SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

4- ASLUUBTA FADHIGA:

قَالَ اللهُ تَعَالَى: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا فِي الْمَجَالِسِ فَافْسَحُوا يَفْسَحِ اللَّهُ لَكُمْ } {سورة المجادلة:11}.

(Dadka xaqa rumeeyoow haddii goobaha la fariisto la idin yiraahdo kala sikada oo goobta waasiciya kala sikada Allaa idiin waasicinaya “Irsaaqadda, Qabriga, Barzakha iyo Jannada”) (Suurat Al-Mujaadalah: 11).

Fadhigu wuxuu leeyahay asluub barbaariyaha looga baahan yahay inuu ilmaha yar baro, kuna dabagalo marka uu fulinayo, waana sidatan:

- Qofkuu goobta kula kulmo inuu gacan qaado:

Baraa' ibnu Caazib (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Labadii muslin ee intay kulmaan is-gacan qaada, intaanay kala tegin baa loo dembi dhaafaa)[1].

- Laba qof dhexdooda iyagoon u oggolaan in aanu fariisan:

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Ninna uma bannaana inuu laba kala geeyo oggolaansho inu ka helo mooyee)[2].

- Goob saddex lagu fadhiyo labo in aanay gaar u faqin[3]:

 Cabdullaahi ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Adinkoo saddex ah laba yaanan kan saddexaad ka faqin ilaa aad dad kale dhex gashaan, si aanu uga xumaan)[4].

Sababta arrintaas loo diiday waxa weeye waxa laga yaabaa in qofka laga faqayo ay malo gasho, una qaato in isaga la haysto ama aan la qiimaynayn. Hase yeeshee hadduu dadku afar iyo kabadan yahay oo labo gooni u faqaan, dhib ma laha haddaanay arrintaasi shaki abuurayn.

- Qofna yaanu qof kale boos ka kacsan:

Ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyay Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Qofkiin yaanu nin boos uu fadhiyay intuu ka kiciyo fariisan)[5].

Werin kale: (Wuxuu reebay in nin boos nin kale uu fadhiyay intuu ka kiciyo fariisto, laakiin kala sikada oo kala durka)[6].

- Qofkii dan u baxa soona laabtaa isagaa booskiisii u xaq leh:

Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Qofkiin hadduu fadhi ka kaco una soo laabto isagaa u xaq leh)[7].

- Intaanu fadhiga ka bixin inu idan qaato:

 Waa kii Xadiithku ahaa: (Idan qaadashada waxa loo yeelay aragga dartiis)[8]. Maxaa yeelay waxaa laga yaabaa qolka la fadhiyo kolka uu kasii baxayo, dumar aan ka digtoonayn diyaarna aan u ahayn inuu isha lasii raaco. Waxa habboon inu mas’uulka guriga sii war geliyo suu ugu sii gogol xaaro oo wax astur u baahani hadday jiraan lasii asturo, kolkay waddadu aamin noqotana inuu boxo loo idmo.

- Ducada kafaaragudka fadhiga inuu akhriyo:

Abuu-Barza (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) goob la fadhiyo inuu ka istaago hadduu doono wuxuu dhihi jiray: (Subxaanakal-Laahumma wa-Bixamdika, Ash-hadu an laa-Ilaaha illaa Anta, Astaghfiruka wa-Atuubu ilayka = Alloow adaa hufnaan iyo mahad iska leh, waxan qirayaa Adiga mooyee Alle kale inaanu jirin, dembi-dhaaf baan ku weydiisanayaa, waanan kuu tawbad keenayaa)[9].

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  


[1] Abuu-Daa'uud (5212),Tirmidi (2727), Ibnu-Maaja (3703),

[2] Abuu-Daa'uud (4845), Tirmidi (2752), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 7532).

[3] Faq:  Hadal si sir ahoo dad kale laga qarinayo la'isugu sheego.

[4] Bukhaari (6290), Muslim (2184/37).

[5] Bukhaari (6269), Muslim (2177/27)

[6] Bukhaari (6270), Muslim (2177/28).

[7] Muslim (2179/31), Abuu-Daa’uud (4853), Ibnu-Maaja (3717).

[8] Bukhaari (5924), Muslim (2156/40).

[9] Abuu-Daa’uud (4859), Axmed (20050), Xaakim (1/537).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS