SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 8aad

Matni

8- وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ صَلَّى اَللَّهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: {طُهُورُ إِنَاءِ أَحَدِكُمْ إِذْ وَلَغَ فِيهِ اَلْكَلْبُ أَنْ يَغْسِلَهُ سَبْعَ مَرَّاتٍ, أُولَاهُنَّ بِالتُّرَابِ} أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ.

Abii Hurayrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Midkiin weelkiisa hadduu ey [wax] ku cabbo (afka la galo), markaas daahirinta la daahirinayaa waxa weeyaan todoba goor inuu dhaqo, midda ugu horraysaayu ciid mid lagu daray ay tahay.” Muslim baa xadiiskan weriyey.

Sharax

Wuluuq waxaa la yiraahaa waxyaalaha carrabka wax ku cabba, sida bisadda iyo ugaadha iyo eygiyo kuwaasoo kale, ku cabidda ay biyaha iyo wixii la mid ah carrabka ku cabbaan ayaa wuluuq la yiraahaa. Hadduu ey afka la galo weelkii oo uu afka geliyo markaas daahirinta la daahirinayaa waxa weeyaan inuu dhaqo todoba goor inuu dhaqo midda ugu horraysaayu ciid mid lagu daray ay tahay. 

وَفِي لَفْظٍ لَهُ: {فَلْيُرِقْهُ}.

Lafdi uu Muslim leeyahayna waxay ahayd: “ha daadiyo.”

Kolkaasna todobadii goor ha dhaqo.

Riwaayaatka kale: Tirmidi

وَلِلتِّرْمِذِيِّ: {أُخْرَاهُنَّ, أَوْ أُولَاهُنَّ بِالتُّرَابِ}. 

Tirmidi isna waxaa u sugnaatay oo uu ku yiri: “midda u dambaysa ama midda u horreysaayu [ciid mid lagu daray ay tahay]”

Kan waa shakiyey isagu oo shaki buu ku weriyey. 

Laakiin riwaayadii hore ee Muslim ayaan iyadu shakiyin oo dhahday “midda ugu horraysaayu” markaa midda ugu horraysa waa in laga dhigo [ciidda].

Riwaayad (werin) iyadu iska idlaaqaysoo [aan ta hore iyo ta dambe toona ku xaddidayn] midkood  dhahaysaa iyadu waa iska jirtaa, laakiin riwaayadaa Muslim ayaa midda ciidda lagu daraayo xaddiday oo midda ugu horraysa [ka dhigtay].

Xadiiska markaa isaga macnihiisu waxaa weeyaan eygu weelkuu afka la galo inuu nijaasoobayo weelkii iyo sharaabkii ku jireyba. Sharaabkiina hala daadiyaa la yiri weelkiina hala dhaqaa la yiri. Weliba waxaa kale oo uu keenayaa nijaasada eygu inay nijaasa muqallada [la adkeeyey] ay tahay, ta culus inay tahay, oo sida nijaasooyinka kale ee caadiga ah loo daahiriyo inaan loo daahirinayne lagama maarmaan ay tahay in ciid lagu dhaqo. Ciidda bedelkeedii shaambo iyo oomo iyo saabuun iyo ma aha; wax kale marka kuma filla waa ciiddaas.

Sir Alle uu Rasuulkiisa ogeysiiyey yaa meesha iskaga jirta, markaa waxyaalaha kale ee mustaxdathaatka [la sameeyey] ehee sanaacaatka ihi wax la mid ahoo wax lagu nadiifiyaa wey jiri jireen berrigoodii hore, Ashnaan geed la yiraahiyo oo wax lagu dhaqan jiriyo baa iska jira saabuunina waa jiri jirtey. Marka saabuun halagu dhaqo maanuu dhihine, ciid halagu dhaqo buu dhahay.

Waxaa kale oo xadiisku faa’iideynayaa eygu najisul cayn inuu yahay. Daatadiisu [jirkiisa] inay nijaas tahay yuu keenayaa, maxaa yeelay afkiisi haddii la yiri wixii uu geliyo waa uu nijaaseeyey, macnuhu waxa weeyaan inuu afkiisu nijaas yahay, afkiisa iyo lugtiisa iyo dabadiisana ma kala duwana. Haddiiba afkiisu ugu nadiifsanaa jirkiisa waxa weeyaan inta kale way ka sii liidataa. Kolka haddiiba afkiisi nijaas noqday, wuxuu halkan wadaadka shaarixa ah al Mubaarakfuurii [kitaabka sheekhu haysto waxaa sharax kooban ku daray al Mubaarakfuuri- wadaadka Raxiiqul Makhtuumka qoray] uu sheegayaa masalo cilmi ah oo muhiim ahoo caddaynaysa xikmada arrintaa ku jirtaayu inuu sharcigu eygii uu nijaaseeyey oo uu nijaasul cayn [asal ahaan nijaas u ah] ka dhigay, oo uu haysashadiisa faa’iido la’aan loo haystana uu xaaraantimeeyey, xadiiska me ehee xadiis kale uu ku xaaraameeyey, wixii weelkuu galana in si aada loo nadiifiyo; si aada loo dhaqo uu amray. Marka wuxuu leeyahay:

“Waxay caddeeyeen dhakhtarada casrigan qaarkood eyda badankeeda xiidmaheeda/ mindhicirkeeda inuu ku jiro dhixrin dheer oo aad iyo aad u yar dhererkeedu uu yahay afar millimitir. Markuu saxaroodo eygu ukumo yaryar oo dixrigaasu uu leeyahay oo aad iyo aad u fara badan ayaa soo baxaysoo saxaradiisa soo raacaysa. Qaar badan oo ukumahaas yaryar ka mid ah baa waxay ku dhegayaan oo ku harayaan timaha dabadiisa hareeraheeda ku yaalla (kolkaa eyga iyo bisadiyo waxaa la ogyahay waa is leefaanoo wixii wasakhee ku yaaliyo carrabkooday iskaga suuliyaan,) markaa eyga hadduu dabadiisa meelahaa uu leefo waxaa afkiisa iyo carrabkiisa usoo gudbeysa ukumihii yaryaraa ee meesha ku yaallay haddii uu eygii markaa weel afka geliyo ama biyo uu cabbo ama qof uu afka ka dhunkado (sida gaaladu yeelaan iyo sida ferenjiga iyo inta ku daydaa ay yeelaan weeyaane) waxyaalahaas eyga afkiisa taabtay yaa ukumihiisi ay soo raacayaan. Inay markaa afka ka gasho ayaa u dhib yaraanaysa kolkuu wax cabbaayiyo kolkuu wax cunaayiyo kolkii isaga, markaasay calooshiisa gelaysaa, ukumihii sidaas ahaa. Ukumihii baa dillaacaya. Ukumihii oo dildilaacay oo dirxi noqdayu calooshiisa derbigeeda bay daldaloolinaysaa, xididada dhiigay gaaraysaa, cuduro fara badan bay markaa u keenaysaa maskaxda iyo wadnaha iyo sambabka, dhakhtarada Yurub arrimahaas way arkaanoo waa ay sawiraan, oo maaykraskoobyada iyo waxyaalahaasay ku arkeen. Eyga arrintaasi ay ku dhacday ee cudurkaa qaba kol hadday noqotay mid aan la garanayn in eyda kale laga sooco mid aad u culus ay tahay, illeen arrintaasi waxay u baahan tahay wakhti dheer iyo baaris dheer iyo qalab aanay dadkoo dhani wada heli karin. Markay arrintu sidaa noqotay buu eygii najisul cayn sharcigu ka dhigay oo weelkii uu taabtay ee afka la galay sidaa in loo daahiriyo uu amray baa yaa waxay noqotay xikmada iyo sawaabta lagama maarmaanka ah bay noqotay. (arrintaana waxaan ku sheegay buu leeyahay Xaashiyatu Ixkaamil Axkaam Sharx Cumdatil Axkaam, ee ibn Daqiiq al Ciid- raximahul Laahu tacaalaa-.) 

Sidaasuu markaa had iyo goor, cilmiga cusubi sharciga axkaamtiisa u ayidayaa. Caqliga saxiixa ah iyo cilmiga sugan (ma aha nadariyaatka [aragti, theory] dadka qaarkood ay rumeysan yihiin ee aan la xaqiijinin) ee cilmiga xaqiiqiga ah marna sharciga ma khilaafaan. Illeen Allaah- subxaanahuu wa tacaalaa- waxyaalahan isagaa abuuray sharciganna isagaa amray oo dejiyey. Alle- sarreeye- wuxuu yiri:

)سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَى كُلِّ

شَيْءٍ شَهِيدٌ) فصلت : 53.

“Waxaan ka tusin doonnaa dadka aayaadkanaga jihooyinka (cirka iyo dhulka)  iyo nafafyaalkooda ilaa uu uga cadaado in Qur’aanku uu yahay xaq, ma wuusan kugu kaafin Rabbigaa in uu wax la arko kulligii Alle daalacanaya oo arkaaya uu yahay ” Fussilat: 53. [Sheekhu ma sheegin micnaha aayaddan ee waxaan kazoo qoray tafsiir Shaykh Cumar Faaruuq- Alle ha u naxariistee-.

......

Akhri Xadiiska 9aad

....

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org

 

Hordhaca ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;