SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Doorshooyinku dhib iyo dheefba waa u leeyihiin Shacabka Somaliland 
Qaybtii 5aad

(shuruudaha laga doonayo  shaqsiga isu sharaxaya Madaxtooyada waxaa  si cad u qeexaya Xeerarka Xisbiyada iyo Dastuurka Qaranka Somaliland,mana aha wax muran geli kara)

Mar kasta waxaad ogaataan in howlaha Doorashooyinku  ay yihiin  howlo  aad iyo aad u dhib badan,marka laga hadlayo qarasha ku baxaya iyo howsha la qabanayo lafteeda,waxaad markasta  maskaxda ku haysaa  Doorashooyin ka dhacay wadan yar oo aan AQOONSANSI dhaqaale iyo mid siyaasadeedba   helin ,kuna yaala Qaarada Afrika sida ay ugu  dhib badan tahay howshaasi.Waxaa iyana muhiim ah in aad ogaato in Doorashooyinkii  Somaliland hore u   soo maray,aan wax dhibaato ahi ka dhicin.

Fadlan  akhriso Xeerka Xisbiga aad ka tirsan tahay,waxaana muhiim ah in aad fahanto bal wixii kaa reeban iyo wixii kugu haboon,inta aadan ku dhawaaqin  Musharaxnimadaada.Waa dhici kartaa in aad ka gudubto Xeerka Xisbiga aad ka tirsan tahay,balse aad ka gudbi kari weydo Axdiga Qaranka.

Is sharaxida hore(Xisbigaaga dhexdiisa).

Mar la qabto shirweynaha Xisbiga ee la doorto ama la dhiso Golaha dhexe ee Xisbiga,ayaa waxaa loo gudbayaa Musharaxiinta.Musharaxiintu waa in ay iska soo dhex sharaxaan Golaha dhexe ee Xisbiga ay ka tirsan yihiin,sida ku cad dhamaan Xeer hoosaadyada Xisbiya.Marka aad ka soo gudubto is reer reebka Golaha dhexe ee Xisbiga aad ka tirsan tahay,ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa cida sida rasmiga ah ugu guulaysatay Musharaxnimada jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,ee Xisbiga.  
 

Marka aad ka soo gudubto is reeb reebka Xisbiga aad ka tirsan tahay dhexdiisa ,waxaa iyana muhiim ah in aad buuxiso shuuradaha ku qeexan Dastuurka Qaranka Somaliland,kuwaas oo ay tahay in aad iyana buuxiso.Waa wax dhici kara,waana suurto gal in aad buuxiso shuruudaha Xeerka Xisbiga aad ka tirsan tahay,(Musharaxa ka tahay) balse aad buuxin kari weydo shuruudaha Axdiga  Qarameedka.

Hubinta amase ilaalinta  shuruudahan ku qeexan Dastuurka Qaranka waxaa u xil saaran oo hubinaya hayadaha sharciga ,sida Maxkamadaha.

Q.82 aad ee Dastuurka Somaliland   ayaa si cad u qeexaya shuruudaha laga rabo shaqsiga isu sharaxa jagada Madaxweynaha ee Somaliland ,wuxuuna u qoran yahay sida. 
 
 
 

                                                            QODOBKA 82AAD

                 SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE

    AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN                  
     

    Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda:

    1.            Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.

    2.            Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.

    3.            Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.

    4.            Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa

    5.            Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid kaleba}.

    6.            Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.

    7.           Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.

    8.            Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.

    9.                  Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo.   

     

Hadal iyo dhamaan qof kasta oo reer Somaliland ah  Siyaasi iyo shicib-ba waxaa ina saaran masuuliyad aad u weyn ,oo ah in aynu ilaalino xilna iska saarno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyin   xaq – xalaal iyo nabad gelyo ah.

Waar hooy nabada iyo horumarku aynu maanta haysanaa waa wax aad iyo aad u qaali ah ,howl badanina inaga soo martay ee yaan lagu ciyaarin.

mahadsanidin 
 

--La soco qaybtahaba dambe---

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com 
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2009

 

 

BAARID | SEARCH


 

Warqaddii Cali Mahdi: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS