Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha:
Xadiiska 3aad
Matni

Abii Umaamah alBaahilii- radiyal Laahu canhu- waxaa laga
weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri:
“Biyuha wax nijaasaynayaayu ma jiraan illaa wixii ka xoog roonaada (yacnii
dooriya) urtiisa, iyo dhadhankiisa iyo midabkiisa.”
Sharax
Abii Umaamata alBaahilii, magiciisa Sudayy ibn Cajlaan (صُدَيّ
بن عَجْلَان) ayaa la yiraahaa.
Markaa sidaa macnaheedu waxaa weeyaan biyaha wixii
bedelaayu ama ha yaraadeen ama ha badnaadeene inay nijaasaynayaan.
Xadiiskana waxaa weriyey Ibn Maajjah, Abuu Xaatimna waa
daciifiyey.....[cajalka waxbaa ka go’an, riwaayada Bayhaqi buu toos u gelayaai
intan kadib. Cajal dhammaystiran haddan helno inta maqan waan kusoo daraynaa
insha Allaah. Laakiin qeybta dambe wuxuu ku sheegayaa in xadiiskani daciif
yahay.]
Matni: riwaayada Bayhaqi

Bayhaqina wuxuu weriyey: “Biyuhu waa kuwii wax daahiriya,
in uu doorsoomo urtiisu ama dhadhankiisu ama midabkiisu nijaaso ku dhex dhacday
daraaddeed mooyaane.”
Sharax:
riwaayada Bayhaqi
Xadiiskanina markaa kii horuu la mid yahay oo Bayhaqi baa
markaa lafdigan isagu ku weriyey. Xadiiskan naftiisu waa daciif oo siduu kii
hore daciif ku ahaa buu kanna daciif ku yahay. Waxaana jira xadiis kale oo
saddexaad oo saxaabi kale oo saddexaad uu weriyey oo Sawbaan (ثَوبَان)
la yiraahoo isaguna sidaas u fasiraayey oo tusinaaya in haddii ay biyaha
nijaasadu dooriso inay sidaas biyuhu ay ku nijaasoobayaan. Laakiin labada
xadiisba, xadiiska Sawbaan iyo Abuu Umaamah labadiisa riwaayaba waa daciif, kol
haddii uu daciif yahayna xukun lagama qaadanayo.
Laakiin masalada xukunkeeda oo ah biyuhu hadday nijaasa ku
doorsoomaan inay nijaasoobayaan, iyada markaa waxaa weeyaan daliil kalaa laga
qaadanayaa, daliilkaasuna waxa weeyaan waa ijmaacul ummah. Umaddoo dhan baa
waxay isku raacday biyuhu hadday nijaaso ku doorsoomaan; nijaaso ku dhacday
sababteeda ku doorsoomaan, inay ku nijaasoobayaan sidaa. Markaa daliilkaasuu
xukunku ku sugnaaday ijmaaca ah mooyaane xadiiskan maanu ku sugnaanin. Imaamu
Shaafici- radiyal Laahu canhu- isagoo masaladan ka hadlaaya buu sheegoo wuxuu
yiri xadiiska masaladaa kusoo arooray jiritaankiisa ma sugayaan culumada
xadiisku.
Laakiin arrintaa khilaaf kuma jiro. Sidaasoo kale isaguna
waxaa sheegay in lagu ijmaacay Tirmidi iyo Ibn Mundir iyo qeyrkood baa sheegay.
Ijmaacaasay markaa masaladu ku sugan tahay.
Akhri Xadiiska 4aad
Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur
W: www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
Hordhaca ka akhri halkan
Faafin: SomaliTalk.com | November 18, 2012
|