Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha:
Xadiiska 4aad
Matni

Cabdillahi ibn
Cumar- radiyal Laahu canhumaa- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle-
sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Biyuhu markay gaaraan laba aashuun
(qullatayn) ma aqbalaan nijaaso.”
وَفِي لَفْظٍ: { لَمْ يَنْجُسْ }
Lafdi kalena
waxaa ku sugnayd: “Ma nijaasoobo”
Sharax
Qullatayn waa
qullah oo laba laga dhigay. Aashuunka weyn baa qullah la yiraahaa, qullana waxaa
loogu magacaabay waa mid la qaadi karoo qof xoog leh uu qaadi karo; dhulka ka
hinjin karo. Waxaa la mid ah tanaga iyo dhoonharaadda... marka weel weyn oo
aashuumada waaweyn iyo haamaha waaweyn iyo sidaasoo kale ah muggiis ayaa qullah
la yiraahaa. Markaa laba aashuun bay noqonaysaa iyo laba haamood iyo wax
sidaasoo kale ah ama laba kharbad oo waaweyn siduu Imaamu Shaafici- radiyal
Laahu tacaalaa canhu- uu ku fasiray isagu.
[biyuhu markay
intaas gaaraan] ma aqbalaan nijaaso oo nijaasada waa iska celiyaan weeye
macnaheedu.
Afarta asxaabu
sunankaa weriyey, Ibn khusaymana waa saxiix yeelay iyo Ibn Xibbaan (Abuu Xaatim,
Muxammad ibn Xaatim Al Bustii) iyo Xaakim (Abuu Cabdillaahi an Naysaabuuriyyi,
Muxammad ibn Cabdillaah). Saddexdaasuba mid waliba kitaab saxiix uu ku
magacaabay buu leeyahay, oo way saxiix yeeleen. Waana sida ay sheegeen oo
xadiisku saxiix weeyaan oo waxaa saxiix yeelay isaguna Shaykh Albaanii Saxiix
alJaamic asSaqiir iyo Irwaa’il Qaliil iyo qeyrkoodba.
Xadiiska hadal
fara badaan iyo waxbaa ku jirjira oo sanad[1]kiisaa
wax laga sheegsheegaa, qaarna isku dayeen inay daciifiyaan, laakiin xadiisku
shaki la’aan waa xadiis saxiix ah.
Xadiiskanina
markaa xadiiskii labaad ee Abuu Saciid Al Khudrii ayuu shardi ku kordhinayaa oo
biyaha Nebigu- sallal Laahu calayhi wacalaa aalihii wasallam- [ka yiri]: “biyuhu
kuwa dahuur ah weeyaan oo waxba ma nijaaseeyo” biyaha badan ee markaa laba
aashuun (qullatayn) iyo wixii ka badan gaaraya weeyaan.
Laakiin hadday
biyuhu yar yihiin oo qullatayn ay ka yar yihiin nijaaso waa aqbalayaan weeyaan
oo way nijaasoobayaan.
Marka
saddexdaas arrimood marka la isu geeyo; xadiiskii Abuu Saciid Al Khudrii iyo
ijmaaca iyo xadiiskan Cabdullahi ibn Cumar- radiyal Laahu canhumaa- baa masalada
xukunkeedii oo kaamil ihi inoo soo baxayaa oo waxay noqonaysaa: biyuhu hadday
yar yihiinna nijaaso kastoo ku dhacdaayu ama ha dooriso ama yeynan doorinine way
nijaasaynaysaa. Yaraantana xadkeedu waa wixii qullatayn ka hooseeya, qullataynna
xadkaa aan sheegnay weeyaan. Biyuhu hadday badan yihiin oo nijaasadaa ku dhacday
ay doorisana iyaguna waa nijaasoobayaan. Haddiise biyuhu badan yihiin oo
qullatayn iyo wixii ka badan ay yihiin oo nijaasadiina aynan doorinin ma
nijaasoobayaan. Saasuu masalada xukunkeedu noqonayaa.
Akhri
Xadiiska 5aad, Insha Allah
Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur
W: www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
[1] Sanad: xadiis
walbaa wuxuu u qaybsamaa laba: sanad iyo matni. Sanadku waa silsiladda
dadka kala weriyey laba bilaabo shaykha kitaabkiisa ku qoray ilaa
Rasuulka-sallal Laahu calayhi wasallam-. Matniguna waa midhaha/erayada
xadiiska.
Hordhaca ka akhri halkan
Faafin: SomaliTalk.com | November 18, 2012
|