SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Xildhibaan Bilaal oo soo dhaweeyey Hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland

Mudane Mohamed Ali Bilal ‘’Waxaan soo dhawaynaynaa hadalkii ku xigeenka Maamulka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin uu ku cadeeyay in dalka Soomaaliya uusan xuduudo kala lahayn isla markaana Midnimada Umadda Soomaaliyeed lama huraan tahay‘’.


Bilaal

Ku xigeenka Maamulka la magac baxay Soomaaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin ayaa mar uu ka hadlaayay shirka lagu qabtey magaalo madaxda Madaxda Hargaysa ka sheegay inuu soo dhawaynaayo doorashada lagu soo doortey dalka Jabuuti Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaa goobta ka cadeeyay in dalka Soomaaliya midnimadeeda lama huraan tahay ayna yeelan karin xuduudo cusub, laakinse loo baahan yahay marka hore in Koonfurta Soomaaliya maamulkeeda soo hagaajisato kadibna laga wada hadlo sidii dalka oo dhan loo midayn lahaa.

Run ahaantii waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Axmed Yuusuf Yaasin anigoo ugu hambalyaynaya hadalkii geesinimada lahaa ee u dhawaan ka jeediyay munaasabadii lagu qabtey magaalada Hargaysa, hadalka ka soo yeeray masuulkan ayaan u arka mid ka turjumaya xaqiiqda waayo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa sinaba looma kala qaybin karo mana loo kala jari karo, Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Waqooyiga Soomaaliya iyo kuwa koonfurta ku nool marnaba ma kala maarmi karaan ayuu yiri Mudane Mohamed Ali Bilaal.

Hadii ay wax tabanayaan waxay ila tahay inay miiska wada hadalka la soo fariistaan walaalahooda kale Soomaaliyeed si wixii mugdi ah ee dadka ku kala jira looga wada xaajoodo, marka caalamkiiba baa hal wadan isku noqday halkee baa Soomaali ku kala tagi kartaa iyadoo isku ah ul iyo diirkeed waayo Dadka Soomaaliyeed waa hal dad oo isku af, dhaqan iyo Diin ah isla markaana isu wada ah xigto iyo Qaraabo

Sidaa daraadeed waxaa farxad weyn noo ah inaan ka maqalno masuul sare oo ka mid masuuliyiinta Maamulka Somaliland inay meel fagaare ah ka caddeeyo waxa runtu tahay oo ah in Soomaali kala tagi Karin islamarkana aan xuduudo beneead loo kala samayn Karin dalka Soomaaliya oo dhan ayuu marka kale yiri Mudane Bilal.

Mudane Mohamed Ali Bilaal oo ka mid ahaa mudanayaashii Baarlamaankii dowladii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobalada Sanaag Soomaaliya, gaar ahaan ayaa soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Madaxwayne ku xigeenka Maamulka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin.

Waxaa kala xiriiri kartaa Bilal E-mailka hoose ku qoran:

Mudane Mohamed Ali Bilal

ayax3@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS