Jabuuti Rag Baa Foolinaayo , Xamarna Rag baa Dul-joogo
Jabbuuti rag baa foolinaayo ,Xamarna rag baa qoriga caaradiisa ku haayo,
annagana waxaa na horyaal isweydiinta ah, qoladee dan innoogu jirtaa labadan
qole. howshaan Jabuuti iyo xamarba ka socoto si uga duwan, sina ugu eg hab
dhaqanki ay 19Sagaashanki lahaayeen madaxdi hor kacaysay kacdoonki xukunka looga
tuuray rejiimki Gen Maxamed Siyaad Bare, Allah ha u naxriistee.
Arrimaha Soomaalida kolkaad dhinac walba ka fiiriso waxaa kuu soo baxaayo in
dagaalkeena iyo nabadeenaba salka fog ku haayaan kuraas Qeybsi iyo hunguri xumo
aanan loo meel dayin, wax wadaniyad jeceyl ahna aanan shaqa ku lahayn,waxaasa
markaan su'aal cad ka taagan tahay, Jabuuti maxay kaga duwan tahay jabuutadi
hore,maxaysa kaga duwan tahay goobihi kale ee dhamaan Ishaytayaasha Soomaliyeed
gogol nabadeed loo dhigay.
Jawaabta su'aashan waxaan u daynayaa Aqristayaasha.
Somaali waxay tiraahdaa "Mira gunti ku jiro ,mira geed saran looma daadsho"
waxaan uga jeedaa Maxaakimta inta aynan kala qeybsamin waxay mirihi ay haayeen
iyaga oo isku duuban u daadsheen damac waalan oo shaydaanka kaga meerinayay
shubaakada isagoo ku leh "idinka oo xamar gacantiina ku jirto miyaad aqbalaysaan
in aad wax la qeybsataan TFG ama DFKM oo iyaga go'odoon ku ah Baydhabo, sidaa
doonta u dhehe" .
Hadda iyo xaalka ka jiro gogasha Jabuuti waa "Sidee qoona loo xagtaa ,ilkana ku
nabad galaan" . iyada oo arrin ay saas tahay ayaa haddana isbahaysiga qeybta
Asmaro ku hartay aynan siyasadooda marnaba ka mid ahayn, ka fogaanshaha
asbaabihi keenay in ay Maxaakimti afka dhulka la galaan kolki dumintooda loo
adeegsday cadawga Soomaaliyeed waa Xabashiye iyo asbaabihi keenayba
kala-qeyb-sanaanta Isbahaysigi ay ku soo dhiseen Asmara iyaga oo aanan mar kale
dib uga fiirsan kala jabki Maxaakimta keddib, maxaa keenay hor Ilaahey iyagoo
isku duuban waa Maxaakimtiyi (marka laga reebo Alshabaab oo ku gacan-sayreen ka
mid noqoshada isbahaysigaas kolki horaba) in ay aqbalaan wax ku darsashada dadka
uu Shikh Xasan Daahir qaarkood u yaqaan in ay ayaga(Cilmaaniyiiin) yihiin dadka
loo adeegsanayo in aynan dalka Soomaaliyeed marnaba ka shaqayn shareecada
Islaamka waa sida uu isaga u dhigo hadalka goor walba.
Iyagana Isbahaysiga garabka jabuuti waxaa horkacayo Shikh Shariif oo lagu
xasuusto in uu ahaa madaxi kooxdi maxaakimta ee Xamar ka eryaday kooxdii
qabqablayaasha dagaal, waxaasa intaaba ka daran su'aasha ay Soomaali badan
maanta iska weydiinayaan, sidee Shiikh Shariif isuga haayay mudda lix bilood ah
kooxda maxaakimta oo aynu maanta si cad u aragno khilaafka ka dhaxeeyo
xumaantiisa halka uu gaarsiisan-yahay iyo sida aynan marnaba u lahayn qaab cad
oo lagu sifeyn karo kala duwanaan-shahooda, maadaama qola walbo qaacidada ay ka
duulayso salka ku hayso kitaabki Ilaahey iyo sunadi Nabigeeni suubanaa (Ilaahey
nabad korkiisa ha ka yeelee) oo iyada ah mid kaliya ,dhaxdeedana aanan marnaba
laga helayn kala duwanaasho marka laga reebo in qolo walba ay iyada diinta u
fasirato halka ay uga muuqato danteeda.
Xabashi ama Tigree sidaa doonto u dheh waa naga tageen, waxayna ku tageen
asbaabo badan oo is-kaashaday ayna ka mid yihiin
1) Soomalida oo isaga mid noqday intooda badan in aynan marnaba raali ka ahayn
joogitaanka Xabashida ee dalkooda .
2) Muqaawamo adag oo lagala hortegay iyadoo dadweynaha Soomaliyeedna ay soo
dhoweeyeen si aanan ganbad lahayn.
3) Wax-garad isu kaashtay si siyaasadaysan in ay adduunweynaha hor dhigaan, kana
dhaadhiciyaan joogitaanka Xabashida in uu uga daray xal u helida dhibaatadi
dalkeena ku daba dheeraatay.
4) Aduunweynaha oo raggaas la gartay codsigooda ,xabashidana ugu baaqay in ay
isaga baxdo dalka Soomaaliya.
5) Iyo intaas oo laga helay in wax wadaag loo unko kooxihi isku haayay maara u
helida siyaasada Soomaalida kuwooda aqbalay taa ,iyagana aasaas u ahaa soo
dedejinta bixitaanka Xabashida si xeeladaysan oo abuurtay in la wada hadalsiiyo
DFKM iyo Mucaaradkeeda qeybo ka mid ah.
Mas'alada xabashida bixideeda intaanan halkaa uga harin Waxay Carabta yiraahdaan
"Masaa'iba qowmin ,Cinda Qowmin fawaa'iduhu" oo aan uga jeedo Xabashi dhibka ay
ummaddeeena la rabeen qeyb ka mid ah waa nagu dhacay ,qeybti ugu darnaydsa
Ilaahey fadligiis waa ka kornay oo iyada ahayd, rabitaankooda in ay Somaaliya
ugu yeeraan kelinka Lixaad, weligoodna ay joogaan,waxaana iyagana jabkooda gacan
weyn ka geystay raggi u istaagay la dagaalanka Xabashida iyo raggi taa u
kaashtay in ay si xeeladaysan adduunka u tusaan Xabashi oo Soomaali ka baxda
maahine in uunan sidaa marnaba ku yaraanaynin waxa ay iyaga(waa Mujtamaca
adduunkee} ugu yeeraan Irhaabiyiinta oo sal adag ku yeesho dalka Soomaliya
qatarteeda ayey leedahay , laakin dhinaca kale imaantinkaa Xabashida waxaa laga
faa'iiday oo aynan Xabashina ugu dan lahayn in dadka iyo dalka soomaaliyeed si
uga faa'iidaystaan ,xaqiiqana ah in uu imaantin-koodaas si dhab ah u jebiyey
xayndaabki hortaagnaa in ay Soomaali-weyn labaatan Sano Dowlad la'aan ku
sugnaato.
Aan hordhac dheer keddib isu tilmaano maxaa Soomali la gudboon ,maxaasa la
gudboon ku shirayaasha dalka Jabuuti,mxaasa inta diidan shirka jabuuti iyagana
la gudboon.
Aan mar kale isa soo xasuusina in derbigi hortaagnaa Soomali oo dowlad hesho uu
jaban yahay haddeer ,laakin haddana waxaa jirta in aynan meesha ka marnayn in ay
weli joogaan rag ku howlan soo noolayntiisa ,danta kaliya oo ay ka leeyihiina in
ay tahay dowlad la'aanta ayaa dan innoogu jirtaa .
Fiira gaar ah ,qolooyinka rabo soo noolaynta derbigaas waxaa ka mid ah xubna ka
tirsan kooxaha wada hadalka ku leh dalka jabuuti, xubnahaas waxay ku howlan
yihiin sida aan mediyaha beryahanba ka maqlaynay ,gaar'ahaan xubna ka tirsan
dhinaca Isbahaysiga oo joogo magaalada Muqdisho oo iyaga leh waa in laga maarmo
ciidamada Amisom iyo in ciidamo kale la keeno dalka iyo dhinaca kale oo iyagana
kooxahooda kaga dhax hadaaqayo hadala wax dumin karo sida ka hor'imaanshaha in
dastuurka dib-u-sixid lagu-sameeyo.
Soomali weyn waxaa la gudboon in aan isaga imaano wax walbo oo gadaal innoogu
celin karo isqabqabsi mar kale sabab u noqdo, Xabashi oo fursad labaad u hesho
in Muqdisho imaantiinkeeda uu hunguri ka galo ,sidaa darteed waa in aan u
dhaqaaqno in aan isu kaashano sidi loo taaba gelin lahaa in uu guul ku dhamado
shirweynaha Soomaliweyn aad u kala fakir duwan uga socda dalka Jabuuti, oo iyada
ah marki ugu horeysay oo la iska horkeena kooxo si aad ah fikirkooda u kala
duwan yahay, damacooda xukun doon haba isaga mid ahaadaane.
Ku shirayaasha dalka jabuuti ama kooxaha halkaa lagu heshiisiinayo waxaan
iyagana ugu baaqaynaa, in aynan ahaan kuwa daadiyo miraha guntigooda ku jiro,
iyaga oo qaba damac ah ,xabashi waa tagtay inta kalana waa kala eryi kartaan,
ama dhinaca kale in uu galo damac ah kooxihi shalay idin kala tuuray godka ayey
idiin soo galeen ee faas siyaasadaysan madaxa kala dhaca.
Soomaliweyn maanta uma baahna gacan ka hadal iyo adeegsiga qoraga caaradiisa
,xusuustana ma reebno ,aaway kuwi shalay Muqdisho xaga tunka ugu weynaa ,aawaysa
maxaakimti halkay ku danbeeyeen iyaga iyo quwadoodi ,aawaysa Col cabdullahi
Yusuf iyo Xabashi riyadoodi, aawaysaaaaaaaaa,aawaysaaaa.
Soomaliya waxay dowlad heli kartaa markaad saddex shay meel isugu keentaan, waa
raggiina ku shirayo Jabuutiye,
1- anagga oo inteena badan la imaano caqli suuban oo fikirkiisa ku salaysan
yahay dhibki dhacay labaatan sano oo horay inoo dhaaftay qaabkee isaga kaashan
karnaa dhisida buundadi looga gudbi lahaa asbaabaheedi.
2- Annaga oo maanka ku hayno dowlad uunan isfaham kala dhaxayn caalamki intiisa
kale in ay aad u adagtahay udub dhiskeeda ,sidaa darteedna waa in aan la imaano
laba shay oo iyagana muhim ah si taa loo helo.
A-la shaqaynta caalamka intiisa kale iyo deriskeena oo laga dhowrsado isku
dhaceena.
B- in wax walbo oo aan caalamka la kaashanayno in aynan ahaan mid ka
hor-imaanayso maslaxada jirtaanka sharafka ummadda Soomaaliyeed ,deegaankooda
iyo jiritaankooda dowlad ahaan.
3-idinka oo isu diyaariyo ,ficilkeedana la yimaado sidi looga hortegi laha si
isku duubnaan ah, markan ruuxi iyo kooxdi isku daydaba aburitaanka wax kasta oo
hor-istaagi karo in ay Soomaliya mar kale dib u hanato dowladnimadeedi iyo
sharafki ay ku dhax lahayd mujtamca caalamka.
Dhamaan Kooxaha diidan Shirka Jabuuti waxaan leeyahay,war isaga kaalaya damaca
waalan ,duruusna ha idinkugu filnaato nin walbo oo horay maya u yiri inta kaga
fakir duwan xal u helida dhibaatada Soomaliyeed ,isagana ismooday in uu ku
taagan yahay wadadi xaqa ahayd, inta kalana baadil ka yeelay waad ogtihiin halka
u ku danbeeyay.
Al shabaab oo iyaga ka mid ah kooxahan isugu jiro intooda badan kooxaha ku habar
kacsado Diinta Islaamka ayaan dalka ku dhaqaynaa ,waxaan iyaga waa shabaabe si
gaar ah u leenahay, dalkaan ma joogaan dad aanan muslim ahayn, ama hortaagan in
aan shareecada ku dhaqano, laakin waxaa ummaddeena ka maqan rag iyaga si
xeeladaysan u gaarsiiyo dacwada Islaamka ,dadkana baro in ay wax badan ka dhiman
yihiin gaarista macmacaanka diintooda ka buuxo.
Al shabaab waxaan u sheegaynaa salaada farligaa dukashadeeda in ay ku haboon
tahay meel nabad ka jirto ,nabada dalkeena maanta ka maqana, kuma maqno cadaw ee
waxay ku maqan tahay, is-maqal la'aan ka dhax jirto ummadda Soomaaliyeed guud
ahaan iyo gaar ahaan Culimadeeda ,aqoonyahanadeeda iyo siyaasiinteeda oo ay
intaa u dheer-tahay munaafaqiin iyaga la dhax waregayo ummadda dhaxdeeda
bansiinki hurin lahaa dabka shidan oo ah "Anigaa kuu talinaayo iyo ii
talinmaysid anigaa kuu talinaayo"
Al shabaab iyo koox walba oo isbiday quwad ,waxaaan leenahay,walalayaal waa la
isaga yimid casriga in diinta Islaamka quwad lagu fidiyo loo baahnaa, waxaana
lagu jiraa casri ay aad u sahlan-tahay fidinta diinta islaamka adigaa oo aanan
taa dhiig u daadin,tan macnaheedana ma'ahan in laga maarmo quwadi lagu ilaalin
lahaa ku dheganaanshada nicmada Islaamka ee ilaahey annagga oo soomaali ah nagu
manaystay. Ilaalinteeda waxay ku jirtaa isfaham dhax maro ummaddeena ,dadkana u
horkaco nabad lagu nasteexeeyo ee noo horseedo masaajidka oo salaadaha farligaa
ku soo dukano iyada uunan nagu taagnayn dakane, ama uunan jirin nin ku maqan
diinta ayaan fidinayaa, masjidka hortiisana u taagan dilka nin salaada fajirka u
soo dukasha tegay, thimada Ilaaheyna ku jiro.
Somaliweyn ka digtoonaada dhagaysiga dad aanan weli duruus ku qaadan
dhibatooyinki waddankeena ka jiray labaatan sano ,waagana hadda u baryay ama
aanan weligood arkin meel nabad ka jirto dowladna ka shaqayhayso.. 25\01\2009
Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan