ABBAANDUULEYAALKA DOWLADDA MIDNIMO QARAN
"Baadida ninbaa kula daydaya
daalna kaa badane
Oon doonihayn inaad heshana daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne"
(Qamaan Bulxan Yusuf: Dabuub)
Kowda hore bal aan Soomaalida dib ugu soo nooleeyo, magacyo xasuustoodii laga
dilay; magacyo hoos ku taxan: dembiileyaal aan, sinaba, ugu dhigmi kareynin
Abaanduulihii Weynaa ee Jihaadkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid (RC), iyo wax loo
oqoonsan karaba, 'xildhibaan qaran' ahaan:
Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cabdi Qeybdiid, Cabdiwaal, Maxamed Dheere,
Cali Maxamed Geeddi, Cumar Xaashi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Prof. Ibbi,
Gacmadheere, … iyo qaar kalee badan.
Sanadkii Maroodiga (570 CD), sida ciidamadii Abraha al-Ashram ba ay Kacbadii
ugu duuleen, ayay Diseember 2006, ciidamada Woyanne-ha Itoobiyana ugu soo
duuleen caasimaddii Soomaaliya. Raggaas aan kor ku soo carrbabbaabay, iyo dad
iyaga la garaad ahaa, ayaa qabay faafinta Islaamka, tilmaamaha toolmoon ee
Islaamka, Masaajiyada Islmaamka, heybadda Muslimiinta, iyo geesiyaalka
Soomaaliya, in lagaba tirtiro Geeska Afrika. Run ahaan, sidaas arrimuhu waaba ay
u muuqdeen. Kolkiise Soomaalidii loogu baaqay in ay qaatan Waraaqo Aqoonsi, sida
dhaafiye Itoobiyaan ah...iwm.; giiryaale [fulay] badan ayaa rabay in la iska
qaato; waayo dhalankooda ama sinjigooda ayaa aad ula liidtay.
Khaalid Bin Waliid (RC), hadduu gaal ahaa, iyo hadduu Muslim ahaaba,
labaddaraadle, waxa uu ahaa: geesi aan dirkiisa ka faanin, iyo saajac iyo
abbaanduule cadawga Ilaahay u xoog weynaa. Wasiir Ku-sheegga Wasaaradda
Cadaaladda iyo Garsoorka, Sheekh Janaqow, maleha, Kutubbada Tigreega ama kuwa
gaalada kaleba, ayuu ka soo daliishaday in dagaalooge noqon: Muslim wanaagsan,
kaas oo welibana la barbardhigi karo Khaalid Bin Waliid. Haddii dabadhilifyadaas
ay Muslim yihiin iyo haddii kaleba, kolley anigu shaki weyn ayaa iiga jira; bal
iska daa' wax kale e, xataa SOOMAALINNIMADOODA. Haddiise loo maarmi waayaa in
Dagaalooge cid kale lagu misaalo, -- allaylee, sida ay aniga ila tahay, ciddaas
waa munaafaq ama waa Sheydhaan uun.
Weerarka iyo wararka gaaladaba, warka Sheekh Janaqow oo kale ayaa iiga sii
daran. Cadaaladda Allaah ayaan ka magansanayaa dagaal oogeyaalkaas oo kale, iyo
garsoorka Wasiir runta ka iisha, iyo calmaani ii ammaana ama ii cafiya ba
dembiileyaal weliba halis ah -- GACAN-KU-DHIIGLEYAAL HEER QARAN!
A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009
|