SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Golaha Wasiirada Cusub oo Helay Codka Kalsoonida Baarlamanka DFKMG

Kulan ay Sabti (Feb 21, 2009) isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka DFKMG ayaa waxaa cod loo qaaday golaha cusub wasiirada ee uu Feb 20, 2009 magacaabay Cumar C.C. Sharmarke. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa 375 xildhibaan, waxaa xukuumada u codeeyey 357 xildhibaan, waxaana diiday 16 xildhibaan, waxaa  ka aamusay 2 xildhibaan. Sidaas ayeyku heshay codka aqlabiyadda.

Kaddib waxaa la dhaaryey golaha wasiirada ee la magacaabay. Halkan ka akhri warbixintii Feb 21, 2009


  • Jabuuti: Waxaa (Jimce Feb 20, 2009) ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu ku dhawaaqay golahiisa wasiirada ee cusub. Waxana uu magacyada wasiirada kaga dhawaaqay xaflad ka dhacday Jabuuti oo ay  kasoo qayb galeen xildhibaanada DFKMG ee laga sugayo in ay wasiiradaas ansixiyaan. Golaha wasiirada ee xukuumada labada sano ee la magacaabay tiradoodu waa 36 wasiir.

Baarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha Wasiirada magacyadooda oo Dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo dhameystiran...

  • Warbixintii: Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo uu shir  gudoomineyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana ay soo xaadireen 330 mudane ayaa lagu qabtey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti 20/02/2009 abaaro 7:00PM.


Ra'uusul Wasaare Cumar Cabdirashiir, Prof. Ibbi iyo Xog-haynada Ra'iisul Wasaaraha
Xafladii wasiirada lagu magacaabay, Jabuuti, Feb 20, 09. SQ. ALLMAN/SOMALITALK.COM

Wasiirada









Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdullaahi Omaar
Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdullaahi Oomaar


Wasiirka Cilmibaarista iyo Teknoloojiyada Maxamed Cali Xagaa
Wasiirka Cilmibaarista iyo Teknoloojiyada Maxamed Cali Xagaa


Wasiirka Dhaqan celinta iyo Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim
Wasiirka Dhaqan celinta iyo Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim


Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi
Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Maxamed Cabdi Gaandi


Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf


Wasiirka Wax-barashada iyo Barbaarinta Axmed Cabdullaahi Waayeel
Wasiirka Wax-barashada iyo Barbaarinta Axmed Cabdullaahi Waayeel


Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abuukar Cabdi Cismaan
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Abuukar Cabdi Cismaan

cumarKulankan oo ujeedadiisu ahayd soo gudbinta Qorsho Hawleedka Xukuumada cusub, magacyada mas'uuliyiinta Golaha Wasiirada ee Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo dhaarinta xubno ka harey Xildhibaanadii Is-bahaysiga ayaa gunaanadkii shirka,  Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa uu si rasmi ah ugu gudbiyey Baarlamaanka tirada Golaha Xukuumada cusub, magacayada mas'uuliyiinta Wasaarahada DFKMG iyo qorsho hawleedka Xukuumada cusub.

Gudoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh oo xildhibaanada la Hadley ayaa wuxuu yiri "Xildhibaanada waxaa la farayaa in ay soo akh-ristaan dukumiintigan uu soo gudbiyey Ra'iisul Wasaaraha mudo 24 saac islamarkana ay isu yimaadaan 21/02/2009-da 4:00 PM.

Ra'iisul Wasaare Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo Baarlamaanka u gudbiyey tirada magacayada mas'uuliyiinta Golaha Xukuumada cusub iyo qorsho hawleedka Xukuumada ayaa Baarlamaanka wuxuu u sheegey  "Aragtida iyo Qiyamka Guud, Ujeeddooyinka  ugu muhimsan, Hawlgalka Xukuumadda, Hawlaha Xilliga Ku-meelgaarka".

Magacyada iyo Qorsho hawleedka Xukuumada oo dhameystiran:

Liiska Magacyada Wasiirada

  1. Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda: Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi
     
  2. Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda: Shariif Xassan Sheikh Aaden
     
  3. Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Shiidaalka: Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
     
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Maxamed Cabdullaahi Oomaar
     
  5. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga: Maxamed Cabdi Gaandi
     
  6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashigga Caalamigga: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame
     
  7. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka: Madoobe Nuunow Maxamed
     
  8. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta: Sheikh Nuur Cali Aadan
     
  9. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska: Fowsiya Maxamed Sheikh
     
  10. Wasiirka Wasaaradda Dhaqan Celinta iyo Naafada: Maxamed Cali Ibraahim
     
  11. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Aadamiga: Maxamud Cabdi Ibraahim
     
  12. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta: Farxaan Cali Maxamud
     
  13. Wasiirka Wasaaradda Cilmibaarista iyo Teknoolojiyada: Maxamed Cali Xagaa
     
  14. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka: Qamar Aaden Cali
     
  15. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha: Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye)
     
  16. Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda: Cabdullahi Axmed Cabdulle Azhari
     
  17. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta: Axmed Cabdullaahi Waayeel
     
  18. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyenta: Maxamed Cabdi Yuusuf
     
  19. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga: Khadiija Maxamed Diiriye
     
  20. Wasiirka Wasaaradda Isboortiga iyo Dhallinyarada: Saleeban Colaad Rooble
     
  21. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha : Cabdulqaadir Cali Cumar
     
  22. Wasiirka Wasaaradda Amniggga Qaranka : Cumar Xaashi Aaden
     
  23. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha: Abuukar Cabdi Cusman
     
  24. Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka: Cabdiraxman Maxamuud Faarax Janaqow
     
  25. Wasiirka Wasaaradda Beeraha: Xasan Maxamed Nuur (Shaati-Guduud)
     
  26. Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda: Maxamed Ibraahim Xaabsade
     
  27. Wasiirka Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabeynta: Maxamed Mursal
     
  28. Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare: Prof. Ibraahim Xassan Caddaw
     
  29. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Cabdalla Boos Ahmed
     
  30. Wasiirka Wasaaradda Dib u Dhiska: Xussein Ceelabe Faahiye
     
  31. Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Jooga: Maxamed Xuseen Saciid
     
  32. Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta: Cabdirazak Cusman Juurile
     
  33. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga: C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro)
     
  34. Wasiirka Wasaaradda Warshadaha: Cabdiraxman Jaamac Cabdalla
     
  35. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka: Cali Jaamac Jangeli
     
  36. Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Ilaalinta Bey'adda: Burci Maxamed Xamza

Barnaamijka Xukuumadda ee Xiliga KMG ka ah.

I.                   Gogoldhig

Sannadka 2009 wuxuu ugu bilawday Soomaaliya farxad ay ku dheehan tahay yididiilo, kaddib markii uu miro dhalay heshiiskii ay wada gaareen Dawaladda Federalka  KMG ee Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliyeed. Natijada wax ku oolka ah ee ka dhalay wadahalladaas waxay noqotay in la dhiso Xukuumad Midnimo Qaran, oo ay ka wada qaybgalaan dhammaan qaybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed. Dibuheshiisiintan oo mahaddeeda koowaad Ilaahay loo celinayo waxaa suurtogaliyay shacabka Soomaaliyeed intiisa badan oo gartay inay laga maarmaan tahay soo afjaridda colaadaha, muhimadda ay leedahay in nabad bulashada dhexdeeda la dhigo, isla markaana Soomaaliya nabad kula noolaato dariskeeda iyo beesha Caalamka. Si loo xaqiijiyo dhismaha nabadda waxaa lagama maarmaan noqotay dhismaha Xukuumad cusub oo leh karti iyo hufnaan kuna dhisan hab dheellitiran oo ku salaysan Axdi Qarameedka iyo Heshiisyadii lagu gaaray dalka Jabuuti.

Waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyinka haysta dalkeenna ay ka baaxad weyn yihiin awooddeenna yar iyo xilliga gaaban ee xukuumaddu haysato oo ah muddo 30 bilod ah. Haddaba inagoo ku tashanayna arriamahaas ayaa waxay xukuumaddu dejisay qorshe guud oo tilmaamaya aragtideeda guud, Qiyamka ay ku hawlgalayso iyo ujeeddooyinka ay hiigsanyso. Waxaa ku cad barnaamijkan waxqabadka shaqo ee xukuumadda oo xilliyaysan, masuuliyaadkeeda iyo kharashyada ay u baahan tahay

Waxaa xusid mudan in fulinta barnaamijka xukumadda ay laf dhabar ka yihiin isfahamka madaxda qaranka, iskaashiga xukuumadda iyo barlamaanka, taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo kaalmada beesha caalamka.

II.                Aragtida iyo Qiyamka Guud

Xukuumaddani waa Xukuumad Midnimo Qaran. Waxaa hawlgalkeeda saldhig u noqonaya mabaadi'da maamul wanaagga ee wadatashiga iyo isxisaabinta. Waxaa ka go'an inay dhidibbada u taagto maamul dowladeed oo caddaalad ku dhisan oo soo celiya rajadii iyo kalsoonidii dadweynaha kana tarjuma baahdia xoogga le ee ay u qabaan nabad iyo dibudhis.

Xukuumaddu waxy xoogga saari doontaa isku tashiga dadweynaha iyo dhawrista hantida qaran oo laga ilaalin doono takrifal iyo u adeegsi dano gaar ahaaneed.

III.             Ujeeddooyinka  ugu muhimsan

1-      In la sugo ammaanka lana joojiyo colaadaha dalka ka jira.

2-      In la hirgeliyo dibuheshiisiin qaran oo soo celisa isku kalsoonaanta shacbaka soomaaliyeed, suura galisana dhismaha maamul baahsan oo haysta kalsoonida shacabka.

1-      In la dhiso hab miisaaniyadeed oo ku saleeysan dakhliga gudaha iyo iskutashi.

2-      Si looga fogaado maamul xumo maaliyadeed waxay xukuumaddu dhisaysaa hay'ado maaliyadeed oo ku dhisan hababka caalamiga ah, dejiyana qorshaha iyo maamulka maaliyadeed, lehna nidaam dabagal iyo isla xisaabtan.

3-      In la dhiso maamul xukuumadeed oo dhamaystiran oo si buuxda uga hirgala heerarka kala duwan.

4-      In la dhiso kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah dibudhiska bulshda iyadoo la adeegsanayo siyaasadda suuqa xorta ah, oo dhiirri galinaysa maalgashiga ganacsatada iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibadda ku nool. Siyaasadaas oo tixgelin siin doonta daryeelka dadka dan yarta ah iyo muruq maalka.

5-      In la soo nooleeyo lana baahiyo adeegyda bulshada ee asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

6-      In la xoojiyo xiriirka Soomaaliya ay la leenahay bulshada caalamka , kaas oo ku salysan ilaalinta qarannimada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed kuna dhisan isqaddarin, iskaashi,  iyo isfaragelin la'aan. 

7-      In la dhammaystiro waajibaadka ku aaddan xilliga KMG ah oo dhabaha u xaaraya in la helo dowlad shacbigu soo doortay, kasbatana kalsoonidiisa.

8-      In loo hawgalo dibudejinta iyo taakulaynta dadka barakacay iyo kuwa ku waxyeelloobay dagaalada.

IV.              Hawlgalka Xukuumadda

Diyaarinta Qorshaha dhamaystiran ee ay xukuumadda  ku hawlgaleyso xilliga KMG ah waxaa soo diyaarin doono Golaha Wasiirrada, waxaanse halkan ku soo bandhigeynaa qodobbada mudnaanta leh ee ay ku hawlgalesyo Xukuumadda xiiliga KMG ah iyo hawlqabadka la hiigsanayo. Qorshaha Xukuumadda waxa uu ka koobmaa qodobbada soo socda:

B.         Dibuheshiisiinta

Xukuumaddu waxay garwaaqsan tahay in barnaamijka dibuheshiisiintu yahay bilow, ayna jiraan  kooxo iyo shakhsiyaad muhim u ah nabadda oo aan weli ka soo horjeeda. Si loo dhamaystiro dibuheshiisiinta waxay xukuumadda qabnaysaa hawlaha soo socda:

1-      Joogteeynta baaqa nabadda iyo joojinta  wax kasta oo dhalin kara is afgaranwaa siina hurin kara colaadaha. Xukuumaddu waxay adeegsan doontaa jid kasta oo dhiiri gelinaya nabadda sida kulamada, warbaahinta iyo munaasabadaha kala duwan.

2-      In wadahadal degdeg ah lala galo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda dawladda, loona sameeyo tanaasulaad kasta oo ka tarjumaya ilaalinta qaranimada  iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

3-      Hirgelinta  baaqa ay soo jeediyeen Ururka Caalamiga ah ee Culimada Islaamka, oo ku aaddan in la dhexdhexaadiyo Xukuumadda iyo kooxaha leh fikirka ku salaysan diinta. Xukumaddau waxay u magacaabaysaa guddi siyaasiyiin, culimo iyo aqoonyahanno ah oo u howlgala fulinta baaqa dhexdhexaadintaas..

4-      Dibudhisidda Guddiga Qaranka ee Dibuheshiisiinta. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa xubno ku sifoobay, islaamnimo, wadninimo iyo ka danqashada dhibka haysta shacabka Soomaaliyeed. Samaynta gudiyadaas waxay ku imaan doontaa wada tashi ballaaran si uu u helo aqbalaadd buuxda o u suurtogelisa inay howshooda gutaan.

5-      Dibuheshiisiinta waxaa saldhig u noqonaya ka qaybgalka shacabka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan sida: siyaasiyiinta, culumada, aqoonyahanada, odayaal dhaqameedka, haweenka, warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah.

6-      Dibuheshiisiinta waxaa lagu baahaniyaa gobollada dalka iyo degmooyinka, iyadoo lagu qabanayo shirar dibuheshiisiin, si shacabku fursad ugu helo inuu cabbiro dareenkiisa.

7-      Dawrka beesha caalamka ee dibuheshiisiinta waxuu ku koobnaanayaa kaalmada dhaqaale iyo farsamo ee ay baahideeda xaddidaadan dadka Soomaaliyeed.

T.      Arrimaha Nabadgelyada

Khilaafaadka oo lagu dhammeeyo wadahadal waxay lagama maarmaan u tahay in uu dhaco heshiis nabadeed. Nabadduna waxaa si buuxda loo sugi karaa ii keliya marka ay dhacdo dibuheshiin guud. Tallaabooyinka waddada u xaaraya nabad iyo amni buuxa waxa ka mid ah:

1.       In la dhamaystiro mideynta ciidammada DFKM iyo kuwa IDS

2.       In habka mideeynta la waafajiyo qaabdhismeedka iyo shuruucda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, lagana suuliyo xiriirkii ay la lahayeen qaab-beeleedkii maleeshiyooyinka.

3.       In ciidammada amniga loo dhammeystiro qalab, gaadiid iyo maaliyad u suurtagelin karta in ay hawshooda gutaan.

4.       In maamulka ciidanka amniga laga ilaaliyo musuqmaasuq iyo ku xadgudub xuquuqda baniadamka, lana abaabulo dabagal joogto ah oo arrimahaasi lagu xaqiijinayo.

5.       In la ciidammada amniga la siiyo tababar ku filan.

6.       In la sameeyo qorshe dheer oo lagu hirgaliyo barnaamijka dhaqancelinta iyo jihaynta maliishiyaadka, iyadoo la kaashanayo khibradaha caalamiga ah. Islamarkaana la dhiso Guddi sare oo arrimahaas maamula.

J.         Kaalmada baniaadminimo

1-      Xukuumaddu waxay fududaynaysaa gaarsiinta kaalamada bani aadminmo ee dalka tabaalaysan oo ku kala baahsan dalka, si taasi u hirgasho waxaa la abuuray wasaarad u gaar ah arrimaha gargaarka baniaadminimo.

2-      Xukuumadda waxay dejin doontaa qorshaha, xiriirinta iyo qaabka fulineed ee gargaarka iyadoo la kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah.

3-      Xukuumaddu waxay mudanaan gaar ah siinaysaa howlaha gargaarka degdegga ah iyo dibu dejinta iyo taakulaynta dadka barakacay.

X.        Dhismaha Maamulka Hay'adaha Dawladda

Dhismaha Xukuumadda Midnimada Qaran waxaa astaan u noqonaya ku dhaqanka sharciga, ilaalinta axdiqarameedka, dhisidda maamul tayaysan oo baahsan, xulasha dad aqoon iyo karti u leh howsha, dejinta nidaam shaqo oo casri ah iyo hufnaanta maamulka.

Si taasi u suurtogasho, xukuumaddu waxay qabanaysaa howlaha hoos ku qoran:

3-      Dejinta xeerhoosaadka Golaha wasiirada, tilmaamayana habdhaqanka maamul iyo anshax ee golaha wasiirada, si uu midaysnaado fikirka, howlgalada, iskawarqabka iyola xiriirka warbaahinta.

4-      Xulidda hawlwadeennada sare ee wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda sida: maareeyayaasha, xoghayayaasha joogtada ah iyo agaasimayaasha guud. Xulitaanka howlwadeennada sare ee xukuumadda waxuu ku salaysnaan doonaa karti, aqoon iyo xirfad, iyadoo tixgelin la siin doono dheelitirka qaybaha kala duwan ee bulshada si xafiisyada dawladdu yeeshaan muuqaal qaran.

5-      Dejinta qoryayaasha mudada dheer iyo kuwa dhaw ee hay'adaha xukuumadda oo tilamaamaya, shaqooyinka, mas'uuliyadaha, kharashyada, muddada hawlaha iyo hababka qiimaynta iyo dabagalka.

6-      Dib u habaynta  Guddiga  Shaqaalaha Dawladda (National Service Commission)

7-      Dejinta nidaamka iyo habmaamulka shaqo ee xafiisyada xukumadda, kaas oo noqon doono mid waafaqsan hababaka casriga ah iyo baahida bulshada Soomaaliyeed ee xilliga KMG ah.

8-      Xulista iyo hawlgelinta shaqaalaha dawladda, iyadoo la shaqaalayn doono hadba intii loo baahdo, loona mari doono hab shaqo qorid ku dhisan cadaalad, ahmiyad gaar ahna siinaysa aqoonta, khibradda iyo xirfada shaqada u baahan tahay.

9-      Tababaridda Shaqaalaha maamulka heerarkooda kala duwan, si maamulka hay'adaha dawladda u noqdo mid tayaysan.

10-   Baahinta maamulka xukuumadda ee goboladda iyo degmooyinka si looga hortago urursanaato awoodda maamul  looguna sinnaado fursadaha shaqo, hanti iyo horumarineed ee xukuumadda ay qabanayso.

KH.     Caddaaladda iyo garsoorka

1.       In la dhiso Guddiga Sare ee Garsoorka

2.       In la dhammeystiro qaab-dhismedka hayadaha kala duwan ee garsoorka kaas oo gaarsiisan goballada iyo degmooyinka.

3.       In la magacaabo guddi ka kooban xubno ku xeel-dheer aqoonta shareecada Islaamka iyo shuruucda qoran ee dalka oo hubiya is-waafajinta xeerarka dowliga ah ee garsoorka iyo shareecada Islaamka.

4.       In kor loo qaado tayada aqooneed ee hawlwadeennada garsoorka

5.       In dibuhabayn lagu sameeyo nidaamka xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta.

D.     Adeegyada Bulshada

Si ay xukuumaddu u noqoto mid wax ka baddasha nolosha dadweynaha waxaa mudnaan weyn la siinayaa dibu dhiska adeegyada asaasiga ah ee bulshada, sida waxabarashada, caafimadka iyo biyaha. Howlaha ugu muhimsan ee la qabanayo waxaa ka mid ah:

1.       Dayactirka goobaha  waxbarashada asaasiga ah iyo furitaanka dugsiyada dawladda.

2.       Dejinta qorshaha waxbarasho ee dalka.

3.       Dhiirigelinta hay'adaha waxbarashada gaarka ah iyadoo la xoojinayo iskaashiga xukumadda iyo hay'adaha aan dawliga ahayn eek u howlan waxbarashada.

4.       Dayactirka Isbitaalada guud ee dalka iyo horumarinta mashaariicda la xiriirta daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

5.       Dhiirigelinta hawlaha nadaafada, biyaha iyo caafimaadka guud.

R. Hawlaha Xilliga Ku-meelgaarka

  1. Dibuhabaynta Guddiga Qaranka ee Dastuurka.
  2. Diyaarinta dastuur qaran oo ka tarjuma rabitaanka shacabka Soomaaliyeed
  3. In afti loo qaado dastuurka la diyaariyay.
  4. Hirgelinta tirakoob dadweyne
  5. Diyaarinta shuruucda xisbiyada siyasadeed iyo doorashooyinka.
  6. Dhismaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka.
  7. In la qabto doorashooyin guud iyo kuwo deegaan.

S.      Dibudhiska dhaqaalaha

Burburka ku dhacay dhaqaalaha dalka waa mid aad u weyn, waxaase la isku raacsan yahay inuu si dhakhso ah u kobci karo muddo gaaban haddii la helo xasillooni iyo amni. Muddada ku-meelgaarka waxay Xukuumaddu muhimadda saareeysaa:

1.       Hirgelinta mabda'a isku tashiga dhaqaale ee xukuumadda, oo uu saldhig u noqonayo ururinta dakhliga gudaha iyo habsami u maamulka kharashka dowladda.

2.       Dejinta qorshe qaran oo lagu jaangooyo dibudhiska dhaqaale ee dalka. Kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah, laguna xadidayo baahida dalka iyo habka ugu habboon ee wax looga qaban karo.

3.       U jiheynta kaalmada caalamiga mashaariicda dayactirka kaabayaasha dhaqaale si xukuumadda u hesho dhaqaale ku filan fulinta hawlaheeda.

4.       Dhiirigelinta ganacsiga xorta ah iyo mashaariicda maalgalineed ee gaarka ah, iyadoo mudnaanta la siinayo dhinacyada wax soo saarka sida: beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, dhirta iyo daaqa, warshadaynta iyo farsamada.

5.       Diyaarinta xeerarka ganacsiga iyo maalgelinta dhaqaale oo mudnaan siinaya barnaamijyada adeegga ee la xiriira bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dadka danyarta ah iyo muruqmaalka.

SH.      Xiriirka Caalamiga ah

Ujeddooyinka guud ee xiriirka caalamiga ah waa inay Soomaaliya noqoto xubin ka tirsan beesha caalamka oo la wadaagta dunida nabad kuwada noolaanshaha iyo horumarka. Taasi waxy ku iman kartaa in isfaham dheeraad ah dhexmaro Soomaaliya iyo dawladaha deriska ah, sidoo kale beesha caalamka si aynu gacan uga helno nabadda iyo dibudhiska dalkeenna. Haddab si taasi wax looga qabto waxay xukuumaddu qaadaysaa talaabooyinka soo socda:

1-      In la qabto kulammo ay ka qaybgalaan aqoonyahannada, safiirada iyo dadka khibradda u leh dibloomaasiyadda oo lagu jaangooyo siyaasadda dibadeed ee dalkeenna.

2-      In la xoojiyo kaalinta safaaradaheenna dibadda ee dhismaha diblomaasiyadeed iyo qurxinta aragtida dunida kale ka haysato soomaaliya.

3-      In  beesha caalamka lagu dhiirigeliyo inay ku yeelato dalka gudahiisa matalaad siyaasadeed, dibna u furan safaaradahooda iyo qunsilayadahooda.

4-      In la xoojiyo xiriirka jaaliyadaha dibadda iyo qurbojoogta, tixgelinna la siiyo dawrka ay ka qaadan karaan xoojinta diblomaasiyadda iyo dibudhiska dalka.

###

Laakiin marka si guud loo eego ku dhawaaqista Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaad moodaa in xildhibaanada qaarkood ay ku tahay caburin, iyagoo u sababeynaya joogitaanka halka ay joogaan iyo xubnaha cusub ee ku soo biirey Xildhibaanada oo u arkaya ineysan marna aqoon maya, halka kuwa kale ay u tahay farxad iyo cadaalad dhameytiran, balse waxaa la sugayaa sida uu ugu codeeyo Baarlamaanka oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwo hore, inkastoo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uusan hore u ahayn ruux dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dhex muuqdey siyaasadihii isku marnaa ee wajiyada Qabiilka iyo kuwa dahsoonaa watey, taasoo faragelintooda ay ku adkaandoonto sida uu uga badbaado..

allmanMaxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009

:HADALKII AU EE DAWLADA FKMG
Wakiilka AU: Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular): (Sidaas waxaa wakiilka AU u "xaqiijiyey" Sheikh Shariif Sh. Axmed ) iyo ciidamo cusub oo loo dirayo Somalia
Dhegeyso - English (MP3)  | ama Akhri (VOA)

Go'aamada iyo Bayaankii ka Soo baaxay Shirkii Culumada Soomaaliyeed
Muqdisho: Qodobada waxaa ka mid ah in Soomaaliya si dhab ah loogu dhaqo shareecada Islaamka, iyo in 120 maamood gudahood la saaro ciidamada shisheeye. Dhegeysi / AKhris xasan iyo shariif

Waraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
waxaana u maleynayaa in Wasiirada lagu dhawaaqi doono Jimcaha/Sebti
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS