SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Puntland madhicisoobin ee way dhabowday ,C/risaaq Wiilcadde 

Asalaamu calaykum 

C/risaaq Wiilcade

Tel: 00252 90 747473

Punt land

Garowe

tirmidi1@hotmail.com

Waxaan jeclaystay asxaabta kahadasha arrimaha punt land in aan kaga darsado qayb dhankayga sida qof walba laquman , 

Run ahaantii majecli in aan ruux dhaliilo ama wax kasheego oo aan wax uga sheego webabka ama isgaarsiinta noocii ay tahayba , hase ahaatee inbadan oo dadka kamid ah waxay kahadlaan arrimaha puntland iyo maamulka hader jira , taasoo aan looga hadli jirin maamuladii hore gaar ahaan markii ay bilo jireen ama sannad iyo wax lamid ah 

Waxaana haboon qofku inuu caddaalad sameeyo hadii uu ficil samaynayo iyo hadii uu hadlayo intaba taasina waa mida alle subxaana watacaalaa nagu adoonsaday oo waxay kamid tahay cibaadada in qofku sameeyo cadaalad , allena wuxuu yiri , 
Markaad hadlaysaan caddaalad sameeya haba ahaado qofka ay waxyeelaynayso caddaaladaasi kan dadka idinku dhaw , waa amar alle xagiisa kayimid , 

Intaa kadib maamuladii hore markii ay gaareen bilo ama ay gaareen sannad iyo wax dheer maanay jirin dhaliil loosoojeedin jiray taasoo ah waxqabad la’aan , 

Anigu waxaan kamid ahay dadka kunool puntland hase ahaatee waan uga war roonahay qof jooga dalka dibadiisa oo waxaan ognahay waxbadan oo aysan kawarqabin , hadii aan usoonoqdo maamulka manta jira waxqabadkiisa run ahaantii waxbadan oo lataaban karo way jiraan oo ay kamid tahay amniga , 

Marka laga hadlayo amniga waxaa mihiim ah in qofku ogaado waxbadan oo aan xadlahayn in ay kadhacaan dunida, waliba dawladaha waawayn , kuwaasoo leh ciidan mukhaabaraad iyo ciidan boolis iyo ciidan milatariba intaba , 
dowladaha ciidankoodu shaqaynayo waxa dhexdooda kadhaca kama dhacaan puntland waa markii xaqiiqo loohadlo , 

Waxaa jirta in dadka jira dibada ama qurbaha ay wax qoraan waxa ay qorayaan meelo badan kama eegaan tusaale ahaan waxaa lagayaabaa inay akhristaan web kamid ah weebabka somalida qof ayaana waxaa qori kara, qofkaasi waxaa dhici karta inuu yahay mucaarad, waxaana fican in lahubiyo qofkaasi waxa uu qoray inay yihiin wax jira oo xaqiiqada kudhisan iyo in ay yihiin waxaan jirin , taasi waa mid 
Waxaa kaloo jira in dadku soohadlaan by phone or email , taasoo ay kaqaataan warbixin wixii loosheego kaliya laakiin aan lahubsan , 

Hadaba waxaan kula talinaya dadka jira dalka dibadiisa in aanay kafogaan caddaalada oo ay wax badan qiimeeyaan , 
Soomaalidana waxaa lagu imtixaamay raacraacitaan qofka ay raacraacan ayagoo markaa ka’eegaya inuu dhaliil yeesho kaliya ee aanay ka’eegin waxa kale oo wanaaga ah ee uu markaa qabanayo, taas shaqo kuma lahan mana sheegayaan , waxay kaliya shegayaan wixii khalad ah , hadaba taasi cadaalad maahan , waxaana taas ubadan dadka joga qurbaha oo aan inbadan war sugan kahelin wadanka gudihiisa , 

Walaalaha sida khaldan wax loogu shego waxaan kuwargalinaya arimahan hoos kuqoran Magaalooyinka puntland waxaa kajira amni ballaaran taasoo aan isleeyahay waa wax uu sabab ku leeyahay maamulka cusub,

Mudo sannad kahor ah magalada maanay dhici jirin in qof xilli habeen ah uu lamaro mobil ama lacag iyo wax lamid ah wadooyinka waxaa dhici jirtay in dadku ay isku raacaan koox koox ayagoo markaa iskadaafacaya dadka habeenkii isutaaga wadada , 
taasi majirto hader oo waxaa jira ciidan boolis ah oo habeenkii roondeeya , waa isbadal ladareemay , waxa dhacda in qofku habeenkii ifsado mobilkisa marka uu marayo meelaha gudcurka qaarkii ama ay tagto korontadu, meesha markii hore u kabaqayay in lagu waxyeeleeyo ama uu qalbigaba kuhayay in aanu kubadbaadayn mobilka taasi sow maahan isbadal ladareemay , 


Waxaa kaloo jira in magalada lagu gadi jiray maandoriyaha sida khamrida taasoo keentay in maalin cad ciidan hubaysan ay aadaan goobtii khamrada lagu gadi jiray oo ay sooqabqabteen dadkii khamrada kashaqeeynayay iyo kuwii cabayay kadibna lakeenay maxkamada lana xukumay , ayadoo aan ognahay in maandooriyuhu uu yahay xumaanta hooyadeed , sidasna looqabtay , sow maahan isbadal ladareemay , 

Waxaa kaloo jirta in labada magaalo ee gaalkacyo iyo boosaaso ay kajiraan hawlgal ballaaran oo lagu sugayo amaanka magaaloyinkaas , waxaana inta badan dadku hadal hayaan in ciidanka dawladu ay sifiican ushaqaynayaaan taasoo aanay horay udhici jirin in layiraahdo ciidan ayaa shaqaynayaa sow kamid maahan isbadalka , 

Waxaa kaloo jira in Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole uu yimid maalintii roob doonta ee kadhacday magaalada Garowe waxaa dhacday inuu goobtaas kaduceeyay Salaadii kadib , oo uu alle uga baryay muslimiinta dhamaanteed inuu alle subxaana watacaalaa uu kaalmo degdeg ah lasoogaaro , maadaama dad iyo duunyoba ay ubaahanyihiin kaalmada alle , Miyaanay kamid ahayn isabadalada joogtada ah ee ladareensanyahay hadeer , 

Waxaana uu kubaaqay oo kale in lajoojiyo dagaalada kadhanka ah shacabka soomaaliyeed ee kasoconaya koonfurta soomaaliya , 

Waxaa kaloo intaas sii dheer inuu kiiskasta oo yimada latiiksado shareecada iyo maxakamadda miyaanay kamid ahayn isbadalka , 

Waxaa kaloo dhici jirtay hadii qof dambi galo lana xukumo kahor inta aan lagu qaadin xukunka dambigii uu galay ayaa lagala bixi jiray xabsiga , taasoo inta badan lagu eedayn jiray beesha uu qofku kadhashay ama ay dhacdo maxaabiista lafteda in ay baxsadaan , laguna eedayn jiray maamulka , taasi hader majirto sow kamid maahan isbadalka jira , 

Waxaa kaloo jira in ciidan aan qaadan jirin mushaaraad mudo bilooyin badan ah ay hader mushaarkooda si toos ah u helaan taasi miyaanay kamid ahayn isbadalka , 

Waxaa kaloo dhici jirtay mararka qaar hadii qof laga qaado xilkii uu u hayay dawladda inaanu aqbali jirin oo uu kahor imaan jiray xilkaqaadistaas , hadii ay dhacdo inuu dudo ama caroodana ay keeni jireen rerka uu kadhashay kadibna lookala dabqaadi jiray isaga iyo maamulka , taasi hader ma jirto sow kamid maahan isbadalka lahelay , 

Ugu dambayntii waxaa mihiim ah qofkii dhaliil shegaya in ay uhabontahay qofka uu dhaliilayo inuu usheego waxa uu kudhaliilsanyahay, taasi maba jirto ayaan oran karnaaye waana xigmada ugu quruxda badan , tankale qofka madaxda ah cay iyo habaar midna mamudna adigoo markaa dhaliishaadu tahay kaliya isabadal majiro isbadalna waa jiraaye oo adigaan arkine waxaana kaabuuxa xiqdi iyo xaasidnimo mana fiicna waxaasi inay galaan qalbigaaga

Waxaana mihiim ah ninka madaxda ah in lalashaqeeyo waa mihiim in lataageerana waa mihiim anagu hadii aan soomaali nahay taasi nooma ahan dhaqan mana ahan waxaan samayn karno laakiin hala ogaado waxay kaga habontahay ninka madaxda ah in aad u ducaysaa majiraan hadii aad u ducaysana oo aad alle khayrka iyo wanaaga inuu waafajiyo aad ugu ducaysana waa wax aad wada helaysaan adiga iyo ninka madaxda ah , balse hadii meeshii habaar oo kale yimaado ogow habaarkaasi meelkaama jiro ninka aad habaartay ama aad nacaybka kubeertay wuukula jogaaye taasi yaanay ahaan mid idinkamaqan , wabillaahi tawfiiq , 

C/risaaq Wiilcadde 
Email: Tirmidi1@hotmail.com 
Tel: + 252 90 747473
Garowe - Punt land  -Somalia 

ISBADALKI PUNTLAND MA DHABOOBAY MISE WAA DHICISOOBAY 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: