SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

GOLAHA GUURTIDA BEELAHA JAREERWEYNE OO BAAQ FURAN U DIRAY DHAMMAAN QEYBAHA KU HOWLAN ARRIMAHA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareerweyne Ugaas Aweys Sheekh Xuseen (Honeero )

Waxaa maanta na  soo gaaray qoraal Ujeeddadiisa aheyd Baaq Furan oo ay ku saxiixnaayeen 21 oday dhaqameed oo ka soo jeeda Beelaha Jarerweyne oo ka hadlayay dhinacyo badan gaar ahaan xaalada cusub ee ku soo korodhay dalka Soomaaliya.) 

Baaqa furan waxa uu u qornaa sidan soo socota:- 
 

Ref. GGBJ-0021 Date: 11/02/2009 
 
Ku: Dhammaan Qeybaha ku howlan Arrimaha Soomaaliya 
Ujeeddo: BAAQ FURAN

 
Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Guddoonka iyo Guddiga Fulinta ee Golaha Guurtida Beelaha Jareerweyne Xaruntooda magaalada Muqdisho 11/02/2009, ayay ka soo saareen baaqan ka kooban Qodobada hoos ku xusan:- 
 
1) Falka isku-darka Xubnaha Labadii qeybood oo kala ahaa Qeybtii Dowladda TFG-da iyo Xubnihii Isbahaysiga Dib –U- Xoreynta Soomaaliya oo lagu Unkay Baarlamaan Midnimo Qaran, waan soo dhoweynaynaa haddii aan nahay Golaha Guurtidda Beelaha Jareerweyne, isla markaasna waxaan u mahad-celinaynaa Dowladihii, Ururadii iyo Shaqsiyaadkii ka soo qeyb-qaatay hirgelintiisa, wuxuuna si gaar ah Golaha ugu mahad-celinayaa Madaxweynaha Dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Md. Axmed Walad Cabadalla.

2) Soo dhoweynta iyo mahad-naqa aan soo jeedinayno waa naga dhab ee wax ku raadin nagama aha, waayo sida runta ah dhibaatada ugu weyn ee ka jira soomaaliya wuxuu ku dhacayaa Beelaha aan Hubaysneen ee Jareerweyne, haddii ay tahay dhinacyada Nabad-galyada, Maciishada, Mustaqbalka, xuquuqda aasaasiga ee qofka, xuquuqda Muwaadinimo iyo xuquuqaha kale ee la xiriira nolosha qofka, kuwaaso Golaha uu aaminsan yahay in dib loo heli karo oo kaliya haddii uu Soomaaliya si daacad leh lugaheeda dib isutaagto oo la helo sharci iyo kala dambeyn oo miisaaman.

 3) Hayeeshee, sida ay wax u socdaan uma muuqdaan mid keeni kara in dalka xasilooni iyo deganaantii dib ugu soo laabanayso, mar haddii xitaa Maxkamadihii Islaamiga aane ogoleyn in xaqiiqada dhabta ah ee ka jira Soomaaliya la taabto mar haddii 200-xubnood ee Baarlamaani ah oo xagooda soo maray oo ay Soomaali u qeybiyeen, Beelaha Jareerweyne oo 18-ka Gobol ee uu dalka ka kooban yahay ay ka degaan 9-Gobol ayay ka xuseyn oo kaliya 6-Xubnood, taas Goluhu wuxuu u arkaa in ay tahay dhiiro-gelin fowdo iyo sii socodka kala dambeyn la’aanta, waxaase hubnaa oo aan aamin-sanahay in ILLAAHAY Dulmi Garbeeynaynin dalkuna u afduuban yahay.

4) Dilkii Marxuum Saciid Tahliil Axmed, anagoo ka tiiraan-yeesan falkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Wariyaha, ayaa Golaha Guurtida ugu Tacsiyeenayaa Qaraabadii, Eheladii, Bahda saxaafadda Soomaaliyeed, iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana ILLAHAY uga baryeenaa JANNADII FARDOWSO siiyo anagana Samir & Iimaan Rabi naga siiyo, dhanka kale Goluhu wuxuu rumaysan-yahay in Dilkaas lagula kacay Marxuum Saciid iyo Wariyaasha kale loola jeedo in lagu aamusiyo Saxaafadda Madaxa banaan ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho, haddii aan nahay Beelah aan Hubaysneen waxaan qabnaa in Saxaafadda ka jirta Soomaaliya in ay noo tahay meesha kaliya aan fikradaheena ka gudbino, waxaan ka xunahay in hadda loo soo jeestay in la aamusiyo, INSHA ALLAAH Saxaafadda Xorta waa sii jir doontaa. 

5) Ugu dambeyn qeybaha ku howlan arrimaha xal-u-helidda Soomaaliya, waxaan u soo jeedinaynaa in arrinta soomaaliya dib u eegid dhab ah ku sameeyaan, xaaladuna ay u egtahay in anay fari ka qodneen.

 

Wabi-lahi-Towfiiq 
 
GUDDOONKA IYO GUDDIGA FULINTA

Waxaa soo tebiye:

AmiinYuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2009


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed..
Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS