Danaha laga leeyahay waa mid dhinacayo
badan taabaneysa oo umada oo dhan u wada dhan yihiin inaan geyigaas dowlada
aanan ka abuurmin, iyadoo marba la soo dhoodhoobo wax dowlad u eg, balse
ahmiyada laga leeyahay aysan ahayn iney waarta oo arimo khaas lagu fushisto.
Waxaa jira kooxo, shaqsiyaad iyo
dowlada farabadan oo aan rabin iney Somaliya dowlad waarta ka dhalato waxay
isugu jiraan kuwani Somaali, Gaalo, Muslim iyo Madow. Maqaalkeyga waxaan ku
qaadaa dhigayaa danooyinka is diidan ee laga leeyahay Somaliya iyo waxa
markasta soo celiya waxa la yiraahdo “Dowlada Ku Meel Gaar”.
Maxaa looga dan leeyahay inaan DKMG
aanan marnaba dhaafin
Danaha is diidan ee Somaliya ay ka leehiyiin wadamada deriska ee Itoobiya iyo
Kenya, Carabta khaasatan Masar, Suudaan, Qadar iyo Sacuudi Arabiya iyo
Mareykanka ayaa ugu horeeya in aan meesha ka hirgelin wax dowlad waarta ah
walow midba uu siyaasad juqraafiyeed (geo-political) uu wato si uu gacan ugu
yeesho waxa ka socda Geeska Africa oo ay Somalidu ku jirto.
Cidina daah kama saarna in Kenya iyo Itoobiya ay doonayaan dowlada KMG ayaga
ka shidaal qaadata Somaliya laga hirgeliyo marka la doonana ay mid kale oo ay
ku meel gaaraan sameynaya, iyadoo Mareykanka kor ka ilaaliyo si culeyska
Musliminta gobolka Geeska Africa loo dhimo oo aysan isugu xirmin min Muqdishu
ilaa Tunis dacalka Medetreninan Sea oo wada dowlada Muslin ah, welina ku
fadhiya dhul ahmiyad weyn ku fadhiya.
Waxaa kooxdana la halmaala Yurubta ama EU oo rabta iney caalamka siyaasadeed
ku weeciso balse iyadoo garabsanaysa dalka Mareykanka.
Siyaasadaha Mareykanka iyo EU waxaa looga gon leeyahay difaacida diintooda oo
ah mida ugu horeysa maadaama dagaalka maanta dunida Muslimka ka socda uu yahay
mid ay wadamada reer galbeedka ku yareynayaan in dowlada Islaami ah Shariicada
Islaamka ah soo baxaan. Iyadoo taas laga duulayo ayaa dagaalka waxaa lagii
hurinayaa sedex meelood oo dadyowga Muslimka ah ku badan yihiin ayna ahmiyada
xag nololeed, juqoraafi iyo diin ugu fadhida Musliminta sida
Afghanistan-Pakistan, Falastiin-Lubnaan-Ciraaq iyo Somalia-Sudan.
Iyadoo stratijiyadas ka dulayaan ayaa wadanka Somaliya ku qaabeeyaan
dhibaatada iney tahay mid qabiiled ama dhuleed ama mid shaqsi lagu faquuqayo.
Somalida qabiilkasta meesha uu dego wuu yaqanaa hadii uu Illaah ay ka
cabsanayaan hadii laga soo tago anaa xoresytey! Cidkasta dhulka ka maqan iyo
kan xooga uga heysta wuu yaqaanaa, Hargeysa ka imaw, ama Mudug ama Baydhabo,
qoys aanan gurigiisa garaneynin ma jiraan. Mida shaqsiyadeed waa mid iska cad,
oo caadifada qabiilka meesha imaan karto waaba hadii mansabka shaqsigaas uu
awood qabiileed ku yimaado. Waayo maanta Somaliya ma jirto qabiil cusub oo
dhashay ama cirka ka soo dhacay, ee taasi waa shey ducfi ah ama dulmiga lagu
sii seyta dheereysanayo cida maanta ku doodeysa dhulbaa la inaga heystaa ama
qabiil baa duulaan nagu ah, waa shey cadowga ay rabaan iney Somaalidaan
dhibaateysan ayasan weligeed uga bixin.
