Maraykanka oo Nigeria ugu Baaqay in ay Ciidamo Nabad ilaalin ah u
Dirto Soomaaliya
- Tarjumadii:
SomaliTalk.com | Feb 15, 2009
Wakiilka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey Susan Rice ayaa ugu
baaqday Nigeria in ay dedejiso isku daygeeda in ay ciidamo nabad
ilaaliyaal ah u dirto wadanka Soomaaliya, sidaas waxaa werisey
warbaahinta Nigeria ee loo soo gaabiyo NAN.
Nigeria ayaa dhawaan ballan qaaday in ay Soomaaliya u direyso hal
battalion oo ciidan ah oo ka mid noqda ciidamada Midowga Africa ee nabad
ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobey (QM) waxay hadalkaas Nigeria
gaarsiisey kaddib markii ay guriga Nigeria ee New York ku booqatay Joy
Ogwu oo ah wakiilka Nigeria ee Qaramada Midoobey.
"Waxaan dooneynaa inaan ogaano wax dib u dhigaya ballan qaadkii
Nigeria in ay ciidama QM ee nabad ilaalinta Soomaaliya", ayey tiri
wakiilka Maraykaanku.
"Jawaab sugan oo laga helo Nigeria oo ku saabsan diritaanka
ciidamadeeda waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u fududayneysaa
qorshaynta iyo go'aanka marka la gaaro June 1," ayey tiri safiirka
Maraykanka ee QM.
Ogwu waxay ku celisey sida ay Nigeria uga go'an tahay ammaanka iyo
nabad galyada caalamiga ah, gaar ahaan ayadoo loo marayo hawlagallada
nabad ilaalinta. Sida warku sheegay.
Zenawi
muxuu ka yiri Shariifka iyo Shareecada Islaamka..
Dhegeyso
ama
Soo Rogo
(MP3) ama
Akhri...
(English)
Khariidadda Dhulka Soomaalida ee Geeska Afrika
Isha sawirka: http://sthweb.bu.edu