SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Dood Kulul ayaa dhexmartay Wariyaasha Bosaaso, iyo Xukuumada Puntland.
 

Sawirada Halkan ka daawo...


Bosaaso:- Dood Kulul ayaa dhexmartay Wariyaasha Magaalada Bosaaso iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Cusub ee Pl, Kulankaasi oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay sidii loo Xalin lahaa, Khilaafyada ay Dawlada ka tirsanayaan Wariyaashu ayaa ku dhamaaday Guul.

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Pl C/Shakuur ayaa Doodaasi Furay waxana uu sheegay in Wariyaasha loo soo Jeedinayo dhaliilo xoogan kuwaasi oo iyana wax ka Tabanaya dhanka Maamulka.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee NUSOJ C/saaq Cumar Ismaaciil SHeekh Aduunyo ayaa Munaasibadaasi ka hadlay waxana uu sheegay inay Wariyaashu dhaliilo badan u soo Jeedinayaan Maamulka Pl, kuwaasi oo Tacayo xoogan kala Kulmay Mamaulka Cusub, SHeekh Aduun ayaa xusay in Loo baahan yahay in laga Gudbo, Carqaladaasi.

Doodaasi ayaa waxa Maamulka u joogay Wasiir xigeenka Warfafainta Pl C/Shakuur Mire Aadan, halka uu isna Goobtaasi Joogay Gudoomiyaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Somaliyeed C/saaq Sheekh Aduun, Waxa Xusid mudan inay Kulankaasi soo qaban qabaiyeen Maamulka sare ee Machadka Tababarka Saxaafada Somaliyeed.
Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee NUSOJ C/saaq Cumar Ismaaciil SHeekh Aduunyo ayaa Munaasibadaasi ka hadlay waxana uu sheegay inay Wariyaashu dhaliilo badan u soo Jeedinayaan Maamulka Pl, kuwaasi oo Tacayo xoogan kala Kulmay Mamaulka Cusub, SHeekh Aduun ayaa xusay in Loo baahan yahay in laga Gudbo, Carqaladaasi.


C/laahi Ayaanle oo ka ah Maamulaha Iskuulka Tababarka Saxaafada ee magaalada Bosaaso ayaa doodaasi qaybinayay waxana uu ugu horayn hadalka siiyay, Wasiirka Xigeenka Warfaafinta. waxana uu sheegay isaga oo Jawaabay Hadalo Kulul oo ay u jeediyeen Wariyaashu Wasiiradiisu ayaa waxa uu sheegay C/Shakuur in ay Wasaaradu dhawaan Bilaabayso,shaqooyin badan isaga oo dhanka Wariyaasha u soo Jeediyay inay dhistaan Dallada Midaysa.

Maahir Jaamac Aadan oo ka mid ah Hawlwadeenada Machadka tababarka Saxaafada ayaa isna doodaasi ka halay waxana uu sheegay inay iyagu Beerayaan Boqolala Saxafiyiin Wiilal iyo Gabdho ah,, kuwaasi oo dhawaan Iskuulka ka Qalin Jabidndoona, Maahir aya Mahad balaadhan u soo Jeediyay dhamaan dadkii Kulankaasi soo Xaadiray.

Maxamed Cabdi Xuub oo ku hadlay Magaca Ardayda ayaa isna Halkaasi Khudbad dheer ka soo Jeediyay, Mr Xuub ayaa xusay inuu aad ugu Faraxsanyahay Inuu Munaasibadaasi ka hadlo, isla markaana waxa uu sheegay inuu dhamaan u Hanbalyanayo dadkii halkaasi Joogay.


Maxamuud Rawje oo ka mid ah Aradayda Machadka isla markaana Kaalin wayn ka qaatay Abaabulka Barnaamijkaasi ayaa halkaasi Gab Gebadii Hadal ka soo Jeediyay, Mr Rawje ayaa si Kulul uga hadlay in Wariyaasha Somaliya ay dhibaato ku shaqeeyaan isla markaana marka loo eego shaqada ay Hayaan iyo Colaada Dalka ay Tahay wax aad loo Naxo.
Axmed Maxamed Faarax [Axmed Jookar] oo ka mid ah Wariyasha xirfada badan u leh, Arimaha saxaafada ayaa isna Munaasibadaasi ka hadlay waxana uu aad uga hadlay in Maamulka Puntland uu wax wayn dib uga dhacay soo Kobcinta Saxaafada Puntland, Axmed Jookar ayaa xusay in Puntland ay 11-Jirsatay isla markaana aanay jirin wax Xeer ah oo dhanka Saxaafada lagu dhaqo, Mr Jookar ayaa Dawlada ku dhaliilay inay wax badan ka oogan shaqooyina Wariyaashu ay u hayaan Maamulka PL.

Jaamac Feyte

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS