SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beesha H/Gidir oo ka hadashey Qaabkii Dowladda loo Dhisay

Mas’uul sare oo ka tirsan Beesha H/Gidir oo lagu magacaabo Xirsi Geelle Faarax, ahna Afhayeenka Beesha Reer Xaaji Sulaymaan ee East Africa oo ka hadlay qaabka loo qaybiyay Wasiiradda Dowladda ayaa sheegay inaysan ahayn mid caddaalaad lagu soo dhisay. “Waxaa wax lala yaabo ah in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dowladda u dhisaan qaab ku salaysan kooxaysi oo ku cusub siyaasadda Soomaliya” ayuu yiri Xirsi Geelle oo sheegay in dadkii nabadda u soo halgamay gogoshana dhigay Jabuuti meel cidla ah looga tago laguna beddelo kuwii nabadda diiddanaa una shaqaynayay C/llaahi Yuusuf iyo Ethiopia.

“Maxaa looga tegay loona tixgelin waayay Nuur Cadde, Caasha Xaaji Cilmi, Axmed C/salaan, Mustaf Dhuxuloow, Muuse Nuur Amiin iyo intii la midka ahayd, waxaa nasiib darro ah in aan la tixgelin talooyinkooda, waxayna furaysaa dariiq cusub oo ah in aan nabadba laga shaqayn ee laga shaqeeyo xumaanta si loo helo abaal marin” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in la abaal mariyay kuwii diidanaa nabadda ee meel walba la isugu yimaado dadka miisadaha ku geddin jiray, iyo kuwii adduunka gaarsiin jiray inuusan xasuuq ka kadhicin Soomaaliya, soona horseeday inay ciidammada Ethiopia dalka Soomaaliya soo galaan, xasuuqna ka gestaan.

“Beesha H/gidir waxay si buuxda u taageeraysaa Dowladda Midnimada Qaran, waxayna ku dadaalaysaa inay ka shaqayso nabadda Soomaaliya, gaar ahaan midda caasimadda, iyadoo weliba ka shaqaynayso dadkii barakacay inay sida ugu dhaqsiiyaha badan ugu soo laabtaan guryahooda” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in dowladda Midnimada Qaran ay kudhisan tahay qaab qabiil waxna lagu qaybsaday, sidaa daraadeed in la xisaabtamo aysan ahayn ceeb, Beesha H/Gidirna ma aysan helin mudnaantii ay ku lahayd Dowladda, sababtoo ah ayuu yiri Afhayeenka Beesha H/Gidir waxaa la siiyay 3 wasiir oo mid buuxa aan lagu arkin, “Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo laga jaray Amniga Qaranka, Wasaaradda Taclliinta Sare oo laga jaray Waxbarashada iyo Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga oo laga jaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la siiyay Beelweynta H/Gidir, taasina ma ahan xisaabta ay ka mudan tahay dowladda Beesha” ayuu yiri Afhayeenka.

“Sh. C/qaadir Cali Cumar booska laga siiyay dowladda oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo laga bixiyay Amniga Qaranka, sidoo kalena ay ka maqan tahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ma ahayn middii ay Beesha Reer Xaaji ka sugaysay Dowlada” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka soo jeedo Beesha Daarood, halka ku xigeennada loo qaybiyay Dir, Daarood iyo Raxanweyn halkaana ay ka maqan tahay jagadadii Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ay xaqa u lahayd Beesha Hawiye.

“Nuur Cadde oo shacabka Soomaaliyeed ka mudnaa in lasiiyo billad geesi ayaa waxaa abaalmarin looga dhigay in taladiisa aan haba yaraatee la tixgelin, taasina maahan mid Shacabka Soomaaliyeed uu ka aamusi karo” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in Drs. Caasha Xaaji Cilmi oo haysata Novel Peace Press hormuudna u ahayd isbeddelka siyaasadeed ee caalamka ka yimid kuna wajahan arrimaha Soomaaliya lagu abaalmariyo in dhegaha laga furayso lana tixgelin waayo, “markii labada shariif ay ku go’doonsanaayeen Asmara waxayahayd qofka keliya ee Caalamka ka gadaysay inay raggaasi ahayn rag xagjir ah oo xiriir la leh Al-Qa’ida in maanta la tixgelin waayo, dowladdana qaab isbahaysi loo qaybsado waxay u egtahay in aan la rabin lana tixgelinayn qofkii nabadda ka shaqeeya, iyadoo weliba Drs. Caasha Xaaji Cilmi ay ahayd siyaasiga keliya ee sida aadka ah Caalamka ugala hadli jiray xasuuqa lagu hayo dadka rayidka ah gaar ahaan dumarka iyo carruurta dhaqaale fara badan ku bixisay daaweyntooda iyo xannaanayntooda dadkii rayidka ahaa ee lagu baabiyay Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in ay habboon tahay in Madaxweynuhu uu si taxadar leh uga fiirsado qaabka ay wax ku socdaan maadaama xilligan loo baahan yahay in wixii horay u qaldamay la saxo, shacabkana Muqdishana ay sugayeen in dadkii ka shaqeeyay nabadda kana bixiyay cadowgii dalka ku soo duulay ay dib ugu soo laabtaan iyagoo gogosha nabadda sida, laakiin aysan taasi dhicin waxaase nasiibdarro ah kuwii shalay xasuuqa u horseeday shacabka Muqdisho inay maanta iyagoo masuuliyaddii dalka la wareegay ay ku soo laabtaan, Reer Muqdishana ma hilmaami doonaan Nuur Cadde, Caasho Xaaji Cilmi, Axmed C/salaam iyo xubnihii kale ee la shaqeeyay ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Afhayeenka.

amiinAmiin Yuusuf Khasaaro, SomaliTalk.com, Muqdisho
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2009

keynaancaashoXildhibaan Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".. Akhri... Feb 25

 

 

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

 

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS