Ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo
dagaalka Muqdisho
Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa Ummadda Soomaliyeed ka
quusaneysa Nabad, Dowladnimo iyo Islamnimo. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka
mid ah siyaasadda Caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada (war on terror),
afkaarta Caalamiga ah ee Al Qaeda, Kacdoonka Islaami ah oo ay horkacayaan
xarakooyin iyo shakhsiyad kala fikir ah, damaca dhul ballarsiga Ethiopia,
lugooyada Qarammada Midoobay, colaadda Ethiopia iyo Eritrea, damiir-wadani
la’aanta Madaxda horbodeysa bulshada. Dagaalkii dhexmaray Midowga Maxaakimta
Islaamka Soomaliyeed (MMIS) iyo Isbaheysiga Argagixiso-la-dirirka ama
Ashahaado-la-dirirka, dagaalkii dhexmaray Muqaawamada Dib-U-Xoreynta Soomaliya
iyo Ciidammada Ethiopia iyo xulafadooda, iyo dagaalka hadda ka socda Magaalada
Muqdishu iyo goobo kale waxaa huriyay arrimahaas:
Dagaalka ka socda Muqdishu iyo goobo kale waxaa la siiyay
dhowr macno:
(I) Dagaal diimeed oo u dhexeya Islaamiyiin dhab ah oo
difaacaya diinta Islaamka iyo bidciyiin/Murtadiin gaalo raac ah ama dagaal u
dhexeya muslimiin xagjir ah (argagixiso caalami ah) iyo muslimiin qunyar socod
ah oo rabta ku dhaqanka Shareecadda Islaamka;
(II) Dagaal u dhexeya dowlad sharci ah ee Soomaliyeed iyo
koox soomali ah ee rabta inay afgambiso;
(III) Dagaal u dhexeya koox Maafiya ah ee beesha caalamka ku
adeeganeyso iyo wadaniyiin difaacaya danta iyo mustaqbalka fog ee Soomaliya;
(IV) Dagaal sokeeye oo awood iyo dhaqaale doon ah.
Axmed Ould Cabdalla, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, wuxuu
sheegay in dagaalka ka socda xamar uusan aheyn mid diimeed ee uu yahay dagaal
ay wadaan dad ah dambiilayaal dhaqaale asagoo xusay burcad-badeedka, ganacsatada
iyo howlaha dhaqidda lacagaha xaaranta ah (money laundering), garoommada
diyaaradaha, dekedaha iyo ilaha dhaqaale kale ee ay haystaan dad gaar ah. Wuxuu
kaloo sheegay in AMISOM oo dalka u timid dagaal mabd’a (ideological war) ka
baxday goobihii ay joogtay kaddib markii ay aragtay hub, lacag iyo cunto
dowladdu ku bixisay hab qabiil, dagalkiina isu beddelay dagaal qabiileed.
Dowladda Ethiopia oo Soomaliya u afduuban tahay waxay qabtaa in kooxaha iska soo
horjeeda- Dowladda Midnimada Qaran (DMQ) iyo Muraacadka- ay dhexdooda qaybsan
yihiin, ujeedada dagaalkuna aysan aheyn fikir diini ah iyo mid wadan ee ujeedadu
tahay darajo iyo dhaqaale doon. Macnayaasha kala duwan ee dagaalka ka socda
Muqdishu iyo goobo kale waxay adkeynayaan in la abbaaro xalka saxa ah.
MMIS oo Madaxweyne Sheikh Sharif Sh Axmed guddoomiye u ahaa
waxay astaan u noqdeen hirgelinta xukun ama dowlad Islaami ah oo aan haykalkeeda
iyo mabaadi’deeda la soo bandhigin. Mowqifka MMIS ee Sh Sharif u faahfaahiyay
dadweynaha wuxuu ahaa ku dhaqanka Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabigeenna (CSW)
iyo ka fogaashaha ku dayashada reer galbeedka sida Mareykanka. Aqbalaadda Sh
Sharif Sh Axmed aqbalay Axdiga KMG, kuna dhaartay waxay dhalisay eedeyn, shaki
iyo gaaleysin. Madaxweyne Sh Sharif wuxuu doortay inuu ka tanasulo
matalaadda, difaaca iyo xormeynta halgankii MMIS iyo ururro la jaalka ahaa
muddadii uu socday halganka dib u xoreynta Soomaliya.
Caqabadaha durba ka hor yimid DMQ waxaa ka mid ahaa: (1)
Mucaaradka oo gacanta ku dhigay Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya inta
aan la dhisin DMQ; (2) Dowladda MQ oo ka koobneyd labo koox iyo 4.5 oo kala
ujeeda ahaa; (3) Qaybtii Ciidammadii Maxaakimta Islaamka oo taageray DMQ oo
diiday in lagu daro Ciidammadii Dowladda ee xulafada la ahaa Ethiopia; (4)
Eedeynta Al Shabaab ee ku cad cajaladaha loogu magac daray Sh Sharif Shalay iyo
Maanta, (5) Mowqifka diiniga ah ee Sh Cumar Umal; (5) Dhismaha Xisbul Islaam;
(7) Ishabeysiga Dib u Xoreynta Asmara ee Sh Xasan Dahir Aweys Madaxda ka noqday;
(8) Gabbad ka dhigashada AMISOM oo tacadiyo iyo xadgudubyo u geysatay Shacabka
Muqdisho, isla markaana aheyn nabad ilaaliyaal madaama aysan jirin dhinacyo iska
soo horjeeda oo la aqoonsan yahay; (9) Go’aankii Culumada Soomaliyeed oo
nabadda ku baaqayay hase yeeshe taagerayay mowqifka muraacadka ka soo horjeeday
Axdiga KMG iyo AMISOM.
Sidaa darted, Dowladda waxay ku dhawaaqday inay hirgelineyso
ku dhaqanka Shareecada Islaamka si ay uga gudubto caqabadaha kor xusan.
Go’aannada Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka kala ansixiyeen ee ku saabsan ku
dhaqanka Shareecada Islaamka iyo qodobka Axdiga KMG waxay u qoran yihiin sida
hoos ku cad:
- Go’aanka Golaha Wasiirrada wuxuu dhigaya:
Goluhu wuxuu si buuxda
isku raacay:
- Ku dhaqanka Shareecada Islaamka heer qaran iyadoo la tixgelinayo danta
Shacabka Soomaliyeed.
- Xukuumadda in ay Barlamaanka u gudbiso go’aanka Golaha Wasiirrada ku
saabsan ku dhaqanka shareecadda Islaamka heer Qaran.
- In loo xilsaaro Wasaaradaha Garsoorka iyo Cadaaladda, Dastuurka iyo
Federaalka iyo Awqaafta iyo Diinta Islaamka in ay:
- Axdi qarameedka Ku Meel Gaarka ah waafajiyaan Shareecadda Islaamka;
- Dastuurka dalka loo dejinayo waafajiyaan kuna dhisaan Diinta Shareecadda
Islaamka;
- Hirgeliyaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka hadba wixii suurto gal ah
ayadoo lala kaashanayo Culumada Islaamka Soomaliyeed iyo Sharciyaqaannada
khibradda u leh habka Shareecadda Islaamka loo dabakho.
- Kaddib markii Barlamaanku ansixiyo go’aanka Golaha Wasiirrada ee loo
gudbiyay, inuu Ra’iisul Wasaaruhu soo magacaabo guddi heer qaran ah oo ka
kooban Culumada, Sharciyaqaanno iyo xeerbegta intaba ku xeel dheer arrimaha
ku dhaqanka Shareecadda Islaamka si ay u soo diyaariyaan habka ugu habboon
ee Shareecadda Islaamka looga dhaqan gelin karo dalka oo idil.
- In dadaal xoogan loo galo kor u qaadidda wacyiga Bulshada Soomaliyeed ee
ku aadan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.
- Go’aanka Golaha Barlamaanka isku wada raacay:
Qodobka 1aad
Ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
In wadanka Soomaliya laga dhaqan geliyo ku dhaqanka
Shareecadda Islaamka ayadoo la tixgelinayo danta, dareenka iyo caqiidada
Shacabka Soomaliyeed.
Qodobka 2aad
Hubinta iyo la socodka ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
- In la dhiso guddi u xilsaaran hubinta iyo la socodka ku dhaqanka
Shareecadda Islaamka. Guddiga ku xusan faqradda hore ee qodobkaani wuxuu ka
koobnaani doona 17 xubnood oo kala ah
3 wasiir oo kala imaanaya garsorka, dastuurka
federalka awqaafta iyo arrimaha diinta
- Guddiga hubinta iyo la socodka ku dhaqanka Sharecadda Islaamka waxaa lagu
magacaabaya dekreeto Madaxweyne
Qodobka 3aad
Guddiga talo bixinta ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
Markii barlamaanku ansixiyo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
waa in Ra’iisul Wasaaruhu Xukuumaddu soo magacaabo guddi talo bixin ah oo ka
madaxbannaan labada gole oo ka kooban culumaa udiin aqoon durugsan u leh ku
dhaqanka shareecadda islaamka iyo dad kale oo aqoonyahanno islaami ah oo leh
khibrad durugsan ku saabsan majaaladka nolosha
Qodobka 4aad
Wacyi gelin ee ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
Waa in si guud Ummadda loogu iclaamiyo ku dhaqanka
shareecadda islaamka , kaddibna lagu wacyi geliyo shareecadda.
- Qodobka 8aad ee Axdiga Federaalka KMG 2004 wuxuu qoraya:
- Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaliya.
- Shareecadda Islamka ayaa ah saldhigga shuruucda qaranka.
Nuxuruka go’aanka Barlamaanka wuxuu tilmaamaya (1) in la
dhisi doono laba guddi oo kala ah (a) guddiga hubinta iyo la socodka ku dhaqanka
Shareecadda iyo (b) guddiga talo-bixinta; iyo (2) in Shacabka lagu wacyi geliyo
ku dhaqanka Shareecadda Islaamka. Go’aanka Barlamaanka wuxuu tilmaamaya in
“Dowladda MQ ku xukumeyso dalka Axdiga Federaalka KMG ah.” Hadalka
Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Barlamaanka oo ahaa in Dowladda Soomaliya ay
tahay “Dowlad Islaami ah” ma waafaqsaneyn go’aanka Barlamaanka iyo Axdiga
KMG midna.
Sidaa darted, waxaa aad u kala fog aragtida iyo fahamka
Dowladda MQ, xoogagga Mucaaradka ah iyo Islaamiyiinta Madaxabannaan ee ku aadan
ku dhaqanka Shareecadda Islaamka. Su’aasha taagan waxay tahay: ma waxaa la
rabaa in la iska tuuro Axdiga KMG, lana soo bandhigo nidaam cusub? mase waxaa la
rabaa in Axdiga laga saaro qodobbada ka soo horjeeda Shareecadda Islaamka,
kaddibna lagu dhaqmo?
Culumada iyo Ururrada Soomaaliyeed oo horseedka u ah ku
dhaqanka Shareecadda Islaamka ama Dowladda Islaamiga ee Soomaliya sooma
bandhigin qaabka iyo habka dhaqan-gelinta Nidaamka Islaamiga ah ee Soomaliya ku
habboon. Soomaliya waxay ka mid tahay Ururka Dowladaha Islaamka (OIC) oo
matalaya 1.3 bilyan oo Muslimiin ah. Muxaadaro uu Shiekh Cumar Umal ku qabtay
Magaalada Nairobi, Kenya wuxuu sheegay in qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ay yihiin
xeer hoosaad aan shareecada ka hor imaaneyn, halka kuwa kale ay yihiin xaaran,
hase yeeshe uusan wada qeexin. Sidaas oo kale Golaha Culumada Islaamka Muqdishu
oo dhalliilay ku dhaqanka Axdiga kmg ah ma tilmaamin qodobbada Axdiga KMG ee ka
soo horjeeda Shareecadda Islaamka.
Xalka dagaalka Muqdisho iyo goobaha kale waxaa qayb lixaad ka
ah xal u helidda arrimaha isku dhafan ee aan kor ku xusan. Dowladda MQ ee KMG
waa dowlad ku dhisan nidaamka qabiilka 4.5, sal laheyn. Sidaa darted,
dagaal DMQ ku gasho magac dowladeed wuxuu u horseedaya fashil. Mucaaradka iyo
cid kasta oo kale waxay ku muteysan doonta Maxkamad dhibka ay u geystaan
Ra’yidka maatada ah sida hadda ka taagan dalalka Cambodia, Sudan iyo Congo.
Suura gal ma noqon doonto tabbagalka dowlad xoog lagu dhiso iyo dowlad
jiritaankeeda ku tiirsan yahay aqoonsiga dhalanteedka ah ee IGAD iyo Beesha
Caalamka.
Shacabka Islaamka ah ee Soomaliyeed wuxuu xaq u leeyahay
nabad, xukuumad ay ku kalsoon yihiin oo cadaalad iyo wada noolansho waarta ku
dhaqda, iskana beddeli karaan markay rabaan. Soomalida ayey u taal inay ka
tashadaan arrimaha ku saabsan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhismaha
qaabka Dowladda ka tarjumeysa. Ilaahey wuxuu Kitaabkiisa Quraanka noogu sheegay
inuu naga abuuray lab iyo dhegid, nagana yeelay shucuub iyo qabiilooyin si aan
isu aqoonsanno, hase yeeshe qofka noogu karaamada badan Ilaah agtiisa yahay kan
noogu taqwo badan, Ilaahna waa kii wax walba og (49:13). Is aqoonsiga Soomalida
waxay ku imaan kartaa nidaamka wadaninnimada Qarameed (Nationality/Citizenship).
Waa in daacad loo noqdaa amarka Ilaah ee ah ka hortagga fidnada, sabarka iyo
ilaalinta maslaxadda caamka ah ee Soomaliyeed.
Dr. Maxamud M Culusow
mohamuduluso@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009
|