Dhibaatada Somalida waxa la wadaago tan Suudaan lagu haayo oo dhinac kasta
laga soo marayo, mar kuwo diinta gaalada heysta laga soo kiciyey koonfurta
lagu dagaal geliyo iyadoo la sii adeegsanayo Kenya, Itoobiya iyo Uganda. Waxay
wadamada reer galbeedka u suuro gashey iney dhinacas kaga guuleystaan Suudaan
oo ahayd shacab dadkooda diinta aad u jecelyihiin, Afrikaanimada, Carbnimada
iyo Islaamnimada la weyn yihiin.
Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Rwanda waxaa laga dhaadhiciyey in hadii dowlad
islaam ah Somaliya ka dhalato ay culeys saari doonto Itoobiya oo dadkeedu
boqolkiiba konton 50% Muslim yihiin, taasna u saamixi karto iney siyaasada
geeska Afrika wax iska bedelaan ayna xiriir toosan la yeelana karaan Suudaan
taasoo dhuminaysa sheegashada dowlada Koonfurta Suudaan. Tan ayaa khasab ku
noqotey in Uganda iyo Burundi ay ciidan u soo diraan Somaliya si ay garab u
siiyaan DKMG.
Sidaan kor ku soo sheegey dowladaha deriska nala ah ma rabaan in dowlad waarta
oo dalka hanan karta ay ka dhalato Somaliya, waayo waxaa tusaale inooga filan
midi C/lahi Yusuf oo awood lagu taageerey, ciidan badana sameysatay, gobolo
fara badan gacanta ku hayeen intii aan kooxaha mujaahidiinta ee Itoobiya dalka
ka saarey aanan soo laba kacaleeynin.
Dowladahan waxay ogaadeen in C/lahi Yusuf u ku jirey sidii ciidan baxad weyn
leh u sameysan lahaa oo dalka hanata waa wuxuu gacanta mar ku hayay laga soo
bilaabo Beledxaawo ilaa Boosaaso, balse Itoobiya waxay aragteen inuusan jawiga
sidaas ku wanaagsaneyn, C/lahi Yusuf waxaa laga diidey in AMISOM Baydhabo ku
ilaaliyaan dowlada ilaa Muqdisho siweyn u aslaaxdo, balse jalaafooyin badan
baa loo dhigey. Waxaan loo sheegey inuu Muqdisho u guuro uuna ka amar qaato
Col Gabre oo ahaa ninka Itoobiya ugu qaabilasanaa Somaliya.
Inta badan xubnihii ku jirey dowlada C/lahi Yusuf ayaa si cad kuugu sheegaya
inaan la rabin in dalka wax loo qabto, cidii isku deyda xilfaha loo laabi
jirey ama wareegto Addis Ababa ka timaado lagu casili jirey. Siyaasada
Itoobiya ayaa ka xoog badan tan Kenya, Itoobiya waxa rabtaa in hadba misaanka
shacabka meesha uu u bato ka soo leexiso iyadoo keeneyna qof ay isku aragti
yihiin oo lacag fara badan ku bixisa. Taasi waxaa tusaale inooga filan wadadii
C/lahi Yusuf, Geedi iyo Nuur Cade mareen. Itoobiya waxaa ka go’an in hadii
shaqsi iyada taageersan uusan mansabka Somaliya wax kalahayn ay si kale u
qarbudo, balse waxay heystaa kuwo badan oo dhega nugul oo isugu jira hogaamiye
kooxee, sheikh, odey dhaqmeed iyo ganacsato. Siyaadeeda ku aadan waa “Kana
Siib Kana Saar” si ay gumaadka ay ku heyso dadka Somalida iyo bahdalida
siyaasaded ee Muslimiinta Itoobiya marna uga bixin.
Shaqsiyaadka ku dhiirta iney dowlad ay Itoobiya garwadeen ka tahay ama mid aan
umada u wada dhamayn ay ugu biiraan waa gurashada lacagta Somalida ah loogu
deeqo ee aan xisaabtanka lahayn. Waayo damiirkooda iyo garaadkooda dadnimeed
iyo mid diineedba aad uga dhintey, xaqa iyo baadilkana u siman tahay. Waxaad
mararka qaarkood shirarka ku arkeysaa kuwo markii safiir Itoobiyaan aha ama
wasiir Kenyan salaamo ay qiirad dartiisa la ilmeeya farxad dartood, waxayna
niyada markiiba gashanayaan iney iyagu yihiin shaqsiyaga ugu dhaw arimaha
Somaliya. Waxaan in badanba aan aragney iyadoo la leeyahay heblow wuxuu
taageero ka heystaa Itoobiya iyo Kenya, heblow ayaa safaarada Mareykanka lagu
casuumey iyo waxyaabo yaqyasi leh, balse maa aanan arag labaatankii sano ee la
soo dhaafey shaqsi taagero ka raadiyey shacabka , marka laga reebo C/Qasim oo
Baydhabo inuu xarun ka dhigto diidey, dadkeedana taageero ugu raadiyey si
fiicana u soo dhaweeyen balse wuxuu doorbidey in DKMG waqtiigeeda ku dhameysto
Xamar oo markaas ay isbaaro u tiiley laba iyo toban Itoobiya kal-kaal ah sida
Maxamed Dhre, Muse Suudi, Cumar Finish, Qanyare, Caato, Qeybdiid iyo kuwo kale
oo fara badan dhex fadhiya. Balse isna wuu eedey markii dambe waayo waxaa uu
door bidey inuu kistiisa iska dhuuqo.
Hada iyo xaalka sida uu yahay
Runtii shaqsiyaadkii Itoobiya ku kalsooneyd weli meesha ayay fadhiyaan meelna
uma dhaqaaqin, midna kama dhiman, welina suxul duub ayay waxay ugu jiraan iney
magaca iyo mansabka Itoobiya lagu sii dhexwado dowlada garwadeenka ka yahay Sh
Sharii, marka imaatinka Sh Shariif waxba kama bedelin and ka badeli mayo
ahmiyada iyo qorshaha ay wadamada deriska ah ka leehiyiin Somaliya, wuuna
dareensan yahay sidaas buu isna DKMG oo aan xalaal ahayn dusha u soo saartey
sidii kuwii ka horeeyey. Micnaha ma ahan in wixii Djibouti lagu askumo ay
xalaal yihiin, midka Kenya ama Itoobiya laga keeno ay xaaraan yihiin. Jabuuti
malahan siyaasad dhaafsisan dhulkeeda, xiriir ganacsi ayay la leedahay
Itoobiya waxayna il gaar ah isaga eegeysaa Eriteeriya oo dhul muran ah ka
dhaxeeyaan, hadii ay Itoobiya iska xumeyso waxay ka baqeysaa in Itoobiya ay si
toos ah u aqoonsato Somaliland hadhown xiriirka ganacsiga oo u badan dhanka
Itoobiya meesha ku dhamaanayo, taasna soo dedejin karto in Eriteeriya ay si
sahal ku qabsato Jabuuti.
DKMG maanta jirta waxaa horboode ka ah Sh Shariif oo maalmaha la soo shirtagey
eedeynta Eriteerya, halka dhinacna ka difaacayo Itoobiya oo weli ciidan ka
jooga Somaliya khaastan Hiiraan. Sh Shariif hadii uusan Eriteriya tegi lahayn
waxaaba suurto gal noqon lahayd inuusanba heerka uu maanta joogo uusan joogi
lahayn, waayo waxay siisey magan galyo runtii ahayd abaal weyn, balse sidii uu
mujaahidiinta dhiigooda da’aya ugaga abaal dhacay buu uga abaal dhacay.
Itoobiya waxaa ay dhul ka heystaa Eriteeriya, weyna diidey iney dhulkaas
wareejiso, labada dalka ciidan faro badan oo isu dhigma ayay leeyihiin, marka
hadalada Shariifka waa “oohinta ergiga ka weyn”. Eriteeriya wax ay Soomali
kala maqan tahay ayaa iska yar waayo xuduud ma leh, balse waxay diidan tahay
dhibaatada ka jirta geeska Afrika oo ay Itoobiya horumood ka tahay. Itoobiya
waxay taakuleysaa kooxo Islaamiyiin sheegta ah oo ka soo horjeeda Isayas
Afawerke dowladiisa, marka meesha ay ugu diidan tahay in Somaliya dowlad
Islaam ah oo dadka iyo goboladooda u wada dhan yihiin, halka ay kooxo
Islaamiyiin ay ula rabto iney maamulka ka tuuraan maamulka Asmara. Taasi waxaa
kaga cad in siyaasi isku sheegyada Somalida aysan fahamsanayn siyaasada
dalkooda lala damacsan yahay iskaba daayee tan geeska Afrika.
Magaalada Muqdishu waxaa ka socda dagaalo oo runti ah kuwo xaqa iyo baadilka
mid isaga mid yihiin midna laba shey oo cad ah oon isku darsoomi karin. Kuwa
magaca DKMG meesha ku jooga waxaa isaga yaacsan runta iyo beenta ama si cad
ayay xaqiiqda isaga indha tirayaan si ay waqtiga KMG ugu dhamaado iyagoo
boorsooyinkooda u buuxaan sida kuwii ka horeeyey. Waxaa dadka quraan ku aqriya
culimo aan Illaah ka baqeynin oo dadka xaqa ka qariya maanta dhigeyna in
Somalida diiinteeda shaki laga geliyo. Culimada oo dhan isku mid ma ahan,
waxaa jira kuwo aan xaqa sheegidiis aan ka gaban, mid aanan soo hadal
qaadeyninba sidii kuwii Siyaad Bare ku daba felysanaa iyo kuwo ku dhaqma “la
joojiyaana banana la jifiyaana banana”. Ma jirto meel ay shareecada Islaamka
ka qabto in laba sheyn aan is anfacayn la isku wado, misaal ahaan in qofka
uusan qamaar ciyaari karin, dhinaca kalena umada hogaankeeda hayo been
ku hogaamiyo.
Maalmahan dambe waxaad arkeysa kuwo aayaad kuu daliishanaya oo ku leh, “waa
in Illaahey, Rasuulkiisa iyo Ulul Amrigaba la adeeco”, labada hore la iskuma
haayo, mida labaadna arinta Somaliya hadii aan si khaas ah uga hadalno Ulul
Amri ay umada doorteen ma jiro, mid ayaga u soo halgamey oo wax la doonteen ma
jiro, balse waa mid la soo dhoodhoobey oo KMG ah si fidnada wadanka ka jirta
loogu dheereeyo umada. Si dhibaatada u sii socotana maanta waxay bilaabeen in
qabiil adeegsadaan oo magacii DKMG qabiil la huwiyo oo la yiraahdo Baydhabo
iyo Kismaaya la inaga soo duuley. Dagalada Markey laba cisho socdeen ayaa
ergeyga UN-ka ugu qaabilsan Ahmed O Abdallah waxaa uu yiri “dagaaladan
Muqdishu qabiil masuuliyadiisa ma sheegan”, tani waxay marag ma doonta u ah
in maanta mabaadi’iida la isku hayo laga dhigo mid qabiileed oo aanan marba
mabda’gan qaran ku saleynin.
C/lahi Yusuf waxa intii meesha isagana KMG u fadhiyey wuxuu ka cabaadayey
qabiil kuna tilmaamey dowlad diid, balse waqtigiisa looguma dheereyn and mid
kale oo qatarsan ayay keensadeen ileyna weli waxaa socda “kana siib kana
saar”, in mucaaradkii ee C/lahi Yusuf ka soo horjeedey maantana loogu yeero
qabiil ayaa la go’aansadey, odoyaashii shaleyto lahaa C/lahi Yusuf caadifad
qabiil buu inagu baabi’yey oo wuxuu u aareyay reerihiisa, maanta isla
odoyaashan ayaa leh mucaaradku qabiilbey inago soo duuliyeen, marka sidaan kor
ku soo sheegey odayaasha waxaa ku jira kuwa shaaha u cadeeya Itoobiyanka,
halka Maxamed Dheeren biyaha uugu dhaamiyaan sida horey looga soo xigtey mar
Itoobiyanka Xamar xoog ku soo galeen. Marka labada KMG maxay is dhaamaan? Waa
su’aal Somalida caqliga lahi, siyaasiga shucuurta wadaninimo ku jirta,
shabaabka raba iney wadankooda mustaqbal wanaagsan u sameeya, hooyooyinka raba
iney caruurtooda darxumo la’aan korsadaan iyo culimada xaqa iney sheegan ka
ganbaneynin ayay u taalaa jawaabta.
Sh Xasan Dahir Aways hadalada uu ku hadlo ee ku aadan iney Soomali isu timaado
oo aayaheed ka tashato iyadoon aan la fiirineynin qabiil iyo shaqsi iney
tashadaan oo dowlad waarta dhistaan waa hadalo runtii qofka garaadka leh ee
fahamsan meesha wax ka qaldan yihin fahmaya ay ku hadla. Yeysan dani ugu jirin
iney Somali aan dowlad helin, ma Somalidaa mise cadowga is biirsadey? DKMG yey
dani ugu jirtaa ma Somalida mise cadowga is biirsadey?
Caqliga wax qaadan karo ma ahan in shaleyto Jabuuti intii ay mujaahidiinta uga
kala dhuunteen qol mugdi ah la galey casharkii Itoobiya meesha laga aqriyo,
marna ay oran jireen meel wakiil Itoobiyaan jogo ag fadhiisan mayno oo ay uga
soo carari jireen, maantana dhunkasho kula dul dhacaan Males Zenawi iyo Col
Gabre. Hadii Salaad C Jeelle uu shaley Xamar kula shirbaayey, maantana Cumar
Xaashiba dhaanto u cayaaraya, balse inta xaqa jecel sugi maayaan inta mid kale
ay dhacayso.
Balse DKMG la leeyahay Beesha caalamka ayaa taageereysa, Somalida waxa u roon
iney fahmaan cida Beesha calaamka maanta tahay? Sow maha kuwa Mareykanka
horkacayo sida EU, Israel iyo Japan, sow kuwani ma ahan kuwa Ciraaq halaas
dhigey iyadoo shucuubtooda maalinkasta mudaaharaad dhigayey inaaney Ciraaq
heysan hubka wax baabi’iya (weapon of mass destruction). Sow mahan kuwa
maanta leh hala soo qabto Cumar Al-Bashiir, halka Eriteria dhulkeeda loo
go’aamiyey ay weli Itoobiyanka xoog ku heystaan. Somalida waxa u roon iney
fahmaan ineysan jirin wax la yiraahda bulshada caalamka oo dantooda u naxaysa.
Wadamada Carabtu wey fahamsan yihiin marna lagama yaabo inta DKMG ka jirto ay
wax ku taraan iney lug-gooyaan mooyaane, sababtoo ah waxay halis ku noqoneysaa
DKMG-Itoobiya halis u timaada Carabta iyo Islaamkaba. Taasi waxaa tusaale
kaaga filan shirarkii ay DKMG tagtey oo iyagoo faro maran la soo direy. Waa
maxay sababta keentey in EU-da & US lacag $200 million ugu deeqaan DKMG oo
ay tii hore ugu deeqi waayeen?Maxay UN-ka iyagana u rabaan in lacag tiradaas
gareysa ugu deeqaan DKMG? Hadii Somali wax u tari lahaayeen UNDP/UNICEF/WHO
iwm isbitaalada 20 sano baaba’san oo malaayinta doolar ku qaataan ayay dib u
howlgalin lahaayen, iney wax cusub sameeyaan iska daayee kuwii jirey ayey
horey u sii baabi’iyeen. Mise Sh Shariif, In C/Rashid iyo Shariif Xasan
ayayka jecel yihiin C/lahi Yusuf, Nuur Cade iyo Sh Adan Madoobe? Mise kooxdan
cusub ayaa aqoon daridooda in looga faa’ideysto ayaa la rabaa inta kuwo kale
laga keenayo?
Waxaan maqaalkeyga ku soo gunaanudayaa in
Somali hadii aynu nahay oo uu dhulkan Illaahey inagu manaystey oo inagu aan
isku garano inaana dhulkan inaga aan leenahay aan xaqa iyo baadilka ka saarno,
una is taagno sidii aynu u samata bixin lahayn dhulkeena iyo dadkeena hororka
ku soo yihiin cadow badan oo is biirsaday.
Wabilahi Towfiiq
Ahmedey Ibrahim
ahmedey1@gmail.com