SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAFLAD

Xaflad taageero C.C.C. Sharmaarke oo oo ka dhacday Jeddah

Qaar ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee jaaliyada magaalada Jeddah ee wadanka boqortooyada Saudi Arabia ayaa hambalyo iyo taageero u diray raisal wasaaraha cusub ee soomaliya Mudane Cumar C/Rashid C. Sharmaarke iyo guud ahaan dowlada cusub iyo madaxweyne Sh. Shariif iyagoo u arkay in ay xiligan jirto fursad qaali ah oo lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhacda Soomaaliya.

Xubanaha Jaaliyada ayaa ugu baaqay dowlada cusub inay ka shaqayso soo celinta amniga iyo kala danbaynta wadanka, horayna u sii wada wada-hadalada iyo dib u heshiisiinta guud ahaan, si loogaaro in soomaaliya ay mar labaad cagageeda isku taagto.

Waxay sidoo kale cadeeyeen in loo baahan yahay in ciidan qaran oo xoog leh la dhiso si looga baxo nidaamka maleeshiyooyinka ee wadanka soo daashadey muddada dheer.




C/raxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

TAAGEERO IYO HAMBALYO AY BEESHA AURTABLE U DIRAYAAN PM, MUDANE CUMAR C. SHARMAARKE

Maanta oo ah February 13 2009, ka dib markaan odoyaash iyo wax garadka Beesha aan ku kulanay xiriir isgaarsiin waxaan isla garanay inaan u gudbino Taageero iyo Hambalyoba Wasiirka kowaad ee DFM Somaaliyeed Mudane: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxaan aamin sanahay inuu Mudanahu uu ehel u yahay xilkaas uuna si habsami wacan oo ku salaysan aqoon iyo xirfad qaranimo uu u gudan doono xilkaas. Waxaan kaloo qiraynaa inuu yahay aqoon yahan dhisi kara Dowlad midnimo qaran uun yahay nin u bisil wadciga xaadirka ah uu dalka uu ku sugan yahay. Waxaan ku kalsoon nahay inay Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Wasiirkaba si wada jir ah ay abuuri karaan nabad, midnimo iyo qaranimo Somaliyeed.

Ugu dambaystii waxaan hambalyadayna ku soo gunaanadaynaa inaan ku faraxsanahay magaacaabistiisa aana u rajaynayno inuu Ilaahay la garab galo ambi qaadista iyo taaba galinta wax qabad natiija wacan leh. Somaliu waa Hal Geed oo Laama Badan Ilahayna muwaafaqo waarta ha dhex dhigo.

Mahadsanidin,

Wabilahi altowfiiq

Mohamoud Sheikh <somalicommunity96@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2009


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed..
Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS