SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Maanta ee ka yimid Gobolka Gedo:
Maxamed Gaarane Aadan
gaarane68@hotmail.com

Alshabaab G/GEDO Oo Sheegay Inay Gurmad U Dirayaan Alshabaabka Ka Dagaalamaya Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Al-shabaab ee ku sugan gobolkan Gedo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Sheekh Yuusuf Maxamed Aar oo loo qayaano (Qalbi) kana tirsan saraakiisha alshabaab ee Gedo,ayaa sheegay in ay gurmad u dirayaan walaalahooda Muqdisho ka dagaalamaya.

Sheekh Yuusuf ayaa ka dhawaajiyay in dagaalada ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho ay yihiin Jihaad, sida uu hadalka u dhigay lagulana jiro wax uu ku tilmaamay cadowga Islaamka, isagoo tilmaamay iney sameynayaan gurmad deg deg ah, oo ku aaddan sidi loo soo afjari lahaa dagaaladaasi.

Sheekha ayaa sidoo kale tibaaxay in ay gurmad iyo garaba ay sinayaan gargaar walaalahooda ku sugan xarunta Soomaliya waayo waxa uu tilmaamay in ay yihiin dad walaalo ah kuna walaaloobay diinta sida uu sheegay.

“dagaalka Xamar ka socda waa Jihaad loo baahan yahay in qof walba uu ka qeyb qaato, waana aadeynaa” ayuu ka dhawaajiyay Afhayeenka xarakada Al-shabaab ee gobolka Gedo.ayaa xusay Sheekh Yuusuf .

Horay ayaa waxaa xoogaga Islaamiyiinta ah ee Al-shabaab gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo ay ka dhawaajiyaan iney gurmad u fidinayaan xoogagooda muqdisho dagaalada ka wada.

Mamulka Deg.Baledxawo Oo Xabsiga Dhigay Rag Gaadiid Kenya Ka Soo Qafaashay

Ciidamada AMaanka ee mamul islaamiga a h ee Deg Baledxaawo ayaa xabsiga u taxaabay 4 nin oo sida la sheegay gaari ka soo afduubay magaalada Mandheera Ee Gudaha Kenya.

Afartan qof oo loo aqoonsaday Soomaali dhalasho ahaan ayaa lagu hayaa saldhiga Degmada Baledxawo sida uu sheegay taliyaha amaanka maamulka Degmada Baledxaawo.

Taliyaha Amaanka Mamulka Deg Baledxawo Sh Xasan Cabdi Maxamed oo waraysi siinayay qalabka warbaahinta ayaa tibaaxay in ragaasi ay soo afduubeen gaari nooca raaxada ah oo u kiraysnaa Hay’ada VSF ,kaasoo ku sugnaa Degmada Mandheera eek u taalla xadka Kenya.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in gaari ay ku wareejin doonaan saraakiisha Kenya ee sohdinta ,taasooq eybka ah heshiis dhexmaray maamulada magaalooyinka Mandheera ee Kenya iyo Deg Baledxawo ee G/Gedo Balse taliyaha ayaa xusay in raga ay hayaan aysan ku wareejin doonin saraakiisha Kenya balse ay iyagu hayn doonaan maadaama ay yihiin soomaali.

Tan iyo sanadkii ay soo dhaafnay ilaa iyo 9 baabuur oo u shaqaynayay hay’addo fadhigoodu uu yahay dhanka Kenya ayaa la qafaashay, kuwaasoo oo uu kamid ah gaari u shaqaynayay wasaarada caafimaadka Kenya balse intooda badan ayaa lagu guulaystay in dib loo celiyo.

Roobab Xalay Ka Da’ay Magaalada Baardheere Oo Ay Abaar Ka Jirtay.

Inkastoo aysan Roobabkani oo xalay ilaa saaka ka da’ayay deg. Baardheere gaysanin wax qasaare ayaa haddana waxaa saacado badan hakad ku jiray howl maalmeedka caadiga ee dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Qiyaastii 7 -saac oo xirir ah ayaa waxaa qulqulayay roobabkaasi.waxaana xalay guud ahaanba hareeyay magaalada baardheere dhaxanta iyo biyodhaca roobka oo dadku ay kala socdeen hoygooda, iyadoo sidoo kale ay roobabkani si weyn u biyo dhigeen dhamaan wadooyinka oo idil.

Magaalada Baardheere ayaa waxaa Dadka ku dhaqan ay si weyn u soo dhaweeyeen roobabkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo qeyb ka ah raxmada eebe maadama ay abaaro iyo kuleyl daro ka jireen Baardheere iyo deegaanada ku xeeran.


Tacbashada Beeraha ayaa waxaa ku tiirsan Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ,waxaana saaka mar qura ay dadku isku diyaariyeen inay qalabka beeraha qaataan si looga baxo gaajada.sida uu ii sheegay Xaaji maxamed faarax oo kamid dadka ku dhaqan magaalada baardheere oo aan goordhaw waraystay.

inKastoo uu saaka mar qura istaagay gaadiidka isaga gowsha Baardheere iyo tuulooyinka kale ee u dhaw ayaa waxaa haddana maanta dib u howl bilaabay gaadiidka oo la arki karo iyaga oo rakaabka u kala sida degaanada ay u socdaalaan.


Ma jirto cid maanta hadal haysa abaar iyo kuleyl .waxaana qof walbaa maanta uu carabka ku dhajinayaa Illahay baa Mahad Leh.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: