SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabakii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Isu ekaanshaha madexwenayaasha Sheikh Sharif iyo Obama:

Waxaa sharaf iyo amaan iska leh Eaba aduunka abuuray. Naxaris iyo Nabadgalyo Ha, ahaato Suubanaheena Mohammed C.S. W iyo inta wadadiisa qaaday aamiin aamiin

Waxaa jeclahay inaan dhoor waxyaalood ay isaga midyihiin labadan madexwene aan magacooda kor kusheegay aan dadweenaha usoo bandhigo. Waxan kusoo koobi 20 tusalooyin ama sifooyin waana sidatan:


Ugu horeentii, magacoodu waa isku macne Shariif waxay utaagan tahay qof sharaf leh Barak is tentamount to ” blessing person ” ama qof sharaf leh madama labo jinsi oo kala duwan iska dhaleen Obama ayaa sidaa sheegay Ogoow aqristoow magaca qofka loobixiyo inuu kusifoobo wanaag iyo sharba. Sh. Sharif Wuxuu dhashay dalka somalia oo xoraa 1964 halka Obama isna dhashay midab takoorka kadib 1961. Sh. Sharif waxbarashada wuxuu kubilaabay madarasad Qur,an oo Mahadaay kutaal Halka Obama isna madarasad Islami oo Indonisia kutaal waxbarasho ugu horeesay kuqaatay . Sh. Sharif dugsiga dhexe iyo sare wuxuu kuqaatay iskuulka ugu fiican xiligiisii Shiek Ali Sufi halka Obama dugsi sare kuqaatay Hawaii High School oo ahaa iskuul qaaliyaa oo uu isagu inta badan sheegay inuu sabab u,ahaa isbedelka noloshiisa. Sh. Sharif wuxuu kabaxay labo jaamacadood oo kala ah Kordafan University uu kuqaatay geography and Arabic language iyo Libiya uu kuqatay law and shareca . Obama wuxuu isna dhigtay Columbia University and Harvard University kuna qatay law. Jamacada kordafan wuxuu ahaa Sh. Sharif shaqsiga ugu firfircoon ajaanib ahaan iyo arday ahaaanba. Obama wuxuu ahaa ardaygii ugu horeeyey ee madoow oo madexwene kanoqda Harvard University qeebta Law Review.


Sh. Sharif wuxuu ahaa arday masajidyada kuxiran yaranatiisa . Obama kaniisada ayuu ilaa yaranatiis kuxirnaa labaduba diimaha way yaqaaniin. Waana dad qunyar socod ku ah diinta ay heestaan oo nabad jeceelka waa isaga mid iyo in wax kasta wada hadal lagu dhameeyo marka hore. Sh. Sharif shaqadii ugu horeesay jamaca kadib waxay aheed inuu uqidmeeyo dadyowga jowhar halkaas uu kunoqday garsoore dadka kala xukuma waxbadana utaray dadka laga awood roon yahay ee looma ooyaanka taas ayaa sabab u aheed in xukunkii qowlesataha uu soo eryo madama cadaalad meesha laga aqoon . Obama wuxuu ahaa community organizer gobolka Illion oo dadka aayahooda kataliya qaasatan dadka dan yartaa sharicga ayuu kacaawin jirin madama Law baranaayey shaqooyinkana waa kacaawin jiray. Sh. Sharif wuxuu ahaa macalin dugsiga Juba ee degmada Yaaqshiid kuyala sidoo kale Obama used to be teacher macalinimada waa fanka ay jecel yihiin labada medexweyne.
In 2002 Sh. Sharif wuxuu qudbad aan caadi aheen kajeediyey magalada Jowhar kadib markii xilka garsooraha loo doortay taasoo kusheegay inaysan jirin kala sareen dadyowga reer jowharna isku sina xukunku uqaban taasoo dadkii uriyaaqaan waayo kalmadaas cadaaladaa oo kale hortiis nina ma isticmaali jirin. Obama 2002 wuxuu qudbad heer sare kajeedisay in Chicago’s Federal Plaza, oo kaga soohorjeedo dagalka Iraq. In 2004 Sh. Sharif wuxuu noqday madaxa sare ee maxkamadaha sii sii ee kutaalay xaafada aan deganaa halkaas uu qudbad caalami kajeediyey taaso lamid aheed tii 1994 Sh. Ali dheere kusoo jiitay dadyowga kunool waqooyiga mogadishu. In 2004 Obama delivered an electrifying speech to the Democratic Convention. Taasoo noqotay qudbadii ugu fiicneedq qarniga 21 aad. In 2005 obama wuxuu noqday xidig kadib dorashadii ladoortay dhamaadkii 2004. in 2005 Sh. Sharif wuxuu noqday madaxa midowga maxaakimta UIC. In 2006 Obama wuxuu cadeeyey inuu kamid yahay musharixiita madexweni nimada 2008. in 2006 Sh. Sharif wuxuu hantay maamulka dalka intiisa badan from Galmudug state through Galdaduud to kismaayo 47% dhuka soomaaliya oo dhan. 2007 obama iyo Hillary Clinton waxay ahaayeeen kuwa ugu cadcad musharixiinta democratic halka Sh. Sharif iyo Sh. Hasan dahir ahaayeen kuwa ugu cadcad midowga maxaakimta iyo isbeheesiga dib uxoreenta dalka . 2008 tartatka xisbiga demogradic waxaa kuguulestay Obama halka isbeheesga dib uxoreenta garabka Sh. Sharif dibada iyo xiriirka caalamiga kuguulestay. Isla 2008 Obama wuxuu noday madexwehii USA. Halka sharif noday musharaxa quraa ee dib uxoreenta taasuu kuguulestay isna. In 2009 Obama wuxuu kufaristay kursiga madexnimada. Sh. Sharif isna wuxuu 2009 kufaristay kursiga somalia. Labaduba waxay heleen aqlabiyad aad uweyn aan horay musharax kahoreeyey helin.


Sh. Sharif waa madexwenihii ugu da,da yaraa ee somalia soomara wuxuu kaloo kamid yihiin kuwa ugu da,da yar madexwenayasha Africa . Obama waa madexwenihii ugu horeeyey ee madow ah. Sh. Sharif waa codkar iyo hadal yaqaan sidii marxuum Siyaad Barre. Obama waa hadal yaqaan sida Bill Clinton. Ogow aqristow Sh. Sharif labo caroor kaliyaa ayuu lahaa xiligii aan ogaa. Obama labo caruur kaliyuu leeyahay. Sh. Sharif iyo Obama waxay aad iyo aad isaga shabahana dulqaadka ceyda iyo canbaareenta dadka kasoo horjeeda ama latartamaayo kuhadlaan midkoodna wax xun afkiisa kama soobixin intay ku kala jireen jihaadka iyo doorashada. Sh. Sharif aabihiis waa caalim weyn Sh. Ahmed. Obama aabihiis waa aqoon yahan oo waxbarashuu uyimid U.S. A Hadaba waxaa yaabaa labadan madexwene siday iskugu dhaw yihiin taariiq ahaan taasoo rajeen inay dalalkooda isbedel weyn kamuujiyaan. Waxay kaloo isaga mid yihiin labada madexwene waxaa kamidaa labaduba waxay kayimadeen East Africa waana isku sinji xamiiti. Waxan Eabe awooda sare leh uga rajeen in dhulka aabayaalkood nabdoonaado.


NB: tusalooyinkan waxay kusalesan yihiin Xaqiiq iyo baaritaan buuxdo wax kabadbadinaa kuma jiraan.


Haduu Alle ogolaado waxaan kaloo soo qori doonaa caqabadaha hortaagan 2dan madexwne iyo waxa dadka doortay kasugayaan. Waxa kaloo kahadli doonaa Arimaha dadka diidan Sh. Sharif ay salka kuhayaan. Waxaan kaloo si gooni uga hadli doonaa sababta Sh. Sharif ubulaaaley iyo cida uduceesay ee inuu xidig 14aad noqdo Ilaahna ka aqbalay taasoo joogay meeshii loogu duceeyey xiligaas.



Name: Taqi B. Hassan
Degree: BBA Biztek University -
Resident: Minneapolis, U. S.A
Tell: 612-644 1817
taqibashir@yahoo.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS