SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

WALBAHAARKA TAHRIIBTA IYO WANJALAADA YURUB. 

Hanad teg Hibo dhooftay bilihii u danbeeyeyna lacagahay soo direen anaaba ka qayilay, Anna waxaan ku talo jiraa oo ii go´an inaan ka dabo shiraacdo, Waa odhaah gebi ahaanba gobolada Soomaaliya aad ka maqlayso dhalin iyo dhaaxaa jirba oo ay caadaysteen u hanqaltaaga tahriibta, Hadaba waxaa isweydiinle, Intee le´eg tahay dhibka ka horeeya gaadhidda Yurub?

Iyadoo ay adag tahay inaan si fudud uga jawaabno su´aashaa iyo inta dhibkan baaxadiisu le´eg tahay ayaa waxaa beryahan soo badanaya tahriib iyo dhoof u hanqal taaga ay ka sokayso dhib iyo halaag lagala kulmo dhimasho aan tiro lagu soo koobi karin, haddiiba ay dhacdo ka badbaadka dhimashada saxaaraha jibaadka iyo jidhdilka jeelasha iyo dheel dheeliga siximadaha dhimashada, waxaa iyana taal oon meesha ka maqnayn dhib horle oo ka bilaabata Jasiiradda Malta.

Hadaba anoo la kulmay walaalo Soomaaliyeed oo soo maray saxariirkaa iyo halaaga safarkaa dheer ee tahriibta kana soo ururiyey murugaddii iyo miyir doorsoonkay kala soo kulmeen dhibtaas, iyadoo qaarkood dhaxalsiisay inay caqligooda ku waayaan.

Arin walbi anba qaadlee, qofka tahriibta ahi markuu kasoo amba-boxo Soomaaliya waxaa hor yaal dhowr geeriyood oo midba mid ka daran tahay, oo u dhigan sidan.

1- Surqabashada Gambeelaha iyo socdaal kowsadey.
2- Saxariirka Saxaaraha iyo Sakaraadka jeelasha.
3- Siximadaha geerida iyo Socdaalka badda.
4- Soodhoweynta Malta iyo Sanad jeela.


1- Hadaba hadaan isweydiino, Maxaa looga jeedaa gambeele ? Gambeelku waa ninka tariibayaasha kaxeeya kana qaata lacag badan kulana heshiiya inuu gaadhsiinayo Caasimadda dalka suudaan ee khartuum kuna soo qaada Basas ku eg xuduudda Sudan iyo Ethiopia halkaana ugu hogaan fura masaakiintaa miciinka u baahan oon geed iyo ceel toona garanayn, waxaa markaa dhacda in tahriibayaashii lug miciin bidaan iyagoo u kala baxa qaar
la qabto oo la xidhxidho iyo qaar jihaduba ka lunto iyo qaar inta lacag laga qaado oo loo sheego in Sudan la dhaafinayo oo Liibiya loo gudbinayo oo hadana lagu soo cesho dhanka Ethiopia marlabaad taasina waa nin iyo nasiibkii gaadhida Sudaan 

2- saxariirka saxaaraha iyo sakaraadka jeelasha waxaa gaadha qofka ka soo badbaadey socdaalkii u dhexeeyey Ethiopia iyo Sudan, halkaana waxaa kasii bilowda socdaal dheer oo saxaare ah una dhexeeya Sudan iyo Liibiya saxaarahaa oo sida dhabta ah ka daran geeridda badda dhankastoo la ee gaba, Sudan joogideedu intay doontaba ha kugu qaadatee waxa aad wejiga saartaa waa saxaarahaa, dhibna waxaa kuugu filan aragtidiisa koowaad kaasoo marka ugu horaysa eed soo gasho indhaa ay kaasoo boodayso ilma kululi, jihaduna ay kaa lumayso ilbidhiqsiyo gudohood, taas oo ay kuu dheer tahay manaxayaasha ku sida garaacidooda marka gaadhiga lagu rasaynayo dadka, iyadoo Oohinta Dumarka iyo caruurtu ku beer qaadayso nololna aad ku nacayso aragtidooda, adigoon awood u lahayn difaac ha joogee daryeel aad u fidiso, naftuna xiligaa waxay u muuqataa mid khamaar taal, Meeshaana waxaa yaal afar cadow, Cadow bini´aadam aan ku bixinayn, Gaajo iyo haraad, Cidhiidhi iyo is dulcalaysnaan, iyo Cadowga u daran oo ah kan ku sida, hadaadka dhacdo ku dhaaf hadaad jabto isagoon isu kaa duweyn dilna kuugu dari, hadaad bukootana kuu naxariisanayn. geeriduna waa xaqe haddii qofka tiisu timaado meydka halkiisaa lagu dhaafaa usagoon la aasin.

gacanta dilaalka Liibiya waxaa gaadha qofkaan geeri mudan intuu u kala socdey Sudan iyo Liibiya kuna dhiman solankii saxaaraha, haday nafi kula soo dhaafto silicii saxaaraa waxaa kuu diyaara dilaale iyo dad iibsade kale oo isla Liibiya ah kaana iibinaya dalkaad qabanaysid iyo safarka badda hadaad 
wax u weydana wedkaa filo.

Midka mida walaalihii soomaaliyeed soona maray tahriibtaa Saxaaraha jeclaystayna in magaciisa aan kusoo gaabino Cawil C, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa, waxaan isweydiinayay Liibiya timiye lurmakuu hadhay? Luuntii saxaarahase maxaa ii raaci ayaan islahaa anoon marna filanayn dhibtaan soo maray inaan midka daran mudan doono, Cawil C, isagoo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu daba dhigay, weli intaan noolaa kuma fekerin Qof ashahaadanaya ayaa idiinla dhaqmi siday shacabaka Liibiya noola dhaqmeen, welina ma arag wax kaleba ha joogeena qof lagu yidhi masjid gudihii safka hore ka bax oo kan u danbeeya ku tuko waad madowdee !!!, 

3- Taa waxaa ka sii daran Anoo is iri kasoo tahriib Liibiya markaan mudo joogey una diyaar garoogabaayey isu keenka iyo ururinta lacagtaan ku soo raaci lahaa tahriibta anoo qayla dhaan u diray qof walboon debedda ku filaayey, habeenkaan kasoo shiraacanay baddana aanu soo galay 
ayaa waxaa nagu kacday baddii mishiinkii siximaduna halkii ayuu nagaga qoyey waxaanuna sabaynayney 18 cisho, anoo nafi ii geysey inaan kaadidayda cabbo ayaamii horee aan qoyanaa kaadjina karaayey, iyaddoo 29 qof anoo u jeeda naftu weydaaratey, iyo silicay kaga go´aysey, anigoo ay weli 
maskaxdayda ka guuxaan mid walboo ka midda ereyaddii ugu danbeeyee afkiisa kasoo baxaayey, taasi oo naftayda ku reebtay xusuus dheer oo aanan weligey illaabayn intaan noolahay, waxaa iigu sii naxdin weyneyd oo mar walba i hor timaada, Hooyo sidatey sadex caruura markay dhinteen sadexdii caruurahaa iyaduna u dhaxaysey geeri iyo nolol ayaa waxaa ka mid ahaa ereyaddii afkeeda kasoo baxaayey ``Alla Maxaan Yoonis Ulla tagaa´´ iyadoo ahayd ogaalkay hooyo ninkeedu kula taliyey inay dhoofto, usagoo nasiib daro sadexdii caruurahaaba kusoo daray , isna Soomaalia ku hadhay usagoo u
hanqaltaagayey inay markay Yurub tagaan usoo dacwoodaan, Naftuna waxay ka baxday maalin ka dib dhimashadii Ubadkeeda, iyadoo ku halaahaleysey ereyo uur qaada ooy ninkeedii ugu cabanaysey siday la joogto.

waxaanu siximadaa ku saarayn 38 qof oo todoba naga midi dumar haayeen shanna caruur waxaanu ku bad baadney 9, todoba raga iyo 2 Dumara. 29kii kale dhamaan halkii bay ku dhinteen. Sagaalkayagii qof waxaan kasoo caariney Liibiya, iyadoo 18kaa cisho ee aanu badda dulheehaabeyney maraakiibtu nadhaafayeen iyagoon wax gargaara noo fidin, Aanba soo caarinee kolkii nala helay gacantii naloo fidiyey waxay noqotay in jeel nala geeyo, adoo 
malayn kara dhibka iyo halaaga ka muuqda dad 18 cisho bad dul sabaynayey, ayaama ka bacdina waxaa naloo gudbiyey maxkamad anagoo nalaku wado gawaadhi shabaqlayaala laba labana isugu katiinadaysan, xukunkii kama danbaysta ahaa wuxuu noqday sanad iyo shan bilood oo xadhiga,
taas oo qaar kayo dhaxalsiisay waali ay ku dhex waashaan jeelkii iyo jidhdilkii joogtada ahaa. 

Cawil C, waxuu ku daray usagoo hadalkiisii sii wata Soomaalidu waxay tiraa " Meyd kaa lasii sidaa ugu danbeeyey" Ninkaan quusanina isagaa quusa, Waayo? waxaan saa u leeyehey Qofkaygii soo arkay Socdaalkii siximadaha, sakaraadkii saaxiibaday, silicii dhimashada iyo jeelkii samhariira, intaas oo dhan nin ku cibra qaatay maan noqone markaan xoriyadaydii dib u helay waxaan soo heenseeyey socdaalkaygii geerida sogordahan ahaa, Anigoo ka dab qaadanayey " nin qoyani biyo iskama dhowro" taana hadii illaahay iga soo badbaadshey baddii markan waxaa ii xigtey.
 
4- Sanad xadhiga iyo soodhoweynta MALTA, iyana waxay ahayd nolol saxariirkeeda le iyo Albaakii u horeeyey ee Yurub laga gelaayey iyadoo igu noqotay mid aan ku magcaabay "kalamaan" waayo? Soomaalidu waxay tiraadaa "Hankaad miyi kala timaadaa magaaluu kaaga hadhaa, Kolkaan laacay soo dhoweyntii malta Farihiina layga qaaday waxaan sii waday socdaalkaygii Yurub raadis Anigoo dib u heenseeyey rakuubkaygii ileyn waa kala maane Markay MALTA ii cuntami weydey, "Ninkii geenyo indha la fuulow God uun bay kula gashaaye" waxaan soo gaadhey wadankaan rabey oo Scandanevianka ka mida, Yurubna Weli raadinteedaan ku jiraa!!! 

Dhinaca kale waxaa jirta wadamada u horeeya ee yurub laga galo oo ah dariiqa qofku sii maro amaba wadan yurub ka midda oo qofka u cuntami waaya dhinac dhaqaale iyo midnololeed kay doonto ha ahaatee wuxuu ku fekeraa suu Yurubtaa kale ugu sii gudbi lahaa hasoo maro Malta, Giriiga Boolaan,
Yugreyn , Ama talyaanigee, intaasoo wadan qofka waxay kasii reebaan faro ayku cadaynayaan in uu wadankoodu fara ka hayo wadan kalena qaabili karin, waxa ka baxsadaana waa dad yar farahaa, Waxaa wax lala yaabo ah dad soo gaadhey wadamaday Yurub ku taamayeen soona maray dariiqyadaa aynu sheegnay farana kusoo bexeen, wadankay isu dhiibeena markuu fara ka helay u sheegay inuu ku celinaayo wadankay ka yimaadeen ay door bidaan inay baxsadaan oo ku noolaadaan nolol liidata , iyadoo wadamada qaarkoodna hadayba fara ka helaan jeel u dira qofka kuna celiyaan wadankii farihiisa lahaa intay doonaanba ha hayeene, Waxaa iyana layaable in dadka qaarkood iyagoo isku og faro ay is dhiibaan iyagoo le waa kasoo diyaar garownoo waanu soo xoqnay farahayaga, igadoo isticmaalaya xirfado kala duwan, sida Baaleyska, hairmoveta, sheyfta gadhka, kaawiyadda dharka, iyo farsamooyin kaloo badan, taas oo dhaxalsiisa in farahoodu geli waayaan Kambuyuutarka shakina laga qaado laguna cel-celiyo intay doontaba ha qaadatee markay qatoobaan ama naftu u timaado waxay iska daayaan farsamadii xoqidda iyadoo markaa si fudud loo helo farahoodii,
qaarna waxay go´aansadaan in ay wadamada Yurub ku dhex wareegeen iyagoo ku waaya mustaqbalkooda noloshooduna halkaa ku baabado, 
qaarna Caqligoodayku waayaan oo cuqdad bay ku abuurtaa waali dhaxalsiisa, iyadoo aanay wax lala yaabo ahayn haddii qof kaa horyimaado wadamada Yurub qaarkood usagoon ku salaamin inuu calaacalaa soo laad-laad sado usagoo hadal kuugu soo horaysiinaya kasheekee fahayga sow dhag maaha, garasho iyo salaani haba danbaysee, hadaad haa ugu jawaabi weydid ka filo inuu cay iyo cid inaad u shaqaysaa kuugu jawaabo.,

Markaa :-
Ninka Dhoof tahriibeed Dhiilaha ubuuxshow 
Dhibka yaal Dhudaad mari Dhabu eeg halaagoo 
Dhababoco hamoodine qayrkaa ka Dheegoo 
Imisaa Dhaqaaqoo Dhimashadu xaq weeyoo
lama Dhabar adaygee Dhaxdadii Asay baday
Dhudi hooyaddii iyo Dhalaankiisi Ooyaan
Ama Aabba madi dhalay curadkiisi Dhuuntoo
inta uu hugii Dhigay goblan maanta Dhaxalsaday. 
Waxba yaan ku Dheeraan qurbe waa Dhibaatee 
Aammina Dhulkiinoo haday Dheefi maqantahay
Rabbi baan ku Dhaartee Dhegley lagama heensado
Dhitaduu illaahay calafkaa ka Dhigayoo
Dhulka meelad joogtaba waa midaan ku Dhaafayn.


W/Q.- MOHAMED MOHAMUD MOHAMED ASHARE "COON"
Email. Coon_igge@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.