Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha:
Xadiiska 11aad
Matni
11- وَعَنِ ابْنِ عُمَرَ رَضِيَ
اَللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ: قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ صَلَّى اَللَّهُ عَلَيْهِ
وَسَلَّمَ: {أُحِلَّتْ لَنَا
مَيْتَتَانِ وَدَمَانِ، فَأَمَّا الْمَيْتَتَانِ: فَالْجَرَادُ وَالْحُوتُ،
وَأَمَّا الدَّمَانُ: فَالطِّحَالُ وَالْكَبِدُ} أَخْرَجَهُ أَحْمَدُ، وَابْنُ
مَاجَهْ، وَفِيهِ ضَعْفٌ.
Ibn Cumar- radiyal Laahu canhumaa- waxaa laga weriyey in uu
yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri: “Waxaa naloo
xalaal yeelay laba bakhti iyo laba dhiig. Labada bakhti ayixii iyo mallayga
weeyaan. Labada dhiigna beeryarta iyo beerka weeyaan.” Waxaa weriyey Axmad iyo
Ibn Maajjah, dacfina waa ku jiraa.
Sharax
Xadiiska dacfi
baa ku jira buu leeyahay laakiin daciif ma aha. Xadiisku waa saxiix oo waxaa
saxiix yeelay shaykh Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Silsilat alAxaadiis
asSaxiixah.
Daciif weeye
Ibn Xajar naftiisu maanu dhihine, dacfi baa ku jira buu yiri. Wayna kala duwan
tahay xadiiskaasu daciif weeye iyo xadiiskaa dacfi baa ku jira. Markaa dacfi
khafiif ah ayaa ku jira. Dacfiga uu sheegayo ee ku jiraana waxa weeyaan xadiiska
sanadkiisa[1]
waxaa ku jira nin la yiraaho Cabdiraxmaan ibn Sayd ibn Aslam al Cadawi (عبدالرحمن
بن زيد بن أسلم العدوي). Ninka Sayd ibn Aslam la
yiraaho [Cabdiraxmaanka aabihii], mawlaa Cumar ibn al Khaddaab[2]-
radiyal Laahu canhu- isagu nin imaam ah oo Siqa ah (الثًّقة)[3]
buu ahaa, wiilashiisa oo saddex ahaa: Cabdillahi, Cabdiraxman iyo Usaamah,
saddex kala dardaran bay ahaayeen oo kulligood daciif bay wada ahaayeen. In
kastoo taasi jirto, xadiisku wuxuu leeyahay shawaahid[4]
oo xadiisku waa saxiix. Dacfiga ku jira ee uu sheegayo al Xaafid ibn Xajar-
raximahul Laahu- wax ka kaba buu helay xadiisku, oo mutaabacaat[5]
kale iyo buu leeyahay, xadiisku waa saxiix.
......
Xadiiska 12aad, Insha Allaah
....
Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur
Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii
Shaykh Shariif Cabdinuur
W:
www.shariifcabdinuur.org
E: buluuq@shariifcabdinuur.org
[1] Silsiladda
weriyeyaasha
[2] Sheekhu wuxuu
sheegay in Sayd ibn Aslam yahay mawlihii Cumar (adoon Cumar xoreeyey),
laakiin ninka Cumar xoreeyey waa Sayd aabihiis, Aslam, oo weriyaha
xadiiskan awoowgiis ah.
[3] Siqa,
الثًّقة waa kalmad darajeyn oo la adeegsado
marka la tilmaamayo heerka ay le’eg tahay kalsoonida lagu qabo
weriyahaas (raawi), waana darajo aad u sarraysa. Dhanka kale, weriyaha
aan lagu kalsoonayn waa Daciif ( ضعيف) .
[4] Shaahid waxaa looga
jeedaa: waxaa jira xadiis kale oo markhaati u ah oo arrintan ka hadlaya.
Shawaahid waa wadarta Shaahid.
[5] Mutaabacah: ku
raacitaan. Waa marka la helo weriye KALE oo isaguna xadiiska weriyey.
Markaa weriyihii daciifka ahaa wuxuu helayaa cid ku raacday wixii uu
weriyey oo waa ku xoogaysanayaa.
Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 5, 2013
|