Shirka London: Waa in Badda Soomaaliya loo sameeyo Soon/Degaan Dhaqaale oo
Gaar ah (Exclusive Economic Zone)
- Waxaan ku baaqney in si buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka
Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of Conduct) iyo in la sameeyo
Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic Zone). Waxaana sugeynaa
waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu ka mid yahay kan
laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono Imaaraadka
Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.
War-saxaafadeedkii ka soo baxay shirkii London lagu qabtay hoos ka akhri:

Shirkii magaalada London lagu qabtay Febraayo 23, 2012.
SHIRKA LONDON EE SOOMAALIYA: WAR-MURTIYEED Hordhac
1. Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya waxaa uu aqalka Lancaster House uu ka
dhacay 23kii Febraayo 2012, waxaana ka soo qaybgaley konton iyo shan wefdi oo ka
kala socdey Soomaaliya iyo beesha caalamka. 2. Waxa aan shirney waqti muhiim u ah Taariikhda Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ay
hadda ka soo baxaysaa dhibaatooyin bani’aadamnimo kuwii waqtigan ugu xumaa
dunida. Ciidamo Afrikaan iyo Soomaali ah ayaa Al Shabaab ka saarey Muqdisho iyo
degaamo kale. Hay’adaha ku-meelgaarka ah waxaa uu waqtigoodu dhammaanayaa
Agoosto 2012, waxaana dadka Soomaaliya ay doonayaan in la caddeeyo waxa ka
dambeyn doona. Xaaladdu weli ma deggana, waxaana ay u baahan tahay taageero
degdeg ah oo ay siiso bulshada caalamka. 3. Go’aanka ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaalida ah.
Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya waa in ay ahaadaan kuwo ay la xisaabtamaan
dadkooda. Kaalinta bulshada caalamka u furan waa in ay fududeeyaan horumarka iyo
koboca: xooggeenu waxaa uu ku jiraa midnimo iyo taageero isku dubaridan oo aan
siinno Soomaaliya. Waxaa markii la qabanqaabinayey shirkan aan aqoonsanney
muhiimadda ay leedahay in aan dhegeysanno oo aan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed
ee jooga gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana aan ku soo dhoweynney la
kulankooda ka hor shirkan. 4. Shirku waxaa uu diiradda saarey sababaha dhalinaya degganaan la’aanta, iyo
sidoo kale waxyaabaha calaamadaha u ah (macaluusha, burcad-badeednimada, iyo
argagaxisanimada). Annaga oo bulshada caalamka ah, waxaan isla garanney: in aan
dardar cusub gelinno geeddi-socodka siyaasadda; in aan xoojinno AMISOM oo aan
Soomaaliya gacan ka siinno kobcinta ciidankeeda ammaanka; in aan gacan ka
geysanno degannaanshaha heer degaan; in aan ku dhaqaaqno tallaabo wax looga
qabanayo burcad-badeedda iyo argagaxisada. Siyaasadda
5. Waxaan ku heshiinney in waqtiga Hay’adaha Federalka ee Ku-meelgaarka ah uu
dhammaanayo Agoosto 2012. Waana in aan mar kale waqti loo kordhin. Waxaan soo
dhoweyney heshiisyada tilmaamaya waddada lagu gaarayo dowlad si middan ka badan
dadka u matasha: Axdiga Federalka ee Ku-meelgaarka ah, Heshiiskii Kampala, iyo
Khadiiddada Waddada/Roadmap. Waxaa aan ayidney mudnaanta, lagu xusey Mabaa’diida
Garowe, oo sheegayey in degdeg la isugu keeno Gole Ta’siisi ah (Constituent
Assembly), waxaana aan carrabka ku adkeyney in Golaha uu ahaado mid ay ka wada
muuqdaan fikradaha dadka Soomaaliyeed ee dhammaan gobollada iyo degaamada kala
duwan, iyo in ay waajib tahay in haweenku ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka
siyaasadda. Si waafaqsan heshiiskii Garowe II ayaan isula oggolaaney in la
dhiirrigelinno horumarka oo aan tallaabo ka qaadno kuwa qasaya geeddi-socodka
nabadda, iyo in aan tixgelin doonna talooyinka arrintan la xiriira inta ka
horreysa Shirka Istanbul ee la qaban doono bisha Juunyo. 6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto
wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan
in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka. 7. Waxaan cambaareyney argagaxisanimada iyo xagjirnimada gacan-ka-hadalka
wadata, haddii ay ku kacaan Soomaali ama ajnebiba. Waxaan ugu baaqney in
dhammaan kuwa oggol in ay ku gacan-seyraan rabshadda/gacan-ka-hadalka ay ku soo
biiraan geeddi-socodka nabadda ee Jabuuti. Waxaan ku heshiinney in aan sameyno
barnaamij loogu talogaley kuwa soo goosta oo lagu taageerayo kuwa ka soo baxa
kooxaha hubeysan. 8. Waxa aan carrabka ku adkeyney sida degdegga ah ee loogu baahan yahay in
Soomaaliya ay awooddo in ay maalgeliso adeegyadeeda dowladda, oo ay hantideeda u
adeegsato waxyaabaha dadka faa’iidada u leh, iyo sidoo kale wax ka qabashada
musuq-maasuqa. Waxaan soo dhoweyney horumarka laga sameeyey dhisidda Guddi
Wadajir u Maareeya Maaliyadda/ Joint Financial Management Board (JFMB) si loo
kordhiyo daahfurnaanta iyo xisaabtanka ee dhinacyada soo ururinta iyo in si
habboon u isticmaalidda dakhliga dowladda, iyo sidoo kale gargaarka caalamiga ah
ee horumarinta, kaas oo gacan ka geysanaya xoojinta hay’adaha maareynta
maaliyadda dowladda ee Soomaalida ah. Baaq ay soo saareen xubinihii u horreeyey
ee JFMB waxaa uu ku qoran yahay Lifaaqa A. 9. Geeddi-socodka nabadda waa in ay xuddun u ahaataa ixtiraamidda xuquuqaha
aadanaha. Waxaan ku baaqney in la qaado tallaabo gaar ahaan mid wax looga
qabanayo ku-tumashada iyo xadgudubyada waaweyn ee xuquuqaha aadanaha ee haysta
haweenka iyo carruurta. Waxaan carrabka ku adkeyney in ay waajib tahay in
suxufiyiintu ay hawshooda u qabsadaan si xor ah oo aan cabsiyi ku jirin. Waa in
la ilaaliyaa dadka rayidka ah. Waxaan madaxda Soomaalida ugu baaqney in ay
qaadaan tallooyin lagu xaqiijinayo xuquuqaha aadanaha laguna joojinayo dhaqanka
ah in aan waxba la isu raacan (impunity). Waxaan ku heshiinney in aan xoojinno
dadaallada caalamiga ah ee ay ka mid tahay in loo maro hay’adaha Qaramada
Midoobey ee xuquuqaha aadanaha. Ammaanka iyo Caddaaladda
10. Waxaan ku heshiinney in ammaanka iyo caddaaladdu ay muhiim u yihiin in la
helo geeddi-socod siyaasadeed oo guuleysta iyo horumarkaba. Ammaan wanaagsan
waxaa si joogto ah loogu heli karaa oo keliya marka ay barbar socdaan caddaalad
wanaagsan iyo talinta sharciga. 11. Waxaan u mahad-celinney dalalka ciidamadoodu ay nabad-ilaaliyeyaal ahaan u
joogaan gudaha waxaana aan ammaanney guulihii iyo wixii ay u hureen AMISOM iyo
ciidamada kale. Waxaan soo dhoweyney qorshaha wadajirka ah ee ay dejinayaan
Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxaana aan mar kale ku celinney muhiimadda
ay leedahay in la sameeyo hoggaan taabogal ah. [Waxaan soo dhoweyneynaa in la
ansaxiyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay ****
ee ballaarinaya maandeytka (hawsha) AMISOM oo badinayana tirada ciidankooda.]
Waxaan AMISOM ku dhiirrigeliney in ay hubiso ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaa
aan wada-hawlgalayaasha, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha cusub, ku dhiirrigeliney
in ay maaliyad siiyaan AMISOM, taas oo ay ka mid tahay mid la soo mariyo Midowga
Yurub. 12. Waxaan ku heshiinney in, muddo ka dib, Soomaalidu ay la wareegaan
mas’uuliyadda ammaankooda ayna kobciyaan nidaamkooda cadaaladda si ay wax uga
qabtaan halista ku wajahan ammaankooda ayna wanaajiyaan helidda caddaaladda.
Waxaan aqoonsanney in Soomaalida oo keliya ay u taallo in ay go’aansadaan nooca
ammaan iyo caddaalad ee ay doonayaan. 13. Waxaan aqoonsanney hawsha wanaagsan ee socota ee lagu taageerayo waaxaha
ammaanka iyo caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan ku heshiinney in aan dhisno qaab
wada-hawlgalayaal caalami ah si loo helo isudiwidda aadka loogu baahan yahay iyo
si diiradda loo saaro hawlahaas, oo ay xoojinayaan tiro mabaa’dii ah oo lagu
qorey lifaaqa B oo si dhow ula shaqeynaya Guddiga Wadajirka ah ee Qaramada
Midoobey ee Ammaanka/UN’s Joint Security Committee. Burcad-badeednimada
14. Waxaan mar kale ku celinney sida ay innooga go’an tahay ciribtirka
burcad-badeednimada, annaga oo ogaaney in dhibaatadu ay u baahan tahay in hab
ballaaran oo dhulka iyo baddaba ah wax looga qabto. Waxaan muujinney welwelka
aan ka qabno la-haystayaasha muddada dheer lagu hayso Soomaaliya ee gacantana
loo qaadayo. Waxaan soo dhoweyney hawsha Kooxda Xiriirka arrimaha
Burcad-badeedda Dibadda Xeebta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale soo dhoweyney
guusha ay gaareen dadaallada ciidamada caalamiga ah, waana ay innaga go’an tahay
sii wadista dadaalladaas oo kale oo leh xeerar adag oo hagaya hawlgalka iyo
ciidamo ku filan. Waxaan isla oggolaaney in burcad-badeednimada aan lagu xallin
karin hawlo mileteri oo keliya, waxaana aan ku celinney muhiimadda ay leedahay
in bulshooyinka in ay wax ka qabtaan waxyaabaha sababta u ah
burcad-badeednimada, iyo sii wanaajinta in biyaha xeebaha Soomaaliya si waxtar
leh loo adeegsado iyada oo loo marayo tallaabooyin lagu dhisayo kartida dhinaca
badda ee gobolka. Waxaan soo dhoweyney dadaallada socda waxaana aan isla
oggolaaney in si wanaagsan la isugu duwo loona taageero. Waxaan ku baaqney in si
buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of
Conduct) iyo in la sameeyo Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic
Zone). Waxaana sugeynaa waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu
ka mid yahay kan laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono
Imaaraadka Carabta ee Midoobey bisha Juunyo. 15. Waxaan soo dhoweyney dadaalka wada-hawlgalayaasha hawshan/partners in
industry ee ka dhanka ah burcad-badeedda, waxaana aan ku baaqney in si sidan ka
ballaaran loo qaato Habka Maareynta ee ugu Wanaagsan (Best Management Paractice)
ee maraakiibka korkooda. Waxaan soo dhoweyney hawsha hadda socota ee ku saabsan
hagidda caalamiga ah ee adeegsiga sharikaadka gaarka loo leeyahay ee ammaanka ee
hubeysan.
 16. Ma jiri doonto burcad-badeenimada aan waxba la isugu raacan. Waxaan ku
baaqney in si weyn loo kobciyo awoodda garsoor ee dacwad ku soo oogista iyo
xiridda kuwa ka dambeeya burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo guud ahaan
gobolka waxaana aan aqoonsanney baahida loo qabo in la xoojiyo kartida dowlad
goboleedyada. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada cusub, ee qaar ka mid ah
dowladaha iyo hawlgallada ciidamada badda awood u siinaya in ay kuwa looga
shakisan yahay burcad-badeednimada loo maxkamadeeyo marka ay wada-hawlgalayaashu
ku qabtaan gobolka Badweynta Hindiya, iyo in marka lagu helo, loo wareejiyo
xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland oo heerarkoodu gaarsiisan yihiin
jaangooyooyinka caalamiga ah. Waxaan ogaanney ujeedka lagu doonayo in laga sii
fekero suuragalnimada in Soomaaliya gudaheeda laga dhiso maxkamado ku takhasusey
wax ka qabashada burcad-badeednimada. 17. Waxaan mar kale sheegney sida ay innooga go’an tahay in aan maxkamadeyno
kuwa u madaxda ah burcad-badeednimada. Annaga oo aqoonsanneyna hawsha hore loo
soo qabtey, waxaan ku heshiinney in aan sii wanaajinno isuduwidda hawlaha wax
looga qabanayo isusocodka maaliyadda sharci-darrada ah iyo in la isu duwo
sir-doonka iyo baaritaannada. Waxaan ogaanney in Seychelles laga dhisey
Xarun-goboleedda Isuduwidda Sir-doonka-Maxkamadeynta ee La-dagaallanka
Burcad-badeedda/Regional Anti-Piracy Prosecutions Intelligence Coordination
Centre. Argagaxisada 18. Argagaxisanimadu waxaa ay halis adag ku tahay ammaanka Soomaaliya, kan
gobolka, iyo kan caalamka. Waxaa ay silic weyn u geysatey dadka Soomaaliyeed.
Waxaan isla wada oggolaaney in aan u wada shaqeyno si sidii hore ka xooggan, iyo
iyada oo si buuxda loo ixtiraamayo talinta sharciga, xuuqaha aadanaha, iyo
sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, in la dhiso kartida si loo
carqaladeeyo argagaxisada gobolka, iyo in wax laga qabto sababaha asalka u ah
argagaxisanimada. Waxaana aan aan isla garanney muhiimadda ay arrintan leedahay.
Waxaan isla garanney muhiimadda ay leedahay carqaladeynta safarrada argagaxisada
ay ku tagayaan Soomaaliya iyo kan ay kaga imanayaan, iyo muhiimadda ay leedahay
carqaladeynta maaliyadda argagaxisada, waxaana aan ugu baaqney dalalka goboka ku
yaalla in ay hirgeliyaan talooyinkii Koox-halweedda Tallaabada
Maaliyadda/Financial Action Task Force ee ku saabsanaa la dagaallanka dhaqidda
lacagta (raad-gadidda lacagta/money laundering) iyo maaliyad-siinta
argagaxisada. Waxaan xusney in sir-doon iyo baaritaan taabogal ah, iyo taageero
la siiyo nidaamka cadaaladda dembiyada ee Soomaaliya, ay muhiim u yihiin la
dagaallanka argagaxisada. Waxaan ku heshiinney in aan la shaqeyno Golaha
Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada/the Global Counter Terrorism Forum
iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed si looga soo dhalaalo
hawshan muhiimka ah. Degannaanshaha iyo Soo-kabashada 19. Waxaan soo dhoweyneynaa guulaha ay gaareen degaanno ka mid ah Soomaaliya ee
ay ku abuureen goobo deggan, waxaana aan ku heshiinney in aan kordhinno taageero
lagu dhiso maamul sharci ah oo nabad ku dhisan, iyo si loo wanaajiyo adeegyada
ay helaan dadka ku nool degaamadaas. Waxaan ku heshiinney in dadaallada noocaas
ahi ay dhiirrigeliyaan/kor u qaadaan wadajirka, ayna qayb ka noqdaan
geeddi-socodka siyaasadeed ee qaranka. 20. Waxaan fulinta Qorshaha Soo-kabashada iyo Dejinta Muqdisho u aqoonsanney mid
muhiim ah. Waxaan ku heshiinney in barnaamijyada aan ku baahinno degaannada
dhowaan dib loo soo ceshadey. Waxaan diiradda saari doonnaa taageero lagu
suuragelinayo in faa’iidooyin degdeg ah oo la joogtana ah loo gaarsiiyo dadka
Soomaaliyeed ee caadiga ah: bedqabka iyo ammaanka, fursado dhaqaale iyo adeegyo
aasaasi ah. Waxaan dhiirrigelin doonaa maamullo degaan oo waxtar leh oo lala
xisaabtamo, waxaana aan taageeri doonnaa xallinta khilaafaadka. 21. Waxaan ku heshiinney in guud ahaan taageerada arrimaha degannaanshaha ee
gudaha loo bixiyo si waafaqsan Heshiiska Cusub ee ka hawlgelidda qaramada
jilicsan ee dhowaan lagu ansxiyey Busan, oo aan ka faa’iideysanno
istiraatiijiyadihii dejinta ee ay diyaariyeen IGAD iyo Dowladda Federalka ee
Ku-meelgaarka ah. Waxa aan ayidney tiro mabaa’dii ah oo hagaya taageerada
caalamiga ah ee la siinayo arrimaha degannaanshaha ee gudaha ee Soomaaliya
(Lifaaqa C). Waxaan xusney in la sameeyey Sanduuqa Maaliyad Degganaansho oo
cusub kaas oo qaar badan oo innaga mid ahi ay wax ku biirin doonaan .
22. Waxa aan isla oggolaaney in dib-u-dhiska iyo koboca dhaqaalaha ee Soomaaliya
ee muddada fog ay ku xiran yihiin ganacsi gaar loo leeyahay oo firfircoon, iyo
in gargaarka iyo maaliyadda qurba-joogta ay labaduba kobcin karaan qaybaha laga
faa’iideysan karo ee xoolaha, kalluumeysiga iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha.
Waxaa aan xusney in degganaanshuhu uu shuruud u yahay badi maalgelinta joogtada
ah ee kaabayaasha dhaqaalaha sida nidaamyada korontada, waddooyinka iyo biyaha.
Waxaan fileynaa in dhammaan arrimahan looga munaaqashoodo Shirka Istanbul.
Bani’aadamnimada
23. Shirka waxaa ka hormarey kulan gooni ah oo laga yeeshey arrimaha
bani’aadamnimada kaas oo ay wada guddoominayeen Qaramada Midoobey iyo Imaaraadka
Carabta ee Midoobey. In kasta oo ay dhammaatey macaluushii, haddana
ka-qaybgalayaashu waxaa ay welwel ka muujiyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada
ee hadda jira, waxaana ay ballanqaadeen in ay bixiyaan gargaar bani’aadamnimo oo
sal looga dhigayo baahida jirta oo keliya. Waxaa ay isla oggolaadeen waxyaabo
lagu heshiiyey oo la xiriira arrimaha bani’aadamnimada iyo in gargaarka lagu
xiro soo-kabashada muddada fog (waxaa lagu faahfaahiyey qoraal gaar ah).
Isuduwid Caalami ah 24. Waxa aan ku heshiinney in hawsha looga heshiiyey London aan u gudbinno
Kooxda Xiriirka Caalamiga ah/International Contact Group (ICG) ee Soomaaliya,
waxaana aan soo dhoweyney go’aanka ICG ee Jabuuti ee ah in laga fekero
dib-u-habeyn si loo noqdo kuwo intan ka waxtar badan. Waxaan ku taliney in ICG
ay dhisto guddi hawleedyo u qaabilsan geeddi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo
garsoorka, iyo degannaanshaha iyo horumarinta. Waxaan ogaanney in, ICG
dhexdeeda, ay koox dalal muhiim ah oo ku hawlan arrinta ay ka shaqeyn doonaan
horumar laga gaaro dhinaca taageeridda dadaallada Qaramada Midoobey, Midowga
Afrika iyo IGAD. 25. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobey iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Siyaasadda Soomaaliya
(UNPOS) ay ku fududeynayaan horumarka laga gaarayo Soomaaliya. Waxa aan sidoo
kale soo dhoweyney kaalinta IGAD iyo Midowga Afrika, iyo taageerada Jaamicadda
Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Shirka Islaamka. Waxaa aan dhiirrigelinney in
si waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka
shaqeeya Soomaaliya. Annaga oo aqoonsan xaaladda ammaan ee culeyska leh ee weli
ka jirta Soomaaliya, ayaan haddana soo dhoweyney dib-u-guuritaanka ay UNPOS ay
dib ugu guureyso Muqdisho waxaana aan isla oggolaaney in aan higsan doonno in
aan waqti badan oo kale ku bixinno gudaha Soomaaliya si Soomaalida loogala
shaqeeyo hawlaha adag ee hor yaalla. Gebogebo
26. Waxa aan muujinney rajada aan ka qabno in la gaarey waqti cusub oo
siyaasadda Soomaaliya, oo ay taageereyso bulshada caalamka, ay nabad ka
dhalinayso Soomaaliya. Waxaa naga go’an in danaha dadka Soomaaliyeed aan xuddun
uga dhigno dhammaan tallaabooyinkeenna. Waxaa aan ka dhur sugeynaa maalinta
xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sameysey horumar dad ugu filan in shir caalami
ah lagu qabto halkaa. Inta laga gaarayo waqtigaas, waxaa aan laba-laabeynaa
dadaalkeenna aan dadka Soomaaliyeed ku gacan siineyno doonistooda ay dalkooda u
doonayaan mustaqbal wanaagsan. London
23 Febraayo 2012
English Version: Read here

kulankii london Feb 23 oo uu ka qayb galay guddoomiyihii baarlamaanka DFKMG ee
xilka laga qaaday (is
shawirka)

Isha sawirka

Kenya ‘disappointed’ with UN
Sawirada: Daily nation,
http://www.guardian.co.uk,
http://www.seattlepi.com/
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2012
|