SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Makhtal Dahir VS Xasan Turki !!!!!

Horudhac:

Makhtal Daahir oo ahaa halyey Geesi ah oo u soo diriray xoriyadda Reer Ogaadeenn,
wuxuu jihaad kula jiray taliskii Boqor Xayle Salaase laga soo bilaabo 1949.
wuxuu ku xirnaa 10 sano allanbaqadii xabashida mar ingiriisku u gacan galiyey 
Boqorkii Xayle Salaase intuu ka qabtay Makhtal Daahir magaalada Muqdisho.
Makhtal Daahir ayuu ahaa mid duurka la galay 12000 oo ciidan ah oo u soo halgamay
xorriyadda ogadeen,guulo wax ku ool ahna ka muujoyey sida lagu soo qoray 
Jarriidada Mareykanka ee magaca dheer ee New York Times March 1964.
Mujaahidkaas weyn oo aad looga yaqaano gobolkaas ayaa halgankiisii u sii 
gudbiyey carruurtiisii iyo kuwa ay sii dhaleen sida uu haatan ethiopia uu u xiran 
yahay wiilkii uu Awoowga u ahaa ee Bashiir m. Makhtal kadib markii laga qabtay
2006 xuduudka kiinya iyo Soomaaliya loona gacan galiyey Amxaarada sidii
Awoowgiis.

Dulucda Maqaalkaan:

Haddii aan is barbardhigo Makhtal Daahir iyo Shiikh Xasan turki keebaa Jahaad 
ku jira ??? keebaase taariikhda dadka Soomaaliyeed xusi Doontaa????
Shiikh Xasan turki oo dagaallo fara badan soo galay oo qaarkood ay iskaga 
horyimaadeen Taliska xabashida laguna tilmaami karo jihaad maadaama uu 
Cadaw soo jireen ah la dagaalamay, ayaa maalmahaan u muuqda mid jihaadkii
garab maray markii uu hubkii uu cadawga u sitay uu ku soo foorarshay shacabkii
Soomaalida ahaa ee reer Muqdisho.

Jihaadka ay kula jiraan Xisbul Islaam iyo Alshabaab dawladda Soomaaliyeed 
ayaa noqday mid macno la,aan ah siiba ku fool xun shiikh Xasan turki Iyo shiikh 
Xasan Daahir oo labaduba odayaal ah ,isla markaana ka mid ah aabayaashii 
dacwaddii ah salafiyah ayaa runtii reerkii ku furay meel xun oo omos ah.

Talo aan u soo jeedinaayo shiikh Xasan Turki:

Jihaadka ha ka been sheegin intaad Muqdisho iyo Jowhar jihaad ku qaadeyso oo 
aad leedahay murtadiin ayaan la dagaalamayaa, jihaadka saxnimadiisa sii oo
gaalada ku jeedi ee muslimiinta ka daa jihaadkaan beenta ah.
Haddaan anigu adiga ahay ( if i were you) waxaan maanta ka dagaalami lahaa
Ogaadeenya oo gabdhihii aad adeerka u aheyd ama aad wallaalaha aheydeen,
ayaa cadawga wayaamaha ku daldalayaa silig, waar haddii aad wadaad tahay
ma iloowday weertii ( Waa muctasamaah)uu boqorkii mustasim bilaah ugu
gargaaray gabar muslimad ah oo magaciisa tola,ayeey ku tiri .

Haddii aad maanta ogadeen ka dagaalami laheyd ayaa ah jihaad sax oo aad sharafna ku
yeelan laheyd, oo aad qaadi laheyd wadaddii Makhtal Daahir iyo Sayid Maxamed Cabddille Xasan.
Se qitaalka fidnada ee aad Soomaaliya ka wado waa kuu caaqib xumo haddii aad ku 
dhimatana waxaa kaa raaci doonta shirib aan kaa hadhin oo gu,yaal fara badan
lagu haasaawo, haddii aad ka badbaadana wallee Akhiro war baa kuu yaal marka 
lagu su,aalo ( keefa tasnacu bi laa ilaaha ila Allaah) !!!!
Ugu danbeyntii waxaan maqaalkeyga Makhtal Daahir Vs Xasan turki ku soo 
gabagabeynayaa dhawr arrimood oon kula dardaarmaayo dhallinta islaamiyiinta ah:

1) Culumada Soomaaliyeed ee Raasikhiinta ah uun ka qaata fatwada sida 
Majmaca Culumada ee haatan la Sameeyey.
2) Haddii aad aragtaan Shiikh ku sheeg Jihaad kugu bogaadinaaya,waxaad ku 
dhahdaa shiikh horta adigu is qarxi lanbar labo ayaan kuu noqonayaa.
3) Marnaba yaan Culumada waaweyn lagugu dirin oo lagu oran fatwada Jihaadka lagama
Qaato shiikh Qaacid ah ee shiikhyada jihaadka lee ka qaata, taas waa bicdo ay jihaad 
beenaalayaashu yaqaanaan waxaana lagu magacaabaa( bicatul Shuyuukhul Jihaad)
4) ha ku degdegina gaaleynta muslimiinta, taas waxaa iska leh Culumada waaweyn 
ee kala taqaana marka ruuxa la gaaleysiin karo( dawaabidul takfiir) !!!
5) xurmada dhiiga islaamka iyo weynaanta qof mumin ah oola dilo iyo waciidkii 
ku soo arooray ruuxii qof mumin ah kas u dila. siduu Allah quraankiisa ku yiri:
( Ruuxii qof mumin ah kas u dila jasihiisu waa jahanamo,Allaahna waa u 
caroodaa ,wuuna lacnadaa,cadaab weyn buuna u diyaariyaa )suratul Alnisa.
Haddaba xasan turkiyoow jidka saxa ahi waa kii uu maray Makhtal Daahir.

fii amaani laah 
ostan gacamay
ostan_gacamay@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: