SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
USA: Warbixintii Toddobaadka ee Masjid Abubakar
c/risaq
Sh. C/risaq Xaashi:  Is Qarxintu waa Xaaraan iyo in Gaari laga Buuxiyo Walxaha Qarxa, waxaan ka digaynaa Manhajka iyo Fikirka Khawaariijta.
Sh. Cumar: Xaaladda Masaajidku Waa ka sii daraysaa.. Waxaa lanoo duubay fariimo handadaad iyo nacayb ku dheehan tahay...
Dhegeysi/Akhris...
TODDOBAADKA IYO ABUBAKAR
cumarFeb 13, 2009: Warbixinta Masaajidka Abuubakar  Dhegeyso ama soo rogo (mp3) (Sh. Cumar)
MINNESOTA SOMALI COMMUNITY

USA: News Coverage of the Somali Community: Part 1 | Part 2
:::MASJID ABUBAKAR, MPLS:::


Maamulka Masjidka Abuubakar oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay MPLS Guji


CAIR: Minnesota Somalis Being Stopped, Questioned


Beelaha Mareexaan oo si wada jir ah uga soo horjeestay Xukuumada looga dhawaaqay Jabuuti.


War kasoo baxay Dhamaan Gobolada ay degan yihiin Beelaha Mareexaan ee kala ah Galguduud,Jubada Hoose iyo Gedo ayaa waxaa lagu wada sheegay inaysan marnaba aqbali doonin jiritaanka Dowlada Sad bursiga aan geedka loogu soo gaban lagu dhisay oo ay hogaamiyaan Sheekh Shariif iyo Cumar Abdirashiid Cali.

Ururada Haweenka,DHalinyarada,Odayaasha Dhaqanka,Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Mareexaan ayaa tan iyo Xalay markii lagu dhawaaqay Xukuumada Somalia yeelan doonto waxay muujiyeen sida ay u arkaan in Dowladaasi loogu duudsiiyey Xaqii ay ku lahaayeen ka Gobolo ahaan.

Dhinaca kale Wasiirkii beelahaasi xilka ka helay Xukuumadasi cusub Abdiwaxid Cilmi Goonjeex ayaa isagana Saaka soo xaadirin goobtii Wasiirada lagu dhaarinayey ,Taasi oo muujineysa sida ay Beelahaasi uga biyo diidsan yihiin Xilka ay ka heleen Xukuumada Cumar Abdirashiid.


cumarGolaha Wasiirada Cusub oo Helay Codka Kalsoonida Baarlamanka DFKMG- feb 21, 2009


Qaarka mid ah Siyaasiinta Goboladan ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan Aqbali doonin in Gobolada Puntland helaan Sadex Wasiir iyo Raíisul Wasaare Halka iyagana ay Dowladan laga siiyey Hal Wasiir taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay Cadaalad daro aan geed loogu soo gaban.

Banaanbaxyada Maanta ka dhacay Gobolada Galguduud,Jubada Hoose iyo Gedo ayaa waxaa dadka kasoo qeyb galay ku dhawaaqayeen Erayo ay ka mid yihiin “Yeeli meyno Sadbursi beena ,Yeeli meyno Xukuumad Khiyaano,nin Qadiyey Goboladeena Dooni meyno”kuwaasi iyo kuwa kale oo kuli wada muujinaya sida ay Beelahan uga caroodeen Xukuumadan Cusub.

Sida lagu sheegay isku soo baxyadaasi waxaa lagu wadaa in dhamaan Xildhibaanada Beelahan kasoo jeeda ee ku jira Baarlamaanka Somalia ay soo gaaraan Gobolka Gedo si ay uga qeyb galaan Wadatashi deg deg ah oo Beelahaasi ka yeelanayaan Xaalada Dalka Somalia iyo Xukuumadan Cusub ee looga dhawaaqay Jabuuti.

Beelahan oo horey u shaaciyey inay Xilka Raíisul Wasaare Somalia laga weeciyey ayaa hadana arin aan la qaadan Karin ku tilmaameen Xukuumada ku dhawaaqisteeda aan loo meel dayin,hayeeshee ay iminka shaaciyeen inay yihiin Dad si barar ha u cadeynaya inay kasoo horjeedaan .

La soco Wixii warar ah ee kusoo kordha Mucaaradnimada lagala horyimid Dowlada aan Wali Dalka imaan .

