SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiye ku Xigeenka Koowaan ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Kusii Jeeda Dalka Iiraan

Gudoomiye ku xigeenka Koobaan ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof,Maxamed Cumar Dhalxa iyo wafdi ka kooban 7 xubnood ayaa lagu wadaa iney safar ku tagaan dalka Iiraan, halkaas oo ka dhicidoona Kulan ay isugu imaanayaan in ka badan 150 dowladladood oo Baarlamaanada owladaha Islaamka ka tirsan oo ka dhici doona dabayaaqada bisha aynu ku jirno .

Gudoomiye ku xigeenka oo iiga waramayey safarka Iiraan ayaa wuxuu yiri “Iiraan waa xarunta Baarlamaanada Islaamka, waxaana ka dhaca shirar caalami ah oo ay ka soo qayb galaan dunida Muslimka iyo dowladaha kale ee la saaxiibka ah, waxaana looga arinsadaa arimaha Islaamka, anagu waxaan xubin ka nahay Baarlamaanka dowladaha Islaamka, waxaana ku biirney sanadkii tegey, ka horna wax xubin ah kuma lahayn, kulankii labaad oo aan ka qayb galno ayuu noqonayaa, xiriirka dunida Carabta kama yara awood ahaan dunida Islaamka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay, maxaa yeeley 150 iyo dhowr dowladood oo muslim ah ayaa qayb ka ah Ururkaan, halka Jaamacada Carabta ay ka tahay 22 Wadan, waxayna ka badan yihiin kan Afrikaanka aan xubin ka nahay, kulankaasina waxaan ka rayenaynaa in wax weyn naga taro dhinaa kasta xaga dalkeena” ayuu yiri Prof Dhalxa oo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

“waxaa abaal mudan Madaxweyanah Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cmar Geele, isaga ayaa lahaa ka qayb galka iyo xiriirinta la kulanka Madaxweynaha dalka Iiraan Axmed Najaad, kulankiina waxyaabihii ka soo baxay wuxuu ahaa wax yididiilo weyn galiyey Ummada Soomaaliyeed, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay si rasmi ah u cadeeyeen iney is garab taagayaan Dowlada Soomaaliya dibu-dhiskeeda iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa, islamarkaasna loo adkeyn lahaa xiriirka Iiraan iyo Soomaaliya, waxayna inoo tahay guul Ummada Soomaaliyeed ay u aayayaan” ayuu yiri Prof, Maxamed Cumar Dhalxa.

“Baarlamaanku martiqaadyo kala du duwan ayaa loo fidiyey, baarlamaankuna wuxuu ku hawlanaa arimaha dibu-heshiisiinta, doorashada madaxweynaha iyo dhamaan wixii hawlo kale ee horyaaley, Baarlamaankuna wuxuu bilaabey inuu ka wada jawaabo wixii hawlo u yiiley gudaha iyo dibadda, wuxuuna ka qaybgalayaa kulamo kala du duwan oo Baarlamaanada caalamka ah oo qaarkood xubin aan ka nahay, xubnana aan ku leenahay, Booqashadan waxay qayb ka tahay booqashooyinka uu Baarlamaanku ku kala bixin jirey wadamada aan saaxiibka nahay” ayuu yiri ma uu ka jawaabayey su’aal ahayd sababaha kusoo beegey safarkooda iyadoo wali uusan dalka si toos u tegin Baarlamaanka dalka gudihiisa.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2009

keynaancaashoXildhibaan Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".. Akhri... Feb 25

 

 

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

 

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS