AFRICA
INTERNATIONAL : OGAADEENYA OO U DHAXEEYSA GOONI ISU TAAG IYO XASUUQ.
Wargeeyskan oo ah mid caalami ah
kana soo baxa dalka Fransiiska bishiina mar la daabaco ayaa cadadkiisi bishan
Meey 2009 qoray maqaalka uu cinwaankiisu sare ku xusan yahay. Ogaadeenya waxaa
ka taagan dagaal xornimo raadin ah oo u dhaxeeya ciidamada itoobiya iyo mucaarad
soomaali ah. Sida Daarfuur oo kale, dowlada itoobiya gabood fal iyo danbiyo
dagaal oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayeey Ogaadeenya ka geeysatay. Wariye
madax banaan laguna magacaabo Yannick Demoustier ayaa Ogaadeenya ka soo laabtay
qoraalkana kaga sheekeenaya wixii uu indhihiisu ku soo arkay.

Marka ciidamada mucaaradka soo galaan tuulooyinka iyo meelaha la dagan yahay si
farxadi ku jirto ayaa loo soo dhaweeyaa. Waxaan arkay qoys sideed ruux ka kooban
oo waxa aay heeystaan kaliya tahay waxoogaa ari ah kuna hoyda labo aqal mudul
ah. Saboolnimo hoose ayaa gobalkan la hartay. Waa goob uu dagaal ka socdo in ka
badan shan iyo toban sano. Is la markiiba hal arin ayaa indhahaada ku soo
dhacaya oo ah in wax rag ah aayan agagaarka magaalooyinka joogin. Ciidamada
itoobiya ayaa caruurtan aabahood laayay bishii desember ee sanadkii tagay ayeey
igu tidhi haween haweenka ka mid ah. Arintani waa mid aan in badan ka maqlay
dadka Ogaden degan oo aan meelo kala duwan kula kulmay, haweenka iyo caruurta
meel cidla ah ayaa looga tagay. Ciidamada itoobiya waxey gobalka ka abuureen
xaalad argagax ah iyagoo laaya raga arintani labadii sano ee ugu danbeeyay ayeey
ciidamadu kor u qaadeen leeynta raga.
Wariyayaalka, heeyadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa caalamiga ahba looma
ogola in eey gobalka Ogaden cagta dhigaan. Itoobiya Ogaadeenya weey ka jartay
dunida inteeda kale. sida kaliya ee lagu gali karo waa in aan habeeno iyo
habeeno badan guureeysaa, wadooyinka oo dhan in la maro ayeey itoobiya
mamnuucday. Ma heeysano raashin ciidamada doowlada ayaa xoolihii naga laayay,
Xasan oo ah oday da’ah ayaa hadalkiisa intaa ku soo koobay isagoo ku daray
waxaa inoo haray waxoogaa geel ah, beerihii ayeey naga gubeen dawano ma heeysano.
Dagmadan dad sodomeeyo ka yar ayaa ku nool intii kale dhamaan naftooda
ayeey ula carareen dhulka buuraleeyda ah ama meel ka baxsan Ogaadeenya sida
Kenya
, Jabouti ama meelo ka mid ah Soomaaliya. Bishii janaayo ee sanadkan boqolaal
askarta itoobiya ayaa dagmadan timid waxeey dileen dad kor u dhaafaya 250 ruux.
150 ka mid waxeey ahaayeen haween iyo caruur. Meeydadka qaar lama aasin iyagoo
wada dhan sababtoo ah xubnaha qaar ayaa maqnaa, waxeey ciidanka itoobiya dadka u
jarjareen sida dhurwaa hilib kala boobaya oo kale. Irdaha qaar ee xaafada quful
ayeey ku xidheen si shacabka ugu muujiyaan in goobta ka qaxaan, Odeygan da’da
ah ee goobjooga ahaa ayaa isagoo ilmeenaya hadalkiisa intaa ku soo gabagabeeyay.
UMAD AAN ITOOBIYAAN AHAYN.
Shacabka Ogaadeenya waa dad Soomaali ah diinteeduna Islaam tahay. Jabhada
Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) waxaa la aasaasay 1984, una halgameeysay
kolkii ugu horeeysay xukun daaqila sax ah ka dibna u weecatay xornimo raadin
taam ah. Shakiga ah in aad JWXO taageersan tahay waxeey si toos ah ku
galineeysaa xabsi halkaa oo uu jidh dilku ka hayay sheey caadi ah joogtana ah.
Waa wixii ku dhacay Axmed kaasoo ku soo biiray ciidamada JWXO sandkii 2001 ka
dib markuu ku soo qaatay afar sano oo xadhig ah xabsiyada itoobiya.
Anigoo qarka u saran dhameeystirka waxbarasho magaalada Direrdhawe, ayeey
i qabteen iguna eedeeyeen in aan JWXO ahay weey igaraaceen ina jir dileen
mararka qaarkood koronto igu qabanayeen. Sababtan darted ayeey dhalinyaro aad u
tiro badan ugu soo biiraan jabhada. Itoobiya waxeey isticmaashaa wax walbo oo
dunida ka mamnuuc ah.
Geeska ugu shisheeya magaalada Galaalshe, waxaad ku arkeeysaa dhagaxyo is
dul saaran muujineeysana xabaalo wadareedyo kana marqaati kaceeysa xasuuqa
itoobiya ka geeysato Ogaadeenya. Qabri walba halkan ugu yaraan 50 qof ayaa ku
xabaalan ayuu ii sheegay ruux deegaanka ah. In ka badan 1500 qof ayeey
halkan ku dileen labadii bilood ee ugu danbeeysay. Bal eeg iskuulkii waxeey ka
soo reebeen gidaarkii kaliya, farmashigiina dhulka ayeey dhigeen ayuu ruuxani
hadalkiisa sii raaciyay isagoo xaafada biyo u soo doontay cabsina u dheer tahay,
sidoo kale dhacdooyinkan oo kale ayaa inta aan Ogaadeenya ku guda jiray la ii la
soo dhawaanayay.
Shan askarta itoobiya ayaa i kufsatay ayeey ii sheegtay Farxiyo oo 19 jir
ah, wiil yar oo lix bil jir ah oo aan dhabarka ku sitay feer ayuu dhabarka kaga
soo tuuray ka dibna dhagax maskaxda banaanka kaga keenay. Galaalshe sida
dagmooyin kale oo tiro badan waa cidla qaarkood waa la gubay danbaskii ayaa weli
ka qoyan.
Itoobiya Mareykanka ayaa saaxiib dhow ka dhigtay si waxa argagixisada
loogu yeero ula dagaalamaan siiba Soomaaliya. weerarkii itoobiya ku qaaday
Soomaaliya waxey uga gol lahayd niyad jabinta JWXO. Dagaalka hubeeysan
Ogaadeenya wuxuu biloowday 1994 kolkaa oo aay JWXO ahayd urur siyaasadeed
maankana ku hayay xornimo u raadinta gobolkooda, itoobiyana dil iyo qaarijin ku
biloowday siyaasiyiin reer Ogaadeenya ah. Wuxuuse cirka is ku shareeray
weerarkii jabhadu ku qaaday ceelkii shidaalka halkaasoo 74 lagu dilay 9 shiinees
yihiin inta kalana itoobiyaan. Itoobiya JWXO waxeey ku sheegtaa in eey
argagixiso yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka fikradaa ma qabaan.
Dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Ogaadeenya oo kaliya sidaa waxaa yiri
Faarax oo ah taliyaha ciidan 2500 ka kooban aaga Jigjiga isagoo ciidii dhulkiisa
hooyo cantoobsaday. 2007dii John Holmes oo Qaramada Midoobay u qaabilsan
gargaarka ayaa xaqiijiyay in hal qof afartiiba dacdari ku heeysato Ogaadeenya,
xaaladu weey ka sii dartay. Waa in dunidu ogaataa waxa Melez halkan ka
sameeynayo, waa in xasuuqa uu ninkani dadkayaga ku hayo ogaataa Qaramada
Midoobay kana hadashaa, waa in John Holmes soo noqdaa ayuu Faaarax yiri.
Qoraalkii Yannick Demoustier
Africa
International
430
Avril 2009
Tarjume : C/llaahi Maxamed Ibraahim
Email:
abdimoh@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009
|