Abdifitah Ibrahim Aden
Baled-xaawo,Gedo

Waxaa soo tebiyey:
garyare20@hotmail.com


BAAQ KA SOO BAXAY URURKA DHALINYARADA JAALIYADA G/GEDO EE K/AFRIKA

Kulan xasaasi ah oo ay iskugu yimaadeen golaha dhexe ee ururka dhalinyarada jaaliyada g/gedo ee k/afrka 21-02-09 sabti ayaa waxay ka soo saareen qodobadan hoos ku xusan; kadib markan kulan qaadanay lagu falaanqeynaayey xaalada somalia iyo isbadalada cusub ee siyaasadeed iyo golihii wasiirada ee lagu dhawaaqay waxaan gabagabadii soo saarnay qodobadan,

  • 1_WAXAAN UMADA SOMALIYED UGU BAAQEYNAA NABADA IN AY QAATAAN
  • 2_DOWLADA WAXAAN UGU BAAQEYNAA IN AY KA FIIRSATO DIBNA AY U EEGTO WASIIRADA LA MAGACAABAY EE AY KA MUUQATO SADBURSIGA EEXDA IYO TAKOORKA QABAA,ILKA QAARKOOD
  • 3-XILDHIBAANADA IYO MUSUULIYIINTA G/GEDO WAXAN UGU BAQEYNA IN AY KULMAAN GO,AANA KA GAARAAN ARIMAHA SOO CUSBOONAADAY.

WAAD MAHADSANTIHIIN.
MOHAMED HASSAN BIIKOLE
biikolesom@hotmail.com
johannesberg s/afrika



ururka JRM,oo ku abtirsada beesha absme iyo galamays ,ODAYAASHA dhaqanka jubooyinka,siyasiinta jubooyinka oo si diiran u dhoweysay magacaabista liiska golaha wasiirada

ururka JRM,oo ku abtirsada beesha absme iyo galamays ,ODAYAASHA dhaqanka jubooyinka,siyasiinta jubooyinka oo si diiran u dhoweysay magacaabista liiska golaha wasiirada xukuumadda Somalia ee xalay jabuuti looga dhawaaqay afhayeenka ururka jrm ahna afahayeenka beelaha absame iyo galamays dr liban hussein osman ayaa soo dhoweeyay magacaabista golaha wasiirada ee xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo uu ku tilmaamay tallaabo horumar leh. dr.liiban xuseen cusman wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yihiin in wasiirada cusub ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Sharmaarke ay ka dhex muuqdaan rag khibrad iyo waayo aragnimo leh iyo dhallinyaro maskaxdoodu saliim tahay, wuxuuna intaasi ku daray inuu aad ugu faraxsan yihiin in ra’iisul wasaaraha Soomaaliay uusan dhinac marin dhaqan gelinta heshiiskii Jabuuti ee ay wada gaareen isbahaysiga dib- u-xoreynta iyo dawladda federalka Soomaaliya .

Ujeedadu waxay ahayd in la soo dhiso xukuumad loo dhan yahay oo ay ka dhex muuqdaan xubno ka tirsan dawladdii TFG-da iyo isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya, taasina sidii la rabay ayay noqotay” ayuu yiri dr. liban xuseen cusmaan oo intaasi ku daray in beesha absame iyo galamays ay la dhacsan tahay qaabka ay wax u socdaan isla markaana ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan nahay dawlada raiisalwasaaraha cumar cabdirashiid sharmaake.

afhayeenka ururka JRM JUBOOYINKA
DR.LIBAN HUSSEIN OSMAN(WAAMO)
lios25@hotmail.com


Maxaa ka qaldan beesha Sade laga soo bilaabo 1991?

Bismilaahi Raxmaani Raxiim , Asalaamu Caleekum

Bacda salaan

walaalayaal waxa aan jeclahay inaan maanta halkaan ku yara taabto waxyaabo yar oon is iri waxbaa ka qaldan marka bal ila eega maqaalkaygaan maanta.

sida aan la wada socono laga soo bilaabo 1991dii markii dagaalada sokeeya ka bilowdeen Soomaaliya waxaa dhamaan ummada Soomaaliyed wada taabtay dhibaato balse waa ka daran tahay mida taabatay beesha Sade.

waxaan cududaar ka bixinayaa hadii ay hadaladayda dad dhibsadaan waayo wax la wada jecel yahay lama wada helo.

waxaan ognahay markii gedo loo soo qaxay 1991 dii inuu bilowday is qabqabsiga beesha dhexdeeda oo allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare oo jooga gedo ayaa waxaa loo kala qaybsamay lafo oo xataa gurigii uu ka deganaa Magaalada Garbahaaray laysku qabsaday taas oo kaliftay markii dagaalka lawada galay oo la tagay Wanla Wayn in rag waawayn ay beelahoodii inta ay caydiid la heshiiyeen ka saareen dagaalkii oo jidkii u baneeyay ilaa Buulo Xaawo la qabsado.

waxaa ka sii darnayd markii 1994 ay magaalooyinka gedo taladii la wareegeen wadaadadii ayaa waxaa dhacday hadana dad mareexaan ah inay amxaaro u soo ka xaysteen oo waxii meesha ka jiray burburiyeen.

oo dagaalkii u xumaa oo beesha dhexdeeda ka dhacay kaas oo sababay umulo doox aan abid beesha dhex marin ilaa xabashadii Laf Laf isugu kaaya hogaamisa ilaa 2004tii na uu socday dagaalkaa.

waxaa kale oo ka sii daran waxii ka dhacay kismaayo oo markaan ka talinayn 8 sano aan la gaarin wax horumar oo la taaban karo hada nacaybkii beelaha meel xun gaaray ilaa Bah Bah loo kala baxo oo magaaladii gacantoodii uga baxday.

marka maxaa sababay dhibaatadaas oo saldhig u noqon karta aniga waxay ila tahay waxyaabahaan soo socda.

  • 1-Hogaanka Siyaasada Beesha oonba jirin.
  • 2-Hogaan dhaqameedkii oo jira laakiin aad moodo inuu howlgab yahay oon shaqadiisa qabanin.
  • 3-Hogaanka Diinta oo aad moodo inaan la dhagaysanayn oo qiimayn ka jirin dadka dhexdiisa.

marka waxyaabo badan ayaa jira oo dadka dhexdiisa ka qaldan taas oon rabo inaan wax ka iraahdo intii alle iga karsiiyo.

tan iyo burburkii dowlada soomaaliya qabiil walba horumar iyo dib u dhac labadaba waa gaaray balse anaga waxaa nagu badan dib u dhaca.

beesha waxay degtaa 3 gobol oo soomaaliya ka mid ah marka aad fiirisid 18kii gobol ee soomaaliya maanta waxaa modaa inay 3daa gobol ugu hoseeyaan xaga horumarka taana waxaa danbigeeda leh waxgaradka,siyaasiinta,culumo owdiinka ,hooyooyinka,dhalinyarada iyo dhamaan inta beesha u dhalatay oo dhan.

hadii aan tusaale u soo qaadano gobolo badan oo soomaaliya ka mid ah waxaa ka jira maamuulo ay qabiilo samaysteen hadana maraya heer ay isu bedelaan maamul goboleedyo ama dowladaba.

beesha oo dadkeeda maanta 50 jirada 90% ay ka soo shaqeeyeen maamulkii kacaanka maxaa ku kalifay dib u dhacaan.

ani waxaan oran lahaa dhowrkaan waxyaabood.

  • 1-odayaasha dhaqanka oo kaalintoodii gabay .
  • 2-dad badan oo waxaysan awoodin horay u noqday hadana tii raba .
  • 3-culumuda oo ayagana kaalintooda iska daayay ka dib markii dadka aan kor ku soo sheegay ay la dagaaleen .
  • 4-dhalinyarada ood moodid inay shuqul ku lahayn waxa wadanka ka socda.
  • 5-Aqoonyahanada oo isha ka eegaya.
  • 6-gabdhaha oo wali aan ka soo bixin kaalimahoodii.

waxaas iyo wax kale oo badan ayaa waxa ay ugu wacan tahay dhibataada ka jirta dalka taas oo caawa maraysa in sidii qabiilada yaryar ay hawaysan waayaan kuraasta waawayn oo dalka ama kii hawaysta lagu dhaho ma gaydid.

waxa ka jira beesha dhexdeed is faquuq,is naceeb iyo wax isku quuri waa taas oo ka mid ah waxyaabaha dib u dhaca ka dhex jira beesha waxaa kale oo jira in xaga arimaha bulshada aysan waxba ka jirin sida caafimaadka,waxbarashada iyo biyaha iwm.

malagayaabaa aqristoow inaad la socoto waxaan iyo wax ka badan aana isku dayno inaan wax u qabano beesheena .

aniga waxay ila tahay in howshaan loogabaxi karo arimahaan soo socda .

  • 1-in beesha aaminto Alle iyo Rasuulkiisa iskuna baraarujiso ku dhaqanka shareecada Islaamka.
  • 2-in labada ugaas iyo odayaasha dhaqanka ku dhawaaqaan shirwayne beesha oo dhan iskugu timaada kaas oo ka dhaca gedo laguna doorto.
  • a-Hogaan Dhaqan oo shaqeeya oo sedexda gobolba ka shaqeeya
  • b-Hogaan siyaasadeed oo shaqeeya oo labo kala ah mid beesha dhexdeeda ah iyo mid soomaalida dhexdeeda wax la qaybsada .
  • c-in la sameeyo gudiyo shaqeeya oou dhaqan gala sida ay tahay una shqeeya kaabana dhamaan baahiyada jira oo horumarinta bulshada ah.
  • d-in magaalooyinka ay degaan beesha oo dhan loo sameeyo maamulo dadka ay soo doorteen oo ku shaqeenayana.
  • e-waxaas oo dhana waa inay shareecada hoos yimaadaan.

waxaa kale oo meesha ka maqan kaalintii qurbajoogta beesha.

akhristoow say ila tahay hadii sidaan lagu socdo beesha horumar gaari marayso ee waa in wax laga bedelaa habka beesha u shaqayso marka waa soo dhawaynayaa fikirkaaga ee iigu soo dir e-mailkayga.

Wabilaahi Towfiiq

Cali Cabdi
wiilsade35@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS