Goormaynu Khaldanay ?
Qaybtii
1aad
(Goormaynu khaldanay waa suaal aan jawaabteeda mudo dheer raadinayey welina
aanan gunteedii gaadhin balse aan malayn karo ,marna waa dood u furan cid kasta
oo jawaab sax u haysa suaasha ah Goomaynu khaldanay ?)
Marar badan waxaan isweydiiyey khaladaadka Siyaasadeed-dhaqaale iyo dhaqan ee ka
jira Somaliland sida ay ku yimaadeen iyo sida loo xalin karo , marar badan ayaan
isweydiiyey waxa inaga khaldan shicib – Siyaasi iyo aqoon yahanba.Waxaan wax
badan la sheekaystay noocyada bulshada qaar ahaan Siyaasiyiinta-aqoon
yahan-bulshada rayidka ah iyo qurba joogaba,ilaa haddana waxaad moodaa in lagu
kala qaybsan yahay jawaabta sax ah ee suaasha Goormaynu Khaldanay?
Mudadaa dheer ee aan raadinayey jawaabta ,suaasha ah goormaynu
khaldanay,ayaa waxaan helayey jawaabo kala duwan ,kuwaas oo aan filayo in ay
qayb ka noqon karaan jawaabaha ku haboon suaashaas,waana laga yaabaa in ay
jiraan jawaabo kale oo kaga haboon ,balse waxaad mar kasta ogaataa in
dadka badankiisu jawaabaha ay bixinayaan ay yihiin sida ay iyaga la tahay.Waase
dood idiin furan.!!.
Jawaabta ay bixiyeen Siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ay,ayaa waxay
ahayd sidan:-
waxaynu khaldanay 1960 bishii June 26dii markii dhulkii
Somaliland ee ingriisku Gumaysan jiray ay xoriyadoodii ka qaateen
Gumaysigii Ingiriiska, ee ay si shuruud la,aana ula midoobeen bishii
July 1dii 1960 walaalihii Soomaaliya ee iyana ka xoroobay Gumaysigii
Talyaaniga.
Ma jirin wax shuruudo ah oo Somaliland ku xidhay midowgii ay la midowday
walaalaha Soomaliya ,marka laga reebo in la wada raadiyo shanta(5) Soomaaliyeed
amase Soomali weyn.
Dhinaca kale Soomaliya waxaa u diyaarsanaa shuruudo fara badan oo runtii
la odhan karo waxay ahaayeen shuruudo aad iyo aad u adag,kana fogaa wixii ay
shacabka iyo Siyaasiyiinta reer Somaliland ka fekerayeen amase aan odhan xataa
waxay ka fogayd wixii maskaxdooda ku jiray.
Hadaba haddii khalad jiray 26 Juun 1960,khaladkaa ma waxaa lahaa
shacabka mise Siyaasiyiintii xilligaa jiray ?mise waxaa khaladka lahaa
wadaniyadii waalida ahayd ee ku beerneyd wadnaha shacabka reer Somaliland? Waa
suaalo iyana u baahan in loo helo jawaabo sax ah si aan mar kale loo gelin
khaladaadkii hore.
Haddii ay sax tahay jawaabta ay Bixiyeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta reer
Somaliland,oo weliba ay ka mid yihiin ragg caan ku ahaa Siyaasada guud ahaan
soomaaliya,bal aynu eegno qayb ka mid ah, Gabaygan uu tiriyey Awaankii
caanka ahaa Ibrahim Gadhle-ILLAAHAY NAXARIISTII JANO HA SIIYEE.
"Taariikh da' weynoo,
Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee,
Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii,
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee,
Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine,
Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen,
Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen,
Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,
Sida loogu deyduu,
Geesina u diriraa,
Anna laba-daryaalii,
Waxaan Daacad uga baxay,
Dhulku yaanu Daaliyo,
Dooloow u kala go'in,
Siday labada daamood,
Dab u wada kulaalaan,
Dibi keliday lay qalay,
Qoys qudh ah dibbiradii,
Waxa aan ka door-biday,
Duubiga shan lagu cuno.
Waxaa tiriyey Ibraahin-gadhle, Jabuuti, 30/3/1980kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaalle.
Hadal iyo dhamaan abwaanku wuxuu gabaygiisa ku cadeeyey in uu jiray deg deg
ay sabab u ahayd wadaniyadii Soomaliweyn oo shacabka reer Somalilan dhiiga iyo
lafaha ka gashay balse aanay Soomalida kale la qabin xilligaa.
----la soco qaybta 2aad---
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009
|