SOOMALIYA XILIGANI MA QAADAN KARTAA NIDAAM
FEDERAALI AH .Sida la
wada ogsoon yahay habka federalismo waa hab u
dan ah dadweynaha soomaaliyeed haddii la fuliyo,
lagu na dhaqmo sharuucadda u degsan nadaamkaasi.
Federaal oo micnihiisu yahay wax wada qaybsi
cadaalad iyo sinaan ku dhisan iyo xukun fur
furan oo ku baahsan goboalda iyo degmooyinka {qaybsashada
maamulka dawladda dhexe, khayraadka, gobol
walba inuu is maamulo si ay awooda gacanta ugu
gasho shacabka } dawladda dhexe na ay kor ka
maamusho goboladda iyo degmooyinka .
Axdiga ku meelgaar ee dawlada
TFG waxaa lagu xusay in dalka lagu maamuli doono
habka federalka, hase yeeshee arrintu ma ah mid
sahlan federala waxaa qaadan karaa dawlada
dhisan oo gobolada iyo degmoodyinka ay ka
jiraan maamul oo gobol kasta uu leeyahay wax
soo saar ama isku filin karaan, mida kale waxaa
waxaa laga maarmaan ah in la helo nabad galyo
buuxda , maxaa yeelay nabadgalyado waxay door
weyn ka qaadan kartaa fulinta nimaadka cusub ee
federaal, in kastoo soomaaliya muddo dheer ay ku
jiratay jaha wareer iyo dagaal sokeeye sidaasi
darteed aad iyo aad ayay u adag tahay in ay si
fududu ku hergesho .
Nidaamka federaalku wuxuu
shacabka siinayaa fursad ay ku soo dhistaan
goboladdood isla markaasi na uu door ka qaabto
ka qayb galaka siyaasadda dalka , mashruucaani
federaalku wuxuu ku dhiiro gelinayaa goboladda
iyo degmooyinka in ay ku tartamaan horuminta
degaankoodda oo ay gacantoodda ku maamulaan ka
dibna dalka intiisa kale ay wax ka qabtaan ,
federaalku wuxuu ku fiican yahay in awooda lagu
balaariyo goboladda iyo degmooyinka mana jirayso
dawladda caburisa isla markaasina ku xad gudubta
xuquuqda dadweynaha iyo deegaamada . Habkaani
wuxuu ku haboon yahay in ay qaataan qowmiyado
kala duwan oo hal meel ku nool hase yeeshee
soomaaliya ma filaayo in ay baahi u qabto
habkaani federaalka ah , maxaa yeelay soomaaliya
waa hal qoys oo isku af iyo iyo diin ah .
Haddii la rabo in dal laga
hirgeliyo mashruuca federaalka , marka hore
waxaa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in
marka hore goboladda iyo degmooyinka in dadkiisa
la wacyi geliyo loona bandhigo faa’iidooyinka
iyo dhibaatooyinka uu leeyahay federaalka , ka
dibna dadweynaha ayey ku xiran tahay in ay
qaataan iyo in ay diidaan, hase yeeshee suurta
gal ma noqon karto in koox yar in ay meel ku
shiraan ka dibna si fudud ay u qaataan federal .
Runtii fikradaani ma ah
markii ugu horeysay haddii aan dib ugu noqdo
xiligii gobonimo doonka sanadkii 1952kii waxaa
siyaasiin soomaaliyeed qaar ka mid ah waxay soo
jeediyeen in la qaato habka federaalka iyagoo
isku haleynaayo khayraadka gobolkood uu leeyhay
oo aan dan ka lahay gobolad intii kale hase
yeeshee xisbigii SYL ayaa si xoog leh uga soo
hor jeestay maxaa yeelay dastuurka SYL wuxuu
qorayay in la helo somaali weyn .
Fikradaasi federal ah oo ay
qabeyn mucaada ka waxaan loo keenay in lagu
hakiyo ama lagu tir tiro qadiyada soomaali weyn
hase yeesee hogaamiyaashii SYL waxay shacabka
soomaaliyeed ay ku boorisay in laga hortago
fikradaasi ay wataan mucaaradka oo doonayey
inay marin habaabiyo qadiyadda midnimadda
soomaaliyeed taasoo isticmaarku soomaaliya u
qaybiyey 5 qeybood., hadda na isticmaarka cusub
wuxuu doonayaa in soomaalidii xorta ahay inuu u
qaybiyo 5 qaybood oo kale ujeeddada dahsoon ee
loo qaatay federaalku ay tahay in lagu tirtiro
qadiyaddii horay u jirtay.
Waxaa nasiib daro ah shirkii
labada sano loo fadhiyey oo shacabka
soomaaliyeed ku han weynaa in ay ka soo baxaan
wax u dan ah dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu
soo dhisay dawlada federaal ah taasi waxay
calaamad cad u tahay in la damacsan yahay in
midnimaddii jiray in laga kala qayb qaybiyo
ujeeddada ka dambeysana ay tahay in la aaso
qadiiyaddii soomaali weyn, maxaa yeelay dalka
lagu soo dhisay dawladda federal ee ku meel gaar
ah waxay haystaa qayb ka mid ah dhulka
soomaaliyeed sidaasi darteed mar na raali ka ma
noqon karto in lagu la gorgortamo , Eithopia
waxay horey u haystay qayb ka mid ah dhulka
soomaaliyeed hadda na waxay u soo tafxeedatay in
ay gabsato soomaalidii xorta ahayd si aan mar
kale loogu la sheeganin tii ay horay u heystay.
Ururka IGAD oo hogaanka u
haysa xabashadu waxay ka qayb ahayd dawladdii
Mbigathi – Kenya lagu soo dhisay iyaga na ka
dambeyey in la qaato habkaani federaalka ah ,
ujeeddada ka dambeysa na ay tahay in mar kale
aan la sheeganin qaybahii ay horey u heysteen .
Hadda ba waxaa is weydiin
mudan dalkeena ma ka hirgeli karaa maamul
federaal ah, iyadoo dalka ay ka jiraan dagaal
sokeeye iyo burbur iyo dawlada aan awood lahayn
.???
Dawlada federaal ah in la
dhiso waxay u baahan dastuur iyo nimaad u gaar
ah in loo dejiyo oo si cadaalad leh loo fuliyo
qodobada dastuurka federaalku u qorayo , isla
markaasina waxaa loo baahan yahay in dalka oo
idil laga hirgeliyo tiro kobo sax ah sidii loo
gaaro doorasho xor ah hal shaqsi iyo hal cod
(vote), halaasi na ay ku dhamaato cadaalad
daradii ahayd 4.5 , ka dibna laga qaado afti si
loo ogaado shacabka inuu raali ka yahay iyo in
kale , haddii aan tusaal ahaan u soo qaato
dawladda Ruushka wuxuu ka koobnaa 15 dawladood
oo go’ aasanday in ay dhisaan federal muddo ka
dib markii ay burburtay awoodii Ruushka qaar
ayaa ka baxay heshiikii ay horay ugu galeen
federaalkaasi , kuwa kale na waxay rabaan in ay
ka baxaan. Waxaa tusaale ahaan noogu filin
habka wanaagsan ay ugu dhaqmeyn dawladda
Emirates oo ku guuleystay nimaadkin federaalka
ah dalka Emirtes wuxuu ahaa 7 gobol oo ku
heshiiyey in ay sameystaan federaal waan ku
aamaanan yihiin sida ay u dhisteen dalkoodda.
Dalka nageria waa dawladda federaal ah
maamulkooda na ku saleysan yahay habka federaal
ka taasoo ah gobol walba wuxuu leeyahay
madaxbanaani iyo maamul u gaar ah waxaana ka
dhexeya khayraadka dalka uu leeyahay iyo
dawladda dhex .
Waxaa muhiin ah haddii la
rabo in la hirgeliyo mashruucaani marka hore
waxaa loo baahan yahay in goboaladda dalka la
diiwaan geliyo dadka ku nool tiro ahaan ,
kadibna laga shaqeyo dib u dhiska goboaldaasi
isla markaasina loo dejiyo qorshe lagu
hormarinaayo , intaasi ka dib markii si
hagaagsan loo helo ayay suurta gal noqono kartaa
in la hirgeliyo federalismo.Nidaamkani
federaalku uu yahay in la dhiso barlamaan oo
gobol walba wakiilo ka socda caasimada ay ku soo
ururaan wakiiladaasi oo fadhigooda noqon doona
, gobol kastana wuxuu u madaax banaan yahay
maamulka gobolkiisa , dawladdana waxay
fadhigeedu noqonayaa caasimaada.
Xilalka na waxaa loo
qaybinayaa xilka dawladda dhexe oo ah:
Militariga (wasaarada gaashan dhiga), Xiriirka
caalamiga ee dibadda (Wasaarada Arrimaha dibada)
Maaliaydda ( Wasaradda Maaliyada) Isgaariinta
(Wasaraada Boostada & Isgaarsiina) Baddaha iyo
furdooyinka dalka, socdaalka iyo jinsiyadda ,
intaani waxaa xil ka saaran yahay dawladda dhexe
, Wasaaradda arrimaha gudahana waxay si habami
leh ula shaqeyn doontaa xiriirka goboladda iyo
degmooyinka
Gobolada & degmooyinka: waxay u xil saaran
yihiin in ay wax ka qabtaan arrimaha
waxbarashada , caafimadka , boolisla gobolka oo
u qaabilan yahay nabad galyada, dhismaha iyo
horumarka gobolka , khayraadka iyo biyahay
gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta
bay’ad (nabaad guur) Ruqsada shatiyada
ganacsiga,Ruqsada iyo nidaaminta dhismayaalka,
arrimaha bulshadda sida nadaafadda , waddooyinka
, nalalka iyo biyo gelinta , arrimaha isbortiga
iyo dhaqdhaqaaqa dhallinyaraada (youth activity)
sii loo helo dhallinyarow ka fayow qabyaaladda
oo cudur aan dawo lahayn ku noqday bulshadda
soomaaliyeed..Waxaan dhamaan soomaalida kula
dardaarmayaa in laga fogaado colaad iyo dagaal
sokeeye isla markaasi na waxaan shacabka
somaaliyeed ku boorinayaa in laga digtoonaado
dagaal diini ah , maxaa yeelay waxaan horay u
soo marnay dagaal qabiileyd waan aragnay
natiijadiisa , balse waxaa ka sii fool xun in ay
dhacaan dagaal diini ah, ilaahay ayaanu ka magan
galnay in ay dalkeena uu ka dhaco dagaal diini
ah, hase yeeshee haddii ay dhacaan dagaal diini
ah waxaa fogaanayaa rajaddii iyo himiladdii
shacabka soomaaliyeed , waxaana adkaan doontaa
sidii ay dib ugu soo noqon lahayd qaranimaddii
iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed sidaasi
darted waxaa loo baahan yahay in shacabka
soomaaliyeed gacmaha is qabsado lana soo af jaro
colaadii dalka jirtay taasi oo kaliya ayaa
dalka iyo dadka ba lagu badbaadin karaa .
Wabilaahi towfiiq
By: Abdulkadir Ali Bolay
bollaY@hotmail.com