SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

...

Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey Kursigii Sanaawi

Guddoomiyaha ururkii UWSLF ayaa kulan la yeeshay

 

Sh. Shariif oo la kulmay hoggaamiyaha xukuumadda Itoobiya ee Cadaawadda Soojireerka ah kala dhexeyso Soomaaliya...

Zenawi oo la kulmay madaxweynaha DFKMG xilli IGAD ay UN-ka weydiisatey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah oo ay ku jiraan dalalka Safka hore...


Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa markale magaalada Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeelgaarka Sheikh Shariif.

Zenawi waxa uu kulankaas ka sheegay in uu fulinayo go'aankii ka soo baxay IGAD, "marka laga reebo in ciidamo uu u diro Dalka (Soomaaliya)", ayuu yiri Zenawi oo hore ciidamo ugu diray Soomaaliya, oo uu hore u qiray in ay dagaaladdii Soomaaliya kaga dhinteen dhawr boqol oo askari (waa sida uu qirsanyahay'e).

C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, oo (July 6, 2010) u waramayey Idaacadda wararka  ufaafisa Maraykanka ee Codka Marayanka (Voice of America) ayaa yiri "Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi'iyo."

Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa (July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka imanayaan "dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed".

Dr. Raabeh oo SomaliTalk u warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: "Nimanka madaxda ka noqonaya Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo xabashi daba socoto warba kama hayaan."


Shariifka iyo Zenawi, July 6, 2010

Sawirka sare waa Sheikh Shariif oo la fariisiyey kursiga Zenawi, July 6, 2010 xilli ay dhul Soomaaliyeed ku jiraan gacanta Gumeysiga Itoobiya, taasoo ay dheertahay in ciidamadii Zenawi u soo diray Soomaaliya kaddib markii ay Sheikh Shariif kooxdii uu hoggaamiyaha u ahaa ka saareen Muqdisho ay halkaas ka geysteen xasuuq ba'an dagaal socdey 749 maalmood markii dambena ay shacabka Soomaaliyeed xoog dalka uga saareen ciidankii gumeysiga Itoobiya.

Qarammada Midoobay oo Markale la weydiistey in Soomaaliya loo diro 20,000 oo ciidan ah

Shirkii ururka la baxay IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa (July 5, 2010) laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay go’aamadii shirkaasi ka soo baxay, ayada oo IGAD ay golaha Ammaanka ee qarammada midoobay ka dalbanayaan in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo tiradoodu tahay 20,000 oo askari.

Qodobkaas waxaa ku xusan in shirku “go’aansaday in lala shaqeeyo dhammaan qaybaha oo ay ku jiraan AMISOM iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay si ciidamo gaaraya 20,000 oo askari loogu duro guud ahaan dalka (Soomaaliya) oo dhan.” Waxaa warsaxaafadeedku intaas ku daray “in (dalka Soomaaliya) loo diro ciidamo soo farageliya oo ay ku jiri karaan dalalka deriska ah.”

Idaacada wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo arrinta ciidankaas 20,000 wax ka weydiisey wasiirka dhowaanta loo magacaabay wasaaraadda Arrimaha Dibadda DFKMG, oo durbadiiba safar ku tegey Addis Ababa, ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ka mid noqon doonin ciidamo Itoobiyaan ah. Yuusuf Dheeg oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Ciidamada Ethiopia hore ayey u yimaadeen (Soomaaliya), haddana waa ka bexeen, marka ciidamo Itoobiya ah oo imanay majirto, laakiin ciidamada kale ee East Afrika iyo West Afrikca ee hadda aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed ayey ka imanayaan.”

Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.

Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).

AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010.


Taariikhda Geeska Afrika:


Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri “waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya”. Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: “Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia”. Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan “1929 Nile Treaty” waxa uu dalka Masar siinayey xuquuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Harada "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon". Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah. (Itooobiya waa gashay Soomaaliya iyadoo gaareyy Kismaayo iyo Muqdisho, laakiin faraha ayey kaga gubatey waxaana looga saaray xooga shacabka Soomaaliyeed oo diidan gumeysiga.)

Waatan beryahan (2010) uu muranku ka taagan tahay biyaha webiga Niil ilaa meel kale oo loo ciirsado ma jirto’e.

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen  faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.

Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.

Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.

Let us rewrite Somalia history: “Brief HistoryThe Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)” .

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

Faafin: SomaliTalk.com / July 6, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

IIDHEH
XAYAYSIIS