SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Qarax Saakey (Isniin) lagula beegsaday ciidamada Burundi jidka Warshadaha
  • Saraakiil Reer Brundi oo Diyaarad La Dhacday...
  • Muuse Nuur Caraale “Waxaa lagu hawlan yahay in la iska hor keeno Shacabka iyo Mujaahidiinta”
  • Dowladda Qadar oo dhex –dhexaadineysa Dowladda Midnimadda Qaran iyo Kooxaha Mucaaradka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qarax Saakey (Isniin) lagula beegsaday ciidamada Burundi jidka Warshadaha

Kolonyo ciidamada Burundi ah oo marayay jidka Warshadaha ayaa lala beegsaday qarax nooca laga hago sheedda. Qaraxaa oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Markii uu qaraxu dhacay ayaan waxaa la socday gaari kuwa dadweynaha ah, waxaana markiiba dhacday in darawarkii gaariga uu markiiba joojiyay, hase yeeshee dadweynihii ayaa si aad ah u argagaxay, meeshii ayaana in cabaar ah taagneen, waxaana sidoo kale halkii noogu yimid gawaari kale, waxayna ciidamada Burundi bilaabeen in ay waddada labada dhinac ka xiraan, waxayna markii dambe ku xaroodeen kulliyaddii hore ee ciidamada Jaale Siyaad.

Markii aan soo gaarnay goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaan waxaan ugu nimid gaari ah kuwo raaxadda oo halkaasi ay khasaaro ka soo gaartay, waxaana na loo sheegay in ay ku dhaawacmeen labo ruux, sidoo kale waxaa na loo sheegay in aysan waxba gaarin ciidamada Burundi, maadaama miinadda lagu aasay meel waddada dhinaceeda ah, ilaa iyo haddana cid sheegatay ma jirto, iyadoo maalmahan ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi lala beegsanayay qaraxyo, Ismiidaamin iyo Madaafiic, waxaana hawlgaladaani waday ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada AMISOM, waxayna afhayeenada labada dhinac sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka tan iyo inta ay ka baxayaan AMISOM dhulka Soomaaliya.

Saraakiil Reer Brundi oo Diyaarad La Dhacday...

Dhanka kale, waxaa harada Lake Victoria ku dhacday diyaarad u soo socotey Muqdisho, diyaaradaas oo ka soo kacday Garoonka Entebbe ee Uganda ayaa loog acabsi qabaa inay dhinteen dadkii saarnaa, diyaaradaas oo sahay u sidey ciidamada Uganda iyo Brundi ee kusugan muqdisho. Ciidanka Brundi waxaa laga soo xigtey in ay sheegeen in diyaaradaas ay saarneeyeen saraakiil sare oo uu kujiro Jaranaal iyo Kabtan.

Muuse Nuur Caraale “Waxaa lagu hawlan yahay in la iska hor keeno Shacabka iyo Mujaahidiinta”


Afhayeenka Xisbul Islaam, Muuse Nuur Caraale ayaa waxa uu sheegay in lagu hawlan yahay in la is tusiyo ama la iska hor keeno mujaahidiinta u soo halgantay dalka iyo shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ay daashadeen dagaalo aan dhamaad lahayn.

Muuse mar wax laga waydiiyay banaanbixii nabadeed ee dhawaan ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxa uu banaanbaxaasi ku tilmaamay in uu ahaa mid laga lahaa dano gaar ahaaneed, laguna doonayay in colaad la dhex dhigo shacabka iyo mujaahidiinta, isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan arrimahaasi.

“Waan og nahay in kuwii qabanqaabiyay banaanbaxaasi ay yihiin kuwo hal dhinac ah” ayuu yiri Muuse Nuur oo sheegay in ay sii wadi doonaan halganka si dalka looga saaro ciidamada Shisheeye, wadanka loogu xukumi lahaa shareecadda Islaamka. Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Cumar Imaan Abuu-Bakar ayaa waxa uu ku celiyey mar kale in aysan wax heshiis ah la geli doonin Dowladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif, isagoo ku tilmaamay in aysan waxba dhaamin Dowladdii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf, waxa uuna sheegay in ciidamada Burundi iyo Uganda ay wakiil ka yihiin Dowladda Mareykanka isla markaana dalka loo keenay in ay la dagaalamaan Mujaahidiinta, isagoo sheegay in ilaa inta ay dalka ka baxayaan ay wadi doonaan dagaalka. Waxa uuna hadalka Sheikh Cumar Iimaan ku soo beegmay xili ay Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed soo saareen go’aano dhowr ah oo ay ka mid ahayd in mudo 4 bilood ah ay Dowladda Soomaaliyeed dalka uga saarto ciidamada AMISOM .

Dowladda Qadar oo dhex –dhexaadineysa Dowladda Midnimadda Qaran iyo Kooxaha Mucaaradka


Dowladda Qadar oo iyadu horey ugu guuleysatay in ay heshiid dhex dhigto qayb ka mid ah mucaaradka Dahfur iyo Dowladda Suudaan ayaa haatan waxay bilowday in ay u tafaxaydato in ay heshiis dhex dhigto Dowladda Midnimada Qaran iyo Kooxaha mucaaradka ku ah ee aan ku qanacsanayn dowladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif.

Waxaa Magaalada Doxa ee dalka Qadar gaaray Wafdi isugu jiray Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, waxaana hogaaminayay Guddoomiyaha Beelahaasi Max’ed Xasan Xaad iyo Xubno, waxaana la filayaa in Magaalada Doxa ay iyana soo gaaraan wakiilko ka socda Mucaaradka iyo Dowladda gaar ahaan Xisbul Islaam, halka warar kale ay sheegayaan in laga yaabo in uu soo gaaro Sheekh Xasan Daahir Aways oo saldhigiisu yahay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Dowladda uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif ayaa ka codsay dowladda Qadar in ay dhex-dhexaadiso iyaga iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda si nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya oo loo hirgeliyo barnaamijka dib u heshiisiinta ee dalka ka socda, waxaana sidoo kale la filayaa in Sheekh Shariif oo ah Madaxweynaha Dowladda Midnimadda Qaran uu gaaro dalka Qadar .
Haddii heshiis dhab ah uu dhex maro Dowladda iyo Xisbul Islaam, mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda waxa uu noqonayaa oo keliya ururka Al-Shabaab, hase yeeshee mas’uuliyiinta Dowladda ayaa aad u danaynaya in heshiiska ay qayb ka noqdaan ururka Al-Shabaab si loo soo afjaro dhibaatada Soomaaliya.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

March 8, 2009: DIL LOO GEESTAY WIIL SOMALIYED OO TAX-KA WADAY GOBALKA WASHINGTON

Feb 27, 2009: Dhallinyaro ku dhimatay saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya....

Feb 20, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley London, UK

Feb 8, 2009: Koonfur-Africa Oo lagu dilay Ganacsadihii 7-aad ee Soomaaliya Sannadkan 2009-ka

Feb 5, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Askar Booliska Minneapolis ka Tirsan ay Toogasho Ku dileen....

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya....

Dec 12, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Oct 7, 2008: Labo Ganacsato Soomaali ah oo Lagu Diley K/Afrika iyo 30 Dukaan oo Soomaaliyeed oo la burburiyey

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS