SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 10aad

Matni

10- وَعَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ فَبَالَ فِي طَائِفَةِ اَلْمَسْجِدِ، فَزَجَرَهُ اَلنَّاسُ، فَنَهَاهُمْ اَلنَّبِيُّ صَلَّى اَللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَلَمَّا قَضَى بَوْلَهُ أَمَرَ اَلنَّبِيُّ صَلَّى اَللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِذَنُوبٍ مِنْ مَاءٍ؛ فَأُهْرِيقَ عَلَيْهِ. مُتَّفَقٌ عَلَيْهِ. 

Anas ibn Maalik- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey inuu yiri: nin reer baadiye ah ayaa yimid dabadeedna wuxuu ku kaajay qayb masjidka ka mid ah, markaa dadkii baa ku qeyshay, Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam- wuu ka reebay [inay ku qayliyaan], markuu kaadidiisii dhammeeyey buu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu amray [in la keeno] wadaan biyo ah, kadibna waa lagu kor shubay.

Muttafaqun calayhi.

Sharax

Ninkaana Dul Khuwaysirah al Yamaanii (اليماني ذو الخويصرة) ayaa la dhihi jirey–radiyal Laahu canhu-. Sidii majliskii loo fadhiyey uun buu kacay meel dhinac masjidka dhinacyadiisi ka mid ah oo gudaha ah ayuu kaadi la fadhiistay, dadkii baa ku qeyshay oo ku roorary, inay garaacaan bay rabeen, rasuulkii Allaa ka reebay [inay wax yeelleeyaan].

Xadiiskanu waa kaan kitaabka kalena kusoo marray ee dhahaayey: kaadida haku goynina ha dhibina, dhaafa, markaasna goor dambe uu yiri kaadidiisa biyaha ku shuba... “waxaa la idiin soo saaray inaad wax fududaysaan ee la idiin ma soo saarin inaad wax cuslaysaan”.

Xadiisku markaa wuxuu tusinayaa:

Waa koow’e, kaadida dadku inay nijaas tahay.

Midda labaad waxa weeye kaadidisii in biyo lagu shubo oo biyo lagu daahiriyo la amray. Midda saddexaad ee uu faa’iideynayaa waxay tahay: in dhulka nijaasooba aynan waajib ahayn in la qodo, oo inta horta la kaakiciyo biyaha haddana kolkaa lagu shubo, ee sida uu yahay uun baa biyihii loogu shubi, ama ciid ha ahaado ama turaab ha ahaado ama balaad (mar-mar) iyo waxyaalahaas iyo shamiitadiiyo, [oo labada dambe] iyagu sida weelka loo dhaqo oo kale baa loo dhaqayaa oo iyagu waa ka dhib yar yihiin.

[Afar] In aanay ku filnayn dhulka daahirintiisa in la qallajiyo. Qallajiya oo kolkuu qallalo ayuu iska daahiroobayaa ma aanuu dhihin Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam-. Markaa wax xadiis marfuuc ah oo dhahaaya dahaaratul ardi jufuufuhaa (جُفُوفُ الأَرْضِ طَهُورُهَا)  ma uu jiro ee laba nin oo taabiciintii ka mid ah midna waa Abuu Qilaabah al Jarmii (أبو قِلابة الجَرْمِي), midna Muxammad ibn Cali al Baaqir  (محمد بن علي الباقر ) la yiraaho- radiyal Laahu canhumaa- labadaa nin fatwadooda weeyaan.

[Shan] Waxaa kale oo xadiisku markaa uu keenayaa dhulka nijaasoobay biyaha lagu daahirinayaayi inaynan wax qiyaas ah oo go’an lahayn. Biyo badan oo meesha ka qaalib noqda baa lagu butaacinayaa. Waxaa kaluu keenayaa biyaha qusaalada la yiraaho (ka nijaaso lagu dhaqay weeyaane) inaynan najaas ayagu ahayn marka. Siduu u keenayaa waxa weeyaan, meeshii kaadidu ay ku dhacday marka lagu shubo wadaan buuxda, biyihii way qulqulayaan oo meeshay kaadidu gaartay meel aan ahayn bay sii gaarayaan. Markaa hadday biyahaasu meeshay gaaraan ay sii nijaasaynayaan ku shuba lama dheheen oo nijaastii bay sii fidinayaan.

[Lix] Waxaa kale oo xadiisku uu keenayaa qofka kolkay lasoo gudboonaato laba arrimood oo kala dardaran oo labadu ay xun yihiin dhibaatana leeyihiin, midkooda khafiifka ah inuu qaato. Saasuu keenayaa. Maxaa yeelay ninkaasi haddii kaadida lagu gooyo dhib baa ka dhalanaya; isagana dhib baa uga dhalan lahaa oo waa xanuusan lahaa, kaadidiina inaanu xajisan karin oo uu waayeel ahaa baa suuroowda, markaa kolkuu la kaco oo uu cararo meel kale na sii gaarsiiyo, marka mafsadadaa badan lahayd. Laba mafsadood yaa lasoo gudbanaatay: masjidkii oo kaadidii lagu daayo oo qofkii uu kusii kaajo waa mafsadah. Isagoo masjidkii meel kale kaadidii sii gaarsiiyaana mafsada kalay ahayd. Markaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- middii yarayd ayuu doortay oo ahayd inay kaadida nijaasta ahi meeshaa keliya ku koobnaato meeshiina la daahiriyo.

[Toddobo] Midda kale ee xadiisku keenayaa waxa weeyaan qofka mu’minkii inuu ka xurmo weyn yahay masjidka. Masjidka iyo Kacbada iyo meel kastaba qofka Mu’minka ah xurmadiisa yaa ka weyn. Maxaa yeelay Nebigu- sallal Laahu calayhi wa calaa aalihii wasallam- waxaa ka mid ahaa erayadiisii “kaadida haku goynina”, illeen qof kaadi bilaabay haddii lagu gooyo waa la yaqaanaa inuu xanuusanayo.

Qof darawal ah oo jid ku socda haddii ilmo yar ama qof waayeela ama haweenay ama wax sidaasi ka hor yimaadaan, ardada jaamacaddaan weydiin jirey, dhiniciisana masjid uu yahay oo hadduu ka qabo is yiraaho masjidka uu ku dhacaayo oo masjidka duminaayo, haddii aanu qabaninna uu qofkaa dilaayo, midkoodee buu dooranayaa? dabcan boqol masjidna ha ahaadeene waxaa ka dhib yar, dhagxan illeen weeyaan masjidkuye, qofka Banii Aadamka ah ee Muslimka ah ayaa ka sharaf weyn oo ka xaq weyn, marka intuu qof Muslim ah dili lahaa inuu masjid ha dumiyo ama meel kale ha dumiyee, kol haddii dad ka fara badan aanu ku halaageyn, kaasuu ka dooranayaa. Labada arrimood ee xun middoodi dhib yar yaa la doortaa.

[Siddeed] Kan kaloo laga qaadanayo waxa weeyaan qofka jaahilka ah wixii uu sameeyo ee edeb darro aanu u samayn ee laakiin jahli iyo aqoon darro ay u geyso inaanu canaan ku mudanayn ee inta loo tartiibiyo wax loo sheego. Laakiin qofka isagoo wax garanaaya edeb darro iyo ciyaala-suuqnimo u samaynaya waxaa, qofkaas marka in lagu xanaaqo oo la adbiyo buu mudanayaa, ka jaahilka isaga in tartiib wax loogu sheego oo loo tartiibiyo ayuu mutaa isagu.

......

La soco Xadiiska 11aad, Insha Allah

....

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | December 30, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;