysay ee
dagaalka Madaxweyne George
H. Bush-kii dalka maraykanku,
wuxuu uga hadlay si dareen
ku jiro gardarada Saddam
Xuseen ku qabsaday Kuwait,
balse hadana dhinaca kale
Kuwait oo ahayd cadawga
koobaad ee Israel xidhiidh
diblomaasiyadeed oo adagna
la lahayd Sovietka ayuu ka
gaabsaday inuu faragelin
toos ah ku abaaro, dhinaca
kale ayaa khubaro Militery,
Siyaasadeed iyo dhaqaale oo
ka socday Washington iyo
beriga dhexe waxay wal wal
weyn ka bixiyeen burbur weyn
oo ku soo foodleh balaayin
dollar oo dalka maraykanku
mandaqadda beriga dhexe ku
maal gashaday, taasina waxay
baqdin ku keentay maraykanka
oo ku taliyey inaan xaaladda
sidaasi loo daawan, iyada oo
baqdin weynna ku dhufatay
dalka maraykanka oo ahaa mac
miisha ugu weyn ee
mandaqadda oo ka qaadan
jiray saliidda iyo bansiinka
inuu kor u kaco amaba
dhammaan la waayo bansiinka
beriga dhexe baqdin military
awgeed.
Madaxweyne
George Hebert Bush-kii dalka
maraykanka oo ka maag
maagaya inuu dhex gallo ama
ku lug yeesho arrinta Saddam
ku qabsaday Kuwait ayaa
wuxuu hadana ka maarsiin
wayday inuu wada xaajood ula
tago dalka Britain oo
waagaasi xidhiidh jirrid
adag la lahayd waddanka
Kuwait oo ahaa Maxmiyadiisi
hore, Maraykanka oo
kaashanaya tallada ra’isal
wasaarahii ingiriiska ee
waagaasi Margret Thatcher oo
ahayd gabadh adag oo
Madaxweynahii Bush ka
horeeyey waa Reagan si weyn
ula soo shaqaysay ayaa wuxuu
soo hordhigay golaha
ammaanka ee qaramada
midoobay qaraar dhigaayey in
ay Ciraaq ciidamadeeda kala
baxdo dhulka Kuwait ama ay
la kulanto tallaabo military
oo adduunku iskugu bahaysan
doono, qaraarkaasi waxaa
sidoo kale lagu qanciyey
midawgii Sovietka oo
wakhtiyadaasi burbur ku
dhawa, waxaana qaraarkaasi
ay beesha caalamku isku
raacday wakhti kooban oo ay
Saddam u qabatay inuu
ciidamadiisa kala baxo
Kuwait gudaheeda, balse
Saddam Xuseen waa diiday
wakhtigii loo qabtay inuu
ciidamadiisa kaga soo saaro
Kuwait gudaheeda, dhinaca
kale Maamulkii Bush ee
Washington wuxuu waagaasi
shaki weyn ka qabay in uu
Saddam Xuseen Kuwait uga sii
tallaabi doono Boqortooyada
Sacuudi Arabia oo maraykanka
ka dhexeeyey xidhiidh soo
jireen ah oo xidido badani u
aasnaayeen ilaa 1940-kii,
sababta uu shakigaasi
maraykanka u gallay oo ahayd
in boqortooyada Sacuudi
arabiya ay ku mucaariday
qabsashada uu Saddam
Qabsaday Kuwait.
Wixii
intaa ka danbeeyey
Washington waxay amar ku
bixisay in ciidamo qaramada
midoobay ka kooban ay u
hogaamiso gacanka carbeed,
waxaa kumanaan ciidamada
maraykanka ah oo ay
xulafaysan yahiin ciidamo ka
kala socda waddamo kala
duwan siiba waddamadii
Ciraaq ugu dhawa sida Syria,
Masar iyo weliba Chzolovakia,
ahmiyadda qorsheed ee
ciidamadan is bahaystay
waxay ahayd in Ciidamada
Ciraaq la go’doomiyo si
loogu qasbo inay Kuwait ka
baxaan waxaa ciidamadaasi la
tubay Xuduudka ay Kuwait la
leedahay dalka Saudi Arabia.
Waxaa beriga dhexe soo food
saartay cabsi military oo
adduunku iskugu bahaystay
cududii military ee
mandaqadda beriga dhexe waa
ciidamada Ciraaq eh,
wakhtigaasi ayaa qaramada
midoobay waxay soo saartay
wakhti kooban oo marlabaad
Saddam Xuseen loogu baaqay
inuu si nabad ah
ciidamadiisa uga saaro
gudaha Kuwait haddii uu
doonaayo inuu wada xaajood
beesha caalamku u dhantahay
gallo.
Gantaalaha Ciraaq oo
ku habsaday Televiv
Balse Saddam Xuseen waa ku
gacan saydhay wakhtigaa kama
danbaysta ahaa ee loo soo
jeediyey inuu ciidamadiisa
kaga saaro Gudaha Kuwait,
wakhtigaasi waxaa soo
cusboonaaday xiisadda
falastiin iyo yuhuudda
waxaana si weyn u kacsana
shacabka falastiniyiinta oo
u halgamaayey xorriyad,
wuxuu Saddam Xuseen beesha
caalamka usoo jeediyey inuu
Kuwait ka baxayo haddii
Israel ka baxdo dhammaan
dhulka ay carabta ka haysato
wuxuu markaasi ciyaaray
siyaasad aad u fakir
saraysay oo uu doonaayey
inuu ku kala qaybiyo dalalka
carbeed ee xulafada kula
ahaa maraykanka qaraarkii
qaramada midoobay, taasi waa
dhabawday wadamo badan oo
carbeed ayaa ku kala baydhay
arrintaasi, balse markii ugu
danbaysay ayaa la isku af
gartay in la kala saaro
arrinta falastiin iyo
yuhuudda iyo arrintani
Ciraaq iyo Kuwait, xiisadda
dagaal ayaa saaqday dhammaan
gacanka carbeed iyada oo
saacaddu is tirinaysay,
dhinaca kalana Ciidamada
Ciraaq ee ku jiray gudaha
Kuwait iyo weliba kuwa ku
xeerna xuduudka Ciraaq ayaa
lagu qiyaasay inay ahaayeen
175000 (boqol iyo shan iyo
todobaatan kun oo askari),
Ciidamada maraykanka oo
xulafaysanaya kuwa
ingiriiska ayaa soo gallay
gudaha ciraaq, waxaanay
haraareyeen ciidamadii
Ciraaqiyiinta ahaa ee ku
jiray ciidda Kuwait, xagga
diyaaradaha dagaalka
Fransiiska ee Miraj iyo kuwa
ingiriiska ee Tornado ay
garaaceen xarunta Ciraaq ee
Baqdad, sidoo kale
gantaalaha Al-Xusayn iyo
weliba Al-Cabasi ayaa
ciidamada Ciraaqiyiintu
waxay ka soo ganeen
badhtamaha Ciraaq iyagoo si
tallan taalli ah ula
dhacaayey xarunta Israel ee
Televiv si ay ugu noqoto
xulafada carbeed ee kula
jira dagaalka maraykanka,
france iyo ingiriiska
farriin cad.
Balse ugu danbayntii ayaa
cududii ciidameed ee gacanka
carbeed waa ciidamada Ciraaq
eh waxay tahli waayeen ama
awoodi waayeen inay dagaalka
kula sii jiraan xulafada is
bahaysatay oo ay ka mid
ahaayeen dalalkii dunida ugu
waaweyna waa laga qabtay
ciidamada Ciraaq 100,000
askari xagga ciidamada
maraykanka ay kaga dhinteen
ilaa 200 askari, sidoo kale
waxaa khasaare badani soo
gaadhay ciidamadii
Ciraaqiyiinta ahaa ee Kuwait
ku sugna, dabadeedna wuxuu
golaha ammaanka ee qaramada
midoobay oo ay gudoominayaan
Maraykanka, France,
Ingiriiska, Ruushka iyo
China ay ku dhawaaqeen
xabbad joojin buuxda in la
gaadho Saddam Xuseen waa
aqballay taasi, waxaana si
xoog ah ciidamadiisii looga
soo saaray qaarkoodna
maxaabiis looga qabsaday
gudaha dalka Kuwait.
DHAMMAADKII DAGAALKII
GACANKA IYO DHACDOOYINKII KA
DANBEEYEY CUNAQABATAYTII
QARAMADA MIDOOBAY
Markii dagaalkii
gacanku dhamaaday waxaa
shacabka kala duwan ee
Ciraaq sida
shiicada,Sunni-ga,
Kurdiyiintu ay dejiyeen
dariiq cad oo ay ku
midoobayaan sidii ugu yaraan
Ciraaq 20 sannadood oo
dagaal iyo xiisado
siyaasadeed ah looga saari
lahaa Saddam Xuseen-na loogu
qancin lahaa inuu sameeyo
siyaasad degen oo dunida
lagula socdo, balse waxaasi
oo dhan Saddam Cagta ayuu
mariyey, wuxuuna ku qasbay
dhammaan shucuubta
Ciraaqiyiintu inay amarkiisa
iyo odhaahdiisa ka
danbeeyaan, 1992-kii ayaa
CIA da maraykanku waxay
dejisay qorshe ay doonayeen
inay ku kiciyaan saddam
Xuseen dadkiisa balse taasi
waxay noqotay hal bacaad
lagu lisay waxbana waa ka
socon waayeen, maraykanku
wixii intaasi ka danbeeyey
wuxuu qaramada midoobay hor
dhigay qaraar dhigayey in
Ciraaq la saaro Cuna
qabatayn xagga dhaqaalaha
iyo inay dibadda wax ka soo
dhoofsadaan ama u dhoofiyaan
ah si loogu awood tiro
muruqyadii Saddam Xuseen.
Maraykanku wuxuu soo
jeediyey in la siiyo
Kurdiyiinta ku xeeran Ciraaq,
Turkiga iyo Iran xorriyad
kaamil ah oo ay ku lahaadaan
dal gaar ah, balse dalka
Turkiga ayaa ku mucaarida
ahmiyadaasi, taasi oo
maraykanku uga gol lahaa in
la helo xuduud kale oo lagu
cidhibtiro Maamulkii Saddam
Xuseen.
Saddam Xuseen wixii ka
danbeeyey dagaalkii gacanka
wuxuu bedelay siyaasadihiisi
uu ku dhaqmi jiray wuxuu
huwaday koodh kale wuxuu soo
jeediyey in dalka Ciraaq
lagu dhaqo qaab diimeed,
sidoo kalana laga mamnuuco
dalka waxyaabaha reer
galbeedku leeyahiin wuxuu
dil usoo jeediyey dadka laga
roonayaasha ah iyo weliba
dadka khamriga iyo sinnada
ku dhaqaaqa, sharciyadaasi
islaamiga ah waxaa lagu
darray sharciyo kale oo laga
soo araartay qawaaniinta
shiicada si loogu qanciyo
bulshada shiicada ah, sidoo
kale si beesha caalamka loo
tuso in aanay Saddam iyo
Ciraaq kala hadhayn waxaa
callanka Ciraaq lagu darray
kelmado uu saddam gacantiisa
ku qoray.
2003
IYO GELITAANKII CIIDAMADA
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA
CIRAAQ GUDAHEEDA
Saddam Xuseen wuxuu
ku jiray maanka maraykanka
baqdin looga qabbay inuu
maruun weeraro Xulafada
dalka maraykanka iyo weliba
dannaha maraykanka ee beriga
dhexe, maraykanku wuxuu
maanka ku hayey Saddam
Xuseen oo markale hella
awood ciidameed iyo dhaqaale
inuu khatar u yahay
jiritaanka Israel ama
maamulka Yuhuuda iyo weliba
boqortooyada Sacuudi Arabia
oo ay maraykanka wadaageen
xidhiidh saaxibtinimo oo aad
u qoto dheera, Madaxweyne
Bill Clinton wakhtigiisi waa
intii u dhexaysay 1993-kii
iyo 2000 eh wuxuu ku
cadaadin jiray Ciraaq
cunaqabataynta ay qaramada
midoobay saartay waxaa kale
oo uu sameeyey goobo laga
mamnuucay in ay diyaaradaha
ciraaqiyiinta ee rayidka iyo
weliba dagaalku maraan “Iraqi
no Fly-Zones” si loogu
xannibo Ciraaq inaanay
dhaafin ama ka talaabin
cunaqabataynta sidoo kale
maraykanku wuxuu bedda
carbeed dhigay
maraakiibtiisa dagaalka si
loo baadho ama loo ogaado
inay ciraaq galayaan wax hub
iyo raashin ah oo aanay
qaramada midoobay ogayn.
Hal sanno ka dib markii uu
Madaxweynaha hadda tallada
maraykanka haya waa
Madaxweyne George W. Bush oo
ah wiilka curdeed ee
Madaxweynahii dagaalka
Ciraaq ku bilaabay ee
maraykanka George Herbert
Bush la wareegay xilkii
Madaxtinimo waxaa dalka
maraykanka ka dhacay
dhacdooyinkii 11 September
ee daarahii dhaadheera ee
Ururkii ganacsiga adduunka
iyo weliba guriga
gaashandhiga dhulka loo soo
dhigay ee ay ku naf waayeen
tiro dad ah oo dhamayd 2500
oo qof, Madaxweyne George W.
Bush-ka dalka maraykanku
wuxuu qudbadiisa sannad laha
ah ee uu u jeediyo labada
gole ee dalka maraykanka ee
loo yaqaano “State of the
union address” ku
darray Ciraaq wuxuu ugu
yeedhay dalalka “Seefta
shaydaanka” “axis of
the evil” isaga oo
maalintaasi waa bishii
January ee sannadkii 2002 eh
ka khudbadaasi sannad laha
ah u jeedinaayey labada gole
ee maraykanka wuxuu yidhi
Bush “Taliska ciraaq wuxuu
caadaystay inay horumar ku
sameeyaan hub ay ku khal
khal geliyaan mandaqadda
beriga dhexe, waanu ognahay
in keligii taliyaha Ciraaq
(Saddam Xuseen) oo samaystay
huba khatarta ah ee
kimikalka sida suntan
neerfaha iyo weliba Maadada
Anthrax-ka.
Madaxweyne Bush oo
labada gole u jeedinaya
khudbadiisi Jan-2002
Wuxuu Bush ku qeexay
khudbadiisaasi inuu tallaabo
ka qaadi doono ama uu ka
tuuri doono xukunka Saddam
Xuseen, waxaa kale oo uu ku
eedeyey Saddam Xuseen inuu
taageero siiyo waa siduu
Bush hadalka u dhigaye Wuxuu
ugu yeedhay argagixisada.
Balse gudidii golaha
senate-ka ee loo xil saaray
inay soo baadhaan inuu
Saddam Xidhiidh la lahaa
qaraxyadii ama weeraradii
loo gaystay maraykanka 11
september ayaa ay
xaqiijiyeen in Saddam Xuseen
lagu waayey inuu wax
xidhiidh ah la lahaa ururka
Alqaacida.
Bush wuxuu go’aan ku
gaadhay inuu si kasta ha
ahaate mansabka awoodeed ka
wareejiyo ama ka xayuubiyo
Saddam Xuseen wuxuuna
kumanaan ciidamada
maraykanka oo taageersanaya
ciidamada ingiriiska ah soo
dhoobay xuduudka waddanka
Kuwait, iyada oo dagaalku uu
maalmahaasi yahay mid cad oo
aan qarsoodi ahayn saacaduna
is goraysay ayaa waxaa
Saddam Xuseen waraysi la
yeeshay oo Baqdad ku booqday
weriye ka socday
Televisionka maraykanka ah
ee CBS oo magaciisa la
yidhaahdo Dan Rather,
wuxuuna Saddam waraysi
siiyey weriyahaasi,
weraysigaasi oo socday in ka
badan 3 saacadood wuxuuna
ahaa waraysigii ugu horeeyey
ee weriye maraykan ahi la
yeesho Saddam Xuseen.
Ciidamada
maraykanka oo xulafaysanaya
kuwa Ingiriiska ayaa ku
jabiyey kuna baabiyey
ciidamadii xoogga dalka
Ciraaq waxaanay Muddo Seddex
todobaad gudahood ah ku
galeen gudaha magaalooyinka
waaweyn ee dalka Ciraaq,
maraykanku intii uu
dagaalkaasi seddexda
todobaad socday waxay isku
dayeen seddex jeer inay kaga
takhalusaan Sadam Xuseen
balse seddexda jeerba waa la
waayeen, 8 april maalin ka
hor markii ay maraykanku
qabsanayeen Baqdad Saddam
Xuseen oo ku labisan dharka
ciidamada Ciraaq ayaa lagu
arkaayey meel duleedka
baqdaad ah isaga oo la jooga
taageerayaal badan oo uu
leeyahay.
QABASHADII SADDAM XUSEEN
Waxaa todobaadyadii ugu
horeeyey ee xulafada
maraykanka iyo ingiriisku
galeen Ciraaq lagu dawakhay
in la ogaado meesha uu
Saddam Xuseen ku suganyahay
Saxaafadda Madaxa banaan
ayaa waxay markii ugu
horaysay kamaradda la heleen
goobahii uu Saddam Xuseen ku
raaxaysan jiray, iyo weliba
qasriyadii kala duwana ee uu
ku raaxaysan jiray,
todobaadadii xigayna waxaa
laga war hellay cajalado cod
ah oo uu usoo diri jiray
Saxaafadda Afka carabiga ku
hadasha sida saldhiga
Televisionka la iska arko ee
afka carabiga ku hadla ee Al
jazeera ee xaruntiisu tahay
Magaalada Doha ee dalka
Qatar, maraykanku waxay
daabaceen sawiro ay ka
sameeyeen turub oo ay saddam
Xuseen qabashadiisa ku
dareen liiska qofka koobaad
(Wanted Number 1), waxaa
maalmahii hore adkaatay in
laga helo meesha uu Saddam
Ku suganyahay wax war ah
sidoo kale waxaa lagu
dawakhay in la qabto isaga
laftigiisa iyadoo markaasi
ay ciidamada maraykanku
gacanta ku dhigeen
saraakiishii ugu saraysay
waddanka Ciraaq sida
Madaxweyne Xigeenkiisi Daha
Yasin Ramadaan, Ra’isal
Wasaarahiisi Tariq Casiis,
sidoo kalana bishuu July
waxaa la dilay labadiisii
wiil Quday iyo Usay.
14
December ee sannadkii 2003
ayaa wakaaladda wararka ee
jamhuuriyada islaamka
(Islamic Republic News
Agency “IRINA” oo soo
xiganaysa hogaamiyaha
kurdiyiinta Jalal Talibani
waxay xaqiijisay in
ciidamada maraykanku ay
gacanta ku dhigeen Saddam
Xuseen, intaa wixii ka
danbeeyeyna waxaa xaqiijiyey
qaar ka tirsan gudididii ku
meel gaadhka ahayd ee Ciraaq
xukumaysay, inyar ka dibna
waxaa shirar jaraa’id oo is
xiga qabtay wakiilkii
maraykanka u xil saarna
Ciraaq “Paul Bremer”
iyo ra’isal wasaarahii
ingiriiska Tony Blair Bremer
oo hadlaya wuxuu yidhi “Mudanayaal
iyo Marwooyin waanu hellay!!!”
“Ladies and gentle Men we
got him!!!” isaga oo ula
jeeda Saddam Xuseen waxaana
halkaasi buuq iyo qaylo iyo
dareeno kala duwan ku soo
dhaweeyey suxufiyiintii ka
qayb gashay shirkaa jaraa’id
oo ay ka mid ahaayeen
suxufiyiin Ciraaqiyiin ah,
waxaana halkaasi lagu soo
bandhigay sawiro laga soo
qaaday Saddam Xuseen oo
gaadhku ku baxay, timahu ku
baxeen, wajigiisana ay ka
muuqato tiif badan, wuxuu
Bremer sheegay in ay
ciidamada maraykanku
qabteen 8:30 subaxnimo
wakhtiga baqdad 13 December
2003.
XUKUNKII MAXKAMADEED EE
LA SOO ISTAAJIYEY SADDAM
30-kii bishii June
2004 ayaa maraykanku waxay
Saddam Xuseen iyo 11 kale oo
ka tirsana xukunkiisi sare
waxay ku wareejiyeen
Maamulkii cusba ee Ciraaq
loo sameeyey ee Ra’isal
Wasaare Iyad Allawi, Saddam
Xuseen waxaa markii ugu
horaysay la soo istaajiyey
Maxkamad 1 July ee sannadkii
2004, taasi oo markii danbe
laga soo daayey
televisionada carabta iyo
kuwa galbeedkaba, Saddam
Xuseen oo ay ka muuqato
wajigiisa kalsooni badan,
isaga oo ku hadlaya kelmado
ay ku dheehantahay adkaysi
iyo geesinimo ayuu wuxuu
yidhi “Waxaa looga gol
leeyahay in Bush loogu
ololeeyo Masrixiyadani la
isoo istaajiyey” isaga oo
markale hadlaya ayaa wuxuu
yidhi “anigu halkani uma
aaminsani maxkamad ee waxaan
u aaminsanahay masrixiyad
waxaanu ku eedeeyey
Madaxweyne Bush inuu yahay
danbiilaha koobaad, sidoo
kale Saddam wuxuu difaacay
gelitaankii uu gallay Kuwait
1990-kii isaga oo ku eedeyey
madaxda Kuwait inay yahiin “Ay”
“Kalb” “dogs” waa sida
uu hadalka ka yidhi
maxkamadda eh isaga oo ku
macneeyey madaxda Kuwait
inay yahiin sida kuwa aan
daahir u ahayn carabta
dhexdooda.
Inkasta oo markaasi aanay
xaakinadii ama garyaqaanadii
difaacayey Saddam ku sugnayn
Maxkamadaasi la soo
istaajiyey hadana Xaaskii
Saddam ee ugu weynayd ayaa
waxay shaqo gelisay ilaa
dhawr xaakin oo mustaqbalka
u doodi doona Saddam.
DHAMMAAD.
LA SOCO QORMOOYINKA XIGA IYO
TAARIIKHDA HOGAAMIYAYAASHA
ADDUUNKA HADDII ALLA IDMO
IYO TODOBAADYADA SOO SOCDA.