Warbixintii Jimcada ee masjid Abuubakar iyo Khudbadii Feb. 20, 2009
Sh. Cumar Xaaladda Masaajidku Waa ka sii daraysaa..
Dad
halkaan dagan ee maraykankaa waxay noo Duubeen Fariimo ayaga oo telephone u soo
diray Masaajidka Waxaana erayadooda ka mid ahaa Ku laabta wadan kiinii iyo
Argagaxiso ayaad tihiin, waxaan og nahay dad kaas in ay Joornaalada iyo War
baahinta Maxaligaa ay ka akhriyeen dad wax magarato ah oo anaga naga mid ah wax
ay qoreen. (Warbixintii Sh. Cumar
Dhegeyso ama
Soo rogo (mp3))
Sidoo kale waxaa wax magarato ah Wiilashii tagay iyo Cid ka danbaysay haddii
ay Jirto. Sidaas Darteed waxaan Baraarujinaynaa waxay Shareecaddu ka Qabto
waxaana ka digaynaa Manhajka iyo Fikirka Khawaariijta.
Khudbadii Jamcaha ayaa ku saabsanayd Fahamka Islaamka oo uu soo jeediyey Sh
Abdirizaq Xaashi, waxana uu yiri: Dhiiga Muslimiinta Qiimo weyn ayuu ku Fadhiyaa
, Is Qarxintu waa Xaaraan iyo in Gaari laga Buuxiyo Walxaha Qarxa.
Khudbadii Jimcada Feb 20, 2009 ee Sh. C/risaaq Xaashi:
C/rishaaq Xaashi - File photo
Sidoo kale xalay waxaa masjidka Abubakar lagu qabtay Muxaadarooyin, dib ayaan
idin kaga soo tabin doonaa insha allah.
Waxaa isku Soo Duba Riday
Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
Minnesota Minneapolis
cdalboon@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2009
Warbixintii Jimce
Feb 13, 2009:
Warbixinta
Masaajidka Abuubakar Dhegeyso
ama soo rogo
(mp3)
(Waxaa Akhrinaya Sh. Cumar)