SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 9aad

Matni

9- وَعَنْ أَبِي قَتَادَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اَللَّهِ صَلَّى اَللَّهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ -فِي اَلْهِرَّةِ-: {إِنَّهَا لَيْسَتْ بِنَجَسٍ, إِنَّمَا هِيَ مِنْ اَلطَّوَّافِينَ عَلَيْكُمْ} أَخْرَجَهُ اَلْأَرْبَعَةُ, وَصَحَّحَهُ اَلتِّرْمِذِيُّ وَابْنُ خُزَيْمَةَ. 

Abii Qataadah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam­- bisadda uu ka yiri: “Iyadu nijaas ma aha, iyadu waxay ka mid tahay kuwa idinku dhex meeraysta.” Waxaa weriyey afarta, waxaana saxiix yeelay Tirmidi iyo Ibn Khusaymah.

Sharax

Abii Qadaata na magaciisu waa al Xaarith ibn Ribciyy (الحارث بن ربعي الأنصاري).

Xadiiskani qisuu lahaa oo qisaduu lahaa waxay ahayd: Abuu Qataadah- radiyal Laahu canhu- ayaa guriga wiilkiisa soo galay, wiilkiisu gabar uu qabey oo la dhihi jirey Kabshah bint Kacab ibn Maalik- radiyal Laahu canhumaa- ayaa u soo shubtay biyo weysoqaad ah. Biyihii kolkay usoo dhigtay gabadhii uu soddoga u ahaa ayey bisadi timi rabta inay cabto, bisaddii buu weelkii u qalloociyey markaasay ka cabtay weysadii. Gabadhii oo soo fiirinaysoo la yaabban yuu Abuu Qataadah arkay- radiyal Laahu canhu- markaasuu yiri adeer miyaad la yaaban tahay? Rasuulka Allaan maqlay isagoo hadalkan lohoo yiri najaas ma aha oo waxay ka mid tahay inta idinku dhex warwareegaysata ee idinku naban.

Waa sidaa ay u saxiix yeeleen oo xadiisku waa saxiix, wuxuu ku saxiix yeelay [Shaykh Albaanii] Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’ alQaliil.

Markaa xadiisku wuxuu faa’iideynayaa oo sariixba ku yahay (ku cad) bisaddu inaynan nijaas ahayn. Sababka keenay ee anynan nijaas u noqoninna ay tahay iyadoo iska ilaalinteedu mashaqa uu yahay; la iskama ilaalin karo. Gurigay joogtaayoo marka sida caruurtii oo kale weeyaanoo weelkay iskala gelaysaa dadkii bay taataabaynaysaayoo hadday nijaas tahay marka iyadii oo sidaas dadkii ugu dhex jirta... waa xayawaankaa faa’iidada lohoo guryaha masaskiyo, jiirka iyo xasharaadkaasna ka nadiifisa ah haddii nijaas laga dhigi lahaa cusri baa meesha ka dhalan lahaa, markaa sharciguna cusriga waa ka tuuray. Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- uu yiri

وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ

“Alle diinta dhib kama dhigin” [Sheekhu aayaddan ma fasirin]

Markaa kol haddaynan nijaas ahayn hambadeeda in lagu weysaysto, biyuhuu ku weysaysanaayuu usoo qalloociyoo ay ka cabtay weelkiina markaa waxba lagama dhaqin, biyihiina lama daadinin, biyihii wuu ku weyseystay Abuu Qataadah- radiyal Laahu canhu-. 

......

Xadiiska 10aad,

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org 

Hordhaca ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | December 18, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;