SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Dagaalyahanada Muqaawamada oo yeeshay dhaqankii lagu yaqiinay Ciidamada Itoobiya

Aqriste walba oo arka ciwaankan waxaa laga yaabaa inuu is yiraahdo (War ninkani muxuu leeyahay), balse waxa aan ka hadlay waa dhaqan ee maahan Diin, dhaqankana qof walba oo xumaato sameeya waxa ay xumaatadiisu shabihi kartaa mid isaga ka horeeyey, waana taas sababta aan ugu soo hal qabsaday in lagu arkay magaalada Muqdisho kooxo leh dhaqanka Ciidamada Itoobiya oo lagu xusuusto burbur, baaba’a, xusuuq iyo iy barokicin.

Arrinta igu dhalisay inaan ku soo hal qabsado Itoobiyaan ayaa aheyd kadib markii ay soo bateen waayahan dambe falal isugu jira Dil iyo Jirdil ay shacabka rayidka ah kula kacayaan dhalinyarada Jadbeysan ee Al Shabaab iyo Xizbul Islaam, kuwaasi oo dagaal kala horjeeda dowladda Shariif Sh. Axmed isla markaana heysta goobo badan oo ka tirsan caasimadda.


Dhalinyaro

Falkii ugu xumaa ayaa dhacay, shalay galabta 26.05.2009, kadib markii maleeshiyooyinka Shabaab iyo Xizbul Islaam ee ganta ku haya qeybo ka tirsan wadada Sodonka gaar ahaana, Wadada Aadan-cadde ay toogasho ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan Raximahullah, kaasoo la sheegay inuu goob ay ku sugnaayeen muddo labo jeer ah soo maray, isla markaana ay labo jeer kadib u digeen inuu mar kale wadada ku soo noqdo, ayna ka shakiyeen, waxaana la tilmaamay inuu mar saddexaad ku soo laabtay isla wadadii ay fadhiyeen, taasoo sababtay inay Shanxabadooda Shafka uga dhuftaan, halkiina uu ku qurboxo.

Sidoo kale, dhacdo taas ka sii horeysay hal maalin ayaa aheyd kadib markii nin waalan oo wadadaasi marayay ay qabteen dhalinyaradu isla markaana ay weydiiyeen halka uu u socdo iyo halka uu haatan ka yimid, inkastoo la sheegay ninku inuu waalnaa warkana isku dar daray, iyagoo halkii ku toogtay, isuna sheegay inuu ahaa Jaajuus u basaasayay Dowladda KMG Soomaaliya, waa sida hawadoodu u sheegtay’e.

Sidoo kale, dhacdo hal todobaad ka hor ka dhacday Nawaaxiga degaanka Suuq-bacaad, ayaa aheyd kadib markii ay toogasho ku dileen maleeshiyooyinka ku sugan Degaankaasi labo wiil oo walaalo ah, kuwaasoo la sheegay in iyaga iyo reerkoodu ay ka barokaceen guryahooda ayna degeen duleedka Muqdisho, isla markaana ay labadan wiil oo walaalaha ahi reerkoodu u soo direen inay soo eegaan gurigoodii bal in hantidoodii la boobay iyo inkale.

Idaacadda Somaliweyn ee Muqdisho ayaa sheegtay in wiilashaasi laga soo toogtay meel fog, kadib markii ay ka shakiyeen dhalinyarada la dagaalanta dowladda ee difaaca uga jira nawaaxigaasi inay labadan wiil yihiin kooxo duulaan ku soo ah, amaba is qarinaya oo doonaya inay fal sameeyaan.

Dhacdadii afaraad oo ka mid ah kuwii ugu naxdinta badnaa ayaa aheyd kadib markii saddex nin oo kuwa ka xamaasha Gaadiidka Carada iyo Dhagxaanta qaada ay toogasho ku dileen dhalinyarada joogta nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada, kuwaasoo meel dheer ka toogtay xilli ay saarnaayeen Saqafka kore ee Gaarigaasi dhagaxda qaada, waxayna ku andacoodeen inay ka shakiyeen meel shishena kala hadleen kuna amreen inuu joogsado balse uu joogsan waayay, waxayna ehelada nimankaasi sheegeen in raggaasi ay doonayeen inay dhagxaan ku dejiyaan meel ku dhow aaga ay ka taliyeen dhalinyaro diimeedkaasi.



Sidoo kalel, waxaa jira dad rayid ah oo ay falal jir dil ah ku sameeyeen kooxahan dhalinyaro diimeedka ah, iyaga oo ku andacoonaya inay kaga shakiyeen inay jaajuusiin yihiin dadkaasi.

Arrintan ayaa u eg dhaqan fool xun oo ay ku dhaqmi jireen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ah ku takri falayay shacabka Soomaaliyeed, waxaase is weydiintu tahay, ma la horan karaa Haddii Itoobiyaan Addis ka soo duulay uu shacabka ku takri fail jiray, ma waxaa bedalay Itoobiyaan kugu dhaqan, midab iyo Diin ah.?.




Dhalinyaro Diimneedka Shabaab iyo Xizbul Islaam

Maxamed Cabdi Goobe, Muqdisho, Somalia
cgoobe@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: