SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

 

DIINTA ISLAAMKA  IYO

ANSHAXA GUUD EE BULSHADA 

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

Q. 1AAD: ASLUUBTA CUNISTA IYO CABISTA

 (Cuna oo caba hana xadgudbina maxaa yeelay isagu “Eebbe” ma jecla kuwa xadgudba) (Suurat Al-Acraaf: 31).

Cunta cunistu waxay leedahay anshax ku salaysan diinta Islaamka loona baahan yahay in la barto. Asluubta cunta cunistu waxay ka kooban tahay:

- Magaca Alle inuu ku billaabo iyo mahadintiisa ku afjaro:

Caa'isha (RC) waxaa laga weriyay inay tiri: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkiin hadduu raashin cunayo Allaha sarreeya ha xuso, hadduu hilmaamo inuu bilowga Allaha sarreeya xuso, ha yiraahdo: Bismil-Laahi Awwalihi wa-Aakhirihi). Allaha sarreeya ha xuso waxa loola jeedaa: Bismil-Laahi Raxmaani Raxiim ha yiraado.[1].

Caa'isha (RC) waxa kale oo laga weriyay inay tiri: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyo lix asxaabtiisa kamid ah ayaa raashin cunayay. Nin reer baadiye ah baa markaas intuu u yimid "Raashinkii oo dhan" laba jeer ku qaatay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Hadduu bisinka u qaban lahaa “raashinku” waa idin deeqi lahaa)[2].

Sahal ibnu Mucaad Al-Juhani (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkii raashin cuna markaasna yiraahda: Al-Xamdu lil-Laahi Ladii Adcamanii haadaa wa Razaqaniihi min gheyri xowlin minnii walaa quwah“ waxaa mahad leh Allihii kan igu quudiyay tab iyo taag la'aan taydana igu irsaaqay”, wax allaale wuxuu dembi hore u galay waa loo dhaafaa)[3].

- Raashin loosoo dhigo in uusan wax ka sheegin:

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu yiri: (Weligiis Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) cunto wax kama uu sheegin ee hadduu doono wuu cuni jiray, hadduu nacana wuu ka tegi jiray)[4].

- Gacanta midig inuu ku cuno, dhanka xigana ka cuno:

Cumar ibnu Abii-Salama (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Waxan ahaa wiil yar oo Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) la nool, gacantayduna weelka hadba dhinac bay u dhaafi jirtay. Markaas buu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) igu yiri: (Wiilyahow bisinka qabo, midigtaadana ku cun, dhanka ku xigana ka cun)[5].

Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkiin midigtiisa haku cuno, midigtiisa haku cabo, midigtiisa haku qaato, midigtiisana haku bixiyo, maxaa yeelay Shaydaanka ayaa bidixdiisa ku cuna, bidixdiisa ku caba, bidixdiisa ku bixiya, bidixdiisana ku qaata)[6].

- In aanu weelka bartamaha ka cunin:

Ibnu-Cabbaas (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Raashinka barakadiisu bartamaha ayay ku degtaa ee labada dhinac ka cuna bartamahana ha ka cunina)[7].

- In aanu isagoo santeecsan/jeegaysan/jiqilaysan raashin cunin:

Waxa la sheegay in raashinka oo la cuno iyadoo barkin ama wax lamid ah lagu santeecsan yahay ay dhibaato caafimaad keento.

Abuu-Juxayfa, Wahab ibnu Cabdillaahi (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) anigoo la jooga, ayuu nin ag fadhiyay ku yiri: (Anigoo santeecsan cunto ma cuno)[8]. Micnaha ninka ayaa santeecsanaan wax ku cunayay, markaas buu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) isagoo ninkii si dadban wax ugu sheegaya yiri: (Anigoo santeecsan cunto ma cuno).

- Raashinka oo la amaano laguna dul sheekeeyaa waa sunno:

Jaabir (RC) waxa laga weriyay in Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) qoyskiisa inta uu goosaar weydiistay, ay dheheen: Khal mooyee wax kale ma hayno, dabeeto intuu u yeertay, kuna goosaartay uu cunayay isagoo leh: (Khalku waa goosaar wanaagsan, khalku waa goosaar wanaagsan)[9].

 Waxa kaloo la weriyay Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu raashinka cuni jiray isagoo asxaabtiisa u sheekaynaya.

- Marti soorihiisa inuu raashinka dabadiis u duceeyo:

 Anas (RC) waxaa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa Sacad ibnu Cubaada (RC) u yimid “usoo martiyay”. Markaas buu muufo iyo saliid u keenay. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu cunay buu wuxuu yiri: (Afdara cindakumu-Saa’imuuna wa Akala Dacaamakumul-Abraaru wa Sallat calaykumul-Malaa’ikah “dad soomani agtiinna haku afureen, cuntadiinna baarriyaal ha cuneen, Malaa'igtuna ha idinku sallido)[10].

- In aanu raashinka boobin:

Cabdullaahi ibnu Cumar (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in Timirta laba-laba loo qaato, keddibna wuxu yiri: (Ninku inu walaalkiis oggolaansho ka helo mooyee)[11]. Micnaha dadkii kula cunayay oo mid-mid u qaadanaya adigu ha laba-labaysan ama dadkii oo aayar aayar u qaadanaya adigu ha boobin in sidaas laguu oggolaado mooyee.

- Qof ka da' weyn oo jooga in aanu raashinka billaabin:

Xudayfa (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: (Annagoo Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) la joogna haddii raashin naloo keeno gacmeheenna ma aynaan gelin jirin, jeer uu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) billaabo oo gacantiisa geliyo)[12].

- Waxaa la reebay in caloosha la buuxiyo:

Miqdaam ibnu Macdi-karib (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Aadane ma buuxiyo weel calooshiisa ka xun. Aadane waxa ku filan dhawr luqmadood oo uu dhabarka ku toosisto, haddiise aan la hurayn saddex meelood meel cuntadiisa "ha geliyo" saddex meelood meel cabitaankiisa, saddex meelood meelna hawadiisa)[13]. Micnha caloosha raashin haka wada buuxin ee biyihii aad raashinka ku dejin lahayd qayb u reeb, qayb aad ka neefsatana reeb oo sidaas caloosha saddex qaybood ugu qaybi, haddiise aad cunno ka wada buuxiso, cuntadaasi ma dheef-shiidmayso, cudur bayna markaas kugu noqonaysaa.

- Waxa sunno ah in raashinka dabadiis faraha la leefto:

Jaabir (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hadduu raashin cuno farihiisa ayuu saddex jeer leefi jiray, wuxuna yiri: (Hadduu qofkiin gabal raashin ahi ka dhoco, inta uu qaato oo tirtiro ha cuno, shaydaanna yaanu u deyn, hadduu dhameeyana farihiisa ha leefto, maxaa yeelay garan maayo raashinkiisa qaybta ay barakadu ku jirto). Wuxuna ina amray in aan saxanka maduurinno/murdinno/leefno)[14].

Asluubta biyo cabista waxaa kamid ah:

- Waa karaahiyo in weelka laga dhaansado afkiisa laga cabo:

Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: (Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in weelka laga dhaansado ama wadaanta afkeeda laga cabo)[15].

Arrintaasi waxa weeye mid anshaxa bulshada iyo caafimaadka guud liddi ku ah, waxana laga yaabaa dadka weelka laga wada cabo afka gashanaya in qaar bukaan, sidaasna cudurka dadkii kale ku qaadsiiyaan. Haddaba waxa habboon in biyaha weel yar oo qofka ku filan intuu ku shubto, ka cabo, ee aanu weelkii weynaa ee dadka ka dhexeeyay toos afka ula gelin.

- Waxaa karaahiyo ah in weelka la afuufo ama lagu neefsado:

 Abuu-Qataada (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkiin hadduu cabayo yaanu weelka ku neefsan)[16].

Ibnu-Cabbaas (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in weelka lagu neefsado ama la afuufo)[17].

Afuufidda iyo ku neefsashada weelku inay dhibaatooyin caafimaad keenaan, anshaxa guud ee bulshadana kahor imaanayaan cidna kama qarsoona.

- Waxaa sunno ah in la Cuno lana Cabo iyadoo la fadhiyo:

 Aanas (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: (Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu reebay in ninku isagoo taagan uu cabo). Qataada wuxuu yiri: Aanas baynu ku niri: Cuntadana?. Wuxuu yiri: (Iyadaaba ka daran)[18].

- Weelal Dahab iyo Qalin ah in aan wax lagu cabin:

Ummu-Salama (RC) waxaa laga weriyay Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inu yiri: (Qofka weel qalin ah wax ku cabayaa wuxuu calooshiisa ku jiidayaa Naarta Jahannamo)[19].

Werin Muslim u gaar ahi waxay leedahay: (Qofkii weel dahab ama Qalin ah wax ku cabaa wuxuu calooshiisa ku jiidayaa Jahannamo dabkeed, maxaa yeelay weelashaas waxa loo isticmaalaa muuqaal isla weyni iyo dad iska sare marin iyo karaamada qofka saboolka ah oo lagu dhaawaco).

Xudayfa ibnul-Yamaan (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh: (Dharka xariirta ah ha xirannina, weelasha dahabka iyo qalinka ka samaysanna  wax ha ku cunina, hana ku cabina, maxaa yeelay iyagu "gaaladu" adduunka ayay ku leeyihiin adinkuna aakhiro)[20].

 

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  

Q2aad- ASLUUBTA SALAANTA:


[1] Abuu-Daa'uud (3767), Tirmidi (1858), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 373).

[2] Tirmidi (1858), Ibnu-Maaja (3264).

[3] Tirmidi (3458), Ibnu-Maaja (3285), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 2486).

[4] Bukhaari (3563, 5409), Muslim (2064/87), Abuu-Daa’uud (3763).

[5] Bukhaari (5376), Muslim 2022/108), Abuu-Daa’uud (3777), Tirmidi (1857).

[6] Ibnu-Maaja (3266).

[7] Abuu-Daa'uud (3772), Tirmidi (1805), Ibnu-Maaja (3277).

[8] Bukhaari (5398), Abuu-Daa’uud (3769), Tirmidi (1830).

[9]  Muslim (2052/166), Abuu-Daa’uud (3820), Tirmidi (1839).

[10] Abuu-Daa'uud (3854).

[11] Bukhaari (5446), Muslim (2045/150), Abuu-Daa’uud (3834).

[12]  Muslim (2017/102), Abuu-Daa’uud (3766).

[13] Tirmidi (2380), Ibnu-Maaja (3349), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 5550).

[14] Muslim (2033/134), Axmed (14606).

[15]  Bukhaari (5628), Ibnu-Maaja (3420).

[16] Bukhaari (5630), Muslim (267/63).

[17] Abuu-Daa'uud (3728), Tirmidi (1888).

[18]  Muslim (2024/113), Tirmidi (1879).

[19] Bukhaari (5634), Muslim (2065), Ibnu-Maaja (3413).

[20] Bukhaari (5426, 5832), Muslim (2067/4), Tirmidi (1878).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS