SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHOOYE
Waraaq Furan oo kusocta Issimada Soomaaliyeed

Ku: Boqorada
Ku: Imaamka
Ku: Garaadada
Ku: Islaanada
Ku: Malaaqyada
Ku: Suldaanada
Ku: Caaqilida iyo Isimada kaleba 

Waxaan lasoconaa Isbadal wayn inuu ka dhacay Soomaliya, isabadal kaasoo ku yimid kacdoonka shacabka iyo inay ka daaleen usacabinta dhiig ku naaxyadii dadka iyo dalkaba naafeeyey. Sida aan lawada socono kacdoonka shacabku sameeyey waxaa hagayey Midowga Maxaakimta Islaamiga oo ah Culimo awdiinkii Soomaaliyeed.  

Isbadalka ka hor waxaa burbur iyo dhibaato ku jiray dadkii iyo dalkii Soomaliya waxaana durbaanka u tumayey qabqable shaati qabiil kor ka gashan, hoosna mid danaysi iyo isticmaar ka wata, kuwaasoo si yaabo kala duwan taageero iyo ansixin uga helayey qaar kamid ah hogaamiye dhaqameedyada beeshooda, amaba iyagu magacaabanayey kuwo jeeb kooda ah beelahoodana ku qar qar sinayey inay isim u noqdaan. 

Lix iyo tobankaas sano ee wadanku bur bursanayaa dhamaan qaybaha bulshada waxay ciyaarayeen kaalintooda labada dhinacba dhinac xun iyo kan samba, tusaalaha qabqablaha ee aan soo xusnay kadib waxaa tasaalooyin kale noo noqon kara dhinaca wanaaga culimada Soomaaliyeed oo dhamaan wadankii ka hirgaliyey Masaajido goobo waxbarasho sida; Jaamacadaha, Macadyada iyo madaarista. Sidoo kale dhinaca ganacsatada ayaa iyana door fiican ka qaatay caawinta hayadaha horumarineed ee kala duwan sidoo kalena waxay caawinayeen markasta oo dhibaato rabaani ah wadanka ka dhacdo sida mida hada taagan ee daadadka. 


Koonfurta Soomaaliya Waagii Maxamed Dheere


Hadda....

Qaar kamida tiro aan badnayn oo ah aqoon yahanka ama siyaasiga Soomaaliyeed ayaa iyana  hadlayey si maxali iyo caalami ah cabirayeyna sida quman, shacabka intiisa badana rabaan. Sidoo kale dhalin yarada Somaaliyeed ayaa iyana joojin dadaal iyo waxqabad kala duwan oo ay kula tacaalayaan arimaha murugsan ee dalka wallow aysan midayn taladooda iyo tabartooda hogaan khaasana samaysan. 

Waxaa kaloo iyana door fiican qaatay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed kuwii gudaha wadanka joogay iyo kuwo dibada ka noqdayba, ha ahaato inay ka shaqeeyeen isbitaalada aan gaarka loo lahayn si lacag la’aan ah ama kuwo si gaar ah loo leeyahay laakiin aad loogu naxariisto shacabka tabaalaysan. Dumarka ayaa iyana dowr lama ilaawaan ah ka qaatay xaaladaha Soomaaliya bilowgii burburka iyo hada oo aan arkayno inay cirida u taagan yihiin maalin kasta iyagoo cabiraya sida ay uga xunyihiin waxyaabaha socda ee shacabka Soomaaliyeed uusan rabin. 

Arartaa gaaban ka dib waxaa kaalintoodii ama meeshii laga filayey aan laga arkin Madax dhaqameedka Soomaaliyeed marka laga reebo hal ama labo boqolkiiba 1-2%. Sidoo kalena Madax dhaqameedka Soomaaliyeed oo aan lahayn cod midaysan ama shirar ay uga arin sadaan arimaha xasaasiga ee dadkooda iyo dalkooda. Waxaase is waydiin leh aaway awoodii Isimka Soomaaliyeed lahaa maadaama ay burburtay dowladii Soomaaliya soo ma’ahayn dowladii ka hor cida Soomaali u talisa Isimada?. Sidoo kale soo ma ahayn qabaa ilada cidii heshiisiin jiray Isimada Soomaaliyeed?. 

Isku soo duuboo hogaan dhaqameedka Soomaaliyeed waxaa loo duubay ama loo boqray danaha ummada Soomaaliyeed, anoo aad u ixtiraamaya hogaan dhaqameedka  Soomaaliyeed hadalada qaar koodna aan kula dhiiran Karin, kana af gobaad sanaya ayaa hadana qalinku kaa yeeleen marar badan inaad ka leexiyo waaqica. 

Waxaa muuqata in lasoo gaaray meel aydnaan ka aamusi karin oo xasaasi ah in Itoobiya soo weerartay Soomaaliya oo ku jirta xili aad u adag, iyadoo lala rarafanayo  dhibaato rabaani ah iyo badbaadinta 1,500,000 ee daadadku wiiqeen. Waxaa muuqta in kaalin wayn idiin banaan tahay maanta umada aad matashaana ay quudaraynayso inay codkiina maqasho sidoo kalena beesha caalamkuna ay maqlaan codkiina maadaama aad ku hadlaysaan afka dadwaynaha idin duubtay. Waxaan ku soo kuubayaa waraaqdaan furan qodobadaan soosocda.

  1. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed gaar gaar iyo guud ahaanba  uga hadlaan xaalada adag Jamhuuriyada Soomaaliyeed ku jirto.
  2. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed u istaagaan sidii gurmad Soomaalinimo loogu fidin lahaa dadka daadadku aafeeyeen.
  3. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed Cambaarayn  usoo jeediyaan Itoobiya una qabtaan inay wadanka uga saarto ciidamadeeda mudo gaaban.Sidoo kalena aan la keenin Ciidamo ajnabi ah ilaa in umada Soomaaliyeed isku raacdo ma'ahan e.
  4. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed Beesha Caalamka tusaan rabitaanka shacabkooda iyo sida aysan raaliga uga ahayn waxa socda dal iyo dibadba.
  5. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed ku qar qarsiyaan dhamaan Maamulada ka jira Soomaaliya inaysan qaadan Karin qaraar masiiri ah oo ka dhana Diinta, Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
  6. In Madax dhaqameedka Soomaaliyeed ilaahay uga baqaan xilka ay qaadeen umadana u hayaan ogaadaana aduunkana in taariikh qormayso aakhirona xisaabtan rabi danbeeyo.
  7. In Madax dhaqameedku u duceeyaan umada Soomaaliyeed in ilaahay dhibaatada ka saaro diinteedana ku badbaadiyo.

Xasan Dhooye
dhooye@hotmail.com

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD