SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magacyada Xildhibaanadii Cusubaa ARS oo si rasmi ah loo Gudbiyey, Gudoonka Baarlamaanka KMG oo loo Gudbinayo Mooshin ay Sixiixeen in ka Badan 60 Xubnood iyo Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo Sheekh Shariif Musharax Madaxweyne Ugu doortey.

DAAWO: Sawirro Aad u Badan oo Shirka Jabuuti Halkan ka daawo

Magacyada Xildhibaanada cusub ee Is-babaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo gudbiyey 25/01/2009 sida aan ka helney ilo wareedyo kala duwan, islamarkaana ka tirsan xubnaha gudiga sare ee Is-bahbaysiga dibu-xoreyta Soomaaliya u mataleyey.

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Golihiisa fulinta iyo Golihiisa dhexe oo lagu qabtey Hoteel Lasestaa ee Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxay go'aan mideysan ku gaareen in musharaxa Madaxweyne ee ay isku raacsan yihiin uu yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya.

Kulanaka ay isugu yimaadeen Xubnaha Is-bahaysiga ayaa waxaa ka hadley Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyaha Golaha DhexeIs-bahaysiga, gunaanadkii shirka ayaa waxaa hadal qoraal ah oo ku saabsan musharxnimada sheekh shariif ka akh-riyey Prof; Cabdiraxmaan Ibbi.

Horay waxaa xilkan isugu soo sharaxay maalmihii hore ee bishan, Janaayo 2009-ka hadii aan isku deyno sida ay u kala horeeyeen waxay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed, La-taliyihii madaxweynihii hore ee DFKMG Soomaaliya Yuusuf Cumar Azhari, Ra’iisal Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Prof; Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Cadde Gaabow, Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Avv. Cabdi Cabdulle Siciid Jini Boqor, Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo dhinaca Ammaanka La-taliye uga ahaa Madaxweynihii xilka ka degey Col/C/llaahi Yuusuf, Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, Maslax Maxamed Siyaad, Xildhibaan Cawad iyo ra'iisul wasaarihii dawladii Carta Cali Khaliif Galayr iyo musharixiin kale oo aan wali isa soo shaacbixin kuwaasoo maalmaha soo socda la filayo in ay soo buuxindoonaan liiska tartarka Madaxweynaha ee dhiiga badan uga daadanayey kudhawaad 20 Sano, inkastoo saadaal quman aan laga bixin karin cida ku guulesaneysa Xilkan dhinac kasta looga dhegan yahay hadana waxaa muuqata in TFG iyo Xubnaha dibad jooga ah ay ku badan yihiin, taasoo muujineysa in qabashada xilkan ay ku hoos duugan tahay dhibaatada raagtey ee Soomaaliya, balse la arkidoonee cida ku guuleysata.

Dhinaca kale in ka badan 60 xildhibaan ayaa mooshin looga doodayo qodobka doorshada Madaxweynaha u gudbineysa 26/01/2009 Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Baarlamaanka DFKMG oo maal mahaan si gooni gooni u soo gaarayey caasimad dalka Jabuuti oo kulankii ugu horeeyey ku yeeshey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, oo ay soo xaadireen 210 Xildhibaan ayaa waxaa shirgudoominayey sii hayaha xilka Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ay ku wehliyaan labdiisa ku xigeen.

kulankan oo ahaa mid mid Al-baabada ay u xiranaayeen ayaa warar kala duwan oo aan ka helney xildhibaanada Baarlamaanka waxay sheegeen in layskula soo qaadey arimaha dibu-heshiisiinta iyo doorashada madaxweynaha.

Waxay Xildhibaanada isla garteen in qodobka doorashada madaxweynaha oo ku eg 30 bishan aynu ku jirno in la kordhiyo, islamarkaana la mariyo sida uu qabo dastuurka DFKMG Soomaaliya, halka qodobka dibu-heshiisiinta, Gudoomiyaha gudiga dibu-heshiisiinta Baarlamaanka uu codsadey in dib loogu dhigo ilaa iyo maalinta 26/01/2009.

marka si guud loo eego kulankii Baarlamaanka ayaa wuxuu u muuqdey mid ay ku dhex jirto koox kooxeysi, waxayna xildhibaanadu u fadhiyeen koox koox intii uusan shirka bilaaban, waxayna qaarkood si cad isugu sheegayeen aniga waxaan doonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee codkaada isii, halka kuwo kale ay dhahayeen waxaan doonayaa madaxweynaha ee codkaada isii, halka kooxo kale iyaguna u loobin gareynayeen Xildhibaano kale oo aan wali fahmin.

Waxaa keloo Xaflad lagu soo dhaweynayo Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG, islamarkaana lagu furayo shirka ay ku yeelanayaan Caasimada dalka Jabuuti iyo sii wadista shirka dibu-heshiisiinta ay garwadeenka ka tahay qaramada Midoobey oo ay gogosheeduna fidisey Dowlada Jabuuti, oo ay ka soo qaybgaleen Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah siihayaha xilka Madaxweynaha, Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Farax iyo Wasiirka Arimaha Diinta Dr Xaamud Suldaan ee Dowlada Jabuuti martida loo yahay, Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wakiilka Qaramada Midoobey Axmed Wallad Cabdalla, Mumatilka Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa lagu qabtey isla Guriga Ummada ee dalka Jabuuti.

waxaa halkaasi ka hadley Sheekh Aadan Madoobe, Nuur Cadde, Sheekh Shariif, Wakiilka Qaramada Midoobey, Axmed Wallad Cabdalla, Wakiilka Jaamacada Carabta, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta, ahna Af-hayeenka Dowlada Jabuuti Cali Cabdi Faarax.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Jabuuti Cali Cabdi Faarax, isagoo ku hadley magaca Madaxweynaha Dowlada jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaa uu xubnihii isugu yimid shirka ee qaybaha Soomaalida kula dardaarmey in waqti yar la haysto, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa'iideysto fursadan ay Soomaaliya haysato, tahayna fursadii ugu dambeysey ee Soomaaliya soo marta.

Dhanka kale DGPL ayaa qoraal ay soo saartay waxay farriin ugu dirtay shirka Jabuuti. Qoraakaas hoos ka akhri

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DGPL.

Axad: 25-Jan 2009

Garowe,Puntland:Qoraal farriin oo uu Madaxweynaha DGPl u diray u qaybsanaha qaramada midoobey arrimaha Soomaliya Axmed Wallad Cabdalla.

Qoraalkan oo shalay galab ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dr Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu xambarsanaa Farriin ku aadan shirka dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti eel Dawladda Jabuuti.

Qoraalkan ayaa Madaxweynuhu ku sheegay sababahaa loo aasaasay Puntland in ay tahay sidii loo joojin lahaa colaadaha loona heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo ka dhalata Dalka Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu shirkan u arko xal u helidda Ummadda Soomaaaliyeed sidaa darteed waxaa waajib ah in aan ka Puntland ahaan iyo ka shacab ahaanba aanu door ku yeelano ka qaybgalka wax ku ool ah iyadoo laga eegayo dhinaca Caddaaladda waana sida keliya ee uu ku guulaysan karo shirkaasi.

Hadaba qoraalka Farriinta ah ee loo diray u qaybsanaha qaramada Midoobey Arrimaha Soomaliya Axmed Wallad Cabdalla ayaa waxaa uu ka koobnaa afar qodob oo kala ah.

1.in ay Puntland ka qayb noqoto hindise kasta oo dibuheshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsheed oo loo samaynayo Ummadda Soomaaliyeed.

2.xulista xubnaha ka qaybgalaya hindisahaas waa in ay Mas’uul ka noqdaan Maamulka iyo urrurada Bulshada Puntland.

3.Magacaabis kasta oo xubnaha Baarlamaanka ah ee shirka hadda ka socda lagu salaynayo habka beel qaybsiga ee 4.5 waa in loo soo gudbiyaa Maaamulka.

4.xubin kasta oo lagu daro Baarlamaanka cusub oo lagu sheego in ay matalayaan Puntland iyadoo aan la wargelin maamulka in loo aqoonsan doono sharci darro,Puntlandna ma aqbali doonto.

Gunaanadkii qoraalka farriinta ah ee ka soo baxay Madaxweynaha ayaa waxa ay ahayd in Axmed Wallad Cabdalla uu aqbalo qiimaynta gaarka ah ee uu u hayo dadaalkiisa aan joogsiga lahayn ee xal u raadinta shacabka Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2009

BAARID | SEARCH


 

Warqaddii Cali Mahdi: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS