Maamulka Masjidka Abuubakar oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Minneapolis
Shirka Jaraa'id waxaa looga hadlay arrimo la xiriira dhallinyarada
Soomaaliyeed ee laga waayey Minneapolis, oo Masjidku sheegay in uusan wax shaqo
ah ku lahayn, xanuunkana la qaybsanayo qoysaska carruurtoodu ka maqan yihiin...
Sawirada
Shirka Jaraa'id Halkan ka daawo...
Warbixintan Waxaa diyaariyey oo isku dubaridey,
Ustaad Dalboon, Minneapolis
DHEGEYSO:
Warbixinta Masaajidka Abuubakar ee Feb 13, 2009 ama
soo rogo (Waxaa
warbixinta Akhrinaya Sh. Cumar)

Barnaamijka
waxaa xiriirinayey Sheikh Cumar Cabdiraxiim oo kamid ah maamulka masaajidka
(Director).
Shir jaraa'id oo Maamulka Masjidka Abuubakar ay ku Qabteen magaalada Minneapolis,
Talaada Feb. 10, 2009 ayaa waxa ka hadlay dad badan oo ay kamid yihiin maamulka
masaajidka. Waxaana looga hadlay dhallinyarada Soomalaiyeed ee laga waayey
Minneapolis, taas oo warbaahinta Maraykanku ay aad u hadal haysay toddobaadyadii
la soo dhaafay. Masjidkuna waxa uu caddeeyey sida uu uga xun yahay arrintaas iyo
in uusan wax lug ah ku lahayn.
Waxaa shirka jaraa'id ka soo qayb galay warbaahinta iyo dad ka tirsan
jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Minneapolis iyo maamulka masjidka oo uu ka
mid yahay iimaamka xarunta Abuubakar Sadiiq, Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar.
Shirkii jaraa'id iyo codadkii dadkii ka hadlay iyo dad aan waraysanay hoos ka
dhegeyso:
C/rashiid Aabi ayaa warsaxaafadeedkii uu soo saaray Masjidka Abuubakar
waxa uu ku akhriyey AfSoomaali, kaddibna dhawr su'aalood la weydiiyey
Dhegeyso
Warsaxaafadeedka ama
Soo Rogo (mp3).
Sheikh
Waliid Idiriis oo ah iimaamka Masjidka Daarul Faaruuq: Wuxuu dhahay: Waxaan
halkaan u imid in aan taageeradayda diineed muujiyo, oo aan caddeeyo in markaska
Abuubakar uusan arrintaas ka qaybqaadan. Su'aalo la weydiiyeyna iyo jawaabihii
uu bixiyey iimaamka Masjidka Daarul Faaruuq ee Minneapolis, ahna kuxeenka madaxa
Jaamacada Islaamiga ee Minneapolis oo Carabi ah (Carabi):
Waraysiga
Waliid dhegeyso ama Soo
Rogo (mp3)
Cabdullaahi Faarax oo kamid ah dadkii garoonka diyaaradaha lagala soo
celiyey Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar ayaa ka mid ah dadkii ka hadlay shirka
jaraa'id, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan dad la hadla warbaahinta oo adeegsada
hab ka bad badis ah. Shirkii kaddib waxaan la yeelanay waraysi.
Waraysiga
C/laahi Dhegeyso ama
Soo Rogo (mp3).
Kashif Saroya: oo ka tirsan CAIR ayaa yiri: Arrintani waa arrin
muslimiinta dhib u geysatey, waxayna keentay in hay'adaha amniga si adag wax u
weydiiyaan Muslimiinta iyaga oo aan Qareen la joogin. Sidaas darteed waa in laga
taxadaraa wax kasta oo dhib keenaya. Haddii ay jirto cid og wixii carruurtaan diray waxaan ka codsaneysaneynaa in ay sheegto, muslimiintuna ay ka fogaadaan
wax kasta oo dhib u keenaya Muslimiinta.
Father Jocues oo ah nin aan muslim ahayn kana tirsan kaniisad ku taal
xaafadda masaajidku ku yaal. Waxa uu soo wacay masaajidka markii uu arrintaan la
xiriirta masaajidka ku arkay warbaahinta maxalligaa. Waxana uu telefoonka ku yiri "Fadlan waxaan
doonayaa in aan la hadlo masuuliyiinta masaajidka, waxaana ka soo hadlayaa
kaniisadda ku taal xaafadda." Kaddib waxaa laga aqbalay in uu yimaado
masaajidka. Kaddib daqiiqado gudahood waxaa albaabka masjidka ka soo galay mr.
Jocues. Wuxuu si caro kujirto u yiri "Waan xanaaqsanahay waxaana ka
xanaaqsanahay laba arrimooda. Kaddib markii aan warbaahinta ku arkay wararkii la
idinka qoray. (1) Haddii ay jirto inaad ciyaal dirteen waa ka xanaaqsanahay in
ay inta ay nagu soo laabtaan ay dhib noo geystaan. (2) Tan labaad hadddi been la
idinka sheegay waa ka xanaaqsanahay in beentaa la idinka sheego."
Kaddib waxaa lagu qanciyey in arrintaasi aan masaajidku shaqo ku lahayn.
Waxaana lagu casumey shirkii maanta oo uu ka hadlay. Wuxuuna halkaas ka sheegay
hadalo dadkii joogey u riyaaqeen, oo cajiib badan, wuxuu yiri "Muslimiinta iyo
Hinduuga waxaa ka rabshad iyo dhib badnaa Kirishtaanka iyo Yuhuudda. Aniga
xaafaddan ayaan deganahay, waxaana ka mid ahay guddiga xaafadda, arrintaan
aadka ii caragelisay, waxaase i farax gelisay sida maamulku u caddeeyey in aan
maamulka masjidku ka dambayn. Sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca
kaniisadda iyo xaafadda waxaan cadaynayaa in arrintaas aan masjidku ka dambayn,
shuqulna ku lahayn. Shacabka Maraykanku waa walaalo midabkooda iyo luqaddoodu
iyo magacoodu haba kala gedisnaadeene.
Makram Amiin:
oo ah iimamka masjid Nuuur ayaa yiri :Xilli adag ayaa lagu jiraa, waxayna saamayn ku
yeelatahay dhammaan muslimiinta, sidaas darteed waxaan taageersanahay maamulka
masaajidka.
Waxaan halkaan u imid in aan taageero u muujio masaajidka Abuubakar
sidiiq, ayuu hadalka ku dakeeyey Makram Amiin.
Murshad Baaruud oo ka tirsan
Somali Leadership Council, kana mid ahaa
dadkii ka hadlay shirkii jaraa'id ayaa sheegay in ay waajib tahay in aan
difaacanno magaceenna. Kaddib waxaan la yeelanay waraysi kooban.
Waraysiga Murshad Dhegeyso
ama Soo Rogo
(mp3).
Mukhtaar Cusman oo ka mid ah Somali Youth Network Council (SYNC)
oo kamid ah dadkii ka hadlay shirka jaraa'id ayaa waxa uu sheegay in ay
qudhiisa saamayn ku yeelatay arrintan oo ilaa laba saacadood garoonka diyaaraha
lagu xanibay.
Mukhtaar waxa uu intaas ku daray in Dad badan sidaas oo kale ay arrintani saamayn ku leedahay. Waxaan
ogahay dad qoyskooda booqan lahaa oo lasoo celiyey. Waraysi koonban ayaana la
yeelanay.
Waraysiga
Mukhtaar Dhegeyso ama
Soo Rogo (mp3).

Shirkii jaraa'id ee masjid Abuubakar

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Faarax
Maxamed Baladi, Fardowsa C/raxmaan iyo gabar caddaan ah oo Muslimad ah oo
magaceedu yahay Amy Kareemah.
Labada gabdhood, Fardowsa iyo Amy waxay sheegeen in ay ka mid yihiin dadka ku
xiran masaajidka, isla markaasna cadaynayaan in uusan masaajidku wanaag ma ahan
wax dhib ah ku hayn muslimiinta.
Labada gabdhood oo hadalkoodu ahaa mid kooban waxay sheegeen in ay dhigtaan
Jaamacaadda Minnesota, qaybta caafimaadka.
Maxamed Wardheere oo kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo
u ololeeya danta Soomaalida ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka
Soomaaliyeed ay dareenkooda (ama waxay aaminsan yihiin) u sheegaan saxaafadda. Halkan (Maraykanka) waxaa wax
lagu cabiraa waxa dhabta ah ee jira. Waraysi koobaan ayaana la yeelanay.
Waraysiga
Wardheere Dhegeyso ama
Soo Rogo (mp3).
Asad
Shane madaxa New American Academy, waxa uu yiri shirka jaraa'id waxaa
iiga soo baxay in dadka Soomaalidu ay yihiin dad is ixtiraama oo ixtiraama
diintooda. Waxana uu soo jeediyey in dadka Soomaaliyeed ay midoobaan.
Waraysiga
Asad Dhegeyso ama Soo Rogo
(mp3).
Sheikh Saddiiq oo
hawl wadeenada masaajidka Abuubakar ayaa codsaday in
wanaagga laga wada shaqeeyo.
Waraysiga
Saddiiq Dhegeyso ama
Soo Rogo (mp3).
Sheikh Saciid Axmed oo
isaguna kamid ah hawl wadeenada Masaajidka Abubakar
ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii Soomaalida soo gaarey 17-kii sano ee la soo
dhaafay.
Waraysiga
Saciid Dhegeyso ama Soo
Rogo (mp3).
Sheikh Caddaawe C/rashiid oo
sidoo kamid ah hawlwadeenada Masjidka ayaa yiri waxaan dhibka la
qaybsanaynaa walaalaha ay carruurtoodu ka maqan yihiin.
Waraysiga
Caddawe Dhegeyso ama Soo
Rogo (mp3).
Sawirada Shirka Jaraa'id Halkan ka daawo...
Taariikhda
Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis
KHATAR KU SOO
FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
Warbixinta iyo sawirada Waxaa diyaariyey oo isku dubaridey,
Ustaad
Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota