Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii
Madaxwayne Cade
Ilaahay baa Mahad dhamaanteed leh,
Nabigiisana Nabad galyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaato.
Waxaa Mudan Habalyo iyo bogaadin,
Madaxwaynaha Puntland Gen. Cade Muuse, Sida hufan geesinimadana leh ee
uu khudbadii shalay (Jan
20, 2005) usoo bandhigay, taasoo taabanaysay wax yaabo badan, waxaan
qormadeenaan uga hadli doonaa khudbadii Madaxwaynaha iyo wax yaabaha
hirgalin kara yididiiladiisa iyo Su'aasha meesha ku jirta oo ah "Marunbaa
mise waa Rati ku kacsi
Khudbadii
Madaxwayne Cade", maadaama uu cusub yahay xaqiiqo badana uu taabtay.
Caladaalada
Waxaa lagama maarmaan ah haddii ummadi
doonayso inay horumar gaaraan inay siiyaan Cadaalada Mudnaan gaara,
taasoo sahlaysa in qof walbaa qanco, hadaan qeexid yar ka bixino waa
maxay Cadaalad? Cadaalad waa in yar iyo cayn rag iyo dumar cid walbaa
heshaa xaqeedii, hadaan si kale u dhigno Cadaalad waa in wax kasta
marinkiisii lamariyaa ama meeshii ku haboonayd.
Hadaba Madax waynaha PL Gen. Cade waxaa
la gudboon inuu Maamulkiisa cadaalad ku saleeyo uuna ahaado mid dhex u
ah ayna u siman yihiin Gobolada PL oo dhan, hadii taa lahelo Wuxuu Madax
Waynuhu dadka ka helayaa kalsooni iyo u hogaan san hadii kale se aan dib
u akhrino taariikhdii shalay ee PL.
Cadde Muuse |
C/Lahi Yuusuf |
Jaamac Cali |
|
Hadii cadaalad lawaayo waxaa dhacaya
wixii dhacay Xiligii uu xukumayey PL Col.C/laahi Yuusuf, in shacabka
reer PL barqadii iska soo cayriyeen iyagoo ku qanci waayey cadaalad
darada ay kala kulmeen xukunka C/laahi, kadibna ay doorteen Col. Jaamac
Cali Jaamac, oo isagu ku guul daraystay inuu noqdo mid looga raysto
maamulkii hore ama hela kalsoonidii shacabka, taasina ay sahashay in C/laahi
Xunkii dib ugu soo noqdo, xoogna ku qabsado PL, kadibna ay u hirgashay
kororsigii xilka Mudadii Sadexda sano ahayd ee uu horay u cayintay,
waxaa xasuusin mudan in Gen. Cade hormuud ka ahaa kacdoonkii looga soo
horjeeday C/laahi, ilaa uu gaadhay mid hubaysan oo sababay dhimasho iyo
dhaawac, kaasoo looga gol lahaa inuusan Cadaalad ahayn Xukunka Col. C/laahi,
hadaba akhristow Su'aashu waxay tahay Cade ma ka faa'iidaysan doonaa
khibradaa mise?.
Golaha Dowlada
Waxaa la oran karaa meesha wax ka
hagaagaan ama wax ka kharimaan waa dadka ku xeeran qofka madaxda ah haba
kala duwanaato dara jadooduye, min ku xigeen ilaa waardiyaha Madax
tooyada, waxayna ku xiran tahay xulashada xubnahaas xaga aqoontooda,
daacad nimadooda, kartidooda iyo isu dheeli tiraantooda, waxaana dad
badan ku eedaynayeen inuu Maamulkii C/laahi sida uu Madaxwaynuhuba afka
ku dhuftay "C/laahi Yuusuf runtii waa dadaalay, dhibaatada wayn ee
haysatay waxay ahayd daagalo badan baa kusocday dhibaato badan baa
socotay, niman baa waxay yiraah deen madaxda waa lagu wareegsanyahay,
dadkii kale hadaysan kuu imaan, reerkaagii baa isku kaa wareejinaya"
inay ku xeeraayeen dad ay aad isugu dhowyihiin, dhica qabiilka iyo
dhinaca fekerkaba taasoo sababtay tayo darada xukun kaas, waxaa kale oo
madax waynuhu xusay arin ah inaan laga hadlin waxa dowlada dhexdeeda
kajira meel fagaare ah, sida dhunsashada hanti ama isqabqabsi iyo
kooxaysi, taasoo loo riyaaqay madax badana ku abuuraysa walwal iyo amaa
lagu ruqseeyaa kalifi karta in qofkastaa guto xilkiisa, hadaba rajada
xukunka Cade waxay ku xiran tahay xulashada xubnahaas, labada dariiq
mida uu Madax waynuhu dooran doonana waxaan u dayn doonnaa waqtiga
inagu soo aadan iyo sida uu meel mar uga dhigo Hindisihiisa.
Nabadgalyada
Nabad galyadu waa laf dhabarta
Diineed,Dadeed iyo Daleedba, waana mida ummadi ku hor mari karto ama ku
hari karto, waxaan filayaa noogama baahna sharaxaad badan hadaan nahay
ummadda Soomaaliyeed waxay tahay Nabad galyo la'aan!, Nabad galyada
waxaa ku xiran hayad kasta oo ummadi leedahay, ama waa furaha nolosha oo
dhan, waxaa aad ugu bad nayd khudbada Madax wayanaha inuu ka hadlay sida
amaanku hada u xun yahay iyo wax yaabaha looga gudbi karo, waxaa aad loo
soo dhoweeyey qodobka cusub ee Madax waynuhu ku dhawaaqay "halbaan
idinka balan qaadayaa inaydnaan waa danbe mag bixin, maxaajira ninkii
waxdila waa dhimanayaa asagaa dhimanaya".
"nina dhiigiis
mataalabo"
Xigmad Soomaaliyeed
|
Runtii aad baa loogu riyaaqay qodobkaas,
waayo meesha sartu ka qurun tayba waa halkaas horaana Soomaali u tiri "nina
dhiigiis mataalabo" waxaa kaloo hadalkiisa ka mid ahaa " Fay cali baa la
dhisay, Fay Cali mataqaanaan waa inta lacagta leh caruurtooda, ma'ahan
dadka masaakiinta ah caruurtooda,waxaa idiin sheegayaa waan qabanaynaa
waxbadana waa raadin doonaan, maxaa jira kibir iyo edeb daro shicbiga
markuu asagu soo dhargo oo wax la arko gurigiisa ku haysto inuu dadka ku
tunto ka yeeli mayno", (Faa Cali waa koox ku bahoday daroogo iyo ka jiba
gaarid inta Fuxshi jira) waxaa dad badan aad ula yaabeen inay Boosaaso
hada ku socoto sidii Muqdisho ahayd waagii ay dumi rabtay ee 1998, Faa
Calina maxaa Boosaaso geeyey?!, waxaase aad u rajo galinaya dad badan
Madax waynaha hada ladoortay iyo sida uu uga warqabo waxa ka jira
gobolka lagana rajayno inuu ka mira dhaliyo aragtida wanaagsan ee uu soo
ban dhigay.
Isku soo xooriyoo Nabadu waxay ku
xirantahay laba arimood oo lahelo; 1)Xafiisyada qaabil san ilaalinta
Nabad galyada oo guta xilal kooda, 2)Shacabka reer PL oo u guntada la
shaqaynta Xafiisyada Nabad galyada, hadii labadaa la helo waxaa muuqda
rajo wanaagsan,khudbada Madaxwaynahana 80% waxay ku saabsanayd
Nabadgalyada iyo inuu wax ka qaban doono taasoo haduu ku guulaysto
Taariikhdu xusi doonto isaga iyo intii la shaqaysaybay.
in Sarkaal
furin joogaa dhunsaday 225.000.000 oo shilin, Maxaad moodaa
agaasime, maareeye, Wasiir iyo kuwa lamidka
|
Hantida Qaranka
Ilaalinta Hantida qaranka waa waajib
saaran masuul kasta oo xil haya, ummadina waxay wax ku qabsataa hantida
guud ee shacabka ama Qaraka, ilaha laga helo dhaqaalahana (Shacabka
qaybihiisa kala duwan) waxay kusii jiri karaan marka si wanaagsan loo
maamulo hantida guud, hadii ay dhacdo taas badal keed waxaa dhacaya sida
hadaba dhacday, ee uu Madaxwaynu ka dhawaajiyey "in Sarkaal furin joogaa
dhunsaday 225.000.000 oo shilin", Maxaad moodaa agaasime, maareeye,
Wasiir iyo kuwa lamidka? dabcan sida Madaxwaynu noo balan qaaday waxaan
sugaynaa khudbooyinkiisa kale inuu soo bandhigi doono wixii kasoo baxa
baaritaankiisa socda. Waxaan shaki kujir in PL uu ku habsaday Musuq
maasuq gaboobay oo guun ah una baahan in la xidido siibo, waxaa xusid
mudan in PL ay tahay hal Wasaarad oo kaliya inta kalena ay magac yihiin,
PL Waxaa shaqaysa Wasaarada Maaliyada oo kaliya waase jiraan kuwo magac
kaliya ah, arintaana ma'ahan mid ku cusub dadka reer PL iyo
Saxaafadoodaba, hadaba su'aasha meesha kujirtaa waxay tahay Madaxwayne
Cade muxuu ka badali doonaa arintaan,waxaa hada ka hor la sameeyey kuur
galid hantida kasoo xaroota Dakada Boosaaso, waxaa xisaabiyaadkii
sheegeen iska daa PL ee in Soomaaliya bar ay ku filan tahay.
Arimaha Bulshada
Waxaa khudbadii Madax waynaha kujirtay
inuu wax ka qaban doono arimaha Bulshada Sida, Caafimaadka, Waxbarashada,
Biyaha, Wadooyinka iwm, arintaas oo ah halbowlaha Nolosha marka laga
reebo Nabad galyada oo iyadu ah Wadnaha dhiiga siiya halbowlaha, Waxaa
Cad in maamulkii hore ee PL uusan waxba ka qaban arimahaas uuna gabay
kaalintii kaga aadanayd, ilaa hadana Gobolku ka aradan yahay wax qabadka
arimaha bulshada, marka laga reebo dad iyagu is xilqaamay oo wax ka
qabtay meelo kooban sida waxbarasha, waxaa iyana kamida wax qabadka
arimaha bulsha ladagaalanka anshax xumada sida Daroogada noocyadeeda
kala duwan iyo meelaha lagu soo bandhigo Filimada xambaarsan faafida
Faaxishada, oo aad ugu baahaya PL siiba Khamriga oo cabidiisu caadi
kanoqotay xafiisyo kamida xafiisyada Dowlada ee maamulkii hore, waxaa
xusid mudan in dhalada khamriga ah Bishii lasoo dhaafay December 2004
Magaalada Boosaaso ay ka joogtay $100 oo ay ku gadanayeen qaar kamida
Maamulka PL illaa waa lacag aysan lahayne, hada kahorna waxaa dhacday in
Magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay khamri badan oo laqabtay oo
lagubayo, taasi soo uma eka
Qaad joojintii Xiligii Siyaad Barre, ama lajiifiyaana banaan, waxaa
laga rajaynayaa Madaxwaynaha khudbooyinkiisa danbe inuu kaga hadli doono
arimahaas oo dhan dabcan waxna ka qaban doono insha allaah.
Waxaa iyana kamida arimaha bulshada
sida saxaafada uu'ula dhaqmo Maamulka cusub, Saxaafadu waa hagaha iyo
koriyaha caqliga ee qaraneed, ummadeed iyo qofeed hadii loo adeegsado
sidii loogu tala galo, waxaa iska cadayd sida maamulkii hore ula dhaqmay
saxaafada dabcan waa lawada soconaa, hadaba waxaan filayaa in fursadaan
Gen. Cade ka faa'idaysan doono oo siin doono Saxaafada xoriyadeeda,
waxaa iyana meesha kujirta saxaafadu inay noqoto mid ku dhisan, aqoon,
run, geesino iyo inay dhisto ummadeeda.
Waxaan shaki kujirin in hogaamiye kasta
uu ku helo kalsoonida shacabkiisa sida uu wax uga qabto arimaha bulshada
ee kala duwan, waxaa kaloo iyana meesha ka marayn inuu tusaale fiican u
noqonkaro jiilasha ka danbeeya, amaba uu ka tagi karo wax lagu xasuusto
sida Masaajid, Isbitaal, Jaamacad, Iskuul, Wadooyin iwm.
Isku soo duuduuboo waxaas oo dhan waxay
ku xiran yihiin cida uu'u doorto inay la shaqeeyaan ama cida uu rakaabka
ka dhigto, waxaan horay looga baran Madaxda Soomaalida inay wada
shaqeeyaan cid ay kala fikir duwan yihiin haday doonaan isku ujeedaba ha
ahaadeene, kala duwanaanshaha fikirku muhiim ma'ahan ee waxaa muhiima in
isku qadiyad layahay, mana shaqayn karto dowlad hal dhinac ah, waa
muhiim inay mucaaradkaagu Dowladaada ku jiraan si aad uga faa'iidaysato,
waayo waxay arkayaan iimahaaga waana kugu dhaleecaynayaan, ama waxaad
kala gabbanaysaa tallaabo aad qaadi lahayd, hadaba su'aasha meesha
kujirta waxay tahay maxaa ku kallifa Madaxda Soomaalida inay Rakaab
xunyihiin?, jawaab too kooban waa in laga horyimaado marabaan, waxayna
yiraahdaan "ushaada ninkaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa" hadaba
geelu dhuuntuu u dhitaa e hadalka nuxurkiisu wuxuu yahay, Marunbaa
mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade?, waxaan filayaa
jawaabtu waxay ku xiran tahay Madaxwayanaha ee aan jeedaalino xiliga
inagu soo aadan insha allaah.
Xasan Dhooye (Abuu Xafso)
dhooye@hotmail.com