SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DIRIDHABA - HARGEYSA:
Daabaco Boggan | Print

TUUGTII KARACHI MA SAFIIRO AYEY DALACEEN: MUUQLAY WAR-LAY MA LAGU WARAMAY



Duunyo waa la foofshaa
Daaqna waa la geeyaa
Doorna waa ilaashaa
Isha daymadeediyo
Digta luuqdu waw wehel
Duhurkaa la ururshaa
Tiro lagu dabbaalaa
Dabadeed la hooyaa
Kol hadday dareeraan
Deegaanta raacaan
Dildilaan ku goosmaan
Wax daryeela waayaan
Daaha hiimammowga ah

BISMILAHI RAXMAANI RAXIIM, Ilaahay ayey u sugnaatay Mahad oo dhami, Nebigeena Suuban ee Maxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato.

Akhristayaasha waxaan leeyahay iga Guddooma Salaam qiimo iyo qaayo badan, anigoon muddo dheer wax qoraal ah ku baahin Saxaafadda Internetka, ayaan waxaan doonaya doorka Maanta ah inaan dibadda soo dhigo waxaan muddo qalbigayga ku hayey, balse aan jeclaystay in Soomaalidu meel kasta ha joogtee ila daristo.

Waddanka Pakistan, khaas ahaan Magaalada Karachi waxaan ku noola Muddo 6 Sannadood ah oo aan run ahaantii wax ka baran jiray, Wakhtigii ugu horaysay ee aan tegay Magaalada Karachi waxaa joogay Soomaali fara ku tiris ah (Waa sannadkii 2000 Milliniumka eh), dadka Soomaalida ee Magaalada Ganacsi ee waddanka Pakistan ku dhaqna waagaasi waxay ahaayeen dad isjecel, iska war haya, is xaal og, anigu Magaalada Karachi waxaan kaga noola Xaafad weliba dadka Soomaalidu aad ugu yarayd oo la odhan Jiray Gulistan-e-Johar oo ku dhawayd Madaarka weyn ee Magaalada Karachi, wakhtiyada aan firaaqada ahay waxaan badanka wakhti la qaadan jiray dhalinyarada Soomaaliyeed oo Magaalada Karachi wakhtiga fiidkii iskugu timaadda Xaafadda ay Soomaalidu u badnayd ee Gulshan Iqbal, khaas ahaan Goobta Kala-Bodh, dhalinyarada reer Karachi oo u badnayd Arday wax ka barta Jaamacadaha,Kuuliyadaha iyo Dugsiyada Magaalada ayaa waxay nolol maalmeedkooda kaga sheekayn jireen iyagoo midiba wuxuu arkay iyo wuxuu la kulmay goobahaasi lagu gorfayn jiray.

Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba?
Intaa nooshahay maalin walba wax aad arkeysaa wax kaa yaabiya, iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan Xaafadda aan deganahay ee AL-Baraka Guri u dhow waxaan arkay dad buuqaya oo la leeyahay Caawa Xaafadda waxaa jooga Dhurwaa, inta yaabay ayaan waxaan dadkii ku iri “oo Dhurwaagu muxuu qabanayaa?”... GUJI...

Akhristow Waxba yaanan hadal idinku daaline Soomaalidu waxay ku maah-maahda "Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa" Waddanka Pakistan wuxuu gallay marxlad waayaheeda iyo wakhtigeeda lahayd waxay ahayd sannadkii 2001 Bishii October oo muddo hal bil ah uun laga soo wareegay Qaraxyadii 11 September ee lagu burburiyey daarahii dhaadeera WTC, PENTAGON, waxaa fiiro dheer loo yeeshay Waddanka Pakistan iyo guud ahaan Mandaqadda Beriga Aasiya, Waddanka Pakistan sidaad la wada socotaan wuxuu ahaa Bartilmaameedkii Waddanka maraykanku ka ugaadhsanaayey wadaadadii lagu tuhmaayey inay ka tirsanaayeen ururkii ALQAACIDA iyo TALIBAN.

Aroor hore oo markaasuun sallaadda Subax loo caymadayay ayaa waxaa laga war hellay Wakiilkii Xafiiskii Dahabshiil u fadhiyey Magaalada Karachi oo la odhan jiray Ilaahay Ha ka raali ahaade Maxamed Saleebaan Barre ayaa waxaa Gurigiisa kala baxay Ciidamada Dhar cadda ama Sirdoonka ee waddanka Pakistan oo ay wehelinayeen Ciidamada F.B.I da waddanka maraykanku, muddo markaanu ku mashquulay ka daba taagga xaaladda rasmiga ah ee Maxamed Saleebaan Barre iyo halka lagu hayo iyo siday xaaladiisu tahay iyo weliba kiiska loo haysto ee intaasi le'eg ayaa waxaa nalagu wergeliyey in loo gudbiyey Jeelka weyn ee GUANTANAMO BAY ee Maamulka Bush ku xayndaabay boqolaalka Maxbuus ee Muslimiinta ah, akhristow maanan garan sababta keliftay in Maxamed Saleebaan Barre habeen madow gurigiisa loogu soo dhaco oo lagala baxo, balse Soomaalidu waxay tidhaahda "War jiraaba cakaaru iman eh" Sannadood ah ka dib eh waa sannadkii 2004-ta eh ayaa waxaa haddana Mu'maraad sidaasi oo kale ah Guryahoodii loogu dhacay Wakiiladdii Xawaaladaha AMAL, IYO MUTAQBAL, labadii wakiil ee xawaaladaahi ayaa sidi Maxamed Saleebaan Barre guryahooda loogala baxay, arrinku wuxuu gaadhay heer qadhaadh oo Soomaalidii Pakistan ku dhaqanayd badidood u gallay dareen ah inay waddanka Pakistan iskaga baqoolaan, maadama oo ugaadhsi bilaabmay, Muddo 2 Bilood ah markii xabsiga  ku jireen labadaa Wakiil ee Xawaaladaha aan kor ku soo sheegay ayaa waxaa dhacday in Mid ka mid ah la musaafuriyo (Waaba ilaahay mahadii oo waxba waxbay dhaamaane) kii kalana la iska soo daayo, markii aanu muddo darisnay xaaladda Cabdi Nuur oo ahaa wakiilkii wakhtigaasi ee xawaaladda Amal oo ahaa ninkii isaga ay sii daayeen ayaan aniga iyo rag aanu ka mid nahay ku booqanay Gurigiisa bal si aanu u ogaano xaaladda rasmiga ah iyo waxa lagu haysto, Cabdi Nuur waa naga gaabsaday inuu wax war ah noo sheego oo aan ka ahayn in laga xanibay Passportkiisii Soomaaliga ahaa laguna daba jiro weli, wuxuuna weliba intaasi noo raaciyey inaanu gurigiisa si dhakhso ah wakhtigaasi uga baxno sababo ammaan awgeed, markaa waxaanu u fahanay in guriga aalado wax duuba ku rakibanyahiin welina ay nimankii hore u qabtay ku daba jiraan, annagana dhinac ayey cabsi naga gashayo hore ayaabanu gurigii uga bullanay.

                                                               Far Bugta Faro ka dheer. 

Akhristow waxba yaaan hadal kugu daaline maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday in nin aanu saaxiibo nahay lala soo xidhiidhay waxaana loo sheegay in Passportkii Cabdi Nuur waa Wiilkii Wakiilka uga ahaa xawaaladda Amal xafiiska Karachi balse la sii daayey eh uu Gacanta ku hayo Nin lagu magacaabo Maxamed Dhuungooye oo wax ka barta Jaamacadda DOO MEDICAL COLLEGE ( DMC), Waanu yaabnay, isla habeenimadii ayaa ninkaa magaciisa aan kor ku sheegay oo ordaya wuxuu u yimid gurigii Cabdi Nuur wuxuuna gacanta ka geliyey passportkiisi cabdi Nuur wuxuuna u sheegay in uu kiiskiisa ku jiro, isagana wax weliba gacanta ugu jiraan, dabadeed shakhsi ahaan ayaan anigu waxaan iska xil saaray inaan wax ka ogaado sababta Ninkani caadiga ahaa ee Soomaaliga ah geliyey kiiskani iyo weliba aniga oo la yaabay awoodda intaasi le'eg ee uu passportka ugu soo qaaday iyadoo Soomaalidii Magaalada joogtay ay tahli kari wayday meel xita ay u maraan waxa lagu haysto Cabdi Nuur, waxaa i gallay dareen ah in kiiskii hore ee Wakiilkii Dahabshiil iyo kani dabada isku hayaan, Waxaan ogaaday dabadeed baadhitaan dheer in ninka lagu magacaabo Maxamed Dhuun-gooye haddana warbixin aan ka akhriyey shabakadda Somalitalk.com ay sheegayso in loo magacaabay qunsulka Waddanka Kenya u fadhiya karachi inuu yahay ninka ka danbeeyey Mu'maraadyadii lagu fuliyey raggaasi oo uu been abuurtay lacag badanna ku qaatay, waxaa kale oo aan ogaaday inuu ninkani Saaxiib la yahay Qolooyin Shufto ah (Gangs) oo  pakistaniyiin ah oo samaysa lacagta Foojariga ah (Voucher Currency) waxaan ogaaday inuu muddo badan magaalada Karachi Dukaanada waaweyn ee ku yaalla iyo goobaha lacagaha laga sarifo ku cameeyey lacagta (Euro) oo vouchery ah, waxaan tusaale markhaati dhab ah uga haya habeen inuu ninkani hadda Qunsulka waddanka kenya u magacaabatay haddabay dhabtahay weeyaane yimid goob lacagta sarifta oo ku taalla Madaarka Karachi, shaw hore ayuu meeshani u sawiray oo uu lacag foojari ah uga sariftay wuxuu lacagta usoo dhiibay wiil la socday markaasi oo uu ku yidhi orodoo goobtaasi ka soo sarif lacagtani euro, balse raggii goobta oo sii sugaayey ayaa qabtay wiilkii xabsigana u taxaabay isagiina markuu arkay iyadoo ninkii la qabtay ayuu gaadhigii uu watay deg deg uga dhaqaajiyey goobtii, markii Ciidamada boolisku ka daba tageenna wuxuu passportkiisa ku dhajiyey visa Bug ah ama been abuur ah oo kenya ah isagoo sheegtay inuu waddanka kaba maqna fasaxna ku joogay Nairobi, waxbana aanu ka ogayn.

:::KARACHI, PAKISTAN:::

Xaflado-Sharafeed: Qusulka Kenya Ee Karachi iyo Danjiraha Soomaaliya ee Pakistan.. Guji

Haddaba waxaa ayaan darro weyn ah inaan maanta maqlo Ninkaasi lagu magacaabo Maxamed Dhuungooye oo la yidhi wuxuu noqday Wakiil ama qunsulka Jamhuuriyadda Kenya u fadhiya Magaalada Karachi, waxaan warqad toos ah u gudbinaya wasaaradda Khaarajiga ee Waddanka Kenya waxaan doonaya inaan ku wargeliyo dhacdooyinkani aan kor ku xusay, waxaan ka codsanaya Soomaalida waddanka Pakistan ku dhaqan inay ka foojignaadaan falalka foosha xun ee uu ninkani doonaayo inuu idiin qoolo, waxaan ilaahay idiinka beryaya inuu idinka bad baadiyo shararka foosha xun ee Daalimkani.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Hargeisa, Somaliland

Mobile: 00-252-2-406745

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

N.B: Haddii aad jeceshahay hogaamiyayaasha adduunka iyo xulashadooda soo booqo web link: www.somalitalk.com/diridhaba

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD