SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Maalmihii safarkii saxfiyad Bushaaro oo  ka sodcaashay Puntland

waxay aheyd maalmo aan sina dareenkeyga uga bixi karain inta aan noolahay maalmahaasi feker iyo murugada i hayey uu ku abuuray dareenkayga wel wel iyo naxdin ay ii nooqdeen wehelka ugu horeeya ee aan yeesho waa maagalada Bossoso oo xiligu waa xagaa bartankisa waxaan ka hawal galaayey Tvga ETN anigoo aan marna filan wax dhibi kara nafteyada ayaa mar qura waxaa igu soo dhacay fariimo dhiilo ku abuuray nafteyda oo ahaa handadaad iyo cabsi gelin koox aan haaybtoda aqoon ii soo mariyeen telefoonkii gacanata aan watay kuwaasi oo dhaar igu maray in ay talaabo iga qaadi doonaan oo aan ahay qof islaanimada ku xadgudbaaya

markii aan helay fariimihii hore waxaan u qaatay dad igu ciyaaraya oo dheg jalaq uma siin lakiin waxaa igu soo batay fariimaha halista ah ee igu soo dhacaya oo aakhirkii isu bedaly in talefoonka si toos ah la iga so waco oo la iiga hanjabo, xogaa cabsi ayaan markaa dareemay waxaan galay dareen fejignaan ah balse xili habeen ah anigoo ka sii socda goobtii shaqada anigoo adeegsanaaya gaari aan watay si xawli lehna ku socda aayan mar qura maqalay dhawaqa raasas xoog oo lala beegsanaayo gaarigayga sheelaraha ayaan ku sii istaagay si gaarigu u siiqaato xawli dheer ilaahay mahadisa waan ka badbaaday dhagartii ay wadeen kooxaha qaswadayaasha ah maalinkii waxii ka danbeyey waxaan joojiyey shaqadii waxaan soo koobay socodkii gaariga iyo kii lugta aan magaalada ku mari jiray Aamin xumo darteedad waxaan uga guuray gurigii aan deganaa waxaan degay hoteel ka mid ah kuwa Boosso ugu amaanka badan oo magaciisa la yiraahdo HOTEL HURUUSE oo si weyn iigu soo dhaweeyay maamulkiisa markaasi gacanta ku hayey waxaana goostay in aan ka huleelo gebi ahan magaalada Bososoo maadaama nafteydu qalqiil gashay

goor subax ah ayaan ka raacay diyaarada ayr jibuuti anigoo ku sii jeeda dalka Djibuti si aan mar uun u sal dhigo meel ay ka jirto amni iyo kala danbeeyn weyn oo aan nafta ku sii ruux raajiyo iyadoo tii ilaahna ay meesha taalo habeenkaasi aan jibuuti tegay waxuu ii ahaa habeen aan runtii oran karo waa habeen aan ka baxay nolol sas qarow iyo cabsi xanuun badan oo aan is lahaa goormaa laguu soo dhici donaa goormaa xabadi ku siibi dontaa somaliyana maanta waxaa ka socda dilalka qorshaysan, isla markaana la qaadi karain tillaabo dadku isaga kaashanayaan sidii arimahaa wax looga qaban lahaa.iyagoo koxahaasi ay noqdeen cadawga keliya ee fuliya dilalka iyo gacan gaysashada amaan darida dalka ka taagan maanta kuwaasi . caga juglaynta ku hayo culimada iyo dadka aqoonta leh iyo qof walaba oo markaasi ay u arkaan inuu qatar ku yahay jiritankooda si sheki ahaan iyagoo aan wax hubsan ku dilay dad aad u tiro badan oo aan waxba galabsan

maalmo yar oo aan jibuuti jogay ayaa waxaa iga baxay wel welkii iyo cabsidii waaxana noqday qof uu ka degay kar xoogan waaxan u nastay si aaynan ku jirin cabsi waxaan ka sii fikiray sidaan u sii wadan lahaa socdaalkeygii iyo halka aan ka sii dhigan doono saldhig intaan ka heli doono qorshayal kale waxaana ku fekeray in aan u soo socdaalay dalka ethobiya anigoo diyaarad u soo raacay magaalada hargeysa waxaan halkaasi sii joogay mudo 7 cisho ah waxaan ka soo qaatay fisaha dal ku galka ethobiya dabedadna diyaarada ethopian erleyn aan ka soo raacay hargeysa kadibna aan imi dalka ethobiya gaar aahan magaalad adis sababa

markii aan soo gaary magaalada adis sababa waxaan galay nolol hor leh oo ka duwan tii hore waxan noqday qof degaan ah markii aan maalmo nasiino qaatay aayan bilaabay in aan nolol aduun ka wardoono waxaan bilaabay waxbarsho dhanka luuqadaha ah

intaasi ka dib waxaa xiriir dhanka caalamkaa ii bilaabay ururka saxafiynta qaranka soomliyeed oo iigu qaylo dhaamiyay caalamka si wax looga qabto dhibkaan isoo gaaray igana soo bara kiciyey shaqdii aan haystay iyo hooyga runta ee aan deganaa

isla maalmahaasi waxaan helay tageero dhaqaale oo aan ka helay ururo caalami ah madaama ay doodeen ururkii saxafaada soomliya waaxaana ii bilaabatay nolol la mid ah tii aan ku haystay magaaladii aan degnaa PUNTLAND SOMALIA BOSASO

marka aan xasuusto ama ay igu soo dhacaan dareenkeyga maalmahaasi waaxa igu soo dhacda dood xoogan oo aan la yeesho nafteda xataa miyir ahaan igu abuurta qal qal aan yara ku mashquulo markaan gocdo xasuustaasi madow ee soo martay noloshayda.

waxaan qaybta xasuusta ee dareenkeyga kaga qoray qol gaar ah maalmahaasi kadib waxaan ku noolaa magaalada adis,sababa mudo lix bilood ah kadibna waxaa ii suuro gashay in ey ila soo xiriiraan urur u dooda saxaafada oo magaciisa la yiraahdo {DOHACENTRE FOR MEDIA FREEDOM } fadhigoodu yahay magaalada QADAR kaasai ay suurta geliyeen ururka nuosj oo ahaa bud dhigihii in aan gaaro halkaasai caasumada DOHA kadibna waxaa ii suurta gashay in aan soo aado Doha kadibna waxaa si wanaagsan iigu soo dhaweeyay staff kii DohoCentre for media freedow iyo qaarkale oo journalist yaal ah oo igu sugaayey erboorka casumada Doha kadib markaan joogay Doha mudo 7ba cisho ayaa waxaa journalist yaasha caasumada Doha aay iga codsadeen in aay ila yeeshaan wareysi oo aay iigu yimaadaan hooga aan ka daganaa Caaasumada Doha kadibna aay wax iga weydiiyeen arimihii isoo maray intii aan ku sugnaa magaalada bosaso kadibna waxaa la igu soo qoray jornaalada ka soo baxa caasumada Doha ee ugu waaweyn oo dad weynaha ku nool aay u hanqal taagaan jornaalkii maanta soo baxa in aay ogaadaan waxii caalamka ka cusub. dad badan oo soomali ah ayaa ku nool caasumada Doha waxeyna isku dayeen in aay ila soo xiriraan marki aay arkeen jornaalada oo aay i bartaan maadaama aan ahay joornaaliistihii ugu horeeyey aay qaabilaan Dowlada Qadar kadibna waxaan galay nolol aad u wanaagsan oo ka wanaagsaneyd tii aan ku haystay wadanka somalia guntii iyo gabagabadii socdaalkeygii bosaso ilaa casumada Doha ee aan haatan ku suganahay ayaa waxuu ii ahaa mid aan baal dahaba kaga qoray maskaxdeyda lagamana yaabo in aan hilmaamo markii aan soo xasuusto mararka qaarkood waxaan arkaa anigoo iska ilmeynaya haatana waxaan joogi doonaa DOHA ilaa sadex bilood kadibna iishaa alaah waxaan sii aadi doonaa wadan kale oo aan ka helay magan galyo .

Waxaa soo tebiyey Sheekhaduun

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS