SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Faalo : HUWAN

Hussein abdikarim Ahmed –gendisch
Raleigh, NC , USA
Gendisch@aol.com

“Siyaasada  Dhabayaco Iyo Huwan Waxaa ay somali dhaxalsiin doontaa ay qarankooda ku waayaan “ ! Gendisch   Maajo 2009 

Dhabayaco : Sh. Shariif/Omar Sharmake 
Marka hore waxaa rabaa in somalida u cadeeyo inaan taageersanahay in somaliya dowladnimo dib u hesho. Wax aan dowladnimo ahayna aan taageerada shicibka mudneeyn. Laakiin waxaa ilaha tahay  dhaliilaha dowlada ka muuqda  iyo toobiyaha ay heesyo midoodna inaan  dib loogu soo celinayyo qarankii dumay ee soomaliyeed. Hadii aan taarikhda dib raacno , Muddo haatan laga joogo in ku dhow boqol sano . ayaa waxaa soomalida u kacay ciidankii daraawishta oo doonayey in ay dalka ka xoreeyaan  codowgii gumeeysiga , inta Somaliga ku hadasha  hal dal  iskugu keenaan, halggankaasi inkasta oo soo hooyey guulo badan hadana waxaa u sameeyey qaladadd badan oo ay timid in cadowgii somalida ay u adeegsdaan somali kale in lagu jabiyo loona kala qaybiyo dowlado kale duwan. Huwan waxaa ay ahaayeen qabaaildii somalida ee sayidka kala dagaalamay dhinaca waqooyiga iyo galbeedka, dhabayaco waxaa ay ahayeen  ciidankii kala dagalamay kuufurta  ee ina keenadiid ( central) , maanta waxaa ay joogtaa halkii ay 100 sano ka hor  taagneed .  

      Dalkii  Itoobiya waa iskaga baxday, cabdilaahi yousef waas is casilay, madaafiicdii wali waa socotaa, maxaakimtu ayaa qoriga isku jeediyey, hooyadii ooyinteeda laga maqlayey BBC ee somaali badan ka ooysiisay, ooyintii waa laba jibaartay, dadkii magaalada ku soonoqanayey  markale ayeey dib ugu  noqdeen xeryihii aay labo sano ka  hor xamar banaankeeda ka sameeysteen, xagee nagal ahayaa , waxaan marar badan ka hadlay in soomaliya laba qolo isku haaystaan mid waa itoobiya midka kalana waa alshabaab. Itoobiya dalka ma ka baxday waa yaabe, alshaabe Somali dan ma u tahay ?

      Waxaa arin laa xumaado ah in markii itoobiya baxday reer muqdisho ku baraarugeen , ciidamo beel ku habeeysan oo aagag kala xirtay, ummadii markiiba waa ka calool xumaatay oo tiri marka kale iyo anigaa taabsaday sar heblo ? , waxaa cadaatay in dadka In muqdisho dadka degan  ay dhibaato qabiil danhiisa Wata ilaah ku ebtaleeyey. Waxaa La soo daristay  aqoon la’aan ku saabsan  waxa ay   dowladnimo tahay , iyo habka dowladnimo ee maanta aduunku u shaqeeyo . War dowlad laguma noqdo anigaa leh wax ummada u dhexeeya, miyaanay noqon mida keentay dadkii wada dagaal galay ay qaybsamaan kadib markii  dabamac galay qaarkood in ay sariftaan guushii dagaalka , qaarkalana ay dib ugu noqdeen xeryahooda iyo in hubkooda sigfeeystaan una arkeen in xalku yahay alshaabaab iyo  faanoole fari ka qodneeeyn .

      Waxaa soo baxay in dowlada markii lala dagaalay ay markiiba isu dhiibto itooobiya, ay ka aamusto ciidamada ay abaabuleeyso gobolada qaarkood, sunna wal jameeca ( koobi diimeedka cusub ) , waxaa itoobiya  biloowday in ay yesto dowlada oo ay maciin bido in ay howlgeliso kuna sidigto hogaamiye kooxeedyo, lacag iyo hub dibada looga keenay . hogaamiyeyaal dowladeed oo aan la aqoon meel ay ummada ku furi doonaan, oo aan laheeyn qorsho cad oo siyaasadeed oo an ka ahayn in wax burburiyaan lacag urursadaan, noqdaan geedi baaboowgii beelaha looga danbeeyey inta ay ka dhimanayaan.

   Waxaa soo baxday in sh sharif sh ahmed iyo daahir aweeys ay u dagalamayaan mar uun madaxwayne I dhaha. Islamarkaana aanay isa sugi Karin sidii kuwi ka horeeyey ee maanta meesha aan taaganahay masuulka ka ahaa oo qaarkood naga hooseeyaan, kuwii kalana dalal shisheeye u carareen. Ileen taariiikhda wax laguma qaato . waxaa cad in aanay qiimana ugu fadhin in muqdisho laga soo saaro barxad cad oo geela lagu kala iibsado iyo in kale. Waxaa dib u soonoolaaday Hagoomiyaashii dhiiga shacabka ku dararay . kuwii danta guud uu kala qiimo badan yahay shilimaadka ay ka helaan dhowr ajnabi reer galbeed ah . waxaa muuqata in sh. Daadir aweeys loo taagwaayey , oo ay ka samreen, kuwii dad ugu sokeeyey, saaxiibadii diinta, saaxibadii qoyska , waarid iyo walaalo  intaba , yaa uu wax ka doonanayaa oo taageeri doona, beelaha dhulkooda doonayo inuu ku xukumo, shacabka somaliyeed ?  

HUWAN;

( Itoobiyaan, Sunna Wal –Jameeca , Hogaamiye kooxeed) 

      Waxaan aan shaki ku jirin in sunna wal jameeca ay itoobiya , gaalo kale oo dano leh. Hogamaiye kooxeed aan wali samrin oo doonaya in dadkiisa inta ka hartay dubato ay ku heshiiyeen dibin daabyo shacabka soomaaliyeed mar kale. Waxan shaki ku jirin in argagixiso la dirirkii ay yihiin waxa loo bixiyey Sunna  wal-jameeca. Qarashkiina uu meeshii ka biloowday oo waliba markaan uu helayo taageero shacab aan la socon ama aan garan Karin waxa ku hoos qarsoon kuwa la baxay sunna wal-jameeca. Waxaa ay alshabab kala mid yihiin in sunna wal-jameeca in aanay dowlad rabin oo dad kale u shaqeeyaan . qorshahooda yahay sidii dib loogu soo celin lahaa H. Kooxeed uu caqligiisu siiyey in loo xiisay. Waxaa ila tahay in aan loo xiisin , shalayna loo ooyin, berina aan la sugi doonin , laakiin shacabka wiilashooda lagu gumaadayo mar kale waa naxdin weeyn. Waxaa goaan ka ah dowlada sinazi in shabaab labo dagaal lala galo mid dowlada ah iyo hogaamiye kooxeed ah. Waa yaabe arintaan dan ma u tahay somaliya. Hadii ay guuleeystaan hogaamiyekooxeed iyo sunna wal-jameeca , ma yihiin kuwo dowlada raacaya ragii aad taqaaneen , ee  dadka cun ahaa , ragii iyagoo dowlada ku jira meel isk dhigay qarankiis ee qandaraas shisheeya qaatay ee dagaalkii wadaada bilaabay. dadkooda ku  iibsaday sunuud gaar ah oo gaalo ka timid , Somali ma aamin kartaa ragaas sida Maxamed Dheere,  Qanyare afrax, Musse yalahoow,  Cismaan cali Caato. Xaaraan ku naax iyo Gen.Cabdi qayrllaawe. Mida kaliya oo aan  Cabdilaahi yousef/cali geedi somaali ku sheegan karaan waa in ay masraxa siyaadsada ka saareen ragaas oo Aan qiimo badan ku dhex laheeyn somalida dhexdeeda oo xitaa ay dhibeeyso in ay dib hadlaan.

 Waxaa muuqata in shariif siyaasadiisu ay tahay mid soo nooleeynayeesa . hogaamiye kooxeed , sunna waljameeca iyo kuwo kale oo dowlad diid ah sida qabiil lagu wajaho mucaaradka ka soo hor jeeda . waxaa igu maqaala ah in wasiirada ugu afka dheer dowlada laga soo wariyey inuu yiri qabiilkeeyga ragga wadaada uga jira lala hadli maayo . waayo waa lala dagaalayaa oo aan xooog meesha kaga saareeynaa. Wasiirada dowlada kujira miyeysan ahayn kuwii laga rabay in ay nabada iyo  dib u heshiisiina ka shaqeeyaan. Yey isku haleeynayaa in ay dowlad u noqdaan hadii aanay dadkoodii dhex tagi Karin.  waxaa wax laga naxo ah in qabqablayaasha dagaalka ay arintaas ka dhaadhiciyeen dowlada . tasoo ah agenda lagu majaaxaabin rabo dowlada si ay mar kale  ugu soo noqdaan  masraxa siyasada maamulayashii qabiilka. Hadii ay dowladu ka waantoobi weeysana ay ila tahay  qiyaamihii burburka dowlada somaliyeed. Iyo in la  yiraahdo hadii arintu tahay shabaab iyo dowlad, dowald baan dooranay, hadii arintu tahay Itoobiyaan, sunna waljameeca iyo hogaamiye kooxeed, ciidamo qabiil iyo alshabab waxaa shacabke kala danbeeyn iyo xaqa in loo hogaansamo u dhow al-shabab. Waa yaabe miyaaneey dowladu arkeeyn in ay gacanteeda isku gowraceeyso ( political suicide ) marka ay ku xiratay itoobiyaan . hogaamiye kooxeed iyo sunna wal-jameeca . 

Shabaab Ma Daraawish baa !

( shabaab, xisbul islaam )

Ciidankii darawiishta markii lagu jabiyey dagaalkii Jidbaale abaarigii 1910 ayaa sayid Maxamed codsaday in maanta rag taliya la raadso oo aan isaga ahayn, maadaama taladii dagaalka lagu galay uu isagu lahaa , laguna jabay. Waxaa la yiri maanta waxaa taliyanaya carab ilaawe nin la yiraado. Waxaa la yiri carboow maanta talo keen , waxaa uu yiri sayidii maanta codow badan ayaan leenanahy oo muslim Somali ah iyo gaalo isugu jira . waxaan leeyahay “ Dad cadaabeed waxaa laga galaa dhul cadaabeed “ oo ula jeeday ragga cadaabeed = gaalo ,dhulcadaabeed: dhul cadaabeed waa dhul  nolosha ku xun. Wax tagi kara aan la rag , wixii tagaana aana samo uga soo noqon Karin, dhul buureely ah oo dagaalka ku fiican iyo in lagu dhuunto oo gabaad laga dhigto. Waxaa u jeeday in   ragga ka soo horjeeda aanu la dagalami karin, maanta waaa u baahan meel aan ku maadano ayuu yiri , rageena ku tababarano.oo maalin ay maantya ka roontahay u soo jeesano talada dalkaan. Waa la iskuraacay waxaan ay u guureen Eeyl oo ahayd dhul buuraleey ah oo lagu maato kuna taala gobolada puntland. Waxaa maanta muuqata in siyaasad xumida wadaada oo maanta shacab badani ka soo hor jeedo iyo galo intaba , dagaalo badana hore ugu soo halaagay ay hortaalo tii ugu dareeyd ee ummada lagu qabsan lahaa iyagana lagu jabin lahaa, dalkana lagu qaybsan lahaa. ma dagaal ayeey shabaab wax ku xalin doonaan. Waxaa ila tahay in ay maanta wadaadu dagaalamaan ay qalad tahay oo xoog wax ku raadiyaan, shacabkana ay raali la ahayn in dagaal danbe shabaab lo dabo kaco ..  sax ama qalada ha ugu muuqatee ma garan karaan in ay dagaalka joojiyaan oo nabad ogoladaan  si cadow aanu dalka inooga soo galin iyagana loo baabin kuwii ka horeeyey ee diinta wax ku raadiyey ee daraawish iyo al-taalibaan. meesha ay ku danbeeyeen aan wada garaneeyno. Waxaa muuqata in  ay ku joogaan jidkii sayidka iyo anigaa saxsan sidaas darteed hore ha loo scodo Sayidku isagoo dhibta loo geeystay ka hadlaaya waxaa yiri iyo inuu sax  yahay : 

·   Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye

·   Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

·   Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!

·   Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane

·   Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne

·   Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

·   Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye

·   Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey

·   Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!

·   Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

·   Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

·   Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!

·   Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e

·   Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene

·   Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene

·   Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne

·   Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye

·   Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!

·   Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

·   Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

·   Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!

·   Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye

·   Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye

·   Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!

·   Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

·   Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne

·   Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!

·   Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye

·   Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

·   Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!. 

Shabaab maanta meel kasta waa laga dagal san yahay, ciidanka ay dhisteen Xasaan turki iyo abuu mansoor rooboow ayaa ugu xoog badan ciidamada alshabaab iyagiina waxaa ay ka badin la’yihiin jubba iyo bay . hogaaminta , siyaasada iyo  ciidamada muqdisho jooga waxaa ka taagnaa jahawareer. kadib marki uu geeriyooday gacantii midig ee sh.daahir aweeys ( abu cayroow ) oo ku talo galay in midig iyo midix ku kala hayo isaga iyo kan haatan u goostay dowlada ee indhacadde . sidaas darteed xasan daahir baalal uu ku duulo ma leh hadii uusan u hogaansamin waxa ay rabaan hogaanka sare ee shabaab. Beelaha muqdisho degan ciidamada  shabaab kaga jira waxaa ugu badan beelaho aan ahayn kuwa xasan daahir aweeys ha yaaeeshee fakir ahaan taageersan, waxaa muuqata in hadii aysan dhawaan ka soo muuqan  masraxa siyaada aytaageradoodu hoos u dhici doonto wadaada alshabaab. Waa yaabe ma waxaa ay ku sii dhiiran donaan dagaal faraha looga gubto  oo lagu baabiyo dadkooda iyo dhulkooda mise waxaa ay la soo bixo doonaan waji ka duwan, kuwii hore hogaanka u hayey ee iyagu dhulkoodiina nabad ka dhigay, dadkoodiina nabadgeliyey dadkoodiina nabdaeeyey. Waxaa u joognaba waa talaabada hogaamiyeyaasha wadaadu qaadaan taodobaadyada soo socda iyo tan dowladu qaado oo noqon doonta mid ku guuleeysata quluubta shacabka somaliyeed in dowladnimo laga shaqeeyo iyo mid ay kor ugu qaadi laheeyd taageerada alshabaab kadib marka ay amxaaro iyo warlord ka doorato shacabkii iyada garbaha u ahaa. Waxa ila tahay in dowladu aan jaanis kale siin doonto wadadaa. Waqtiga fogna dowlada lagu kale tagi doono.

Hussein Abdikarim Ahmed –Gendish

Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: