Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha:
Xadiiska 2aad
Matni

Abii Saciid AlKhudrii- radiyal Laahu canhu- waxaa laga
weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri:
“Biyuhu kii wax daahiriya weeyaan wax nijaasaynayaana aanu jirin.”
Sharax
Abii Saciid magaciisuna waxa weeye Sacad ibn Maalik ibn
Sinaan,
Xadiiskanina qiso ayuu lahaa oo qisadu waxay ahayd, waxaa
la weydiiyey ceel oo bi’ru budaacah (بِئْرُ بُضَاعَة)
la dhihi jirey oo Madiina ku yaallay yaa la weydiiyey oo waxaa la yiri yaa
rasuulallaah ceelkaa bi’ru budaacah la yiraaho biyahaa lagaaga soo dhaamiyaa
waana ceel oo wasakhda laagu tuuro cadirada iyo haweenka dambooligooda iyo
bakhtiga, iyo waxyaalahaa lagu tuuro ee maku weyso qaadan karaysaa? markaas maku
weyso qaadanaysaa iyo maku weyso qaadanaynaa labadaasaa kala jirta markaasuu
hadalkan yiri oo “biyuhu waa kuwo lagu dahaaro qaato oo wax nijaasaynayaana ma
jiro.”
Xadiiskaan waxaa weriyey Saddexda ( waa Abuu Daawuud iyo
Tirmidi iyo Nasaa’i, siduu soo sheegay.) iyo Axmed. Qeyrkoodna xadiiska waa
weriyeen oo isaguna waa saxiix. Xadiis bi’ru budaacah ayaa la yiraahaa oo waa
saxiix oo Albaani wuxuu ku saxiix yeelay Saxiix alJaamic asSaqiir, iyo Irwaa’il
Qaliil iyo qeyrkoodba.
Xadiiskanu markaa wuxuu faa’iidaynayaa biyuhu, kolkii
daahirkiisa uun la qabsado, in aanay wax nijaasaynayaaba aanu jirin, ha
yaraadeen, ha badnaadeen, ha doorsoomeen, yeyna doorsoomin. Xadiisku isagu
sidaasuu horta faa’iideynayaa. Waana horta inaan kala qaadno xadiisku wuxuu
faa’iideynayo iyo inay jiraan wax kale oo wax ka bedelayo oo ama khasisaaya
[meel ku koobaya] ama qeydaya [meel ku koobaya] inay jiraan iyo mucaarid [wax ka
hor imanaya] inay jiraan waa kala laba, markaa xadiisku isagu sidaasuu
faa’iideynayaa. Laakiin waxaa inoo imaan doona laba arrimood oo xadiiskaas, laba
qeyd u kala xiri doonta.
Akhri Xadiiska 3aad...
Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur
W: www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
Hordhaca ka akhri halkan
Faafin: SomaliTalk.com | November 18, 2012
|