Buluuqul Maraam | Kitaabka Dahaarada | Cutubka Biyaha: Xadiiska 1aad
Matni[1]

Abii Hurayrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii
Alle - sallal Laahu calayhi wasallam- badda ayuu wuxuu ka yiri: “Baddu ku lagu
dahaaro qaato weeyaan biyihiisu, uu xalaasha yahayna bakhtigiisu.”
Sharax
Sababta uu ku yimidna waxay ahayd waa la weydiiyey oo nin mallaax ahaa oo dooni
lahaa ayaa wuxuu yiri: Rasuulkii Alloow badda ayaan korraa oo aan ku safaraa
anaga oo biyo macaan oo badanna aan haysanin, oo waxyar oo cabitaan noogu filan
keliya haysana. markaa haddaan biyaha inta macaan ee aan haysano aan ku weyso
qaadano waa oomaynaa, ee biyaha badda maku weyso qaadan karraa? Saasaa la
weydiiyey. markaasuu sidan ugu jawaabay oo wuxuu yiri:
“Baddu ku lagu dahaaro qaato weeyaan biyihiisu, uu xalaasha yahayna
bakhtigiisuna”
Markaas Rasuulka- sallal Laahu calayhi wacalaa aalihii wasallam- hal xukun baa
la weydiiyey laba xukun buuna ku jawaabay. Taasuna markaa waxay ka mid tahay
fasaaxadiisa iyo sida uu umaddiisa ugu faa’iidaynayey, jahliga in uu ka
saarana uu u jeclaa.
Biyaha Badda
Biyaha baddu markaa waa daahir[2] oo mudahhir[3] ah; waa lagu dahaara qaadan
karaa, waa lagu qubaysan karaa, waa lagu weyso qaadan karaa, dharkaa lagu dhaqan
karaa najaasadana lagaga bixin karaa, waa lagu istinjoonayaa..., waa mudahhir
weeyaan.
Maydita Badda
Maytadiisuna waa xalaal. Yacnii xayawaanaadka badda ee badda ku dhintay, ama
kolkii laga soo bixiyo ha dhinto oo kaluumaystuhu uusoo bixiyo, ama baddu intay
soo tuurto saa haku dhinto, ama badda dhexdeeda intuu ku dhinto isaga oo kor
heehaabaya halaga bixiyo, halaga soo qaatee, intuba markaa xalaal weeyaan.
Markaa xayawaanaadka bad ku noosha ah gawrac uma baahna siday doontaba xalaal
weeye kaasuna wuxuu la mid yahay Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- markuu yiri:
أُحِلَّ لَكُمْ صَيْدُ الْبَحْرِ وَطَعَامُهُ مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِلسَّيَّارَةِ
Saydul baxri markaa waxaa lagu fasiray waxa badda laga soo qabsado,
dacaamkiisana waxaa lagu fasiray waxa isaga oo dhintay oo badda dul sabbaynaya
ama xeebteeda yaalla lasoo qabsado.
Xadiiskan waxaa weriyey Afarta (asxaabu sunankii[4] aan soo sheegnay) iyo Abuu
Bakar ibn Abii Shaybah (Musannafkiisa) lafdigana [erayadana] Abuu Bakar ibn Abii
Shaybah ayaa leh. Kuwa kalena markaa xagga macnaha ayey iyaguna ku weriyeen.
xadiiskana waxaa saxiix yeelay Abuu Bakar ibn Khusaymah Muxammad ibn Isxaaq ibn
Khuzaymah, imaamkii imaamyada, iyo Tirmidi Abuu Ciisaa Muxammad ibn Ciisa
attirmidii,
Xadiiska waxaa kaloo isna weriyey Maalik, Al Imaam Maalik ibn Anas
(Muwadda’iisa) iyo Imaam Shaaficii, magiciisuna waa Muxammad ibn Idriis, yaa
isaguna ku weriyey al-Umm. Imaam Axmad ibn Xanbalna Musnadkiisuu ku weriyey.
Saddexdaa Imaam ee imaamyada fiqhigana asxaabul madaahibta kamid ah iyo
afartaas asxaabus sunan ah yaa weriyey iyo ibn Abii Shaybah iyo ibn Khusaymah
iyo qeyrkood.
Xadiiskuna markaa xadiis saxiixa weeyaan, shaykh Albaanii- raximahul Laah- wuxuu
ku saxiix yeelay Saxiix alJaamic asSaqiir iyo kutubtiisa kuwo kale oo kamid
ahba.
Akhri Xadiiska 2aad.....
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur
W: www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
___________________
[1] Matni: qoraalkii asliga ahaa ee sheekhu sharaxayo.
[2] Daahir: shayga naf ahaantiisa daahirka u ah, tusaale: caanaha geelu waa
daahir laakiin wax laguma daahirin karo lagumana weyso qaadan karo.
[3] Mudahhir: shayga wax daahirin kara.
[4] Asxaabu Sunan: waa culumada alliftay afarta kitaab ee loo yaqaano As Sunan,
oo kala ah; Sunan Abii Daawuud (waxaa allifay Imaam Abii Daawuud), Sunan Tirmidi
(waxaa allifay Imaam Tirmidi), Sunan Nasaa’ii (waxaa allifay Imaam Nasaa’ii),
Sunan Ibn Maajjah (waxaa allifay Imaam Ibn Maajjah). Kitaab walba waxaa lagu soo
aruuriyey xadiisyada la xidhiidha axkaamta shariicada. Guud ahaan afartan kitaab
way ka daraja hooseeyaan Saxiix Bukhaari iyo Saxiix Muslim.
Hordhaca ka akhri halkan
Faafin: SomaliTalk.com | November 9, 2012
|