SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad:
Daabaco Boggan | Print

MOHAMED ALI JINNAH



Waxaan todobaadadii hore barnaamijkani ku soo qaadanay Hogaamiyahii weyna ee Qaaradda Afrika Nelson Mandela iyo taariikh nololeedkiisa, soo koritaankiisi Saaxadda Siyaasadda ee dalkiisa Koonfur Afrika, Halgankiisi dheera ee siyaasaddii Apatheid iyo weliba xadhigiisi Soddon Sanno Jirsaday.

Akhristayaasha qiimaha mudanlow Todobaadkani ayaan jeclaystay inaynu jaleecno xaggan iyo Qaaradda Aasiya waxaan bildhaan ka bixin doona Hogaamiyahii weyna ee dalka pakistan (Quaid Azim Mohamed Ali Jinnah), Taariikh nololeedkiisi,waxbarashadiisi,halgankii dheera ee uu goboladii beriga India (Pakistan) ee ay dagayeen Muslimiintu kaga jaray India inteeda kale.

WAA KUMA MOHAMED ALI JINNAH

Mohamed Ali Jinnah, balse ay Shacabka Pakistan u yaqaanan (Quaid Azim Jinnah) mararka qaarkoodna loogu yeedho Jinnahphai Poonja oo macnaheedu tahay (Aabahii Qaranka) waxaa lagu qeexi kara inuu ahaa Maskaxdii ka danbaysay Yagleelidda qarran ay yeeshaan Muslimiintii ku dhaqnayd beriga India.

Inkasta oo la isku khilaafo meesha uu ku dhashay Mohamed Ali Jinnah hadana dadka Badankii waxay yidhaahdaan wuxuu ku dhashay Magaalada Karachi 25 December Sannadkii 1875-kii, wuxuuna ku koray Magaalada Bombay ee hadda loo yaqaano Mumbay ee dalka India, Aabahii Magaciisa waxaa la odhan Jiray Poonja, waxaanu ahaa ganacsade ka soo jeeda gobolka Gujrat ee dalka India ee ay Muslimiintu u badantahay, Mohamed Ali Jinnah qoyskiisu waxay iskugu jireen dad diimo badan iyo faraqyo badan oo islaamka ah ka soo jeeda sida Hunduus,Shiico,Ismaciiliyo iyo weliba Sunni, balse sida la sheego Jinnah wuxuu Aaminsana Mad-habta Shiicada.

Mohamed Ali Jinnah wuxuu Dugsigiisi ugu horeeyey ka bilaabay Magaalada Karachi Malcaamad quraan la odhan jiray Sindh Madarasatul Quran, Wuxuuna dugsigiisa hoose iyo sare ka dhamaystay Dugsiga caanka ah Christian Society High School ee ku yaalla magaalada Karachi, Sannadkii 1893-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah u safray waddanka Ingiriiska isaga oo shaqo ka hellay shariikad kuwa Maraakiibta ganacsiga ah oo la odhan jiray Grahams Shipping and Trading Company, shariikadani oo Aabahii xidhiidh ganacsi la lahaan jiray, Isaga oo da'diisu ahayd 16 sanno jir Ayuu Jinnah wuxuu guursaday Xaaskiisi ugu horaysay oo magaceeda la odhan jiray Emibai, balse Nasiib darro wax yar ka dib markii uu u wareegay Magaalada London ee dalka Britain ayey geeriyootay, muddo labaatan cisho ah ka dibna waxaa geeriyootay Hooyadii.


Ka Bilaw Bidix Fatumo Jinnah, Quid Azim Jinnah iyo Inantiisa

Sannadkii 1918-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah Marlabaad Guursaday gabadhiisi labaad oo la odhan jiray Rattanbhai Petit oo ahayd gabadh iska dhal ah oo ay iska dhaleen Hindi iyo Ingiriis, waxaanay u dhashay Inantiisa keliya ee uu dhallay oo la yidhaahdo Dina, sannadkii 1929-kii ayaa nasiib darro xaaskiisi labaadna ay geeriyootay, Mohamed Ali Jinnah wuxuu la dhashay oo qudhaata Gabadh keliya oo ay walaalo ahaayeen oo la odhan Jiray Faduma Ali Jinnah.

WAXBARASHADIISI JAAMACADEED IYO MOHAMED ALI JINNAH

Sannadkii 1894-kii Jinnah wuxuu iskaga tegay Shaqadiisi wuxuuna ku biiray Mac-hadka weyn ee Lincoln's Inn ee lagu barto cilmiga sharciga,Wuxuuna dhamaystay waxbarashadiisa sannadkii 1897-kii, ka dib wuxuu Mohamed Ali Jinnah shaqo ka hellay guriga Baarlamaanka ee dalka Britain isaga oo ugu shaqaynaayey xildhibaan ka tirsan guriga Baarlamaanka ee dalka britian oo magaciisa la odhan jiray DadaBhai Noaraji hawlo sharciga ku lug leh, Sannadkii 1888-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah ku biiray Xisbigii weyna ee dalka India ee Indian National Congress Party, Wuxuuna bilaabay inuu xirfadiisa garyaqaanimo kor ugu qaado Maxkamadaha magaalada Bombay, Mohamed Ali Jinnah wuxuu noqday qofka keliya ee Muslim ahaa ee joogay waddanka India ee garyaqaanimo ugu doodi jiray Maxkamadaha waaweyn ee dalka India, wakhtigaasi oo Mustacmaradii Ingiriisku ay xukumi jirtay dhulweynaha india. 

Mohamed Ali Jinnah wuxuu ka kasbaday shacab weynahii India Sharaf aad u balaadhan marka laga reebo Mustacmaradii ingiriiska oo aan wax xishmad ah u haynin, mar ayaa waxaa dhacday Mohamed Ali Jinnah oo difaacaya xornimada waddanka India ayaa xaakin ka mid ah xaakinadii ingiriiska ahaa ee qaadayey Kiiskaasi ayaa wuxuu ka boobay hadalka Mohamed ali Jinnah wuxuuna ugu yeedhay Jinnah kelmad cay ah oo ahayd "Qudhun ayaad tahay" balse Jinnah ayaa intuu qoslay ayaa wuxuu ugu jawaabay Xaakinkii "Sharaftaadii waxba yahay ayey tahay maadama adiga oo xaakin ah ay afkaaga ka soo baxday inaad qareen u adeegsado kelmadaasi" taasina waxay fajiciso ku noqota Badhasaabkii xukumaayey India ee ingiriiska u joogay halkaasi oo la odhan jiray Sir Charles Olivient oo la yaabay geesinimada ka muuqata, wuxuna Badhasaab Olivient ugu yaboohay Jinnah inuu isaga u shaqeeyo, balse Mohamed Ali Jinnah waa ku gacan saydhay.

SOO KORITAANKII SAAXADDA SIYAASADDA EE MOHAMED ALI JINNAH

Bishii January, Sannadkii 1910-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah Noqday qofka keliya ee Muslim ah isaga oo matalaayey Magaalada Bombay wuxuuna ka mid noqday 60-kii qof ee dejiyey sharcigii ku meel gaadhka ahaa ee dalka India, Sannadkii 1913-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah ku biiray Xisbigii Muslimiinta India ee la odhan jiray Muslim League, Sannadkii 1914-kii ayuu Jinnah taageero siiyey inay India ku lug yeelato dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Sannadkii 1916-kii ayuu Mohamed Ali Jinnah Noqday Madaxweynaha ama Gudoomiyahii Muslim League, waxaana marlabaad loo doortay sannadkii 1920-kii. Sannadahii 1930-kii ayaa Jinnah loo doortay inuu noqdo Safiirka Muslimiinta iyo Hunduuska ku wada dhaqan india balse cadaadis ay saareen saaxiibadii Muslimiinta aha ee ay ku wada jireen xisbigii Muslim League ayuu iska casilay xilkaasi, wuxuuna Khilaaf weyn soo kala dhex gallay hogaamiyahii India ee wakhtigaasi Mahandas Gandhi iyo isaga, Wuxuuna Mohamed Ali Jinnah ku baaqay in Muslimiinta India iyo Hunduusku ay kala yeeshaan laba aftiyood oo ay ku kala madax banaananayaan, Sannadkii 1921-kii ayuu Jinnah iska casilay xubinimadii uu ka ahaa xisbiga Indian National Congress, Wuxuuna halgan balaadhan u gallay sidii loo heli lahaa Qarran ay yeeshaan Muslimiintii Hindiya, isaga oo dedaal badan arrintaasi kula gallay Maxmiyadii Ingiriiska ee xukumaysay dalweynahii India in la yagleelo dal ay gaar u yeeshaan Muslimiinta Hindiya. 


MOHAMED ALI JINNAH IYO HOGAAMIYAHII INDIA MAHANDAS GANDHI

Mohamed Ali Jinnah wuxuu ka qayb gallay shirkii Miiska wareega loo yaqaanay (Round table Conference), oo ay ku kulmayeen dhammaan dadka kala duwan ee dega qaarad la moodii india ee kala aaminsana diimaha kala duwan, oo ay kaga arrinsanayeen aayahooda danbe,shirkaasi oo socday intii u dhexaysay 1930-kii ilaa 1931-kii, balse Jinnah wuxuu ku guul darraystay inuu ka gaadho gun la taabto hamigiisii ahaa in la helo dal ay Muslimiinta Hindiya gaar u yeeshaan, Wuxuuna sannadkii 1932-kii ku dhawaaqay inuu dhamaanba siyaasadda iskaga tegayo.

balse wuxuu Jinnah Madax u noqday wixii ka danbeeyey 1932-kii ururo bulsho oo ka jiray Hindiya dhexdooda oo ay muslimiintu lahaayeen, taasina waxay kasabtay in xisbigii Muslim League marlabaad cod aqlabiyad buuxda ah siiyaan inuu Jinnah Noqdo hogaamiyaha xisbigooga, waxaanay ballan ugu qaadeen inay halgankiisa sidii loo heli lahaa qaran Muslim ah ay la galayaan.

sannadahii 1937-kii ayuu Jinnah wuxuu taageero buuxda siiyey Ingiriiska wuxuuna ugu baaqay India dhamaanteed inay ku lug yeeshaan dagaalkii labaad ee adduunka (the second world war), taasina waxay horseeday markii laga soo laabtay dagaalkii labaad ee adduunka in uu ingiriisku taageero la garab istaago Mohamed Ali Jinnah, wuxuuna qadarin badan u huray in la qiimeeyo qarran ay muslimiintii Hindiya gaar u yeeshaan, sannadkii 1940-kii ayuu Jinnah furay shir weyne la iskugu yimid magaalada Lahore oo lagaga arrinsanaayey sidii labada umadood ee Muslimiinta iyo Hunduusku ay Mustaqbalka u kala madax banaanan lahaayeen, inyar ka dib shirkaasi markii la furay ee uu ayaamo socday ayaa Nin ka tirsan xisbiyadii hunduuska ee asal raaca ahaa wuxuu isku dayey inuu dilo Jinnah wuxuuna la soo gaaday mindi wuxuuna dhaawac uga gaystay caloosha iyo dhabarka, balse jinnah wuu ka bogsaday dhaawacaasi wuxuuna sii waday halgankiisa.

Sannadkii 1947-kii August 14-keedii ay ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyad Gaar ah oo ay yeeshaan berigii dalka India Jamhuuriyadaasi oo midaysay shan gobol oo waaweyn oo ahaa goboladii beriga india oo kala haa Punjab,Sindh,Balochistan,Kashmir,NWFP.

Waxaana sabab ay u noqotay in Muslimiin badan oo ku noola magaalooyinka waaweyn ee dalka India usoo haajiraan waddanka Pakistan waxaanay degeen Magaalada Karachi oo ay hadadani degenyahiin.

Mohamed Ali Jinnah wuxuu geeriyooday 11 September sannadkii 1947-kii isaga oo ah Badhasaabkii ugu horeeyey ee dal la yidhaahdo Pakistan, wuxuuna u dhintay Kaneeco.

DHAMAAAAD

Qormadani waa tii koobaad oo ka hadlaysa Madaxda dunida oo dhan iyo taariikh nololeedkoodii ay soo mareen Shar iyo Kheyr labadaba.

QORMADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907

LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD