Wasiirka Arimaha Diinnta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi
Suldaan oo Guriga Ummadda ka Furey Dood Cilmiyeed Doorka Culimada
Soomaaliyeed ay ka Qaadan karan Nabadynta Soomaaliya
Sawirada Culimada Halkan ka eeg
Dood cilmiyeed ku saabsan doorka culumada soomaaliyeed ay ku leeyihiin
dibusoocelinta nabada, oo ay ka qayb galayaan 33 xubnood oo ka kala
socda Gobolada Soomaaliya, sida Muqdisho, Gobolada Somaliland la baxay,
kuwa Puntland ee Gobolada Woqooyi Bari, Gobolada Baay, Bakool, J/hoose,
J/dhexe, Hiiraan iyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya islamarkaana uu soo
qaban qaabiyey Wasiirka Arimaha Diinnta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Guriga
Ummadda ee Caasimada dalka Jabuuti.
Sawirada halkan ka eeg
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo gunaanadkii ka Hadley aya wuxuu yiri
“shacabka jabuuti waxay qabaan dareen ah, shaley Ummadda Soomaaliyeed
waxay u Af-duubneyd qab qable dagaal, maantana ma qab qable culimo ayey
u Af-duubnaan oo rajadii iyo mustaqbalkii oo dhan laga tirtirayaa, waa
dareen ay qabaan walaalihiina shacabka jabuuti ee ay qabaan, waxaadna
adinku mateleysaan culimadii waaweyneyd ee Soomaaliya oo dhan, waxaadna
tihiin marjicii Ummadda, maanta xagee loo ciirsan ayaa la leeyahay” ayuu
ku yiri khudbadiisa Dr. Xaamud isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku
darey
“waxaa laysugu kiin yeerey culimadii Soomaaliyeed baa tihiin, cilmi
idiinku filan waad leedihiin, caqli idiinku filan baad leedihiin, waxaad
manta ka run sheegikartaan, waxa dhacayo diinta ilaahay maxay ka qabtaa,
waa waxyaalaha la rabo walaallayaal inaad adinka oo maslaxada guud
eegaya aad soo saartaan wax lagu badbaadinkaro Ummadda Soomaaliyeed oo
la leeyahay hada maalin ay ka daran tahay ma jirto, in Ummadda
Soomaaliyeed loo diido cid kale dano ay leedahay ay ku kala aar goostaan
oo laga dhex fuliya Ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda oo aan niraahno, ka
culima ahaan uma qalanto”.
Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Jabuuti waxaa uu u jeediyey dadka
Soomaaliyeed ee dagaalamaya “waxaan u jeedineynaa walaallahayaga isku
haya muqdisho, gaar ahaan raga xukuumada ka soo horjeeda waxaan leenahay
in aan xikmada la seegin, xukuumaduna aysan xikmada seegin oo aan lagu
kicin wax Ummadda Soomaaliyeed aysan qaadikarin, Ummadda Soomaaliyeed
waa in ay isugu tagaan oo aan cid keliya far lagu fiiqine oo laga wada
qayb qaato badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka oo
magic dumis uu ku socdo, tash wish uu ku socdo in laga wada qayb qaato,
sidii loogu gurman lahaa, culimada Islaamka oo dhan waa ay idiin garab
joogaan”.
Dood cilmiyaadan ku saaban doorka Culimada Soomaaliyeed ayaa
furitaankeeda waxaa ka Hadley culimaa’udiin ka kala socdey dalallka
Islaamka oo isugu jira kuwa carab iyo cajami, dhamaan mas’uuliyiintii ka
hadashey furitaanka dood cilmiyeedan ayaa waxay ka hadleen sida ay u
dhan yihiin mas’uuliyada saaran culimada Soomaaliyeed iyo sida loogu
baahan yahay dadkii u qumi lahaa mush-kilada ka taagan dalka Soomaaliya,
waxaa keloo halkaasi laga soo jeediyey gabayo qaarkood muujinaya fool
xumada dagaalka ka socda xiligan dalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa wuxuu qayb ka yahay isku dayo muhiim ah oo la doonayo in
xal looga gaaro arimaha soomaaliya, balse marka si guud loo eego
mashaa’ikh-da meesha isugu timid ayaa waxay yihiin culimada aan
hubeysneyn oo barisamaadkii Ummadda Soomaaliyeed ay ku ixtiraami jirtey
Diinta ay xambaarsan yihiin, wax kasta oo ay la soo hor fariistaan,
taasoo mudadii dagaalada sokeeye ay socdeen lagu bedeley in laga tago
wax kasta oo ay Ummaddaha aaduunka ay ixtiraamaan, waxaana la baneystey
wax kasta oo laga xishoodo, hawshuna waxay noqotey in muwaadinka
Soomaaliyeed ee qiimaha lahaa si bareer ah loo dilo ama loo iib geeyo
dalallka ka soo horjeeda jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed,
islamarkaana laga cararo dadkii Islaamka ahaa oo loo cararo, meel aan
loo cararin.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com