SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Dowladda Federaalka oo isku khilaafsan Dagaalka Muqdisho ka socda
  • Maxaa keenay in Dowladdu ka baxdo qaar ka mid ah goobihii ay kaga sugneed Magaalada Muqdisho?
  • Wararkii ugu dambeeyey ee Xaaladda Dadka Barakacay ee Magaalada Muqdisho

Waxaa isku soo dubariday
W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dowladda Federaalka oo isku khilaafsan Dagaalka Muqdisho ka socda

Warar aanu ka helnay saraakiil ku dhow dhow Dowladda Federaalka waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka ay si aad ah isugu khilaafsan yihiin dagaalka weli ka socda Magaalada Muqdisho ee dhaliyey in kumanaan kun oo dad ah ay ka barakacaan guryahooda.

Xubno isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxay Dowladda kula taliyeen in aan wax madaafiic ah lagu garaacin goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha "Islaamiyiinta" ah, waayo ayay yiraahdeen waxaa halkaasi ku sugan dad shacab ah oo ay waxyeelo ka soo gaareyso, waxayna sheegeen in haddii ay adeegsadaan madaafiic ay la mid noqon doonaan Dowladdii hore ee uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed.

“Waa in aan shacabka u turnaa oo aan u naxariisanaa” ayuu yrii Wasiir ka tirsan Dowladda oo sheegay in Dowladda ay la gudboon tahay in ay is difaacdo oo keliya, sidoo kale xubno iyana ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada ayaa iyana qaba in la duqeeyo goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah oo aan wax naxariis ah loo sameyn, iyagoo sheegay in loo baahan in marka goobahaasi la duqeeyo kadib ay galaan ciidamada lugta ee Dowladda Federaalka.

Maxaa keenay in Dowladdu ka baxdo qaar ka mid ah goobihii ay kaga sugneed Magaalada Muqdisho?

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo taageerayey Dowladda Federaalka ayaa iyagu mar qura banneeyey goobo ku yaala Magaalada Muqdisho, taasina waxay keentay in ciidamadaasi ay ku uruuraan Madaxtoonyada iyo goobo kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Nin qariyey magaciisa kana mid ah Saraakiisha Dowladda ayaa waxa uu ka waramay sababaha ay dowladdu u soo banneysay xarumahaasi, waxa uuna yiri “Dowladdu markii hore ay ka qaldaneed qaabka uruurinta ciidamada, isagoo sheegay in loo baahnaa in ciidamada Maxaakiimta ee taageersan dowladda iyo kuwii horeyuga haray dowladdii C/llaahi Yuusuuf inta la isku dhafo la geeyo goobo ka baxsan magaalada halkaas looga furi lahaa tababar laguna diiwaan gelin lahaa”, waxa uu intaas sii raaciyey “Goobaha ay ku sugnaayeen ciidamada Maxaakiimta ayaa sarkiishooda waxay dowladda u soo gudbiyeen liisaska ciidamada ay hayaan oo goobaha qaarkood lagu sheegay in ay gaarayaan toban kun, waxayna dowladda ka codsadeen in la siiyo mushaar ciidamadaasi, taas oo ay ku cuslaatay dowladda federaalka” sidoo kale waxa uu sheegay ninkaasi in ciidamada maxaakiimta ay diideen in ay qaataan dareeska ciidamada, sidoo kale waxay soo jeediyeen saraakiishooda in la bedelo saraakiishii hore ee ciidamadii Dowladdii C/llaahi Yuusuf, waxaa sidoo kale ninka ka dhawaajiyey in ciidamada maxaakiimta la soo gaarsiin waayey sahaydii iyo saanaddii ay u baahnaayeen, taasina waxay keentay in goobaha qaarkood ay ku go’doomaan iskuna dhiibaan ciidamada mucaaradka”.

Isku soo wada duuboo dowladda haatan waxa ay dib u uruurineysaa ciidamaddii si ay mar kale u wajahaan kooxaha ka soo horjeeda, waana midda keentay in dad fara badan ka cararaan guryahooda, xaalka muqdishana hadda waxa uu u eg yahay mid colaadeed.

Wararkii ugu dambeeyey ee Xaaladda Dadka Barakacay ee Magaalada Muqdisho

Iyadoo dhowr maalmood uu socday dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kooxaha Islaamiyiinta, waxa uuna dagaalkaas sababay dhimasho fara badan, dhaawac iyo barakac, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya dadka barakacaya, waxa uuna barakaca ugu badani ka socdaa degmooyinka Wardhiigley iyo Yaqshiid oo ah gobo lagu bartilmaameedsaday madaafiic aad u xoogan.

Barakacaan ayaa waxa ku soo beegmay xili lagu gudajiro xili roobaadkii, waxaana shalay ilaa iyo xalay dadkii barakacay dushooda ku da’ayey roobab lixaad leh, waxaana u sii dheer in dadkaasi aysan haysan wax ay afka geliyaan, waxayna hoos jiifaan geedo hoostood, sidoo kale waxa uu ku soo beegmay barakacaan iyadoo hay’adda WFP uu ka go’ay raashinkii ay dadka siin jireen, iyadoo Qaramada Midoobey ay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay hadda soo wajahday xaalad xun oo isugu jirta Abaaro iyo Dagaalo, waxayna Qaramada Midoobey codsaday in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda ma jirto waanwaan u dhexeysa labada dhinac ee ku hardamaya Magaalada Muqdisho, waxaana laga dhega fureystay dhamaan baaqyadii nabadeed ee loo soo jeediyey, sidoo kale labada dhinac ayaa ku jira hub uruursi, iyadoo ciidamada AMISOM iyana la geliyey heegan aad u buuxa oo ku aadan sidii ay u difaaci lahaayeen dowladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Haddaad fiiriso dadka barakacaya waxaad soo xusuusaneysaa xiligii Dowladda Itoobiya ay dagaalka kula jireen kooxaha Islaamiyiinta, waxaana la xaqiijiyey in dad aan horey uga qixin Ciidamada Itoobiya ay haatan bilaabeen inay ka barakacayaan guryahooda.

Dagaal goor dhow ka bilowday deegaano ka tirsan Muqidsho (May 13)

Iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeysay ay xasilneed Magaalada Muqidhso ayaa goor dhoweed waxaa qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxa uuna dagaalkaani markii ugu horeysay ka bilowday 4-ta Jardiino, waxa uuna ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Suuq Bacaad iyo Towfiiq, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana bilowday mar kale barakac aad u baahsan, waxaana haatan barakacaya dadkii ku haray deegaanadaasi oo iyagu horey ugu baaqday dhanka dhaqaalaha.

Waxaa la maqlayaa daryanka madaafiicda, iyadoo maalmahan labada dhinac ay ahaayeen kuwo isku hub uruursanayey, Waxayna Dowladda Federaalka dooneysaa in ay dib ugu laabato goobihii ay horey uga soo baxday, sidoo kale ciidamada Amisom oo gacan siinaya Dowladda Federaalka ayaa iyagu saakay fariisimo cusub ka sameystay goobo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxayna degeen xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, oo ay horey u deganaan jireen ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Soomaalya.

Mudane ka tirsan Dowladda ayaa waxa uu sheegay in haddii dowladdu ay adeegsato madaafiic ay la mid noqon doonto Dowladdii C/llaahi Yuusuf ee taageerada ka heleysay Ciidamada Itoobiya, waxa uuna u soo jeediyey dowlladda in gacan ka hadalka ku bedelaan wada hadal iyo isafgarad si shacabku ay mar kale dib ugu soo laabtaan guryahooda.

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009

Wasiirka Arimaha Diinnta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti oo Guriga Ummadda ka Furey Dood Cilmiyeed Doorka Culimada Soomaaliyeed ay ka Qaadan karan Nabadynta Akhri May 14

Alshabaab G/GEDO Oo Sheegay Inay Gurmad U Dirayaan Alshabaabka Ka Dagaalamaya Magaalada Muqdisho.
Mamulka Deg.Baledxawo Oo Xabsiga Dhigay Rag Gaadiid Kenya Ka Soo Qafaashay Akhri May 14


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: