SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 ISBADALLO DADKA DHIIRRIGELINKARA AYAA BILOOWDAY

LABO WAA INNADAAYEEN,
LABO WAAN SOO DHOWEYNEY,
HAL WAA SAAGOOTINNAY,
LABONA WELI SU'AALO AYAA KA TAAGAN

Biloowga sannadka cusub ee 2009ka waxaa ka bilaab- may dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka isbeddello siyaasadeed oo shacabka labada dal iyo dunidaba dhiirrigelinya, kaddib markii qayb Soomaaliya ka mid ah (Puntland State of Somalia) iyo Mareykanka (USA) ay ka dhaceen doorashooyin ku dhisan rabitaan shacab, ayna ku soo baxeen laba hoggaamiye oo lagu kalsoon- yahay, isla markaa Africa laga arkay markii ugu horraysay Madaxweye is casilay, midkii beddeli lahaana dhaqso loo dhawrayo.

Labada innadaayey waa George W. Bush iyo Cadde Muuse, waxaan si diirran u soo dhoweyney Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweyne Barack Hussein Obama, waxaan saagootinnay ex. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana su'aalo ka taagan yihiin waxay ku dambayn doonaan Sh. Aaden Madoobe iyo Nuur Cadde, iyo shaqsiga ku soo bixi doona Madaxweyne Dawlad loo dhanyahay oo ay doorashadiisu inna soo hayso.

Shidada ka aloosan koonfurta Soomaliya gaar ahaan Muqdisho iyo Baydhabo waxaa la sheegi jiray in ay mas'uul ka yihiin Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidammada Ethiopia, labadiina waa tageen ee hadda yaa wada dagaalka weli socda, ciddii ka jawaabi lahayd arrintaasna waa mid aad loogu baahanyahay.

Waxaa hore loo sheegay, aadna looga cawday in shaqadii qaranka ee fulinteeda laga sugayey dawladda ku meelgaarka ah ay curyaamiyeen wada shaqayn la'aan ka dhexdhalatay Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan, Cabdullaahi iyo Geeddi, Cabdullaahi iyo Aaden Madoobe iyo haddana Cabdullaahi iyo Nuur Cadde!!! Haddaba waa yaabe, haddii muran iyo madaxwareer dunida wada saameeyey kaddib Cabdullaahi is casilay, maxay haddana u wada shaqaynwaayeen Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde haddii aan meesha beelaayo iyo cudur aan daawo lahayni ku jirin?

Miyaan loo qaadan karin in ay jiraan dad isku dirayaal ah oo aan marnaba doonihayn in aan soo ceshanno sharafteennii iyo in aan dawlad noqonno? Nasiibdarrada weyn ee qabsatay dawladdii lagu soo dhisay Kenya wax kasta oo ay ahayd waxay sababsatay oo ay eedday iska soo horjeed iyo khilaaf loo samri karay, waxaana hadda ka digayaa in la hawlgeliyo xukuumad kale oo Golayaasheedu cayr ka yihiin dishibiliinka, hab-maamuuska, xilgudashada, waddanimada, aqoonta, Alle aqoonta, ammaano xejinta, waayo aragnimada, dulqaadka, garashada waajibaadka saaran mas'uul kasta, iyo in aan dib loogu dulqaadan wixii aan soo marray 4 sano ka hor.

PUNTLAND STATE

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxaan u caddeynayaa in ilaa iyo hadda oo shaqada maamulku biloow tahay, badiba shacabka Pl. ay raalli ka yihiin tallaabooyinka aad qaadday, waxayna sii saadaalinayaan in wanaagga ay shaqadu ku bilaa- batay ku socon doonto, kheyr iyo nabadna la heli doono haddii aadan ka leexan dariiqa toosan ee ay sharafta dalka, dadka iyo taaduba ku jirto, inshaa Allaah. Mudane Madaxweyne, waxaan ogahay in aad ogtahay in ay kugu soo jeedaan indho dad badan oo xiiso iyo xamaasad u qaba in maamul caddaaladeed oo caafimaad-qaba ka hanaqaado Pl, sidaasna lagu illaawo bankii abaarta ahaa ee afarta sano lagu soo rafaadsanaa.

Puntland isbeddel ay u baahnayd mar hore ayey maanta gaartay, waana ku faraxsanahay, waxaana ka rajaynayaa bulshada in ay muujiyaan dulqaad iyo in ay la shaqeeyaan dawladda, (barbarkii ay ka baxdaana waa Bakayle qaleen).

CODSI GAAR AH

Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Golayaasha MGPL waxaan si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaa:

- in tixgelin gaar ah la siiyo wax ka qabashada jidka lagu hoobtay ee dayacan ee u dhexeeya Boosaaso iyo Gaalkacayo, wuxuuna ku wacan yahay in la dayac-tiro, lagana dhigo 2 dariiq oo isbarbar yaal ama (in & out), waxaana amar Alle, maamulxumo iyo tixgelin la'aan xaggeenna ka yimid ku maqan jidkaas boqolaal dadkeennii ah, kumanaan xoolaheenna nool ah iyo boqollaal million dollar oo hantideenna moodka ahaa. Waa mashruuc culus oo aan ciyaar ahayn, balse waxaan kalsooni ku qabaa in haddii MGPl, ganacsatada iyo shacabka gudaha iyo dibaddaba ay isu taagaan hawshaas aan ku guuleysan karro, mar-kaan wax qabad muujinona aan Ha'yadaha Caalamiga ah ka helayno kaalmo.

- in aad isku daydaan in aad labada dhinac ee jidkaas dheer marba dhan uga baxdaan, si aad wax uga soo ogaataan nolosha liidata ee ka jirta Degmooyinka, Tuulooyinka iyo miyiga dadkeena intooda badan iyo xoolaha dhaqaalaheennu ku dhisan yahay ku dhaqan yihiin.

- haka dib dhicina inta badan latashiga dadka samakataliska ah iyo waxgaradka.

- marnaba ha fogeynina ee soo dhoweysta, una warrama saxaafa- da runta iyo xilkaska ah, iskana jira kuwa aan u qalmin ee sharka iyo shidada ku shaqaysta ee afka ka sheegta saxaafadda, maxaa yeelay warbaahinta runta ahi wax bay dhistaa ee wax ma dumiso, shaqadeeduna waa wargelin, waxbarid, sixitaan, toosin, ogeysiis, iidheh, dhiirrigelin, ka digid wixii dhib jira iwm, waxayna kaalin ka qaadan kartaa saxaafaddu horumarinta dalka hadday daacad tahay, xilkeedana garanayso.

SOO DHOWEYN HAWLGALKA GENERAAL ILKA JIIR

Waxaan si aad iyo aad ah ugu faraxsanahay, soona dhoweynayaa hawlgalka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Puntland, isla markaas waxaan ka xumahay raggii aqoonyahana- da ahaa ee hore isugu soo sharraxay jagada madaxtinimada Puntland in ay la shaqaynwaayaan dawladda cusub mar haddii lagaga guuleystay tartankii dhacay, waxaana filayey in ay musha- raxiintu mar kastaba u soo diyaargaroobeen ka shaqaynta dalkoo- da horumarka u oomman.

Madaxweynayaasha Cabdiraxmaan Faroole iyo Barack Hussein Obama waxay iskaga mid yihiin ka fekeridda xal u helidda dhibaatooyinkii xad-dhaafka ahaa ee ay madaxdii ka horraysay gaarsiiyeen Puntland iyo USA, waxaana guulihii ay ka gaareen doorashooyinka qayb ku lahaa sidii weyneyd ee dadweynaha labada dal uga niyad jabeen ugana samreen Cadde iyo Bush.

OBAMA WAA MADAXWEYNAHA ADDUUNKA OO DHAN

Shaki kuma jiro in Barack Hussein Obama uu yahay Madaxwey- naha adduunka oo dhan, maxaa yeelay adduunka oo dhan baa doortay, aadna ugu faraxsan guusha mucjisada iyo lama filaanka loo wada arkay ee uu Obama ka gaaray doorashadii ka dhacday USA, uuna ku noqday Madaxweynihii 44aad ee madoowga ahaa ee Mareykanku weligiis yeesho.

Dalka Mareykanka dadka ku nooli waa dad ka wada yimid dham- maan qaaradaha adduunka iyagoo midab kasta leh, waxayna u siman yihiin dastuurka dalka u yaal iyo wax kasta oo xaquuq ah.

Barack Hussein Obama oo si heer sare ah oo aan cidina malayn karin, horena taariikhda loogu arkin loogu doortay Madaxweynaha Mareykan, wuxuu ku kasbaday quluubta ummadda aqoon sare, qorshe dhammays ah, isbeddel siyaasadeed oo nolosha dadka taabanaya, codkarnimo, caqli badi miisaan leh, waxqabad, firfir- cooni iyo ballanqaad midaynta dadka Mareykanka.

Ugu dambaystii doorashada madaxweyne African American ah waxay burburisay cuqdadii ugu dambaysay ee ka harsanayd wixii loogu yeeri jiray midab kala sooc Amerika ka jiri-jiray, waxaana wixii maanta ka dambeeya dadnimadooda iyo wax barashadooda aad kor ugu qaadaya dhallinyarada ku nool USA midab kasta oo ay leeyihiin, si ay u higsadaan dariiqaas Obama banneeyey maanta, rajo aanay hore u qabin oo gashay darteed. Waxaa rajo weyn laga qabaa in uu wax badan ka beddelo qaab siyaasadeedkii uu Mareykanku kula dhaqmijiray dunida kale ee qallafsnaa ee ku dhisnaa awood sheegasho, taasoo uu Obama ku beddelayo is-faham iyo isu soo dhowaansho uu la sameeyo cid kasta.

MADAXWEYNE OBAMA MA KUU SHEEGAA WAX AAD OGTAHAY?

Dhammaan ummaddii reer Mareekan ee sida wacan u dhegeystay qorshahaagii ahaa in loo baahanyahay isbeddel siyaasadeed oo dhaca USA, kaddibna sida xamaasadda iyo hagar la'aanta ah kuu doortay iyo dunida inteeda kaleba waxay kaa sugayaan waxqabad dhaqso u hirgala, waadna bilowday oo waad ku dhexjirtaa, waana kuu rajaynayaa in aad ku guuleysato.

Hase yeeshee, waxaan kaa codsanayaa in aad qorshahaaga ku dar- sato haddii aanu kuugu jirin, in dunida laga ciribtiro gumeysiga, isir neceybka, xoog isku muquninta, hiillada caddaaladda ka fog, iwm, tusaale:

1. Somalia waxaa dayaca ay ku sugantahay 19 sano sabab u ahaa oo burburiyey reer Galbeedka iyo Cuba oo u wada hiiliyey Ethiopia kaddib markii dagaal dhexmaray labada dal 1977.

2. Ethiopia waxay qarniyaal ilaa hadda gumeysataa Qoomiyado badan oo African ah, waana lagama maarmaan in Ethiopia laga xoroobo, gaar ahaan waa in ay xorriyaddooda siiso Kilinka 5aad ama Ugaden Region.

3. Adduunku nabad kuma seexanayo, cuqdo iyo isir neceybna kama dhammaanaayo inta USA iyo reer Europe u hiilinayaan Israel, ayna u xoog sheeganayso Palesten.

4. Cashmir oo ay isku haystaan Pakistan iyo India waa in ay noqotaa dawlad ka madaxbannaan labadaas dalba, lagana fogaado khatarta ka iman karta dagaal dhexmara India iyo Pakistan oo ka mid ah dalalka haysta hubka halista ah.

5. Hoggaamiyeyaasha Africa iyo Carabta uga dig, kuna adkey in ay dalalkoodu ka xoroobaan kelitalisnimo iyo musuqmaasug.

WABBILLAAHI TAWFIIQ

Muuse Xaaji (Abees)
 Email: abees11@yahoo.com
Virginia, USA

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2009

BAARID | SEARCH


 

Warqaddii Cali Mahdi: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS