Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Soo Gebagebeeyey Kulamadii
Musharixiinta Xilka Ra’iisul Wasaaraha
Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gebagebeeyey
kulamo gaar gaar ah oo uu la lahaa Musharixiinta Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada cusub ee Soomaaliya iyo Xildhibaanada Shanta Beelood
saacadihii ugu dambeeyey 11/02/2009-da, sida aan ka helney ilo wareedyo
kala duwan oo ku dhawaa Aqalka Martida ee Madaxtooyada dalka Jabuuti uu
ka degan yahay Madaxweyne Sheekh Shariif.
Xubnihii ugu dambeeyey ee uu la kulmey Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa
waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Shirkada Ganacsiga ee Towfiiq Md, Siciid
Cabdullaahi Deni oo fadhigiisu yahay Magaalada Dubai, kaasoo la filayo
in loo magacaabo xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
Mid ka mid ah Xildhibaanada ARS oo aan khadka taleefoonka kula xiriirey,
islamarkaana aan wax ka weydiiyey halka ay wax marayaan ayaa wuxuu yiri
“Musharixiinta uu la kulmey Madaxweynaha magacyadooda waxaa isku soo
harey oo aan la tiring Siciid Cabdullaahi Deni, Cumar Cabdirashiid Cali
Sharma’arke iyo Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo markii dambe
laga tirey isana magaciisa meesha”.
Isku dayo kala duwan oo aan sameyney magacyada dadka Musharixiinta
Ra’iisul Wasaaraha isu soo sharaxay, islamarkaana aan wax ka weydiiyey
xubno kala duwan oo ka tirsan Baarlamaanka labada dhinac iyo qaar ka mid
ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee jooga madasha Jabuuti cida loo
magacaabayo ayaa waxay carabka ku adkeeyeen in uu yahay Ra’iisul
Wasaaraha cusub ee Xukuumada TFG Md, Siciid Cabdullaahi Deni,
Madaxweynuhuna uu ku jiro kala doorasho labada xubnood ee isku soo harey.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com